niyurooloji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niyurooloji
m.l (daawo) Barashada qaabdhiska, shaqada, iyo cudurrada qaybta maskaxda, xangullada iyo dareenwdayaasha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
niyurooloji
m.l (daaw.) Barashada qaabdhiska, shaqada, iyo cudurrada qaybta maskaxda, xangullada iyo dareenwdayaasha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niyurooloji
-ga: (magac, lab, keli) barashada qaabdhiska, shaqada, iyo cudurrada qaybta maskaxda, xangullada iyo dareenwdayaasha.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jiyooloji
-ga: (n) geology (jiyoolaji)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ikooloji
m.l Barashada xidhiidhada ka dhexeeya noolaha iyo degaankiisa dabeeciga ah, ha noolaado ama yaanu noolaan. Sababtaa awgeedi koolajiya-hannadu waxay bartaan noolayaasha marka laga eego dhinaca tirada dadka iyo beelaha, kuwaas oo ay isku kooxayn karaan iyo habdhisyada degaan ee ay ka qayb qaataan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ikooloji
m.l Barashada xidhiidhada ka dhexeeya noolaha iyo degaankiisa dabeeciga ah, ha noolaado ama yaanu noolaan. Sababtaa awgeedi koolajiyahannadu waxay bartaan noolayaasha marka laga eego dhinaca tirada dadka iyo beelaha, kuwaas oo ay isku kooxayn karaan iyo habdhisyada degaan ee ay ka qayb qaataan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiyoloji
m. n., [collective] geology
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jiyoloji
a: jooloojiya {Eng}
de: geology
lx: jiyoloji
pd: (-ga)
ps: n2-m-col
key: jiyoloji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bayooloji
m.l Barashada noolaha, kaas oo ay ka mid yihiin dhismahooda (gudaha iyo dibadda), shaqadooda, isirkooda iyo tadawurkooda, abla'ablayntooda, xidhiidhka iyaga ka dhexeeyo iyo filiqsanaantooda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bayooloji
m.l Barashada noolaha, kaas oo ay ka mid yihiin dhismahooda (gudaha iyo dibadda), shaqadooda, isirkooda iyo tadawurkooda, abla'ablayntooda, xidhiidhka iyaga ka dhexeeyo iyo filiqsanaantooda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bayooloji
m. n., [collective] biology
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bayooloji
-ga: (n) [science] biology (baay oolaji)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayooloji
-ga: (magac, lab, keli) cilmiga barashada noolaha. Ardeyga aan bayooloji baran dhakhtar ma noqdo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bayooloji
de: biology
lx: bayooloji
pd: (-ga)
ps: n2-m-col
syn: nololaqoon {Eng}
key: bayooloji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
histooloji
m.l (baayoloji) Barashada nudaha noolayaasha iyada oo la adeegsanayo weyneyso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
histooloji
m.l (baay.) Barashada nudaha noolayaasha iyada oo la adeegsanayo weyneyso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saytooloji
m.l (baayoloji) Barashada unugga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saytooloji
m.l (baay.) Barashada unugga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fisiyooloji
m.l (baayoloji) Barashada shaqooyin-ka dhismayaasha iyo dariiqooyinka bayokiimikeed ee ka dhaca dhismayaasha iyo noolaha guud ahaanba.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fisiyooloji
m.l (baay.) Barashada shaqooyinka dhismayaasha iyo dariiqooyinka bayokimikeed ee ka dhaca dhismayaasha iyo noolaha guud ahaanba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibidimooloji
m.l (daawo) Barashada cudurrada sida dhakhsaha leh u fida dad badanna mar ku wada dhaca si loo garto habkii loo joojin lahaa ama loo hakin lahaa iyo habkii looga hortagi lahaa mustaqbalka. Ma aha cudurrada la is qaadsiyo keliya waxa ku jira cudurro kale oo bey'adda la xiriira: kansarka, cudurrada wadnaha iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ibidimooloji
m.l (daaw.) Barashada cudurrada sida dhakhsaha leh u fida dad badanna mar ku wada dhaca si loo garto habkii loo joojin lahaa ama loo hakin lahaa iyo habkii looga hortagi lahaa mustaqbalka. Ma aha cudurrada la is qaadsiyo keliya waxa ku jira cudurro kale oo bey'adda la xiriira: kansarka, cudurrada wadnaha iyo wixi lamida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
etooloji
m.l (baayoloji) Barashada bayoolajiga asawga xayawaanka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
etooloji
m.l (baay.) Barashada bayoolajiga asawga xayawaanka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
etooloji
-ga: (magac, lab, keli) barashada bayoolajiga asawda xayawaanka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Nayroobi
pr. n., loc. Nairobi [capital city of Kenya.]
