nolo
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
nòlo
s.m. - nooli, ijaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nolol
(Nolo-sha)
1. Kolka la dhasho iyo kolka la dhinto inta u dhexaysa, sida nafluhu yahay ama ku sugan yahay.
2. Inta naftu joogto.
3. Si lagu nool yahay oo lagu dhaqmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nolol
m.dh 1. Muddada naftu joogto ee u dhaxaysa dhalashada iyo dhimashada. 2. Si lagu noolyahay oo lagu dhaqmo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nolol
f. n. life, lifetime; stages of life
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nolol
-nolosha: (n) life (laayfy living (liivin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nolol
-sha: (magac, dhedig, keli) xaalad u dhaxaysa marka noolaha nafta lagu afuufo ilaa dhimashadiisa oo ay ku jiraan neefsiga koridda dhaqdhaqaaqa taranka iyo wixii la mid ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nolol
de: life, lifetime; [pl] stages of life
lx: nolol
pd: (/sha)
ps: n1-f
key: nolol
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
nolol
حَيَاة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aakhiro
(Aakhira-da)
Meesha iyo nolosha danbe oo lagu noolaan doono, kolka adduunka laga tago.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Busaarad
(Busaarad-da)
Gaajo iyo arrad iyo nolol xun ku noolaad; dacas; dacdarro; rafaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darxumo
(Darxuma-da)
Nolol aan wanaagsanayn oo silic ah; daranyo; dacdarro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaqan
1. La dhaqaaleeyey; nolol fiican ku nool; ladan.
2. La mayray; mayran; xalan, qasaalan.
3. (Dhaqan-ka) Hab ama hidde lagu dhaqmo oo lagu nool yaahay oo facba faca ka horreeya ka dhaxlo; ilbax; galtibbax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaqmaad
(Dhaqmaad-ka)
Dhaqmidda; si lagu dhaqmo; nolol.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhibaato
(Dhibaata-da)
Nolol ama hawl adag; dhib; dacas; diihaal; baahi; shiddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gun
(Gun-ta)
1. Aan dadka sare oo gobta ah kamid ahayn ee ka tirsan dad hoose oo la liido; aan nasab ahayn.
2. (ulajeeddo wanaagsan) dadweynaha maamulka dhaqanka iyo nolosha tolka ka arrimiya; taliska dadweynaha.
3. Aan dhaqan-wanaagga iyo reer-magaalnimada lahayn ama aqoon, 4. * Dad shisheeye u taliyo oo la gumeysto; beel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilbixid
(Ilbixid-da)
Ilbax gaarid; galtinnimo ka bixid; nolol reer-magaalnimo ah ku dhaqankeed gaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilbixin
(Ilbixin-ta)
1. Kasmo sare iyo nolol wanaagsan oo lagu dhaqmo gaarsiin; galtinnimo ka bixin.
2. (badar) isha ka bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isnoolayn
(Isnoolayn-ta)
Nolol ama naf isku soo celin; wax nool iska dhigid; wax is tarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naf
(Naf-ta)
Nolosha geedaha iyo dadka iyo nafleyda kale oo dhani gaar u leedahay, oo ay kaga duwan yihiin waxyaalaha aan noolayn, oo keenta inay dhashaan oo isdhalaan oo wax cunaan oo koraan oo dhaqdhaqaaqaan, ... nolol; ruux.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Noolayn
(Noolayn-ta)
1. Naf ama nolol ku soo celin.
2. Waxtarid; dhaqaalayn.
3. (soo noolayn) kol labaad noolayn; baqti-afuufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ruux
(Ruux-a)
1. Naf; nolol.
2. Qof.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saabbir
(Saabbir-ka)
Nolol adag ku nool; sabool; cayr; miskiin; faqiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aakhiro
m.dh Meesha iyo nolosha dambe ee lagu noolaan doono marka adduunka laga tago.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afkuxuuble
m.l (-layaal, m.l/dh) Ilmo geel oo isaga oo aan dhammays ahayn nolol ku dhashay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ajal
ajal¹: m.dh 1. la-mid: ajalo. Dhammaadka nolosha qof. 2. la-mid: ajalid.
ajal²: f.g1 (-alay, -ashay) Cid dhimashadeeda sabab u noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aruurin
aruurin¹: m.f.dh eeg aruuri. la-mid: aruuris, ururi, uruuri.
aruurin²: m.dh Maanso, shekooyin dhaqan, taariikh nololeed iyo wixi lamida oo dad kala duwan laga soo xigtay oo meel ku wada qoran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraare
m.l Nolol barwaaqo, caafimaad iyo nabadgalyo leh. la-mid: baraaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Noo
Annaga; xaggayaga.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
noo
pron. and preposition: to us, for us
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Noo
pour nous.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
noo
(pronoun) to us. Ex: noo sheeg..; tell us
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
noo
(magac'uyaal) lagu tusmeeyo qofka koowaad oo wadar ah. Noo daa qalinka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
noo
de: to us, for us = na + u
lx: noo
ps: pro + prep
xe: You drive the car for us!
