nikaaxid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nikaaxid
(Nikaaxid-da)
Nikaax samayn; guursad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nikaaxid
m.f.dh eeg nikaax². la-mid: nikaaxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nikaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) meher samayn, guursad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nikaaxi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: nikaax².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nikaaxi
v. make a marriage agreement
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nikaaxi
-yey / say: (v) marry (maari); perform a marriage ceremony for; join in marriage; declare husband and wife -ku
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nikaaxi
de: make a marriage agreement (the woman need not be present); Contrast: ku nikaax
lx: nikaaxi
pd: (nikaaxiyey)
ps: v2a=tr
key: nikaaxi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nikaaxin
(Nikaaxin-ta)
Nin iyo naag isku xirid, isu meherin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nikaaxin
m.dh la-mid: nikaaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meherin
(Meherin-ta)
(guur) Qof dumar ah, nin ku xirid, ku nikaaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naaxid
(Naaxid-da)
Wax buuran oo shilis noqosho; cayilid; xawsid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naaxid
-da: (magac, dhedig, keli) cayilid oo aad u buurnaansho. Dh: shishlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nikaax
(Nikaax-a)
1. Heshiiska labada qof oo is guursanaya isku xiraya, oo isu xalaalaynaya.
2. Meher; guur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nikaax
nikaax¹: m.l (-xyo, m.dh) Xarig diini ah oo isu xalaaleynaya nin iyo naag is guursanaya.
nikaax²: f.g1 (-xay, -xday) Qof haween ah nin raba inuu guursado u xalaaleyn. la-mid: nikaaxi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nikaax
nikaax¹: m.l (-xyo, m.dh) Xarig diini ah oo isu xalaaleynaya nin iyo naag is guursanaya.
nikaax²: f.g1 (-xay, -xday) Qof haween ah nin raba inuu guursado u xalaaleyn. m.f.dh, nikaaxid. la-mid: nikaaxi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nikaax
m. n. marriage contract ~ agreement
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nikaax
-a: (n) marriage contract; matrimonial arrangement. Ex: warqadda nikaaxa; the marriage certificate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nikaax
(fal) labo is guursanaya isku meheri. Dh: meheri.
nikaax-a: (magac, lab, keli) guur sharci ah oo meher iyo shuruuddii guurku u dhan yihiin. Dh: guur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nikaax
bw: Arabic
de: marriage contract ~ agreement
lx: nikaax
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: nikaax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nikaaxo
(fal) meherso gabadh, xalaalayso. Nikaaxo gabadha haddaad rabto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dikaamid
(Dikaamid-da)
Dikaan yeelasho; diglayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dikaamid
m.f.dh eeg dikaan². la-mid: diikaan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dikaamid
-da: (magac, dhedig, keli) dhaqdhaqaaq fudud sida dhiigga samayn. Nabarka uu dheecaan ku jiro dekaamida ayaa lagu gartaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fitaaxid
(Fitaaxid-da)
Wax fitaaxsan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fitaaxid
m.f.dh eeg fitaax². la-mid: fataax¹, fataaxid, fitaax¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fitaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) wax fidsan noqosho oo ballaadhad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jibaaxid
(Jibaaxid-da)
Jibaax ku marid; jiirid; jeexid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jibaaxid
m.f.dh eeg jibaax². la-mid: jibaax¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jibaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) meel cidhiidhi ah dhexmaris; awood ku mar meel aan bannaan ahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jikaarid
(Jikaarid-da)
Diidmo iyo asaraar ka horkeenid; jactadid; murmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jikaarid
m.f.dh eeg jikaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jikaarid
-da: (magac, dhedig, keli) talo la soo jeediyay, si ula kac ah u diidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kifaaxid
m.f.dh eeg kifaax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kifaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) loollamid oo halgamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nikaaxso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Naag nikaax ku xirasho (nin). 2. Naag, nin guursasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nikaaxso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Naag nikaax ku xirasho (nin). 2. Naag, nin guursasho. m.f.dh, nikaaxsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nikaaxso
v. get married legally ~ under a contract
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nikaaxso
(fal) eeg nikaaxo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nikaaxso
de: get married legally ~ under a contract (of a man)
lx: nikaaxso
pd: (nikaaxsaday)
ps: v3a=
key: nikaaxso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ningaxid
-da: (magac, dhedig, keli) lingax afka kaga xidhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rigaaxid
m.f.dh eeg rigaax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rigaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) burburin ku samayn; aad u jejebin oo abshax ka dhigid. Dh: jejebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Riyaaxid
(Riyaaxid-da)
Riyaax ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riyaaxid
m.f.dh eeg riyaax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riyaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) xanuun rigaax ah yeelasho. Dh: rigaaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tibaaxid
(Tibaaxid-da)
War ama wax kale oo aan la hubin ama sugnayn, sheegid, faafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tibaaxid
m.f.dh eeg tibaax². la-mid: tibaax¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tibaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) war aan la hubin sheegidda. Dh: faafin, dulmarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nikaaxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Ku n./u n.: naag nikaax ku xiranyahay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nikaaxsan
(tilmaame) mehersan; la guursadayah. Gabadh nin u nikaaxsan lalama haasaawo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nishaabid
(Nishaabid-da)
Waxa la toogana hayo, toogta ku duwid, ku abbaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nishaabid
m.f.dh eeg nishaab². la-mid: niishaabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nishaabid
vl. n. aiming; accuracy in marksmanship
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nishaabid
-da: (magac, dhedig, keli) toog ku tababarasho; shiish barasho. Dh: shiishid.
