ereyga

neefqabataw

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

neefqabataw

DHAN
1

(fal) naqasku ha kugu dhego. Inyar neefqabataw sakaraadka aad aragtide.

2

neefqabataw -ga: (magac, lab, keli) naqaska oo soo bixi waaya oo la neefsan kari waayo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

neefqabatin

DHAFAN

m.l (-faf ..., m.l) (daaw.) Dhibaato neefsasho oo ay sabab u noqon karto xiran dhuumaha neefta xiiqda, borinkiito ama cudurro kale oo sambabada ku dhaca.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

neefqabatin

DHAFAN

-ka: (mgac, lab, keli) dhibaato neefsasho oo ay sabab u noqon karto xiran dhuumaha neefta xiiqda, borinkiito ama cudurro kale oo sambabada ku dhaca.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dubbur

DHAABAN

-ka: (magac, lab, keli) neefqabataw lala xuurtoobo. Dh: afto, dubburyo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dubburyood

DHAABAN

-ka: (magac, lab, keli) neefqabataw nakhaska la soo bixin kari waayo. Muquurtu waxay keeni kartaa dubburyood. Dh: neefqabatow.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

hafasho

DHAABAN

-da: (magac, dhedig, keli) neefqabatawga biyaha dhexdooda; biyo badan oo xoog leh ku dhexhafad. Nuur hafasho ayuu u dhiman gaadhay. Dh: qarqoomid, hafad.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xuur

DHAABAN
1

(tilmaame) in yar oo adhi ah. Reerku wuxuu leeyahay xuur adhi ah.

2

xuur-ka: (magac, lab, keli) wiil yar oon qaan gaadhin. Wiil xuur ah ayaa la xidhay. Dh: kuray.

3

xuur-ta: (magac, dhedig, keli) haad luga dhaadheer oo meelaha raqda aan ka fogaan oo gorgorka ka baqda.

4

xuur-ta: (magac, dhedig, keli) gabadh yar oo aan filwaynayn.

5

xuur-ta: (magac, dhedig, keli) neefqabataw iyo hiinraag. Xuur ayaan la neefsan waayay.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xuuro

DHAABAN

-da: (magac, dhedig, keli) neefqabataw keena cod la karho oo dadka badhkii hurdada ku hela. Dh: khuuro, khuurro.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xuurto

DHAABAN
1

-da: (magac, dhedig, keli) neefqabataw iyo hiinraag noolaha ku dhaca kolka uu aad u ordo. Xuurto ayuu la neefsan kari la'yahay. Dh: xiiq. hafto.

2

xuurto-da: (magac, dhedig, keli) hab lagu dagaallamo oo ah qoorta qof kale oo inta kilkillada la soo hoos geliyo gacantana cunaha lagaga maro. Awrtu waxay isku dilaan xuurto.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xuurtoo

DHAABAN

(fal) aad u xiiq oo hiinraag. Aad u orod oo u xuurtoo. Dh: neefqabataw.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

neef-qabatin

DHAFANDHAAF

m.l (-faf ..., m.l) (daawo) Dhibaato neefsasho oo ay sabab u noqon karto xiran dhuumaha neefta xiiqda, borinkiito ama cudurro kale oo sambabada ku dhaca.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

neefqabad

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) naqaska oo si fiican u soo bixi waaya.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

neefqabasho

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) eeg naafqabad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

neefqalow

DHAFANDHAAF

m.l Dhowr neef oo ari ah oo midba mar lumay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

neefqaadasho

DHAFANDHAAF

m.dh (-faf ..., m.dh) (cilmiga naflayda) Qaadashada hawo ama neefo kale, kuwaas oo ballaadhiya sambabada.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

beeqbaaq

DHAFANDHAAF
1

beeqbaaq¹: m.l Hanka qof qabo marka uu cid hanti ka sugayo.

2

beeqbaaq²: f.g1 (-qay, -qday) Hanti cid ka sugid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

beeqbaaq

DHAFANDHAAF

-a: (magac, lab, keli) hanka uu qof qabo marka uu hanti cid ka sugayo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

nafqabad

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) eeg nafkaqabad.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

neefaysan

DHAFANDHAAF

(tilmaame) naqas ka buuxo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

beendabaad

DHAFANDHAAF

m.l Beenlow; beenley. la-mid: beendadaab.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

beendabaad

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) qof aad u been badan oo caado beenta ka dhigta. Dh: beenaale.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Geed abaar

DHAFANDHAAF

Sage brush

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

horqabatay

DHAFANDHAAF

(fal) wax la dabasocdo, dhinac roor oo xagga hore kaga kaalay; xagga hore ka mar. Dh: horjoogso, qoorjeeb.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

seefbacaad

DHAFANDHAAF

m.l (jool.) Nooc ka mid ah bataax bacaad, oo badanaa laga helo saxaaraha, taasoo ka kooban lafo dhaadheer oo af leh oo barbarro la ah dhinaca dabayshu ka soo dhacayso. Dhammaadkana waxa kordha dhererka bacaadka, markaasoo dabaylaha gudbani ay kordhiyaan dhererkeeda iyo ballaadhkeeda.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

seefbacaad

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah bataax bacaad, oo badanaa laga helo saxaaraha, taasoo ka kooban lafo dhaadheer oo af leh oo barbarro la ah dhinaca dabayshu ka soo dhacayso. Dhammaadkana waxa kordha dhererka bacaadka, markaasoo dabaylaha gudbani ay kordhiyaan dhererkeeda iyo ballaadhkeeda.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

neef-qaadasho

DHAFANDHAAF

m.dh (-faf ..., m.dh) (cilmiga naflayda) Qaadashada hawo ama neefo kale, kuwaas oo ballaadhiya sambabada.

waa la naqliyay ✓