xv: Adigu baabuurka noo wad!
key: noo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
golo
-ha: (magac, lab, keli) meel lagu arrinsado ama lagu cayaaro. Dh: gole.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jolo
-ga: (magac, lab, keli) midho xabuub ah oo laga sifeeyay qashinkii.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
nódo
s.m. - gunud.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
nono
agg. - sagaalaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
noqo
f.mg3 (-qtay, -qotay) 1. Wax jihadii uu ka yimid dib ugu laabasho. 2. Cid ama wax sidii hore si ka duwan isu rogid, dabeecado gaar ah yeelasho. 3. Ilmo yar saqiirid. 4. La n.: cid arrin iyo wixi lamida si gaar ah ugu muuqasho. 5. La n.: cid saaxiibnimo, qaraabanimo, ama xiriir kale la yeelasho. 6. Ku n.: hawl mar labaad dib ugu laabasho (cid).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
noqo
f.mg3 (-qtay, -qotay) 1. Wax jihadii uu ka yimid dib ugu laabasho. 2. Cid ama wax sidii hore si ka duwan isu rogid, dabeecado gaar ah yeelasho. 3. Ilmo yar saqiirid. 4. La n.: cid arrin iyo wixi lamida si gaar ah ugu muuqasho. 5. La n.: cid saaxiibnimo, qaraabanimo, ama xiriir kale la yeelasho. 6. Ku n.: hawl mar labaad dib ugu laabasho (cid). m.f.dh, noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
noqo
v. turn ~ go back, return
noqo v. be (like something); become, come to be; change
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
noqo
-noqday I noqotay: (v) 1. go back; return (ri teen) 2. become (bi kaam); be turned to. Ex: waxuu noqday nin xun; he turned into a bad person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
noqo
(fal) dib u laabo oo meeshaad ka timi ku noqo. Adigaa yare nogo oo alaabta la illaaway soo gaad. Dh: laabo. Li: kaalay.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
nòto
agg. - macruuf ah, caan ah.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Polo
Kubbad fardood (booloo)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qolo
(Qola-da)
Dad xiriir ka dhexeeyo; cid; reer; dad; tol; jilib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qolo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Qabiil. 2. Ummad. 3. Koox isku meherad ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qolo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Qabiil. 2. Ummad. 3. Koox isku meherad ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qolo
f. n. tribe, clan, group of people; lineage
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qolo
-qolada: (n) 1. tribe (taraayb); clan (kalaan) ~ qabiilo, qabiiL Ex: qoladee baa tahay? to which clan do you belong to? 2. race (reeys); nation (neey-shin) ~ qoon, quruun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qolo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qabil.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qolo
de: tribe, clan, group of people; lineage
lx: qolo
pd: (/da)
ps: n6-f
xe: They are of the same clan.
xv: Waa isku qolo.
key: qolo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
solo
f.g3 (-oshay, -olatay) Hilib iyadoo aan biyo iyo weel la isticmaalin dab ku bislaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
solo
v. roast ~ grill for oneself
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
solo
/sowlow/ (n) 1. muustiko ama hees hal-qof qaado 2. keli ah (aan la wehelin).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
solo
-soshay / solatay: (v) roast, broil or grill for one's self
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sólo
agg. - keli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
solo
(fal) hilib, iyo wixii la mid ah, dabka dushiisa ku dubo.
solo -da: (magac, dhedig, keli) meesha laanta faraceedu ku kala leexdo. Dh: sollo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
solo
de: roast ~ grill for oneself
initial: s
lx: solo
pd: (soshay)
ps: v3b=tr
key: solo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tolo
f.g1 (-toshay, -tolatay) Laba wax oo kala go'an ama kala dillaacsan wax iskula qabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tolo
(fal) wax kaa dilaacay ama kaa jeexmay oo lagu leeyahay isku gayso oo tolo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
vólo
s.m. - duullimaad.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
àngolo
s.m. - xagal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
noolow
f.mg3 (-laaday, -laatay) 1. Wax cumri dheer yeeshay noqosho (nafley). 2. Cid barwaaqoobid. 3. Ka n.: wax ka haqab beelid (cid). 4. Ku n.: cid wax kale nolosheedu ku xirantahay noqosho. 5. Ku n.: cid meel deggan noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
noolow
f.mg3 (-laaday, -laatay) 1. Wax cumri dheer yeeshay noqosho (nafley). 2. Cid barwaaqoobid. 3. Ka n.: wax ka haqab beelid (cid). 4. Ku n.: cid wax kale nolosheedu ku xirantahay noqosho. 5. Ku n.: cid meel deggan noqosho. m.f.dh, noolaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
noolow
inch. v. live, become alive; survive; thrive, prosper
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
noolow
(fall duco' cimrigaa ha raago.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
noolow
de: live, become alive; survive; thrive, prosper
lx: noolow
pd: (noolaaday)
ps: v3a=inch
xe: Long live Somalia!
