noocnooc
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
noocnooc
-a: (magacwadareed) qaybqayb, jaadjaad. Ubax kala noocnooc ah ayaa lagu quriyey Dh: jaadjaad, cayncayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
noocbanooc
-a: (magac, laba, keli) caymba cayn Dh: jaadbajaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caynbacayn
-ka: (magac, lab, keli) noocyo ama jaadad kala duduwan oo is dhex yaalla. Ubaxyo caynbacayn ah ayaa ka baxay beertii aan tegey. Dh: noocnooc, jaadjaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daacaqurun
-ka: (magac, lab, keli) jahawareer caloosha ku dhaca kolka cuntooyin kala noocnooc ah xilliyo isku dhawdhaw oo kala dambeeya la cuno oo kolkaa daaco silloon oo urxun la daaco. Dh: daacaqudhun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaashaysan
(tilmaame) shey aan isku ekayn oo kala noocnooc ah sida harrarka goosgooska ah. Dh: midabaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaadjaad
(tilmaame) dhalan iyo samays kala geddisnaan; walxo kala isir iyo sinji duwan. Dh: cayncayn, noocnooc, jaadbajaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoocyooc
-a: (magac, lab, keli) eeg yooc.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BOOC-BOOC
(Bo'o-bo'o) All.Som. Calotropis procera. (Ait.) Ait.F. Asclepiadaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doocdooci
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: dooci.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nooloow
(v) stay alive; live long
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doocdoocin
m.dh la-mid: doocin.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Notochord
Adhax
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BOOCO-BOOCO
(Bo'o-bo'o) All.Som. Calotropis procera. (Ait.) Ait.F. Asclepiadaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koockoocsan
(tilmaame) wax soo kuuskuusan oo jidhka kale ka soo foocsan. Like badan ayaa dhulka ka soo koockoocsan. Dh: koonkoonsan.