niiclayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niiclayn
-ta: (magac, dhedig, keli) calaacal joogto ah iyo hadal jilicsan wadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuusid
-da: (magac, dhedig, keli) cabasho badan oo gunuunuc ah samayn. Naag xumi way yuusid badan tahay Dh: gunuunucid, niiclayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiilayn
m.f.dh eeg kiilee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niglayn
-ta: (magac, dhodig, keli) nignigta hayn cod wax weyn oo dhulka ku dhacay oo kale abi samayn. Niglaynta hubka ayay carruurtu ka sasaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wiilayn
-ta: (magac, dhedig, keli) in badan ereyga 'wii' ku celcelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biiqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) codka biiqbiiqda oo is daba joog ah loo sameeyo. Biiqlayn badana ma dhoortaxaliil baa dabada gashay. Dh: biilayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiicnayn
(Fiicnayn-ta)
Wax fiican ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiicnayn
m.f.dh eeg fiicnee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiicnayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax fiican ka dhigid. Dh: wanaajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiiqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) oy adiga oo 'hiq' dhabanaya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niigtayn
-ka: (magac, lab, keli) maro yaroo xaradh iyo midabbo qurxoon leh oo raggu raqabadda shaatiga qurux ahaan uga laalaadiyo. Dh: tay. karafaad, nigtayn, garabaati.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaniinlayn
vl. n. disinfecting
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaniinlayn
de: disinfecting
lx: qaniinlayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: qaniinlayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biliglayn
m.f.dh eeg biliglee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biliglayn
-ta: (n) twinkling or flashing light; flicker, glimmer ~ biglayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biliglayn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg biligbiliglayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firixlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) boodboodista neef ama wax kale oo la gawracay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tifiqlayn
m.dh la-mid: tifqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tifiqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dareere, si tifiqtifiq ah u u di'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilayn
(Ilayn-ta)
1. Il ama siriq samayn, waxayn; siriq ku roorin.
2. (senen) Dhugasho wax ku yeelid; dhabataysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilayn
m.f.dh eeg ilee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cawryid; eegmo cid lagu dhabateeyo. Dh: dhabasho.
ilayn-ta: (magac, dhedig, keli) meel madow oo aan nal lahayn, iftiimin. Dh: nalayn, siraadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diilan
diilan¹: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Wax ciid, neef iyo wixi lamida laga buuxiyey noqosho.
diilan²: f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax ciid, neef iyo wixi lamida laga buuxiyey ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiican
Xumo ka hufan; wanaagsan; toolmoon; suubban; qumman.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiican
f.mg4 (-cnaa, -cnayd) 1. Wax wanaagsan ahaansho. 2. Ku f.: wax si gaar ah wax ugu wanaagsan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fiican
f.mg4 (-cnaa, -cnayd) 1. Wax wanaagsan ahaansho. 2. Ku f.: wax si gaar ah wax ugu wanaagsan ahaansho. m.f.dh, fiicnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiican
der. [adjective] good, nice, well; comfortable; clever
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fiican
-fiicaa / fiicnayd: (adj) good (guudh); fine (faayn); nice (naays); useful; decent
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiican
(tilmaame) qof xumo ka hufan. Dh: suubban, qumman, wanaagsan, toolmoon.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fiican
de: good, nice, well; comfortable; clever
lx: fiican
pd: (fiicnaa)
ps: adj-der
xe: istareexsan
xv: wanaagsan
key: fiican
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iclaan
(Iclaan-ka)
War la sheego oo aad loo faafiyo oo dadka la wada gaarsiiyo; ogeysiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iclaan
m.l War la sheego oo aad loo faafiyo oo dadka la wada garsiiyo; ogeysiis.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iclaan
m.l War la sheego oo aad loo faafiyo oo dadka la wada garsiiyo; ogeysiis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iclaan
m. n. announnt, proclamation; advertisement
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iclaan
-ka: (n) the act of making known publicly; publicizing (pablizaaysing)', announcement (anownsiment) ~ ogeysii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iclaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg iclaam.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iclaan
bw: Arabic
de: announcement, proclamation; advertisement
lx: iclaan
pd: (-ka)
ps: n2c-m
syn: ogeysiis
key: iclaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Idlayn
(Idlayn-ta)
Dhammays tirid; wada dhammayn; wax ka reebid la'aan; marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
idlayn
m.f.dh eeg idlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
idlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhammaynta wax tirsanaa ama tuulnaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iillan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax in yar la weeciyey ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iillan
der. [adjective] tilted, tipped, inclined
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iillan
-iishay: (v) decline; fail. Ex: Ha iillan; don't fail
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iillan
(tilmaame) dhinac u weecsan; jidka toosan ka leexsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iillan
de: tilted, tipped, inclined
lx: iillan
pd: (iillanaa)
ps: adj-der
key: iillan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iimayn
(Iimayn-ta)
Iin u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iimayn
m.f.dh eeg iimee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iimayn
-ta: (magac, dhedig, keli) nabar iyo iin u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iiqayn
(Iiqayn-ta)
Ciriiri gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilcayn
m.l/dh Dhabataysi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilcayn
m. n. evil eye
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilcayn
de: evil eye
lx: ilcayn
pd: (-ka ~ -ta)
ps: n-m/f
key: ilcayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illayn
xi. 1. la-mid: illeen. Eray hadalka lagu adkeynayo. 2. la-mid: illaa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
illayn
xi. 1. la-mid: illeen. Erey hadalka lagu adkeynayo. 2. la-mid: illaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
illayn
conj. but, on the other hand
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Illayn
en effet.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
illayn
(conjectiori) on the contrary; yet (yat); but (bat) ~ illeen, illayse
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
illayn
(xidhiidhiye) erey la yidhaahdo marka wax aan la ogayn la ogaado. Alaabtii aqalka ka soo qaado aan is lahaa, illayn Cali baa ila soo waydaartay. Dh: shaw, illeen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
illayn
a: illeen
de: but, on the other hand
lx: illayn
ps: conj
key: illayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jilayn
(Jilayn-ta)
