ereyga

nidar

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Nidar

DHAN
1

(Nidar-ka)

2

Wax aan waajib ahayn oo qof naftiisa waajib uga dhigo (sida: waxaan nidar ku galay, inaan waxaas iyo waxaas sadaqo u bixiyo ama cibaado kale oo sidaa iyo sidaa ah la imaado, haddii arrintu ii hagaagto ama muraadku ii qumo); sharad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

nidar

DHAN

m.l 1. Ballanqaad qof naftiisa waajib kaga dhigo inuu fuliyo haddii arrintiisu u hagaagto. Tusaale: “Waxaan n. ku galay inaan wan bixiyo haddii aan arigii iga lumay helo”. 2. Waxa loo bixiyo ballanqaadka qof naftiisa ku waajibiyey inuu fuliyo haddii arrintiisu u hagaagto. Tusaale: “Wankani waa n.”. la-mid: nidir¹.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

nidar

DHAN

m.l 1. Ballanqaad qof naftiisa waajib kaga dhigo inuu fuliyo haddii arrintiisu u hagaagto. Tusaale: Waxaan n. ku galay inaan wan bixiyo haddii aan arigii iga lumay helo. 2. Waxa loo bixiyo ballanqaadka qof naftiisa ku waajibiyey inuu fuliyo haddii arrintiisu u hagaagto. Tusaale: Wankani waa n. la-mid: nidir.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

nidar

DHAN

m. n. oath, vow, solemn promise

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

nidar

DHAN

-ka: (n) solemn vow (sal ‘am vaaw); solemn oath ~ nidir

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

nidar

DHAN
1

(fal) fal aan waajib ahayn llaahay dartii iskugu waajibi.

2

nidar -ka: (magac, lab, keli) ballanqaad adag oo Alle lagula galo samaynta wax aan waajib ahayn oo uu qofku isa saaro. Nidar waxaan ku gali jiray noloshaada awgeed, qalbigeedu noogiyo, naafaba ha daayee. Dh: ballan, nadari.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

nidar

DHAN
1

a: nidir

2

bw: Arabic

3

de: oath, vow, solemn promise

4

lx: nidar

5

pd: (-ka)

6

ps: n2-m

7

key: nidar

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

midar

DHAFAN

(fal) «u ~» u baaq adiga oo maro ama gacan u lulaya.*

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

nadar

DHAFAN

-ka: (magac, lab, keli) ballanqaad adag Alle lagula galo samaynta wax aan waajib ahan oo uu qofku isa saaro. Dh: nidar.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

nidir

DHAFAN
1

nidir¹: m.l la-mid: nidar.

2

nidir²: f.g/mg1 (-dray, -dirtay; -dri) 1. (f.g) Si muraad loo helo magac Eebbe ballan ku gelid. Tusaale: “Cali wuxuu nidray inuu neef bixiyo hadduu muraadkiisii helo”. 2. (f.mg) Cid dhaarasho. Tusaale: “Cali wuu nidiray”.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

nidir

DHAFAN

f.g/mg1 (-dray, -dirtay; -dri) 1. (f.g) Si muraad loo helo magac Eebbe ballan ku gelid. Tusaale: Cali wuxuu nidray inuu neef bixiyo hadduu muraadkiisii helo. 2. (f.mg) Cid dhaarasho. Tusaale: Cali wuu nidiray. m.f.dh, nidrid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

nidir

DHAFAN

m. n. vow, oath

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]

NIDIR

DHAFAN

(Nidir) N Ficus populifolia Vahl. Moraceae.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

nidir

DHAFAN

-ka: (n) solemn vow (sal'amvaaw)', solemn oath ~ nidar

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

nidir

DHAFAN
1

de: vow, oath

2

lx: nidir

3

pd: (-ka)

4

ps: n2-m

5

see: nidar

6

key: nidir

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Sharad

DHAABAN
1

(Sharad-ka)

2

1. Qodob wax lagu heshiiyey la dhex geliyo oo lagu xiro, sida: haddii arrintu sidaas noqoto heshiisku waa taagan yahay oo waa lagu dhaqmayaa, haddiise wax iska beddelaan oo arrintu ayan sidii laysku ogaa noqon, heshiisku waa jabayaa ama waa burayaa; shardi.

3

2. Heshiis lacag ama wax kale loo dhigto oo guushu raacdo qofka waxa uu yiri ama uu maleeyey ay rumoobaan.

4

3. Nidar.

5

4. Xargaha doonyaha oo waaweyn mid ka mid ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

sharad

DHAABAN
1

sharad¹: m.l 1. Nidar. 2. Xargaha waaweyn ee doonyaha mid ka mid ah. 3. (-dyo/shuruud, m.dh) Heshiis lacag ama wax kale ah oo laba qofood oo wax ku murmay isu dhigtaan. la-mid: shardi, shirad.