nishaabid -da: (magac, dhedig, keli) kuudad lagu dagaallamo daldalool wax laga toogto u yeelid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nishaabid
de: aiming; accuracy in marksmanship
lx: nishaabid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: nishaabid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niyajabid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la rajaynayay ku hongoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rigaaxmid
-da: (magac, dhedig, keli) jajabid oo kala daadasho oo wax rigaaxan noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riyaaxmid
-da: (magac, dhedig, keli) kala daadasho oo wax rigaaxan noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibkanaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) xagga dambe ka cayilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nikaaxitaan
-ka: (magac, lab, keli) meher ku xidhitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naaxi
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley cayilin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naaxi
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley cayilin. m.f.dh, naaxin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naaxi
v. fatten
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naaxi
-yey / say: (v) fatten (faaten); breed stock
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naaxi
(fal) cayili oo buurnee. Dibigaaga naaxi ha bgalee. Dh: shishlee, buurree.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naaxi
de: fatten
lx: naaxi
pd: (naaxiyey)
ps: v2a=tr
key: naaxi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nixid
(Nixid-da)
Naxdin iska garasho, dareemid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nixid
m.f.dh eeg nax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nixid
-da: (magac, dhedig, keli) sasid oo cabsi dareemid.
nixid-da: (magac, dhedig, keli) naxariis iyo raxmad cid loo hayo dareemid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faaxid
(Faaxid-da)
Meelo badan gaarid; faafid; fitaaxid; kala bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaxid
m.dh la-mid: faafid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaxid
-da: (magac, dhedig, keli) kala bixitaanka iyo kala fididda walax; gaadhidda shey meelo badan ku baaho. Loox biyo ku jiraa faaxid ma daayo. Li: dhadhid, ururid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hikaad
m.dh la-mid: higgaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hikaad
-da: (magac, dhedig, keli) qoraal ku codayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaaxid
(Jaaxid-ka)
Nin bareer iyo ogaal wax u asaraara, wax u inkira.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaaxid
m.l (-dyo/-diin, m.dh) Nin bareer iyo ogaal wax u asaraara, wax u inkira.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaaxid
f. n. dogmatic, argumentative ~ obstinate person
jaaxid [feminine] n. rejection, denial (of)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jaaxid
-ka: (n) one who refuses to accept; disputatious or quarrelsome person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) asraarid ama jikraarid. Dh: jikaaridda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaabid
(Kaabid-da)
Wax ka maqan ku darid, ku kordhin, siin; kabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaabid
m.f.dh eeg kaab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaabid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan adkayn oo xoojin u baahan, wax ku darid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaahid
(Kaahid-da)
Iftiin kaah ah yeelasho, soo saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaahid
m.f.dh eeg kaah².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaahid
-da: (magac, dhedig, keli) meel fog ka soo ifid; meel fog ka iftiimid; iftiin kaah ah yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaalid
m.f.dh eeg kaal³. la-mid: kaalin² (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaalid
-da: (magac, dhedig, keli) kaalo uruurin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaarid
(Kaarid-da)
Kaar yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaarid
m.f.dh eeg kaar². la-mid: kaar¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaarid
-da: (magac, dhedig, keli) marka xanuunku qof ku keeno xummad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaayid
(Kaayid-da)
Meel aan laga arki karin gelin; qarin; dahid; xasayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaayid
m.f.dh eeg kaay², kay³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaayid
-da: (magac) farsamada shaqo ruux ba xilli gaar u ah qabto, kolba loo dhiibayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabxid
(Kabxid-da)
Meel la dhisi doono ama wax laga qodi doono, ciidda kore oo jilicsan ka qaadid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kabxid
-da: (n) excavation (ekis-kaveeyshen)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maaxid
(Maaxid-da)
Tallaabid; gudbid; xulid; mushaaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maaxid
m.f.dh (-day, -dday) eeg maax².
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Maaxid
Navigation
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Maaxid
Navigation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaxid
-da: (magac, dhedig, keli) dhex mushaaxid. Maaxidda iska daa oo dadka ka fadhiiso. Dh: maaxis.
maaxid-da: (magac, dhedig, keli) maax soo saarid. soo biiridda biyo il ka soo baxaya oo soo maaxaya. Maaxidda ceelka ayaan sugayaa.