nimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nimo
-nimo
Ahaan (sida = ninnimo; naagnimo).
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-nimo
de: -ness, -hood [ABSTRACT NOUN] Makes an abstract noun denoting quality or state
lx: -nimo
ps: n6-f-abs-suf
xe: leadership
xv: madaxnimo
key: -nimo
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
ànimo
s.m. - niyad, qalbi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nicmo
(Nicma-da)
Barwaaqo; sareedo; khayr; raaxo; (ama nimco),
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nicmo
m.dh Nabadgelyo, barwaaqo iyo caafimaad lagu suganyahay. la-mid: nicmad, nimcad, nimco.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nicmo
f. n. resource
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nicmo
nicmada: (n) prosperity (poros-pariti); success (sek-sees); health and wealth ~ nimco
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nicmo
-da: (magac, dhedig, keli) raaxo aan kala dhinayn iyo barwaaqo. Nicmo iyo wanaag ayaan ku jirnaa. Dh: nimco, badhaadhe, sareedo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nicmo
bw: Arabic
de: resource
lx: nicmo
pd: (/da)
ps: n6-f
see: nimco
key: nicmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nimco
m.dh la-mid: nicmo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Nimco
pr. n., [feminine] Nima
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nimco
f. n. natural resource; prosperity, abundance
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Nimco
name-f natural resource; prosperity, abundance (Arb)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nimco
-nimcada: (n) prosperity (poros-paritiy success (sek-sees); health and wealth opulence (o-pilensi); affluence (afuluwansi) ~ nicmo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Nimco
magac loo baxsho gabadh ku dhalatay barwaaqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nimco
-da: (magac, dhedig, keli) eeg nicmo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
—nimo
(suffix) -hood, —ness. Ex: ninnimo; manhood, dawladnimo; statehood; doqonimo; stupidness
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tooyo
-tooyo
Tiraab ereyada qaarkood, haddii la doono, lagu dabakaro (boqortooyo, walaaltooyo), oo ulajeeddadiisu tahay si, ama darajo ku sugnaan, ahaan, lahaan, ...; wuxuu u macne dhaw yahay -nimo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jar-iskatuurnimo
m.dh la-mid: jar-iskaxoor-nimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
reerguuraraacnimo
m.dh la-mid: guuraraac-nimo.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Senescence
Da'nimo
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
brutality
/burytaalati/ (n) waxshinimo ah (si axmaq-nimo ah)
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
clerical
/klerikal/ (n) garraani-nimo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
companionship
/kampaaniyanship/ (n) rafiiq-nimo (saaxiib-nimo, wehel).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
devour
/dhivor/ (v) dhakhso u cunid (si dhuuni-nimo ah u boobid).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
effeminate
/ifemanat/ (adj) nimow-naag (nin sifooyin naagood leh). e.g. He walks in an effeminate way.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
espionage
/espoyanij/ (n) basaas-nimo, jaajuusnimo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
grim
/grim/ (adj) 1. qabiid-nimo ah, si kul-kulul. e.g. The principal gave the students a grim warning about writing on the walls (adj) 2. naxdin leh, aad u-daran (adj) 3. mintid ah, aan quusan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
heresy
/herasi/ (n) faasiq-nimo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
heroism
/hirowsim/ (n) halyeey-nimo (geesinimo).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hostility
/hostiliti/ (n) cadaawe-nimo (cadaawo).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
slouch
/slawj/ (n) gebi-rogasho (si madluun-nimo ah oo madaxa iyo garbaha hoos loo laalaadiyo) ~ gebi-rogad.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tomfoolery
/towmfuulari/ (n) doqonimo (nacas-nimo).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanashubid
-da: (magac, dhedig, keli) xil madax- nimo u caleemasaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labeeb
-ka: (magac, lab, keli) qof ama xayawaan ay astaamihii laboodka iyo kuwii dhedigoodkuba ka wada muuqdaan; qof ama xayawaan aan lab iyo dhedig midna si buuxda u ahayn. Dh: nimownaag, labeebyo, laboodhedig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sikhinimo
-da: (magac, dhedig, keli) deeqsi ahaan, deeqsi-nimo. Sikhinimo ayuu u dhashay wiilku. Dh: faxalnimo. Li: bakhaylnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
imo
(fal) meel kale soo gaadh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
limo
f.g3 (-intay, -imatay) Beer harammo ka gurasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
limo
(fal) dhiiqo iyo wixii la mid ah, ku dhaaban oo gal.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
nido
s.m. buul (shimbir iwm).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nimi
v., pl., simple past tense: we came
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nimi
de: we came
lx: nimi
ps: v4b-1pl-past
key: nimi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Niyo
(Niya-da)
Maan; kal; laab; qalbi; uur; calool (ama niyad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niyo
m.dh 1. Meesha damaca, jacaylka, xumaha iyo wixi lamida dadku ku qaado. 2. Rabitaan wax loo hayo. la-mid: niyad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
niyo
m.dh 1. Meesha damaca, jacaylka, xumaha iyo wixi lamida dadku ku qaado. 2. Rabitaan wax loo hayo. la-mid: niyad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
niyo
f. n. mind, thought; intent, intention; spirit, feeling
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
niyo
-niyada: (n) intention (in teen shin)-, thinking (thin-king); intent (in tent) ~ niyad, ujeedo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niyo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg niyad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
niyo
cf: haayir, himilo
de: mind, thought; intent, intention; spirit, feeling
lx: niyo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: niyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Timo
(Tima-ha)
(kooxda tinka) kuwa ka baxa dadka oogadiisa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
timo
m. n., pl.-mass: hair ~ hairs
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
timo
-timaha: (n) hair (heer) ~ tin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
timo
-ha: (magacwadareed) daliigyo jiljilicsan oo dunta u eg oo oogada dadka iyo naflayda kale qaarkeed ka soo baxa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
timo
de: hair ~ hairs
initial: t
lx: timo
pd: (/ha)
ps: n1-m-pl; n6-m-mass
xe: your hair
xv: tin
key: timo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abnimo
-da: (magac, dhedig, keli) dad aabbo keli ah ka soo jeeda; isku ahaanshaha isir keliya. Abnimaan tixgeliyee, abidakay ma daayeen. Dh: tolnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eynimo
-da: (magac, dhedig, keli) yeelashada dhaqanka eyga oo kale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibnimo
-da: (magac, dhedig, keli) marka labo qof ay isugu yimaadaan wax isku ahaansho. Cumar iyo Cabdi waxa ka dhexeeya ibnimo. Dh: aanaysi, qaraabanimo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
intimo
agg. - aad gudaha ugu sii jiro; dharhooseed.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
minimo
agg. - ugu yar.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
ànima
s.f. - ruux, naf.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
animé
animé, adj. - Nool; Noolayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aniyo
mu.eb Magacuyaalka qofka kowaad oo ka kooban 'ani' iyo 'iyo'.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aniyo
pron., [conjunction] and I ...; me and ...
