nikotiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nikotiin
m.l Maaddo aadanaha wax yeeleysa oo laga helo tubaakada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nikotiin
m. n., (mass n.): nicotine
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nikotiin
-ka: (magac, lab, keli) maaddo aadanaha wax yeeleysa oo laga helo tubaakada.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nikotiin
de: nicotine {Eng}
lx: nikotiin
pd: (-ka)
ps: n-m-mass
key: nikotiin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nikatiin
-ka: (n) nicotine (nik ‘atiiri)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bellaagra
m.l (daawo) Cudur nafaqoxumo ama nafaqodarro oo ay keento la'aanta ama kayaraanta jirka fitamiinka la yiraahdo PP oo ka sameysan “nikotiinika asidh”. Astaamaha: maqaarka inta muuqda oo galdhaca, shuban iyo qalbixumo ama qulub.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bellaagra
m.l (daaw.) Cudur nafaqoxumo ama nafaqodarro oo ay keento la'aanta ama kayaraanta jirka fitamiinka la yiraahdo PP oo ka sameysan 'nikotiinika asidh'. Astaamaha: maqaarka inta muuqda oo galdhaca, shuban iyo qalbixumo ama qulub.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nakhtiin
(fal) cashir aad horay u akhriday dib u dul mar oo ku noqo. Qur'aanka dhawr jeer nakhtiin. Dh: muraajacee.
nakhtiin -ka: (magac, lab, keli) arday Qur'aanka markii labaad dhigata. Wiilkaygii sannadkan buu nakhtiin yahay. L: horujeed.
nakhtiin -ka: (magac, lab, keli) dib u dulmaridda wax horay loo akhriyay.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
ITIIN
(Itin) N Commiphora boiviniana Engl. Burseraceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iftiin
(Iftiin-ka)
Waxa u salka ah aragga oo aan la'aanti wax la arki karin; if; ilays; bidhaan; kaah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iftiin
iftiin¹: m.l (-nno, m.dh) 1. Kaah wax lagu arki karo. 2. Wakhti si fiican wax loo arki karo oo qorraxdu soo baxayso ama dhacayso.
iftiin²: m.l (-nno, m.dh) (fiisikis) Sii deynta kaaha ka imanaya walax saxarradeedu nuugeen tamar, iyagoo gaadhaya xaalad kacsan, kaddibna ku noqday xaalad tamar hooseysa markii ay sii daayeen kaaha birlab-danabowga.
iftiin³: f.mg1 (-imay, -intay; -imi) Wax kaah yeelasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iftiin
iftiin¹: m.l (-nno, m.dh) 1. Kaah wax lagu arki karo. 2. Wakhti si fiican wax loo arki karo oo qorraxdu soo baxayso ama dhacayso.
iftiin²: m.l (-nno, m.dh) (fiisikis) Sii deynta kaaha ka imanaya walax saxarradeedu nuugeen tamar, iyagoo gaadhaya xaalad kacsan, kaddibna ku noqday xaalad tamar hooseysa markii ay sii daayeen kaaha birlab-danabowga. m.f.dh, iftiimid.
iftiin³: f.mg1 (-imay, -intay; -imi) Wax kaah yeelasho. m.f.dh, iftiimid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Iftiin
Illumination
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iftiin
m. n. light; enlightenment
iftiin v. give light, shine
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Iftiin
name-unisex light; enlightenment
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iftiin
-ka: (n) light (laayt), —iftiin -iftiimay / iftiintay: (v) emit light; illuminate (iluumaneyt); shine (shaayn); lighten (laayten),
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iftiin
(tilmaame) mugdi iyo madow la'aan. Aqoon la'aani waa iftiin la'aan. Li: mugdi.
iftiin -ka: (magac, lab, keli) ilays meel mugdi ah siraada oo wax lagu arko.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
iftiin
نور، ضياء، ضَوْء
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
niqiin
v., pl., simple past tense: we knew
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
niqiin
(v) [past tense of naqaan] we knew. Ex: horay baan u niqiin; we knew it already
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
niqiin
de: we knew
lx: niqiin
ps: v4d-1pl-past
key: niqiin
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
notion
/nowshan/ (n) fikradda guud (macnaha guud ee mawduuc ama hadal).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sikiin
m.dh la-mid: sakiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sikiin
-ta: (magac, dhedig, keli) bir yar oo xalleefsan oo labada dhinac af ku leh, oo wax lagu jarto tintana lagu xiirto. Dh: makiinad, sakiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naqtiin
(Naqtiin-ka)
1. Wax hor loo bartay oo la dhammeeyey, oo kol kale lagu noqdo.
2. Qofka wax uu hor u bartay ku noqda ee aan horujeedka ahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naqtiin
naqtiin¹: m.l 1. Dib u so bilaabidda quraan, duruus iyo wixi lamida oo hore loo dhammeeyey. 2. N. ah: qof dhammeeyey quraan, duruus iyo wixi lamida oo mar labaad soo bilaaba. la-mid: naqtiimo.
