neuf
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
neuf
neuf, adj.num. - Sagaal; tiro 9 (IX).
neuf, adj. - Cusub.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Sagaal
neuf (9).
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
XASH-XASH
(Hash-Hash) N Leucas neuflizeana Courb. Labiatae.
N Leucas urticifolia R.Br. Labiatae.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
remettre
remettre, v. - xoog yeelasho kadib marka uu qof xanuunka ka bogsado
remettre en place - dib u dhigid; makaan gelin
remettre à neuf - hagaajin samayn wax marka sidiisii hore lagu celinayo.
remettre au point - la qabsasho; mar labaad; sidhimin mar kale
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Neef
1. (Neef-ka) a) Xoolaha nool mid kamid ah. b) Faras.
2. (Neef-ta) a) Naacawda sankunneefluhu ku nool yahay oo kolna sanbabbada gudohooda gasha oo buuxisa kolna sanka iyo afka ka soo baxda. b) Naacaw kasto meel gudo ah ku jirta ama ka soo baxda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
neef
neef¹: m.l (-faf, m.l) 1. Xoolaha la dhaqdo mid ka mid ah. 2. Faras si gaar ah u tilmaaman. 3. Qof garasho yar.
neef²: m.dh (-fo, m.dh) 1. Hawada nafleyda. 2. Qaybaha hawadu u kala baxdo mid ka mid ah sida haydarojiinta, ogsojiinta iyo wixi lamida. 3. Cudur dadka ku dhaca oo neefsashadu dhibto.
neef³: m.dh (fiisikis) Wejiga maatarka ee xoogagga isjiidashada ee u dhexeeya saxarrada walaxdu ka koobantahay uu yaryaryahay. Saxarradaasu waxay leeyihiin xorriyad dhadhaqaaq, sidaas awgeedna neefuhu ma laha qaab iyo mug go'an midna.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Neef
Gas
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Neef
Gas
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
neef
m. n. domestic animal
neef: [feminine] n., (mass n.): breath; air; asthma attack; gas {chemistry}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
neef
-ta: (n) 1. breath (bareeth) 2. asthma (aaz-ma). Ex: neef buu qabaa; he is asthmatic
neef: -ka: (n) domestic animal; such as cow or camel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neef
(fal) (soo ~) ur qudhmuun soo daa.
neef -ka: (magac, lab, keli) magac guud ahaaneed oo loo isticmaalo xoolaha marka mid ahaan la tilmaamayo.
neef -ta: (magac, dhedig, keli) hawo ursilloon leb ama nakhas noole ka soo baxa.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
neef
نفس، رَبِّو
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
nerf
nerf, n.m. - Dareemada.
crise de nerfs - Qofku markuu daalo, oo gaadho heer waxba uu qaadan waayo; cadhadiisuna ay badato.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
oeuf
oeuf, n.m. - ukunta; ugaxda; naalada.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
veuf
veuf, n.m. - ninka naagtiisu ka dhimato.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
boeuf
boeuf, n.m. (viande) - Hilibka lo'da; Jiir lo'aad.
animal - lo'
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
neefi
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Wax neefta ku jirta ka saarid. 2. (f.mg) Ka n.: cid hawl ku daashay ka nasin. 3. (f.mg) Ka n.: cid hadal u ciil qabta dhageysad. 4. (f.mg) Ku n.: neefta lo'da cid ku daaweyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
neefi
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Wax neefta ku jirta ka saarid. 2. (f.mg) Ka n.: cid hawl ku daashay ka nasin. 3. (f.mg) Ka n.: cid hadal u ciil qabta dhageysad. 4. (f.mg) Ku n.: neefta lo'da cid ku daaweyn. m.f.dh, neefin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
neefi
v. let air out of, deflate; relieve
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
neefi
-yey -say: (v) deflate (di-faleeyt)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
neefi
de: let air out of, deflate; [fig.] relieve
lx: neefi
pd: (neefiyey)
ps: v2a=
key: neefi
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
noeud
noeud, n.m. - guntin: Qalloocin.
noeud coulant - Suryo (Xadhkaha).