2

sharad²: f.g1 (-rday, -radday; -rdi) Nidar gelid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

sharad

DHAABAN
1

sharad¹: m.l 1. Nidar. 2. Xargaha waaweyn ee doonyaha mid ka mid ah. 3. (-dyo/shuruud, m.dh) Heshiis lacag ama wax kale ah oo laba qofood oo wax ku murmay isu dhigtaan. la-mid: shardi.

2

sharad²: f.g1 (-rday, -radday; -rdi) Nidar gelid. m.f.dh, shardid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

solemn

DHAABAN

/solam/ (adj) 1. dhab ah (rasmi ah, sida hawl si rasmi ah loo fusho) 2. nidar (ballan rasmi ah); daacadnimo ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

vow

DHAABAN

/vaw/ (n) 1. nidar, cahdi, ballan-qaad adag (v) 2. ballan-qaadid (nidar ku galid).

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

shardi

DHAABAN
1

-ga: (magac, lab, keli) xadhkaha waaweyn ee doonyaha mid ka mid ah.

2

shardi -ga: (magac, lab, keli) eeg sharad.

3

shardi-ga: (magac, lab, keli) nidar.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]

serment

DHAABAN

serment, n.m. - cahdi; wacad adag (nidar) dhaar; dhaarta la dhaarto

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]

solennel

DHAABAN

solennel, adj. - nidar; si niyad ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]

sérieux

DHAABAN

sérieux, adj. - khatar ah; il-daran; halis ah; nidar; siniyad ah; laysku halayn kara; mas'uul

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]

voeu

DHAABAN

voeu, n.m. - u diyaar ah caawin; cahdi; wacad adag (nidar).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Bidaar

DHAFANDHAAF
1

(Bidaar-ta)

2

Gelgelin yar oo wareegsan oo timuhu ka dhacaan oo raggu dhalada ku yeesho kolkuu da' gaaro.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

bidaar

DHAFANDHAAF
1

bidaar¹: m.l Nin ay timaha bidaar ka gashay. la-mid: bidaarle, bidaarre.

2

bidaar²: m.dh Iin madaxa ragga gasha oo timaha hoosha ama wax yar ku reebta.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

bidaar

DHAFANDHAAF
1

bidaar¹: m.l Nin ay timaha bidaar ka gashay. la-mid: bidaarle, bidaarre.

2

bidaar²: m.dh Iin madaxa ragga gasha oo timaha hoosha ama wax yar ku reebta.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

bidaar

DHAFANDHAAF
1

f. n. baldness, bald patch, bald head

2

bidaar m. n. bald person

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]

Bidaar

DHAFANDHAAF

nickname-m bolded. Cf: Hiiraale

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

bidaar

DHAFANDHAAF

-ta: (n) bald head; baldness (booldi nes); hairlessness; alopecia (a-la-piisha)

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bidaar

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) timaha oo madaxa ragga qaarkiis ka go'a ama ka daata. Bidaari sibiq bay kugu gashaa.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]

bidaar

DHAFANDHAAF

أَصْلَع

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dhidar

DHAFANDHAAF
1

(Dhidar-ka)

2

1. Bahal dugaagga kamid ah oo dhurwaaga u eg; weer.

3

2. Jaad libaax-badeedka kamid ah; (ama dhider).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhidar

DHAFANDHAAF

m.l (-rro, m.dh) 1. Weer. 2. Jaad libaax badeedka ka mid ah. la-mid: dhider.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

dhidar

DHAFANDHAAF

m. n. spotted hyena

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhidar

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) dugaagga xoolaha cuna, jaad ka mid ah, oo magac badan leh. Wuxuu ka weyn yahay dacawada, libaaxana wuu ka yar yahay. Waxa lagu gartaa qaskiisa danbee gaaban iyo codka bunnaaxinta la moodo oo uu habeenkii isku afgarto. Dh: dalxaw, weere, waraabe, dhurwa.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

dhidar

DHAFANDHAAF
1

de: spotted hyena

2

lx: dhidar

3

pd: (-ka)

4

ps: n2-m

5

key: dhidar

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]

Fidaar

DHAFANDHAAF

nickname-m tall and thin

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

Fidaar

DHAFANDHAAF

magac loo baxsho wiil abuur ahaan dhuuban oo dheer.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Gidaar