naqtiin²: f.mg1 (-imay, -intay) Qur'aan dhammeeyay mar labaad ku noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naqtiin
m.l 1. Dib u so bilaabidda quraan, duruus iyo wixi lamida oo hore loo dhammeeyey. 2. N. ah: qof dhammeeyey quraan, duruus iyo wixi lamida oo mar labaad soo bilaaba. la-mid: naqtiimo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naqtiin
m. n. repetition, review
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naqtiin
-naqtiimay / naqtiintay: (v) repetition, especially the Koranic repetition
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqtiin
(fal) dib u akhri wax aad horay u soo baratay.
naqtiin -ka: (magac, lab, keli) dib u akhrinta wax horay loo maray.
naqtiin -ka: (magac, lab, keli) arday ku jira marxaladda ku soo celinta quraanka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naqtiin
de: repetition, review
lx: naqtiin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: naqtiin
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Nizriin
name-f a kind of aromatic plant
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Rootiin
Routine
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tiitiin
-ka: (n) cactus (kak-tas) ~ tiin, tiintiin Ex: geedka tiintiinka; the cactus plant
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhtiin
m.dh la-mid: baqtiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhtiin
-ta: (magac, dhedig, keli) ka dhigidda wax bakhtiyay.
bakhtiin -ta: (magac, dhedig, keli) ka dhigidda wax demay. Bakhtiista badan ka ilaaliya tiriigga.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
borotiin
m. n. protein
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
borotiin
-ka: (magac, lab, keli) walxo ilimaqabato ah oo laga helo hilibka naalada, caanaha iyo waxyaabo kale oo qayb weyn ka qaata dhismaha jidhka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
borotiin
de: protein Alt sp: borootiin {Eng}
lx: borotiin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: borotiin
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
nicotina
s.f. waabaayada sigaarka.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
nicotine
/nikatiin/ (n) walax daroogo ah oo tubaakada iyo sigaarka ku jirta.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
nicotine
nicotine, n.f. - nikotiin; walax sun ah oo tubaakada ama buuriga sigaarka ku jirta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nikaaxin
(Nikaaxin-ta)
Nin iyo naag isku xirid, isu meherin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nikaaxin
m.dh la-mid: nikaaxid.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Nivation
Baraf goyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
onkojiin
m.l (-nno, m.dh) (baayoloji) Jiin ay leeyihiin fiirusyadu iyo unugyo naasley oo keeni kara kansar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
onkojiin
m.l (-nno, m.dh) (baay.) Jiin ay leeyihiin fiirusyadu iyo unugyo naasley oo keeni kara kansar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
onkojiin
-ka: (magac, lab, keli) jiin ay leeyihiin fiirusyadu iyo unugyo naasley oo keeni kara cudurka kansarka.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
TIINTIIN
(Tintin) S, C Opuntia ficus-indica L. Cactaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tiintiin
-ka: (n) cactus (kak-tas) ~ tiin. Ex: geedka tiintiinka; the cactus plant
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
animation
/aanameyshan/ (n) 1. filin kartuun leh ama jinijini leh; masawiro leh. e.g. He drew an animation of the story. 2. dhaqdhaqaaq ama xarakaad leh. e.g. He was talking with animation.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
animation
/animeeshan/ (n) 1. filing jinyjiny eh (kaartuung). 2. nynool (firfir'oong).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
borootiin
m.l (-nno, m.dh) (baayoloji) Dheef asaasi u ah caafimaadka, jirdhiska oo laga helo cunnada la quuto qaar ka mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
borootiin
m.l (-nno, m.dh) (baay.) Dheef asaasi u ah caafimaadka, jirdhiska oo laga helo cunnada la quuto qaar ka mid ah.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
borootiin
-ka: (n) protein (parootiin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
borootiin
-ka: (magac, lab, keli) maaddo ka kooban curiyayaal kala duwan oo uu ka mid yahay kaarboonhaydarayd iyo asuudku waxayna ku badan tahay cuntooyinka laga sameeyo firileyda waxana lagu tiriyaa maaddooyinka ugu muhiimsan ee jidhku u baahan yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fikirsiin
m.dh la-mid: fekersiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fikirsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof kale, in uu fikiro u horseedid; in uu fikiro sabab u noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiyooliin
m.l (muus.) Nooc ka mid ah qalabka muusikada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fiyooliin
m.l (muus.) Nooc ka mid ah qalabka muusikada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaakatiin
-ka: (magac, lab, keli) koodhka laga dul gashado shaadhka. Dh: koodh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaarotiin
m.l (baayoloji) Xubin ka mid ah dirta midabsidayaasha kaarotinoydh. Tusaale ahaan waxa ka mid ah beta-kaarotiin oo midab u yeesha xididka daba casaha iyo laykobiin oo bislaysa tamaandhada. Alfa iyo beta kaarotiin waxa laga helaa faytamiin A, marka xayawaanku dheef-shiido.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaarotiin
-ka: (magac, lab, keli) (baayolaji) xubin ka mid ah dirta midabsidayaasha kaarotinoydh. Tusaale ahaan waxa ka mid ah beta-kaarotiin oo midab u yeesha xididka daba casaha iyo laykobiin oo bislaysa tamaandhada. Alfa iyo beta kaarotiin waxa laga helaa faytamiin A, marka xayawaanku dheefshiido.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niyakicin
m.f.dh eeg niyakici.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biskoodsiin
m.dh eeg biskoodsii.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
negotiation
/negooshiyeshan/ (n) waan-waan (wada-hadal).