niishaabid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niishaabid
m.dh la-mid: nishaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niishaabmid
m.dh la-mid: nishaabmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nishaabid
(Nishaabid-da)
Waxa la toogana hayo, toogta ku duwid, ku abbaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nishaabid
m.f.dh eeg nishaab². la-mid: niishaabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nishaabid
vl. n. aiming; accuracy in marksmanship
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nishaabid
-da: (magac, dhedig, keli) toog ku tababarasho; shiish barasho. Dh: shiishid.
nishaabid -da: (magac, dhedig, keli) kuudad lagu dagaallamo daldalool wax laga toogto u yeelid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nishaabid
de: aiming; accuracy in marksmanship
lx: nishaabid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: nishaabid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niishaab
niishaab¹: m.l la-mid: nishaab¹.
niishaab²: f.g/mg1 (-bay, -btay) la-mid: nishaab².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liishaamid
m.f.dh eeg liishaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liishaamid
-da: (magac, dhedig, keli) nishaabid oo yoolka la dhooganayo fiirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niishaaban
niishaaban¹: f.mg1 (-bmay, -bantay; -bmi) la-mid: nishaaban¹.
niishaaban²: f.mg4 (-bnaa, -bnayd) la-mid: nishabaan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nishaabmid
m.f.dh eeg nishaaban¹. la-mid: niishaabmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nishaabmid
-da: (magac, dhedig, keli) dhufays daldaloollo yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niishaabtamid
m.dh la-mid: nishaabtamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niishaabtan
niishaabtan¹: m.l la-mid: nishaabtamid.
niishaabtan²: f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: nishaabtan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nishaab
(Nishaab-ka)
1. Sida wax loo rido ama aan wax loola waayin aqoonteeda; toog; dhaqays; shabbaax; shiish; liishaan; abbaar.
2. Daldaloollada loo yeelo xuddurrada iyo kuudadka lagu dagaallamo oo dad gudaha ku jiraa, ka toogtaan colka dibadda jooga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nishaab
nishaab¹: m.l (-byo, m.dh) 1. Aqoonta toogashada yoolka. 2. Daldaloollada loo yeelo dhufaysyada si cadowga looga ilaaliyo. la-mid: niishaab¹.
nishaab²: f.g/mg1 (-bay, -btay) Waxa la toogana hayo, toogta ku duwid, ku abbaarid. la-mid: niishaab².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nishaab
nishaab¹: m.l (-byo, m.dh) 1. Aqoonta toogashada yoolka. 2. Daldaloollada loo yeelo dhufaysyada si cadowga looga ilaaliyo. la-mid: niishaab.
nishaab²: f.g/mg1 (-bay, -btay) Waxa la toogana hayo, toogta ku duwid, ku abbaarid. m.f.dh, nishaabid. la-mid: niishaab.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nishaab
m. n.; [vn.]: aim; sight (of a gun); pointing a gun at
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nishaab
-ay / tay: (v) target (taarget); aim at (eeym at).
nishaab -ta: (n) target (taarget)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nishaab
(fal) sida wax loo rido baro; toogasho baro. Intaanad rasaas ridin horta nishaab.
