niibow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niibow
niibow¹: m.l Ka sibxashada ay wax sibxadaan laba gacmood dhexdood iyo wixi lamida. la-mid: niiboobid.
niibow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax sibxanaya oo aan gacantu qabaneyn noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niibo
f.g3 (-btay, -batay) 1. Ku n.: wax meel daloosha ku buuxsasho. 2. Dhegaha n.: xayawaan aad u ordid. 3. Dhego furaysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
niibo
f.g3 (-btay, -batay) 1. Ku n.: wax meel daloosha ku buuxsasho. 2. Dhegaha n.: xayawaan aad u ordid. 3. Dhego furaysasho. m.f.dh, niibasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
niibo
v. stick something to some place, apply ~ attach (for oneself)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niibo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg niib.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
niibo
de: stick s.t. to some place, apply ~ attach (for oneself) With preposition ku
lx: niibo
nt: niibasho (/da) [vn-f]
pd: (niibtay)
ps: v3b=
key: niibo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niiboobid
m.f.dh eeg niibow². la-mid: niibow¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niib
niib¹: m.dh (-bbo, m.l) Wax adag oo aan la dabooli karin.
niib²: f.g1 (-bay, -btay) 1 . Wax si adag meel ugu dhejin. 2. Meel dalooshay oo la buuxshay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
niib
f.g1 (-bay, -btay) 1. Wax si adag meel ugu dhejin. 2. Meel dalooshay oo la buuxshay ahaansho. m.f.dh, niibid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
niib
v. attach, stick on firmly ~ hard
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niib
(fal) wax si adag meel ugu dhejin.
niib: (fal) ciid ama wax la mid ah nab oo dheji Clidda aad u niib si aanay dabayshu ula tegin.
niib-ta: (magac, dhedig, keli) dhoobo adag con la qodi karin. Haddii niibta la gaadho ceelka wa laga guuraa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
niib
cf: dhabab, malaas
de: attach, stick on firmly ~ hard With preposition ku
lx: niib
pd: (niibay)
ps: v1=tr
key: niib
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BIBOW
(bibo) S Anacardium occidentalis L. Anacardiaceae.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Iidow
name-m holiday, feast, blessed, festival. Lit: the one born during a religious holiday. Syn: Iidle, lido
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Iidow
magac loo baxsho wiil dhashay ayan iideed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iimow
f.mg1 (-oobay, -owday) Wax iin yeeshay noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iimow
-ga: (magac, lab, keli) iin iyo ceeb yeelasho.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
LIBOW
(Libow) C Commiphora cyclophylla Chioy. Burseraceae.
S Commiphora rostrata Engl. Burseraceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niiko
-da: (magac,dhedig, keli) eeg niikis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nisbo
-nisbada: (n) relation (rileeyshiri).
u nisbee -yey / u nisbeysay: (v) relate (rileeyt); ascribe (askareeyb); relate to
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siibo
f.g3 (siibtay, siibatay) Qodax, musbaar, xidid iyo wixi lamida oo meel ku jirey ka soo bax-sasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
siibo
f.g3 (-btay, -batay) Qodax, musbaar, xidid iyo wixi lamida oo meel ku jirey ka soo baxsasho. m.f.dh, siibasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siibo
v. detach, extract, pull out ~ uproot for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siibo
(fal) wax siiban noqo.
siibo: (fal) 'adoo dad ku dhexjira' ka dhexbax: dhuumo.