DHAFANDHAAF
1

(Gidaar-ka)

2

Derbi, darbi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

gidaar

DHAFANDHAAF

m.l (-rro, m.dh) Dhisme ballac leh, dhagax, shamiinto, iyo wixi lamida ka samaysan, oo wax celiya, ama waxyaabo lagu kala qoqobo; derbi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

gidaar

DHAFANDHAAF

m.l (-rro, m.dh) Dhisme ballac leh, dhagax, shamiinto, iyo wixi lamida ka samaysan, oo wax celiya, ama waxyaabo lagu kala qoqobo; derbi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

gidaar

DHAFANDHAAF

m. n. wall

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

gidaar

DHAFANDHAAF

-ka: (n) wall (wool) ~ (derbi)

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gidaar

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) dhisme ka samaysan dhagax ama dhoobo oo sare u taagan lana wareejiyo si uu wax u qariyo ama u kala xidho. Dh: derbi, deyr.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

gidaar

DHAFANDHAAF
1

bw: Arabic

2

de: wall

3

lx: gidaar

4

pd: (-ka)

5

ps: n2-m

6

key: gidaar

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Jidmar

DHAFANDHAAF
1

(Jidmar-ka)

2

1. (qof) Dalmar.

3

2. Sahay, jiscin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

jidmar

DHAFANDHAAF

m.l Sahay lacag ama cunto ah oo loo qaato safar.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

jidmar

DHAFANDHAAF

m.l Sahay lacag ama cunto ah oo loo qaato safar.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

jidmar

DHAFANDHAAF

m. n., [compound] provisions, food supplies for a journey

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

jidmar

DHAFANDHAAF

-ka: (n) travel supplies; supplies for a journey -jicsin, jiscin, sahay

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

jidmar

DHAFANDHAAF
1

(fal) socdaal oo jid qaad.

2

jidmar -ka: (magac, lab, keli) sahay ama cunno la gaato marka meel loo socdaalaayo. Dh: jicsin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

jidmar

DHAFANDHAAF
1

de: provisions, food supplies for a journey

2

lx: jidmar

3

pd: (-ka)

4

ps: n2-m-cmp

5

key: jidmar

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Kidaar

DHAFANDHAAF
1

(Kidaar-ka)

2

Kimis, muufo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

kidaar

DHAFANDHAAF

m.l Nooc kibis ka mid ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

kidaar

DHAFANDHAAF

m. n., (mass n.): flat bread

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

kidaar

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) cunto bur iyo hadhuudh la qooshay laga dubo, oo loo sameeyo qaab balbaldhaban oo laxooxda u eg ka se qara weyn. Dh: moofo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

kidaar

DHAFANDHAAF
1

de: flat bread

2

lx: kidaar

3

pd: (-ka)

4

ps: n2-m-mass

5

syn: muufo {N}

6

key: kidaar

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Midaar

DHAFANDHAAF
1

(Midaar-ka)

2

1. Baaqa dadka dhegaha la' lagula hadlo.

3

2. Dadka dhegaha la' fartooda.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

midaar

DHAFANDHAAF
1

midaar¹: m.l Dhaqdhaqaaq baaq ah oo cid wax lagu garansiiyo siiba dadka dhegaha la'.

2

midaar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Dhaadhaqaaq baaq ah cid wax ku garan siin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

midaar

DHAFANDHAAF
1

m. n. sign language

2

midaar v. sign, signal, make gestures, converse in sign language

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

midaar

DHAFANDHAAF
1

-ka: (magac, lab, keli) qaabka dadka dhegaha la' lagula hadlo.

2

midaar-ka: (magac, lab, keli) farta dadka dhegaha la' ay wax ku bartaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Nidaam

DHAFANDHAAF
1

(Nidaam-ka)

2

Hab wax ku dhisan yihiin; hannaan; maammul, agaasin; tartiib.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

nidaam

DHAFANDHAAF

m.l Hannaanka ay u dhisanyihiin wax kasta oo habeysan. la-mid: nadaam.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

nidaam

DHAFANDHAAF

m.l Hannaanka ay u dhisanyihiin wax kasta oo habeysan. la-mid: nadaam.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]

nidaam

DHAFANDHAAF

set

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

nidaam

DHAFANDHAAF

m. n. plan, method, program; discipline, rule, order, system

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

nidaam

DHAFANDHAAF

-ka: (n) system (sis-tam); order (oodhar); method (methadh); way (weey); process (paro sees); mode (mowdh); style (istaayl) ~ hab

