niqlid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niqlid
-da: (magac, dhedig, keli) dubka sare ka mudhxin. Dh: dhilid, fiiqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niqid
m.dh la-mid: naqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niqid
-da: (magac, dhedig, keli) gar iyo wixii la mid ah qaadid ama guddoomin. Niqidda gartu aqoon iyo caddaalad ayay u baahan tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biqlid
m.f.dh eeg biqil². la-mid: biqil¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biqlid
-da: (magac, dhedig, keli) soo bixidda abuurka ama shinnida marka dhulka rayska leh lagu aaso ama lagu saydho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naqilid
m.f.dh eeg naqil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilid
(Bilid-da)
1. Kor u qaadid.
2. Qurxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilid
m.f.dh eeg bil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilid
-da: (magac, dhedig, keli) wax suusuubbin oo qurxin.
bilid-da: (magac, dhedig, keli) wax bidhid oo kor u qaadid. Bilid buu ku qaaday ooddii loo dhiibay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biqid
(Biqid-da)
Baqdini gelid; cabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biqid
m.f.dh eeg baq². la-mid: baq¹ (2), baqid, biqitin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dilid
(Dilid-da)
1. Fal geeri ama dhimasho keena falid; naf goyn.
2. Dagaal cid wax ku yeelid; farasaarid; garaacid; tumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dilid
m.f.dh eeg dil². la-mid: dilniin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dilid
-da: (n) the act of killing or beating
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dilid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, nafta ka saarid; qudha ka jarid. Dh: dilis.
dilid -da: (magac, dhedig, keli) ilmo yar, xawdin oo yara xanuunin. Dh: ulayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diqid
m.f.dh eeg diq².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Filid
(Filid-da)
Malayn, moodid; u qaadsasho; ku wadid; qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filid
m.f.dh eeg fil². la-mid: filitaan (1).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filid
-da: (magac, dhedig, keli) wax rajayn. Li: filanwaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiqid
(Fiqid-da)
Hadal faq ah ku wada hadlid; (ama faqid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiqid
m.f.dh la-mid: faqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiqid
-da: (magac, dhedig, keli) qodidda god ama wax la mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hilid
(Hilid-da)
Alaabo, kd., dusha iska saarsaarid; taallayn; meel tuumin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hilid
m.f.dh eeg hil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilid
-da: (magac, dhedig, keli) xaabo iyo wax la mid ah, rasayn oo si habaysan isku duldhigid. Dh: taallayn, nidaamin.
hilid -da: (magac, dhedig, keli) wax af bannaan afka ka aabudhid oo ka awdid. Dh: hilis, daboolid, daboolis, aabudhis, aabbudhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iilid
(Iilid-da)
Barbar u leexin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iilid
m.f.dh eeg iil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iilid
-da: (magac, dhedig, keli) dhinac u leexin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jilid
(Jilid-da)
1. Qof aan ciddiisii la joogin oo badanaa waxbarana haya (arday, xer), hayn, cunno siin; qof cid ku taxan, ka yeelid.
2. Canjilid; dhaajin.
3. Kaltirin; miilayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilid
m.f.dh eeg jil². la-mid: jil¹ (5).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jilid
m. n. binding, cover, wrapper
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilid
-da: (magac, dhedig, keli) xerow ama arday waxbarta dhuuni siin.
jilid-da: (magac, dhedig, keli) marka la matalayo wax aan run ahayn sida filin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jilid
de: binding, cover, wrapper
lx: jilid
pd: (-ka)
ps: n2a-m
see: jildi
key: jilid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liqid
(Liqid-da)
Wax la cuno ama la cabbo, jidiinka marsiin; dhunjin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liqid
m.f.dh eeg liq. la-mid: laqid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Liqid
Annihilation
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liqid
vl. n. swallowing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
liqid
-da: (n) the act of swallowing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liqid
-da: (magac, dhedig, keli) hunguriga wax marsiin oo caloosha u dhaadhicin. Liqiddii wasladda ayuu ku mergaday. Dh: ligis. Li: tufid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
liqid
de: swallowing
lx: liqid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: liqid
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
liqid
ابتلاع
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milid
m.f.dh eeg mil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milid
-da: (magac, dhedig, keli) wax milmay ka dhigid; adke hoore u beddelid. Dh: milis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naqid
(Naqid-da)
1. Wax dib u celin; soo celin.
2. Akhriyid; meerin; marin.
3. (gar) soorid; celin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naqid
m.f.dh eeg naq². la-mid: niqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqid
-da: magac, dhedig, keli) (gar ~) dacwad ka garramid. Nagisa gartu caddaalad bay doontay.
naqid -da: (magac dhedig, keli) wax akhriyid. Nagida casharka hagagi, Dh: marinta.