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Nayroobi
(n) Nairobi; the capital and largest city of Kenya
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Nayroobi
de: Nairobi [capital city of Kenya]
lx: Nayroobi
ps: n0-loc-f
key: Nayroobi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arkooloji
-ga: (magac, lab, keli) cilmi lagu derso ama barto raadraaca hadhaagii iyo raadkii quruumihii hore.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyabooli
-ga: (magac, lab, keli) dhul kor ka awdan. hoosna dalawyo iyo hogag waaweyn oo qarsoon ku leh oo biyaha soo dulmara wada liqa. Biyabbooli bay biyihii laagtu ku dhaceen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diburooti
-ga: (magac, lab, keli) qaab legdinta ka mid ah. Dulmigii gumeysiga, diburootigiisii, waxa igaga sii daran, kuwa doogta kiciyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fenooloji
m.l Sayniska ku shuqul leh raadka ay ku yeeshaan isbeddelka xilliyadu xoolaha iyo dhirtaba.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fenooloji
m.l Sayniska ku shuqul leh raadka ay ku yeeshaan isbeddelka xilliyadu xoolaha iyo dhirtaba.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Fenooloji
Phenology
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maykoloji
-ga: (magac, lab, keli) sayniska dhirta qaybta lagu derso geedaha yaryar ee aan caleen iyo ubax ba lahayn sida barkinwaraabaha.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Neurology
Niyuuroloji
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
neurology
(n) the medical science of the nervous system and its disorders
cilmiga hab dhiska dareemayaasha iyo qaska ku dhaca
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Neurology
Qaybta cudurrada xididada
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
onkooloji
m.l (daawo) Barashada iyo ku shaqeynta daaweeynta kansarka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
onkooloji
m.l (daaw.) Barashada iyo ku shaqeynta daaweeynta kansarka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
onkooloji
-ga: (magac, lab, keli) barashada iyo ku shaqeynta daaweynta cudurka kansarka.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tobooloji
Topology
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baatooloji
m.l (daawo) Qayb ka mid ah cilmiga daawada oo ku shuqul leh cudurrada, waxyaabaha sababa iyo dhibaatada ay gaadhsiiyaan jidhka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baatooloji
m.l (daaw.) Qayb ka mid ah cilmiga daawada oo ku shuqul leh cudurrada, waxyaabaha sababa iyo dhibaatada ay gaadhsiiyaan jidhka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
morfooloji
m.l (baayoloji) Barashada qaabka iyo dhismaha, noolayaasha, gaar ahaan qaababkooda dibadda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
morfooloji
m.l (Baay.) Barashada qaabka iyo dhismaha, noolayaasha, gaar ahaan qaababkooda dibadda.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
neurologia
s.f. - daawada deresta dhismaha, shaqaynta iyo cudurrada dareenwadayaasha.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
neurologie
neurologie, n.f. - Qayb cilmiga daawooyinka ka mid ah oo ku saabsan dareemayaasha.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
teknooloji
m. n. technology
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
teknooloji
-ga: (n) technology (tek-noo-laji) ~ tignoolaji. farsamo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
teknooloji
de: technology
initial: t
lx: teknooloji
pd: (-ga)
ps: n2a-m
syn: farsamo {Eng}
key: teknooloji
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aydiyooloji
m. n. ideology
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aydiyooloji
a: idiloojiyad, idoloojiyo
de: ideology
lx: aydiyooloji
pd: (-ga)
ps: n2-m
syn: caqiido {Eng}
key: aydiyooloji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
intimooloji
m.l Barashada cayayaanka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
intimooloji
m.l Barashada cayayaanka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miterolooji
-ga: (magac, lab, keli) cilmiga barashada saadaasha cimilada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niyooroofilis
m.l (-yo, m.dh) (baayoloji) Nooc ugu caansan unugyada cadcad, kuwaas oo bannaanka uga bixi kara qulqulka dhiigga una gudbi kara nudaha jidhka si ay u soo dabaan bakteeriyada meel kasta oo ay jidhka ka weerarto. Unugyadani markay dhintaan waxay noqdaan malax.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
niyooroofilis
m.l (-yo, m.dh) (baay.) Nooc ugu caansan unugyada cadcad, kuwaas oo bannaanka uga bixi kara qulqulka dhiigga una gudbi kara nudaha jidhka si ay u soo dabaan bakteeriyada meel kasta oo ay jidhka ka weerarto. Unugyadani markay dhintaan waxay noqdaan malax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niyooroofilis
-ka: (magac, lab, keli) jaad ugu caansan unugyada cadcad, kuwaas oo bannaanka uga bixi kara qulqulka dhiigga una gudbi kara nudaha jidhka si ay u soo dabaan bakteeriyada meel kasta oo ay jidhka ka weerarto. Unugyadani markay dhintaan waxay noqdaan malax.