noel
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
Noël
Noël, n.m. - Damashaad sannadkiiba mar ah oo dhalashada Nebi Ciise Masiixiyiintu xusto; Ciidda Masiixiyiintu xusto 25ka Diseember; soo gaabin (qorista); Masiixiyadda.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
novel
/noval/ (n) buug sheeko ah.
novel: /noval/ (adj) wax cusub oo aan horay loo aqoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nool
1. Nafi ku jirto.
2. (Nool-ka) a) Xoolaha (maalka) inta aan moodka ahayn. b) (°) Dadka maraakiibta iyo dayuuradaha kd., raaca haya, lacagta laga qaado oo safarka; nooli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nool
nool¹: m.l.u Hantida inta aan moodka ahayn; duunyo la leeyahay.
nool²: m.l la-mid: noolaan.
nool³: f.mg4 (-laa, -layd) 1. Wax nafi ku jirto ahaansho. 2. Wax aan dansanayn ahaansho (dab). 3. Ku n.: wax qof noloshiisu ku xirantahay ahaansho. Tusaale: “Cali wuxuu ku noolyahay mushaharkiisa.”
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nǫol
m.l la-mid: nǫoli.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nool
nool¹: m.l.u Hantida inta aan moodka ahayn; duunyo la leeyahay.
nool²: f.mg4 (-laa, -layd) 1. Wax nafi ku jirto ahaansho. 2. Wax aan dansanayn ahaansho (dab). 3. Ku n.: wax qof noloshiisu ku xirantahay ahaansho. Tusaale: Cali wuxuu ku noolyahay mushaharkiisa. m.f.dh, noolaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nool
[adjective] alive, living; lively, cheerful
nool: m. n., [collective] livestock
nool m. n. fare (travel money)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nool
-aa / ayd: (adj) 1. alive (alaayv); having life. 2. active (aak'tiv). Ex: waa nin nool; he is an active man
ku nool -aa: (adj) residing, abiding, dwelling, living, in residence
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nool
(tilmaame) nafi ku jirto oo noole ah.
nool: (tilmaame) jira oo la taaban karo.
nool: (tilmaame) la~ la jooga oo ka tirsan.
nool: (tilmaame) «wada wada degan oo isla dhaqma.
nool -ka: (magac, lab, keli) hantida inteeda nool Cali hantidiisu mood iyo noolba way is kugu jirta
nool -ka: (magac, lab, keli) kiro gaadiidka lagu raaco ama alaab lagu saaro. Noolkii markabka waa la jebiyay: Dh: kiro. Li: bilaash.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
angel
/eynjal/ angels; (n) 1. maalaa'ig, (adj) 2. qofka naxariista badana waa lugu matalaa.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
angel
/eynjal/ (n) malaa'ik.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
angel
n., malaa'iko, -adi.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
bowel
(n) an intestine, esp. of a human being.
mindhicir
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bowel
/bowal/ (n) mindhicirka
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bowel
v.tr., uuslahaada kasoo bixi or difo or jiid or gur.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hotel
/hotel/ (n) hudheel, hoteel (albeergo).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
hôtel
hôtel, n.m. - dhismaha (leh jiif iyo cuntaba) lagana kireeyo dadka; huteel; albeergo; loojin.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
hotel
n., hudheel, -ki.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
hovel
n., (shed) waab, -ti, bul, -ki.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
kneel
/niil/ (v) jilba-jabsi
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
kneel
v., jilba joogso; remain kneeling, jilba joog, jilba yara dhig; kneel and make the profound inclination, sujuud; kneel (in speaking to the camel), arun, tu; make the camel kneel, arumi, tu.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Knoll
Gubur yar
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
model
/modhal/ (n) moodo (nooc).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Model
Moodeel
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
motel
/mowtel/ (n) albeergo (huteel yar).
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
navel
(n) the mark left on the abdomen where the umbilical cord was attached; belly button.
xundhur
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
navel
/neyval/ (n) xuddun (xuddunta caloosha).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
navel
n., xundhur, -ti; navel string, xuddun, -ti.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
noble
/nowbal/nobleman, noble-woman; (adj) 1. darajo sare (sharaf weyn mudan) 2. nasab fiican (shariif ah, dad sare ka dhashay) dad sare oo nasab fiican ka dhashay (laan-dheere ah).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
noble
noble, adj. - haybad; darajo sare.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
noeud
noeud, n.m. - guntin: Qalloocin.