siibo: (fal) aqoon, orad iyo wixii la mid ah, ka wada badi dadka kale.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siibo
de: detach, extract, pull out ~ uproot for oneself
initial: s
lx: siibo
pd: (siibtay)
ps: v3b=tr
key: siibo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biirow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax biir leh noqosho (biyo, caano iyo wixi lamida).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biirow
(fal) biirta ceelka guntiisa ku sumow. Dh: sumow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diidow
-ga: (magac, lab, keli) saca ilmihiisa diida oo aan oggolaan jiqiddiisa. Dh: ilmo diid.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Fiidow
name-m twilight, early evening; lit: he who was born at early evening
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Fiidow
magac loo baxsho wiil milayga cawayska intiisa hore dhashay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jidbow
inch. v. go into ecstasy; get infatuated
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jidbow
de: go into ecstasy; get infatuated
lx: jidbow
pd: (jidbooday)
ps: v3a=inch
see: jilbow
key: jidbow
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jilbow
inch. v. go into ecstasy, be in trance, get enraptured, obsessed ~ infatuated
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jilbow
a: jidbow
de: go into ecstasy, be in trance, get enraptured, obsessed ~ infatuated
lx: jilbow
pd: (jilbooday)
ps: v3a=inch
key: jilbow
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
LIILOW
(Lilow) S, May Celosia polystachia (Forsk) Townsend Amaranthaceae.
May Psilotrichum gnaphalobryum (Hochst) Schinz. Amaranthaceae.
N Eclipta prostrata (L) L. Compositae.
May, S Neurocanthus sp. Acanthaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miidow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Miid noqosho (hoore layiig ah).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miirow
m.l 1. Nooc ka mid ah qaadka ka baxa dalka Kenya. 2. Nooc tubaakada ka mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
miirow
m.l 1. Nooc ka mid ah qaadka ka baxa dalka Kenya. 2. Nooc tubaakada ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miirow
m. n. khat species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miirow
-ga: (magac, lab, keli) jaad Kiiniya caan ku ah oo laamihiisa la diirto. Dh: miiroo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miirow
de: khat sp. (imported from Kenya)
lx: miirow
pd: (-ga)
ps: n-m
key: miirow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
necbow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Aan wax jeclayn noqosho (cid). la-mid: nebcow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
necbow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Aan wax jeclayn noqosho (cid). la-mid: nebcow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Niiban
La niibay; si adag meel ugu dhegsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niiban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) 1. Meel dalooshay oo la buuxshay ahaansho. 2. Wax si adag meel ugu dheggan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
niiban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) 1. Meel dalooshay oo la buuxshay ahaansho. 2. Wax si adag meel ugu dheggan ahaansho. m.f.dh, niibnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
niiban
der. [adjective] attached, applied, stuck (on) firmly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niiban
(tilmaame) si adagg meel ugu dheggan. Ciid niiban ayaa aqalka dhiniciisa ku tuulan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
niiban
de: attached, applied, stuck (on) firmly With preposition ku
lx: niiban
pd: (niibnaa)
ps: adj-der
key: niiban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niibee
f.g2 (-beeyay, -beysay) Badar iyo wixi lamida wax sibxanaya ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Niibid
(Niibid-da)
Wax meel aad ugu dhejin, ugu nabid, ugu malaasid;.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niibid
m.f.dh eeg niib².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niibid
-da: (magac, dhedig, keli) nabid oo si adag meel wax ugu dhejin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niibis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg niibid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qiirow
v. feel strong negative emotion, react strongly
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qiirow
de: feel strong negative emotion, react strongly
lx: qiirow
pd: (qiirooday)
ps: v3a=intr
key: qiirow
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Siidow
name-m Saeed or Said; loyal, obedient
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siimow
m.l (-yo, m.dh) Biyo meel ku jira oo inta ay dhulka hoostiisa xulaan meel kale ka soo dhashuuma.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
siimow
m.l (-yo, m.dh) Biyo meel ku jira oo inta ay dhulka hoostiisa xulaan meel kale ka soo dhashuuma.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Siimow
Qoyaan-biyoodka soo dhex xula ciidda, dhismaha dhagaxa, labanka, bulukeetiga iwm.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wiifow
(Wiifow-ga)
Geed wareega oo fardo qoryo ah iyo kursiyo lagu fariisto leh, oo carruurta lagu cayaarsiiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wiifow
m.l (-wyo, m.dh) 1. Geed wareegsan oo fardo qoryo ah iyo kuraas lagu fariisto leh oo carruurta lagu ciyaarsiiyo. 2. Kursi meel ka laallaada oo carruurta lagu ruxo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wiifow
m.l (-wyo, m.dh) 1. Geed wareegsan oo fardo qoryo ah iyo kuraas lagu fariisto leh oo carruurta lagu ciyaarsiiyo. 2. Kursi meel ka laallaada oo carruurta lagu ruxo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wiifow
m. n. swing; merry-go-round, any amusement park ride going in circles
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wiifow
-ga: (n) swing (iswing); playground equipment, such as a swing, seesaw (sii-soo) or slide (islaaydh)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wiifow
de: swing; merry-go-round, any amusement park ride going in circles
initial: w
lx: wiifow
pd: (-ga)
ps: n2a-m, n7-m
syn: leexo {C & S}
key: wiifow
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
wiifow
أرجوحه
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xinbow
-ga: (magac, lab, keli) xanbuu.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nasiiblow
-ga: (magac, lab, keli) qof nasib fiican oo mar walba wax fiican oo u dan ah hela. Dadku waa nasiiblow iyo nasiiblaawe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nadiifow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Qof nadiif noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciishow
v. provoke resentment toward someone; be irritated with someone
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciishow
de: provoke resentment toward s.o.; be irritated with s.o.