nishaab -ka: (magac, lab, keli) daldaloollo loo yeelo kuudadka lagu dagaallamo si qofka gudaha ku jiraa uu uga toogto cadaw dibadda jooga.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nishaab
cf: liishaan
de: aim; sight (of a gun); [vn] pointing a gun at
lx: nishaab
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: nishaab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nishaad
m.l la-mid: nashaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nishaad
-ka: (magac, lab, keli) wax qabad iyo firfircoonaan. Dh: nashaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ishaarid
(Ishaarid-da)
Baaqid; far ku fiiqid; astayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ishaarid
m.f.dh eeg ishaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xisaabid
(Xisaabid-da)
Tirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xisaabid
m.f.dh eeg xisaab². la-mid: xisaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xisaabid
-da: (magac, dhedig, keli) shay inta uu tira ahaan yahay iyo inta ku biirtay ama ka go'day tirin oo xaddidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diihaalid
m.f.dh eeg diihaal². la-mid: daahiilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Inshaadid
(Inshaadid-da)
Qasiido ku qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
inshaadid
m.f.dh eeg inshaad².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miisaamid
(Miisaamid-da)
Wax miisaankiisa ogaansho; cabbirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miisaamid
m.f.dh eeg miisaan². la-mid: miisaanid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miisaamid
-da: (magac, dhedig, keli) miisaan saarid oo inta culayskiisu yahay eegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miisaanid
m.dh la-mid: miisaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nishaaban
nishaaban¹: f.mg1 (-bmay, -bantay; -bmi) Ku n.: qori, fallaar iyo wixi lamida oo wax lagu shiishay noqosho. la-mid: niishaaban¹.
nishaaban²: f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Ku n.: qori, fallaar iyo wixi lamida oo wax lagu shiishay ahaansho. la-mid: niishaaban².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qiiqaabid
(Qiiqaabid-da)
Qiiq yeelasho; ka soo bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qiiqaabid
m.dh la-mid: qaacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qiiqaabid
-da: (magac, dhedig, keli) qiiq yeelasho. Dabku weli ma hurin oo qiiqaabid ayuu ku jiraa. Dh: qiiqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wishaarid
(Wishaarid-da)
Weshaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wishaarid
m.f.dh eeg wishaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wishaarid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg weshaarid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Siishaalis
(n) Seychelles; Victoria, on Mahe Island, is the capital
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niishaabnaan
m.dh la-mid: nishaabnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nishaabtamid
m.f.dh eeg nishaabtan². la-mid: niishaabtamid, niishaabtan¹, nishaabtan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nishaabtamid
-da: (magac, dhedig, keli) dhoog ku tartamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiillaabid
-da: (magac, dhedig, keli) qayladhaan iyo canaan wada socda oo dad lagu guubaabiyo ama foojignaan fara badan oo qofku la fuloobo. Dh: qaylodhaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
igtishaafid
m.f.dh eeg igtishaaf².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biishad
m.dh (-do, m.dh) Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talaggalay labadiisa dhinac min shan dhibcood ku leh. la-mid: banjiyad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaabid
(Dhaabid-da)
Si xoog leh wax meel ugu mudid, ugu adkayn, dhidbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaabid
m.f.dh eeg dhaab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaabid
-da: (magac, dhedig, keli) si xoog ah dhulka ugu qotomin. Dhaabidda waranka ha igaga cabsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ijaabid
(Ijaabid-da)
Yeelid; maqlid; ajiibid, aqbalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ijaabid
m.f.dh eeg ijaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Inshaad
(Inshaad-ka)
Qasiido laga luuqiyo; hees diin lug ku leh iyo qaadiddeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
inshaad
inshaad¹: m.l Ku luuqeynta qasiida diimeed iyadoo kor loogu luuqeenayo.
inshaad²: f.mg1 (-day, -dday) Qasiido ku luuqeyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
inshaad
m. n. recitation of texts in Koranic school, religious chant
inshaad: v. chant ~ recite Koranic texts
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
inshaad
-ay / day: (v) repeat or utter aloud; recite (ri saayt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
inshaad
-ka: (magac, lab, keli) hees qaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isgaabi
(fal) dhererkaaga hoos u dhig oo gaabi. Waan isgaabinnaa markaan geedka hoos marayno.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isnabid
-da: (magac, dhedig, keli) meel isku dhejin.
