niyuutaroon
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Niyuutaroon
Neutron
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
niyuutaroon
m. n. neutron
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
niyuutaroon
-ka: (n) [physics] neutron (nuutaroon)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
niyuutaroon
de: neutron {Eng}
lx: niyuutaroon
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: niyuutaroon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niyuuratoon
m.l (-nno, m.dh) (kiimika) Saxar saleed ku jira bu'da, leh cuf le'eg ka borotoonka mase leh saldanab. Xaaladaha qaarkood, niyuutaroonku waxa uu u mataataxaa orotoon, elektaroon iyo lid-niyuutariino aan celceliska cimrigoodu ka badanin 12 daqiiqo, marka ay ka baxaan bu'da atamka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
niyuuratoon
m.l (-nno, m.dh) (kiim.) Saxar saleed ku jira bu'da, leh cuf le'eg ka borotoonka mase leh saldanab. Xaaladaha qaarkood, niyuutaroonku waxa uu u mataataxaa orotoon, elektaroon iyo lid-niyuutariino aan celceliska cimrigoodu ka badanin 12 daqiiqo, marka ay ka baxaan bu'da atamka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niyuuratoon
-ka: (magac, lab, keli) saxar saleed ku jira bu'da, leh cuf le'eg ka borotoonka mase leh saldanab. Xaaladaha qaarkood, niyuutaroonku waxa uu u mataataxaa orotoon, elektaroon iyo lid-niyuutariino aan celceliska cimrigoodu ka badanin 12 daqiiqo, marka ay ka baxaan bu ́da atamka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhanbalan
m.l (kiimika) U faliidhanka bu'da atam culus ee labo jab ama in ka badan oo xajmi ahaan isku dhow, taas oo ka dhalata niyuutaroon tamaraysan oo ku dhaca bu'da atamka. Caadi ahaan, waxaa weheliya bixinta niyuutaroonno ama fallaaraha gaama. Bulootooniyam, yuraaniyam iyo tooriyam waa curiyeyaasha dhanbalma kuwa ugu muhiimsan. eeg dh. bu'eed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhanballan-bu'eed
m.l (kiimika) Falgal bu'eed oo bu'culus (sida yuraaniyam) ay u kala jabto labo qaybood (maxsuul dhanballan), taas oo sababta bixiinta labo ama saddex niyuutaroon, iyo xaddi tamar oo u dhiganta faraqa u dhexeeya cufka neg ee niyuutaroonnada iyo maxsuulka dhanballanka iyo cuf neg ee bu'da asalka ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diyuuteeriyam
m.l Sumaddeedu waa D. Iskugod haydarojiin oo deggan si dabiici ahna u jira, bu'diisuna ka koobantahay hal borotoon iyo hal niyuutaroon. Markaas cuf-atamkiisu waa ugu dhawaan labanlaabka kan haydarojiinta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fallaadh-cireed
m.l (-dyo, m.dh) (fiisikis) Kaaha saxar tamaraysan oo soo gaadha dhulka kana yimaada cirka. Waxa ay badanaaba ka koobanyihiin borotoono leh xaddiyo yaryar oo bu'o culus ah. Waxa kale oo ku jira footoono iyo nooc ka mid ah niyuutaroonada dhexdhexaadka ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iin-cufaad
m.dh (-iimo ..., m.l) (kiimika) Cufka u dhigma tamarta isku haysa bu'da atamka. Qiimaha tamartaas waxa lagu heli karaa adoo adeegsada isle'egta Anistan E = mc2 (taas o E = tamarta, m = cuf, c = xawaaraha ileyska). Cufkaasi waxa lagu helaa faraqa cufka bu'da iyo wadarta cufafka borootoonnada iyo niyuutaroon-nada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isku-god
m.l (kiimika) Atamyo isku curiye ah, oo iskaga mid ah tirada borotoonnada ee ku jira bu'da atamyada; laakiinse ku kala geddisan tirada niyuutaroonnada ee bu'da.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhanbalan
m.l (kiim.) U faliidhanka bu'da atam culus ee labo jab ama in ka badan oo xajmi ahaan isku dhow, taas oo ka dhalata niyuutaroon tamaraysan oo ku dhaca bu'da atamka. Caadi ahaan, waxaa weheliya bixinta niyuutaroonno ama fallaaraha gaama. Bulootooniyam, yuraaniyam iyo tooriyam waa curiyeyaasha dhanbalma kuwa ugu muhiimsan. eeg dh. bu'eed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhanballanbu'eed
m.l (kiim.) Falgal bu'eed oo bu'culus (sida yuraaniyam) ay u kala jabto labo qaybood (maxsuul dhanballan), taas oo sababta bixiinta labo ama saddex niyuutaroon, iyo xaddi tamar oo u dhiganta faraqa u dhexeeya cufka neg ee niyuutaroonnada iyo maxsuulka dhanballanka iyo cuf neg ee bu'da asalka ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diyuuteeriyam