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aniyo
(pronoun plus and) I and or me and.. ~ aniga iyo. Ex: Aniyo cartuurtayda...; me and my children
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aniyo
(magac'uyaal) qofka koowaad ee hadlaha ah; 'aniga' iyo iyo' oo la isku ladhay; aniga iyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aniyo
de: and I ...; me and ... = ani(ga) + iyo
lx: aniyo
ps: pro + conj
xe: During this season nothing is asked of me and my kin.
xv: Xilligan aniyo tolkeyba wax nalama weydiiyo.
key: aniyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biimo
m.dh la-mid: biime.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biimo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg biime.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bimbo
s.m. cunug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birmo
f.mg3 (-maday, -matay) Meel dhibaato ka aloosantay si degdeg ah ugu ciidamid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
birmo
f.mg3 (-maday, -matay) Meel dhibaato ka aloosantay si degdeg ah ugu ciidamid. m.f.dh, birmasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
birmo
v. rescue, come to the aid of
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birmo
(fal) goob shil ka dhacay ama cid dhibaato haysato taageero degdeg ah sii. War adhigii wuu goosmay gabbalkiina dhacaye ha loo birmado qoyska. Dh: gurmo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
birmo
de: rescue, come to the aid of
lx: birmo
pd: (birmaday)
ps: v3a=
key: birmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cimro
m.dh la-mid: cumro.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cimro
-cimrada: (n) this is the lesser pilgrimage which is optional and can be performed at any time ~ cumro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cimro
-da: (magac, dhedig, keli) mid ka mid ah shacaa'irta Islaamka oo ah Xaramka oo la tego lagu na soo cibadaysto. Waxa la tegaa xilli aanu xajku gaadhin, xajka na waa la raaciyaa; waa xaj yar oo leh xarmasho, dawaaf iyo socod. Dh: cumro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhimo
f.mg3 (-intay, -imatay) Naf waayid (noole).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhimo
f.mg3 (-intay, -imatay) Naf waayid (noole). m.f.dh, dhimasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhimo
v. die, pass away
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhimo
-dhintay / dhimatay: (v) die (dhaay)-, pass away (paas a-weey)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhimo
(fal) ha buuxsane wax adu ad leedahay inqiso. Dh: naaquso, inqiso.
dhimo: (fal) wax naftu ka baxday oo meyd ah noqo. Dh: wafaad, hoyo, aakhirayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhimo
de: die, pass away
lx: dhimo
pd: (dhintay / dhimatay)
ps: v3b=intr
key: dhimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Didmo
(Didma-da)
Wadajir iyo isku duubnaan loo yaaco, baqasho darteed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
didmo
m.dh Yaacidda xoolo, ugaar iyo wixi lamida baqdin awgeed la yaacaan. la-mid: dųdmo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
didmo
vl. n. act of huddling together from fear
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
didmo
-da: (magac, dhedig, keli) carar cabsiyi ku jirto oo is moogaan wadar loo yaaco. Dh: didid, baxsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
didmo
de: act of huddling together from fear
lx: didmo
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: didmo
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diimo
-diimaha: (n) [plural of diin-ta] religions (ri-lijinis)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fidmo
m.dh la-mid: fidno.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fidmo
f. n. sedition, plot, trouble
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fidmo
-fidmada: (n) a cause or source of trouble, disturbance, difficulty; trouble (tra bel) ~ fidno, fidnad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidmo
-da: (magac, dhedig, keli) dhib iyo shaqaaqo dad ka dhex dhacda oo diin iyo dadba taabata; diradiraha iyo kala dilka dadka. Dh: fitan, fidno.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fidmo
a: fidno
de: sedition, plot, trouble
lx: fidmo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: fidmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiimo
m.dh (kiimika) Molikiyuul bir ka kooban, kaas oo ugu xidhan borotiinnada sida kooinsaymyada ama kooxo falgallada dedjiya si ay u sameeyaan hiimoboro-tiinno.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hiimo
m.dh (kiim.) Molikiyuul bir ka kooban, kaas oo ugu xidhan borotiinnada sida kooinsaymyada ama kooxo falgallada dedjiya si ay u sameeyaan hiimoborotiinno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
himmo
m.dh Niyad rabitaan oo wax loo hayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
himmo
m.dh Niyad rabitaan oo wax loo hayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
himmo
f. n. good will; energy, vivacity, activity, interest