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

nidaam

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) hab iyo hannaan isku dubbaridan oo sidii loogu talo galay u socda.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

nidaam

DHAFANDHAAF
1

bw: Arabic

2

de: plan, method, program; discipline, rule, order, system

3

lx: nidaam

4

pd: (-ka)

5

ps: n2-m

6

key: nidaam

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]

nidaam

DHAFANDHAAF

نظام

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

nijaar

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: najaar.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

nijaar

DHAFANDHAAF

m. n. carpenter

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

nijaar

DHAFANDHAAF

-ka: (n) carpenter (kaar-peenter); joiner (jooyner); cabinetmaker (kaabi-neeyt-meeker); woodworker ~ najaar, farayaamo

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

nijaar

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) eeg nagaar.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

nijaar

DHAFANDHAAF
1

bw: Arabic

2

de: carpenter

3

lx: nijaar

4

pd: (-ka)

5

ps: n2-m

6

see: najaar

7

key: nijaar

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

nisyar

DHAFANDHAAF

f.mg4 (-raa, -rayd) Wax baaxaddiisa, laxaadkiisa iyo jimirkiisu yaryahay ahaansho (qof).

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qidaar

DHAFANDHAAF
1

(fal) wax maanka ka qiyaas inta uu le'ekaan karo. Dh: qiyaas, cabbir

2

qidaar -ka: (magac, lab, keli) weel wax lagu cabiro.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]

ridare

DHAFANDHAAF

v.tr. - dib u soo celin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xidaar

DHAFANDHAAF
1

-ka: (magac, lab, keli) garyaqaan rug caddaa ah. Dh: garyaqaan.

2

xidaar -ka: (magac, lab, keli) qof aad u yaqaan xidigiska iyo cilmiga xiddigaha. Dh: xidigiye. Wa: xidaarro.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]

Nidar-ka

DHAFANDHAAF

vœu.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dar

DHAFANDHAAF
1

1. (Dar-ka) a) Yeelka xoolaha lagu shubo mid kamid ah oo ka samaysan harag weyn oo wareegsan oo gadow leh; b) meelo dhisan oo loogu talaggalay in biyuhu ku soo ururaan ama lagu shubto; qabaal; berked. c) Dad; duul.

2

2. (Dar-ta) Daraad; aw.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dar

DHAFANDHAAF
1

dar¹: m.l (-rar, m.l) 1. Weel ka sameysan bir, qori, harag oo xoolaha biyo loogu shubo. 2. Dhisme dhagax iyo shamiinto ka samaysan oo xoolaha biyo loogu shubo. 3. In xoolo ah oo isku mar ka wada cabta. 4. D. ah: dadkii hore.

2

dar²: m.dh.fk 1. D.tay, d.taa iyo wixi lamida: awgay, awgaa iyo wixi lamida. 2. D. Alle: Alle dartiis, si niyadsam ah. la-mid: daraad.

3

dar³: f.g/mg1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) Badar, biyo, caano iyo wixi lamida oo meel ku jira weel in yar uga qaadid. 2. (f.g) Middi, waran iyo wixi lamida wax ku mudid. 3. (f.mg) Ka d.: xaal wax ku sugnaayeen si ka xun noqosho. 4. (f.mg) Ku d.: wax, wax kale ku kordhin. 5. (f.mg) Ku d.: nin iyo naag isu guurin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

dar

DHAFANDHAAF
1

dar¹: m.l (-rar, m.l) 1. Weel ka sameysan bir, qori, harag oo xoolaha biyo loogu shubo. 2. Dhisme dhagax iyo shamiinto ka samaysan oo xoolaha biyo loogu shubo. 3. In xoolo ah oo isku mar ka wada cabta. 4. D. ah: dadkii hore.

2

dar²: m.dh.fk 1. D.tay, d.taa iyo wixi lamida: awgay, awgaa iyo wixi lamida. 2. D. Alle: Alle dartiis, si niyadsam ah. la-mid: daraad.