lx: ciishow
pd: (ciishooday)
ps: v3a=intr
key: ciishow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiblow
m.l (-wyo, m.dh) Nin dadka dhiba.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiblow
m.l (-wyo, m.dh) Nin dadka dhiba.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiblow
m. n. nuisance, troublemaker
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhiblow
-ga: (n) troublemaker (tarabel-meey-ker); mischief-maker (mis-jiif-meey-ker) ~ rabshoole, fidmawale
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiblow
-ga: (magac, lab, keli) qof dhibaato badan. dhibqis-ta: (magac, dhedig, keli) dhibiq yar tiixin, wax buuxa in yar oo dhibiq ah ka shubid. Dh: tiixin, dhibqin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiblow
a: dhibbow ~ dhibow
de: nuisance, troublemaker
lx: dhiblow
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: dhiblow
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhibtow
v. suffer, have troubles; struggle, toil, drudge
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhibtow
de: suffer, have troubles; struggle, toil, drudge
lx: dhibtow
pd: (dhibtooday)
ps: v3a=intr
key: dhibtow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigow
f.mg1 (-gaabay, -gowday;-gaabi) Dhiig yeelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiigow
-ga: (magac, lab, keli) eeg dhiigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiiqow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Dhiiqo noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiiqow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Dhiiqo noqosho. m.f.dh, dhiiqoobid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiiqow
inch. v. become muddy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiiqow
(fal) dhiiqo yeelo. Dh: dhoobow
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiiqow
de: become muddy
lx: dhiiqow
pd: (dhiiqoobay)
ps: v1=inch
key: dhiiqow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diiddow
(Diiddow-ga)
(sac, kd.) aan oggolayn in caano laga liso; aan kalsamayn; toojo; tood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dįiddow
m.l.kh D. ah: neef irmaan oo aan oggolayn in la liso (lo').
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diiddow
m. n. animal that refuses to be milked (cow, etc.)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diiddow
-ga: (magac, lab, keli) neef fiigto ah oo gacmaha dadka diida ama aan la lisi karin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diiddow
de: animal that refuses to be milked (cow, etc.)
lx: diiddow
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: diiddow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiicnow
f.mg3 (-naaday, -naatay) Wax wanaagsan noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fiicnow
f.mg3 (-naaday, -naatay) Wax wanaagsan noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiicnow
inch. v. improve, become better (braver, more beautiful, gracious ~ honorable)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiicnow
(fal) mid wanaagsan ahaw; mid fiican noqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fiicnow
de: improve, become better (braver, more beautiful, gracious ~ honorable)
lx: fiicnow
pd: (fiicnaaday)
ps: v3a=inch
key: fiicnow
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Jilicow
nickname; name-m soft, flexible, tender, supple; easy; sick, weak
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Jilicow
magac loo baxsho wiil kolkii uu dhashay ay ka muuqatay astaan muujinaysa in uu tamar yaryahay ama xanuunsan yahay. Waxa kale oo loo baxshaa wiil timo jilicsan leh.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Jiniqow
nickname-m flexible