m.l (kiim.) Sumaddeedu waa D. Iskugod haydarojiin oo deggan si dabiici ahna u jira, bu'diisuna ka koobantahay hal borotoon iyo hal niyuutaroon. Markaas cuf-atamkiisu waa ugu dhawaan labanlaabka kan haydarojiinta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fallaadh-cireed
m.l (-dyo, m.dh) (fiisikis) Kaaha saxar tamaraysan oo soo gaadha dhulka kana yimaada cirka. Waxa ay badanaaba ka koobanyihiin borotoono leh xaddiyo yaryar oo bu'o culus ah. Waxa kale oo ku jira footoono iyo nooc ka mid ah niyuutaroonada dhexdhexaadka ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iincufaad
m.dh (-iimo ..., m.l) (kiim.) Cufka u dhigma tamarta isku haysa bu'da atamka. Qiimaha tamartaas waxa lagu heli karaa adoo adeegsada isle'egta Anistan E = mc2 (taas o E = tamarta, m = cuf, c = xawaaraha ileyska). Cufkaasi waxa lagu helaa faraqa cufka bu'da iyo wadarta cufafka borootoonnada iyo niyuutaroonnada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iskugod
m.l (kiim.) Atamyo isku curiye ah, oo iskaga mid ah tirada borotoonnada ee ku jira bu'da atamyada; laakiinse ku kala geddisan tirada niyuutaroonnada ee bu'da.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Neutron
Niyuutaroon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhexdhexaad
-ka: (magac, lab, keli) walaxdii aan lahayn danab togan iyo ku taban midna, sida niyuutaroonka ku jira bu'da atamka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iincufaad
-da: (magac, dhedig, keli) cufka u dhigma tamarta isku haysa bu'da atamka. Qiimaha tamartaas waxa lagu heli karaa adoo adeegsada isle'egta Anistan E = mc2 (taas oo E = tamarta, m = cuf, c = xawaaraha ileyska). Cufkaasi waxa lagu helaa faraqa cufka bu'da iyo wadarta cufafka borootoonnada iyo niyuutaroonnada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tirocuf
-ka: (magac, lab, keli) tirada wadarta borotoonnada iyo niyuutaroonada ee ku jira bu'da atam kasta.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Niyuutariino
Neutrino
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyuutanool
m.l (-llo, m.dh) (kiimika) Biyuutayl alkohool: C H OH. Hoor yeelan kara afar qaab oo isku-naanaysood. Biyuunta-1-ool, CH CH CH CH -OH, bar-karkeedu waa 117.5°C, waxana loo isticmaalaa mile ahaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biyuutanool
m.l (-llo, m.dh) (kiim.) Biyuutayl alkohool: C H OH. Hoor yeelan kara afar qaab oo isku-naanaysood. Biyuunta-1-ool, CH CH CH CH -OH, bar-karkeedu waa 117.5°C, waxana loo isticmaalaa mile ahaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miyuusan
question word, vl. pron., +: is he not ...?, did he not ...?
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
miyuusan
(question word) isn't he..? is he not..? miyuuna; miyaanu
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miyuusan
de: is he not ...?, did he not ...?
lx: miyuusan
pd: (miyaanu)
ps: qw + focus + vpro + neg
key: miyuusan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ninkutoos
-ka: (magac, lab, keli) kolka ay taladu dagaal joogto ninka kiisa ku filan ee loo malaynayo in uu iska celin karo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biyayarood
(Biyayarood-ka)
Biyuhu ku yar yihiin; aan biyo badnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyayarood
m.l la-mid: biyayaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biyayarood
m. n., [compound] scarcity of water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyayarood
-ka: (magac, lab, keli) ceel biyo yar oo aan biyo badnayn, dhadhiin ah. Biyayarood buu noqday ceelkii cusbaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biyayarood
de: scarcity of water
lx: biyayarood
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: biyayarood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
elektaroon
m.l (-nno, m.dh) (fiisikis) Saxar saleed sita saldanab tabaneed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
elektaroon
m.l (-nno, m.dh) (fiisikis) Saxar saleed sita saldanab tabaneed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
elektaroon
-ka: (magac, lab, keli) saxar saleed sita saldanab tabane ah.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
imputation
imputation, n.f. - qof dambi la iska saaro iyada oo aan loo hayn wax caddayn ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nayitaroojiin
de: nitrogen {Eng}
lx: nayitaroojiin
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
key: nayitaroojiin