naqid-da: (magac, dhedig, keli) dib u celin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nicid
(Nicid-da)
1. Rabid iyo jacayl wax loo qabey, baabbi'in.
2. Diidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nicid
m.f.dh eeg nac².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nicid
vl. n. hatred, aversion; refusal, desertion
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nicid
-da: (n) the act of hating; hatred (heey-trid) diidmo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nicid
-da: (magac, dhedig, keli) karhid oo wax kale niyadda ka diidid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nicid
de: hatred, aversion; refusal, desertion rw: nac
lx: nicid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: nicid
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nimid
v., pl., simple past tense: we came
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nimid
(v) [past tense of imaad] we came. Ex: iskuulkii baan ka nimid; we came from the school
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nimid
de: we came
lx: nimid
ps: v4b-1pl-past
xe: We came to your class yesterday.
xv: Shalay baannu fasalkiinna nimid.
key: nimid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niqil
(fal) midho iyo wixii la mid ah dubka sare ka mudhxi. Xasiidda innoo niqil. Dh: dhil, fiiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nixid
(Nixid-da)
Naxdin iska garasho, dareemid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nixid
m.f.dh eeg nax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nixid
-da: (magac, dhedig, keli) sasid oo cabsi dareemid.
nixid-da: (magac, dhedig, keli) naxariis iyo raxmad cid loo hayo dareemid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siqid
m.f.dh eeg siq.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Siqid
Approach,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siqid
-da: (magac, dhedig, keli) beer ku socod, marka aayar la durko. Dh: gurguurad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xilid
(Xilid-da)
Xil saarid, xiloodin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xilid
m.f.dh eeg xil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilid
-da: (magac, dhedig, keli) xil guur ama xil masuuliydeed saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biilid
m.f.dh eeg biil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biilid
-da: (magac, dhedig, keli) masruuf siin. Dh: quudin, biilin, biilis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciilid
(Ciilid-da)
1. Ciil ka keenid, ku abuurid, badid.
2. Hoos aadid, dhicid, shiiqid, sii baabbi'id; ciirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciilid
m.f.dh eeg ciil².
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ciilid
Opprimere
Oppression
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciilid
-da: (magac, dhedig, keli) ciil iyo cadho ku reebid; ciil ka keened.
ciilid -da: (magac, dhedig, keli) aad u shiiqid oo baabi'id; hoos u dhicid. Dh: shiiqid, baabi'id, ciirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diilid
m.f.dh eeg diil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiilid
-da: (magac, dhedig, keli) geed soo bixid; soo bilqid. Dh: fiilis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giblid
-da: (magac, dhedig, keli) rar awr saaran saan ku hagoogid; awr raran saanta dusha kaga dedid. Alaabtu giblid bay u baahan tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiilid
(Hiilid-da)
Hiilin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiilid
m.f.dh la-mid: hiilin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiilid
m.f.dh eeg jiil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiilid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la xidhayay aad u adkayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kiilid
(Kiilid-da)
Beegid; cabbirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiilid
m.f.dh kiil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kiilid
-da: (magac, dhedig, keli) beegid; cabbirid; miisaamid.
kiilid-da: (magac, dhedig, keli) cid ama wax kale, cidhiidhyid oo dhibaatayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liilid
-da: (magac, dhedig, keli) dun soohid oo miiqid. Dh: liilis.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Liquid
Hoor
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
liquid
/likwid/ (n) dareere; hoor.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Liquid
Lacagnimo, dureer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maqlid
(Maqlid-da)
Cod ama dhawaaq ama hadal dhegaha ku dareemid; dhegta u dhigid; dhegeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqlid
m.f.dh eeg maqal³.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maqlid
vl. n. listening, hearing; report; rumor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maqlid
-da: (n) hearing (hiyir 'ing); listening (lis'ining); sense of hearing ~ maqal-ka; dhegaysi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqlid
-da: (magac, dhedig, keli) jabaq ama cod dhegaha ku dareemid. Nin dhega culus maqliddu waa ku dirqi. Dh: maqlis.
maqlid -da: (magac, dhedig, keli) talooyinka iyo waxsheegga dadka yeelid. Maqlidda waanada waalidku waa waajid diini ah. Dh: fulin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maqlid
de: listening, hearing; report; rumor
lx: maqlid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: maqlid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqlin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel wax ka qaadid oo meel kale u rarid. Naqlinta cashirku ma cusla
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nidrid
m.f.dh eeg nidir².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Niibid
(Niibid-da)
Wax meel aad ugu dhejin, ugu nabid, ugu malaasid;.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niibid
m.f.dh eeg niib².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niibid
-da: (magac, dhedig, keli) nabid oo si adag meel wax ugu dhejin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
niqiin
v., pl., simple past tense: we knew
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
niqiin
(v) [past tense of naqaan] we knew. Ex: horay baan u niqiin; we knew it already
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
niqiin
de: we knew
lx: niqiin
ps: v4d-1pl-past
key: niqiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siklid
m.f.dh eeg sikil.