isnabid-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, iska qarin cabsi ama wax kale aawadii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kiishad
(Kiishad-da)
Suun la xirto oo jeeb lacagta lagu rito leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiishad
m.dh (-do, m.l) Suun la xirto oo leh jeeb ama laba oo lacagta iyo wixi lamida lagu rito. la-mid: kiisad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kiishad
f. n. money-belt
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kiishad
-da: (n) belt (beelt), especially worn by nomadic men
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kiishad
-da: (magac, dhedig, keli) suun la xirto oo jeeb lacagta lagu rito leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kiishad
de: money-belt
lx: kiishad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: kiishad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nashaad
m.l (-ddo, m.dh) Farxad iyo firfircooni. la-mid: nanashaaddo, nishaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nashaad
-ka: (magac, lab, keli) firfircooni iyo waxqabad. Qof nashaad badan shaqada u dhiibo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Riishad
(Riishad-da)
Bir yar oo godan oo buntukha ku taal oo kolkii la qabto, xabbaddu dhacdo; keeb; fargad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riishad
m.dh (-do, m.l) Bir yar, qoolaaban oo buntuqa xaggiisa hoose ku samaysan oo dib farta loogu riixo marka buntuqa xabbad laga ridayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
riishad
m.dh (-do, m.l) Bir yar, qoolaaban oo buntuqa xaggiisa hoose ku samaysan oo dib farta loogu riixo marka buntuqa xabbad laga ridayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
riishad
f. n. trigger
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
riishad
-da: (n) trigger (tirig-ger); trigger of firearm ~ keeb
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riishad
-da: (magac, dhedig, keli) bir yar oo buntukha ku taal oo marka la riixo xabbadu dhacdo; amaanka rasaasta bunduqa laga rido. Dh: keeb.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
riishad
bw: Arabic
de: trigger
lx: riishad
pd: (-da)
ps: n1-f
syn: fargad, keeb
key: riishad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaacid
(Shaacid-da)
(war) dhul badan wada gaarid; caan noqosho; baahid, faafid; fidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaacid
m.f.dh eeg shaac².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaacid
-da: (magac, dhedig, keli) war, arrin iyo wixii la mid ah, dhul badan wada gaadhid; caan noqosho. Dh: baahid, faafid, fidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaahid
1. (Shaahid-da) Shaah cabbid.
2. (Shaahid-ka) Marag; markhaati.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaahid
shaahid¹: m.l (-dyo, m.dh) Marqaati.
shaahid²: m.f.dh eeg shaah².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaahid
m. n. witness
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shaahid
name-m witness; one who upholds the faith
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaahid
-ka: (n) eyewitness (aay-wit-nes); spectator (ispak-teeyter) ~ markhaati
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaahid
-da: (magac, dhedig, keli) shaah cabbid shaahayn.
shaahid -ka: (magac, lab, keli) markhaati: shuhuud: marag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaahid
cf: marag, markhaati
de: witness
initial: s
lx: shaahid
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: shaahid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaalid
(Shaalid-da)
(gaadiidka badda) mowjad duuban ka hortegid oo ka dhaadhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaalid
m.f.dh eeg shaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaalid
-da: (magac, dhedig, keli) 'markab' ka hor tagid mawjad oo ka dhaadhicid, mawjad duuban ka hortegid oo ka daaddegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaaxid
m.l Rooti iyo wixi lamida aad dab loogu bisleeyay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaaxid
(fal) wax duban oo qallalan noqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xisaabi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: xisaab².
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xisaabi
Calculate, Compute
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xisaabi
v. calculate, figure, count, account; consider, take into account
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xisaabi
-yey / say: (v) calculate (kal-kileeyt)-, compute (kom-piyuutf figure (figerf reckon ~ xisaab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xisaabi
(fal) la xisaabtan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xisaabi
de: calculate, figure, count, account; consider, take into account
initial: x
lx: xisaabi
pd: (xisaabiyey)
ps: v2a=tr
key: xisaabi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ashaamid
m.l Busta madowga badan ee sabuulka maseggada ku dhalata, badarkana madowga ka dhigta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilaabid
(Bilaabid-da)
Bilaw u yeelid; ku dhaqaaqid; abuurid; curin.