1. Jil u yeelid, ku marid.
2. (wadaan, kd.) afka marin; aad u buuxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilayn
m.f.dh eeg jilee. la-mid: jilays.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jilayn
vl. n. filling to the brim
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jilayn
a: jilays (ka) [vn-m]
de: filling to the brim
lx: jilayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
see: jilee
key: jilayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiilan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la kiilay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kiilan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la kiilay ahaansho. m.f.dh, kiilnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kiilan
der. [adjective] measured by weight and volume; full (load)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kiilan
de: measured by weight and volume; [ext.] full (load)
lx: kiilan
pd: (kiilnaa)
ps: adj-der
key: kiilan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liilan
(Liilan-ka)
Dun la soohay oo miiqan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liilan
m.l (-mmo, m.dh) Dun dhuuban, miiqan oo wax lagu tosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
liilan
m.l (-mmo, m.dh) Dun dhuuban, miiqan oo wax lagu tosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liilan
m. n. yarn (cotton, wool), length ~ piece (of thread, string)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
liilan
-ka: (n) filament (filamant); yarn (yaan) ~ dun -ta
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liilan
-ka: (magac, lab, keli) dun la soohay oo miiqan.
liilan: (tilmaame) wax tigtigan oo barbarka ka saaran. Joonyadaha awrka ku liilan soo dhaadhici.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
liilan
de: yarn (cotton, wool), length ~ piece (of thread, string)
lx: liilan
pd: (-ka)
ps: n2c-m
key: liilan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
micayn
m.dh la-mid: macaanayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qaybin oo u kala soocid. Milayntaada ayaan sugaynnaa. Dh: milays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nacayn
(Nacayn-ta)
Si nac ku jiro, wax u yeelid; colaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacayn
m.f.dh eeg nacee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xumaan ku fogayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) nal iftiima ku xidhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Niiban
La niibay; si adag meel ugu dhegsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niiban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) 1. Meel dalooshay oo la buuxshay ahaansho. 2. Wax si adag meel ugu dheggan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
niiban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) 1. Meel dalooshay oo la buuxshay ahaansho. 2. Wax si adag meel ugu dheggan ahaansho. m.f.dh, niibnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
niiban
der. [adjective] attached, applied, stuck (on) firmly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niiban
(tilmaame) si adagg meel ugu dheggan. Ciid niiban ayaa aqalka dhiniciisa ku tuulan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
niiban
de: attached, applied, stuck (on) firmly With preposition ku
lx: niiban
pd: (niibnaa)
ps: adj-der
key: niiban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xilayn
(Xilayn-ta)
1. Xil saarid; xiloodin.
2. Xilo ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid masuuliyad saarid. Xilayn wuu ku fiican yahay. Dh: xilsaarid, xilays, xiloodin.
xilayn-ta: (magac, dhedig, keli) xilo samaysasho; reer dhisasho oo guursasho. Xilayni heshiis kama maaranto. Dh: xilays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baclayn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg bacbaclayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biglayn
(Biglayn-ta)
Hadba big leh; bidhaamo googgo'an oo degdeg isu dabajooga, samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biglayn
m.f.dh eeg biglee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biglayn
vl. n. twinkling, flashing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biglayn
-ta: (n) twinkling or flashing light; flicker, glimmer ~ biliglayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biglayn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg bidhlayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biglayn
de: twinkling, flashing
lx: biglayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: biglayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biifayn
(Biifayn-ta)
1. Biif ka dhigid.
2. Qurxin; caddayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biifayn
m.f.dh eeg biifee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biifayn
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo ku darid: biyo ku bilbilid oo ku qoyn.
biifayn-ta: (magac, dhedig, keli) wax qurxin. Dh: caddayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biimayn
(Biimayn-ta)
Biimo ka dhigid; meel cabsi ah gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biimayn
m.f.dh eeg biimee.