noeud coulant - Suryo (Xadhkaha).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nolol
(Nolo-sha)
1. Kolka la dhasho iyo kolka la dhinto inta u dhexaysa, sida nafluhu yahay ama ku sugan yahay.
2. Inta naftu joogto.
3. Si lagu nool yahay oo lagu dhaqmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nolol
m.dh 1. Muddada naftu joogto ee u dhaxaysa dhalashada iyo dhimashada. 2. Si lagu noolyahay oo lagu dhaqmo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nolol
m.dh 1. Muddada naftu joogto ee u dhaxaysa dhalashada iyo dhimashada. 2. Si lagu noolyahay oo lagu dhaqmo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nolol
f. n. life, lifetime; stages of life
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nolol
-nolosha: (n) life (laayfy living (liivin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nolol
-sha: (magac, dhedig, keli) xaalad u dhaxaysa marka noolaha nafta lagu afuufo ilaa dhimashadiisa oo ay ku jiraan neefsiga koridda dhaqdhaqaaqa taranka iyo wixii la mid ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nolol
de: life, lifetime; [pl] stages of life
lx: nolol
pd: (/sha)
ps: n1-f
key: nolol
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
nolol
حَيَاة
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
noola
pron. and preposition: to ~ for us ... with (X)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
noola
de: to ~ for us ... with (X) = na + u + la
lx: noola
ps: pro + prep
xe: He deliberately wronged us.
xv: Xumaanta wuu noola kacay.
key: noola
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
noole
m.l (-layaal, m.l/dh) Wax kasta oo nool; noolayaashu way koraan, tarmaan iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
noole
m.l (-layaal, m.l/dh) Wax kasta oo nool; noolayaashu way koraan, tarmaan iyo wixi lamida.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
noole
-noolaha: (n) living being; creature (ki riijar)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
noole
-ha: (magac, lab, keli) makhluuqaadka intooda naf ama nololi ku jirto. Dh: nafley.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nooli
1. (Nooli-da) Wixii nool; inta aan dhiman.
2. (Nooli-ga) Lacagta nool ahaan, socotadu gaadiidka uga bixiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nooli
nooli¹: m.dh la-mid: noolaan.
nooli²: f.g1 (-lyay, -liday; -lyi) Cid lacag ay baabur, diyaarad ama markab ku raacdo siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nǫoli
m.l Lacagta baabuurta, maraakiibta, iyo dayaaraduhu ka qaataan dadka iyo xamuulka ay rakaabsadaan. la-mid: nǫol.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nooli
nǫoli: m.l Lacagta baabuurta, maraakiibta, iyo dayaaraduhu ka qaataan dadka iyo xamuulka ay rakaabsadaan. la-mid: nǫol.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nooli
vl. n. living, being alive
nooli v. give someone money for transport, pay fare ~ passage
nooli m. n. fare, passage (travel money)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nooli
-ga: (n) transportation expense or fee, fare (feer)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nooli
(fal) lacaq uu gaadiid ku raaco sii. Willka nooli Jaamacadda ha tegee.
nooli -ga: (magac, lab, keli) lacag gaadiidka lagu raaco.
nooli-da: (magac, dhedig, keli) shidmid oo wax weli dab sii leh ahaan.
nooli-da: (magac, dhedig, keli) wax nafi ku jirto oon dhiman ahaan.
nooli-da: (magac, dhedig, keli) firfircooni iyo shaqo wanaag.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
nooli
أجْرَة السَّقر
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
noted
/nowtidh/ (adj) caan ah (la wada yaqaan).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
noter
noter, v. - Naqilaad (Qorid); Ogow; Qoraal xasuuseed.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
nouer
nouer, v. - Xidhid; Isku xidhid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
noyer
noyer, v. - Qarraqan; Biyo ku dhex dhimasho.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
poêle
poêle, n.m. (de deuil) - maro asay ah oo midabkeedu yahay madow.
poêle, n.m. - qalab guryaha lagu kululeeyo oo ku socda ama lagu shido qoryo.
poêle, n.f. - digsi balaadhan oo daba la qabsado leh (kuwa suugada lagu sameeyo).
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
towel
(n) a piece of cloth used for drying or cleaning.
tuwaal ama shukumaan
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
towel
/tawal/ (n) 1. shukumaan (tuwaal) (v) 2. shukumaan isku engejin (qalajin).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
vowel
/vawal/ (n) shaqal (shaqalada alifbeetada, sida a, e, i, o, u).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
vowel
n., xaraf, -ki.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
novèlla
s.f. - sheeko dhacday ama la curiyey.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
novelty
/novalti/ (n) cibaaro. e.g. The novelty and excitement of a first plane trip.