3

dar³: f.g/mg1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) Badar, biyo, caano iyo wixi lamida oo meel ku jira weel in yar uga qaadid. 2. (f.g) Middi, waran iyo wixi lamida wax ku mudid. 3. (f.mg) Ka d.: xaal wax ku sugnaayeen si ka xun noqosho. 4. (f.mg) Ku d.: wax, wax kale ku kordhin. 5. (f.mg) Ku d.: nin iyo naag isu guurin. m.f.dh, darid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

dar

DHAFANDHAAF
1

v. scoop, dip out; attach, join; add

2

dar v. dive (into), plunge; sink; become absorbed, engrossed

3

dar [feminine] n. sake, reason

4

dar m. n. trough (drinking ~ cement); skin for carrying water (to animals)

5

dar m. n., [collective] people, ancestry, lineage, generation

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

dar

DHAFANDHAAF
1

-ay / tay: (v) scoop (iskuup); dip into ~ dhexgali. Ex: dar qaadada; scoop with the spoon

2

kadar -ay / tay: (v) make troublesome or worse; aggravate (ag-ri-veeyt)

3

isku dar: (v) mix (miksi)', join together; add up ~ isku qas

4

dar alla: (adj) innocent (ina-sent)-, honest (oonasti)

5

dar -ka: (n) a water container at the comer of the well, where animals are watered; a watering place ~ qabaal

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dar

DHAFANDHAAF
1

(fal) weel dareere dhexgeli oo wax kaga soo qaad. Biyo ii soo dar.

2

dar: (fal) (ka sii ~) cudur sidii hore ka sii liido Dh: xumow.

3

dar: (fal) «ku tiro hore tiro danbe ku biiri oo u gee.

4

dar: (fal) (ku ~) wax hore u yiil ama meel ku jirey wax danbe ku kordhi, ku biiri. Caanaha dhayda ah dhanaan ku dar.

5

dar-ka: (magac, lab, keli) dad wada socda. Darka innoo yimid wax la cuno iyo wax la cabbo siiya. Dh: duul.

6

dar -ka: (magac, lab, keli) weelka biyaha xooluhu ku cabaan oo ka mid ah yeelka xoolaha lagu shubo oo ka samaysan harag, dhoobo, shamiito ama geed laga qoray. Daymayda jalleecada, sidii geel dar loo horey,saw kuma dunuunucin. Dh: qabaal.

7

dar-ta: (magac, dhedig, keli) waxii hore waxa uu yama raadka uu ka tegay. Hadalxumadiisa darteed ayaa uu u dhintay. Dh: daraad, awgeed.

8

dar -ka: (magac, lab, keli) meesha labo dixood, laagood ama webi ay ku kulmaan. sababay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

dar

DHAFANDHAAF
1

de: sincerely; honestly

2

lx: dar

3

pd: \pd-alla

4

ps: adv-expr

5

key: dar

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]

nid

DHAFANDHAAF

nid, n.m. - Buul shimbireed; guriga shimbirta.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

nir

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) dhaqaaq badan kolba la is gundhiyo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Adar

DHAFANDHAAF
1

(Adar-ka)

2

1. Dheri weyn.

3

2. Qoolley.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

adar

DHAFANDHAAF

m.l 1. (-rro, m.dh) Dheri weyn. 2. Qoolley. 3. Geed ka mid ah dhirta aan qodax lahayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

adar

DHAFANDHAAF

m.l 1. (-rro, m.dh) Dheri weyn. 2. Qoolley. 3. Geed ka mid ah dhirta aan qodax lahayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

adar

DHAFANDHAAF

m. n. large bowl for cooking

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

adar

DHAFANDHAAF

-ka: (n) a large cooking pot ~ digsi, dheri

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

adar

DHAFANDHAAF
1

-ka: (magac, lab, keli) dheri aad u weyn oo wax lagu karsado. Adar buu ahaa dheregii Dhegdheer.

2

adar-ta: (magac, dhedig, keli) geedgaab yaryar oo midho udgoon baxsha.

3

adar -ta: (magac, dhedig, keli) shimbir yar oo midab cawlan leh. Qoorta ayay ku leedahay qalin madaw oo qool u eg. Adarta Soomaalidu way dhawrtaa oo ma disho. Dh: qoolley.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

adar

DHAFANDHAAF
1

cf: dheri

2

de: large bowl for cooking

3

lx: adar

4

pd: (-ka)

5

ps: n2-m

6

key: adar

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Idan

DHAFANDHAAF
1

(Idan-ka)

2

1. Oggolaad; rukhso.

3

2. Weel yar oo inta dhuxulo nool lagu guro, dhirta udgoon oo la shito lagu qiiqiyo; dabqaad; (ama idin).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

idan

DHAFANDHAAF
1

idan¹: m.l (-nno, m.dh) 1. Oggolaansho, rukhso. 2. Qalab ka samaysan dhagax jilicsan ama dhoobo oo inta dhuxulo nool lagu guro dhirta udgoon lagu shito; dabqaad; idin.

2

idan²: f.g1 (-dmay, -dantay; -dmi) Wax samayntooda cid fasax u siin.

waa la naqliyay ✓