xv: nooloow
key: noolow
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
anglo
/aangaloo/ (pref) wax ingiriiska ku lug leh ama waddanka ingiriiska la xiriira. e.g. Anglo-French agreement.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bóllo
s.m. - tigid, istaamb, bollo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bolol
(Bolol-ka)
(qori, ilig, kd.) duugoobey ama bahal galay oo xorshosh noqday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bolol
bolol¹: m.l 1. B. ah: qori iyo wixi lamida marka ay duug ama bahal awgiis xorshosh noqdaan. 2. B. ah: miro daawo iyo wixi lamida oo faaday ama xorshashay. 3. la-mid: bololid.
bolol²: f.mg1 (-olay, -oshay) 1. Qori iyo wixi lamida duugnimo ama bahal galay awgeed xorshashid. 2. Miro daawo iyo wixi lamida faadid ama xorshoshid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bolol
bolol¹: m.l 1. B. ah: qori iyo wixi lamida marka ay duug ama bahal awgiis xorshosh noqdaan. 2. B. ah: miro daawo iyo wixi lamida oo faaday ama xorshashay.
bolol²: f.mg1 (-olay, -oshay) 1. Qori iyo wixi lamida duugnimo ama bahal galay awgeed xorshashid. 2. Miro daawo iyo wixi lamida faadid ama xorshoshid. m.f.dh, bololid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bolol
v. become decayed, rot
bolol vl. n. decay, rotting; wear and tear
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bolol
-yey boloshay: (v) mold / (moowldh) also mould; become moldy; decay (di keey)
bolol -ka: (n) mold (moowldh); rotted matter; dry rot
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bolol
(fal) ilig, laf, qori, geed ama miro, qallal oo duugow. Xagar ingegay bololi ogaa. Dh: xorshosh.
bolol -ka: (magac, lab, keli) ilig, laf, qori ama geed gaboobay oo xar galay. Bolol noqdaa xar hadduu geed gala e'. Dh: xorshosha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boolo
m.dh Ciyaarta turubka, hadba marka la dheelayo haadka loo boqro. la-mid: boolayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
boolo
-boolada: (n) trumps (taraampis)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boolo
-da: (magac, dhedig, keli) hadal faan iyo iska dheh ah.
boolo-da: (magac, dhedig, keli) ku wareejinta qaybinta turubka tartamaha laga tiro roonaaday. Boolo turub ma aan baran taniyo yaridiiye.
boolo-da: (magac, dhedig, keli) lacag hore oo ka socon jirtay Geeska Afrika. Dh: bawlad.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
còllo
s.m. qoor, luqun, sur.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
cólmo
agg. - buuxa, sarreeya.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Colon
Xoon
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
colon
(n) the large intestine extending from the cecum to the rectum
mindhicirka weyn
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
colon
/kolon/ (n) 1. malawad (walamad) (n) 2. laba dhibcood oo is-dul saaran (:).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
còlon
s.m. - qabsiin (xiidan).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
colon
colon, n.m. - Qofka mustacmarka ah; Gumeyste
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
côlon
côlon, n.m. - Qaybta hoose ee weyn ee xiidmaha (Mindhicirka) weyn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
color
/kalar/ (ame) colour (bre) (n) 1. midab (v) 2. midabayn (midab u yeelid).
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Colow
name-m combatant, aggressor; fighter, warrior; hostility, enmity, antagonism. Syn: Colaad
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
cólpo
s.m. - jug, qac, nabar; daqar.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
cólto
agg. - aqoon leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doolo
m.dh Caws dhaadheer, rarada laga sameeyo oo geed gaabyada ka hoos baxa.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fólto
agg. - jig ah, cumur ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foolo
f.mg3 (-ooshay, -oolatay) Fooldareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
foolo
f.mg3 (-ooshay, -oolatay) Fooldareemid. m.f.dh, foolasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
foolo
v. be in labor, start to give birth
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
foolo
-foolatay: (v) give birth to: deliver (diliver). Ex: wiil bay foolatay; she delivered a baby boy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foolo
(fal) foolqaad si aad u dhashid; xanuunkii fooshu ha ku qabto. Dh: dhal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
foolo
de: be in labor, start to give birth
lx: foolo
pd: (foooshay / foolatay)
ps: v3b=
key: foolo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
godlo
f.mg3 (-laday, -latay) Neef irmaan godol keenid.