neefgur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
neefgur
neefgur¹: m.l la-mid: neeftuur¹.
neefgur²: f.mg1 (-iyay, -isay) la-mid: neeftuur².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
neefgur
v., [compound] pant, gasp, breathe heavily
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neefgur
-ka: (magac, lab, keli) daal ama cillad kale neefta si xawli ah u soo saarid. Qofka sakaraad ah neefgurka ayaa lagu gartaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
neefgur
bw: neeftuur
de: pant, gasp, breathe heavily
lx: neefgur
nt: neefgur (ka) [vn-m]
pd: (neefguray)
ps: v1=cmp
key: neefgur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiinfaadh
(fal) cabsi ama daal daraaddii, neefguran oo hiinraag.
hiinfaadh -ka: (magac, lab, keli) neefguranka iyo hiinraagga ka dhasha daalka ama cabsida kediska ah. Dh: hiinraag, neefqabatow, neeftuur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiinfaadhid
-da: (magac, dhedig, keli) daal ama cabsi daraaddeed, qof hiinfaadhaya oo neefgurmaya ahaan. Dh: neefgurmid, taahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
neefgurid
m.dh la-mid: neeftuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neefgurid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg neefgur neefi: (fal) naqas meel ku jira in yar ka sii daa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Neeftuur
(Neeftuur-ka)
Neef, si degdeg ah oo xoog badan oo shanqari weheliso, sanbabbada loo geeyo oo looga soo saaro; hinraag; neefkudis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
neeftuur
neeftuur¹: m.l Neef xooggan oo ka soo baxda nafley xiiqday. la-mid: neefgur¹.
neeftuur²: f.mg1 (-ray, -rtay) Nafley xiiqday neef xooggan sii dayn. la-mid: neefgur².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
neeftuur
neeftuur¹: m.l Neef xooggan oo ka soo baxda nafley xiiqday. la-mid: neefgur.
neeftuur²: f.mg1 (-ray, -rtay) Nafley xiiqday neef xooggan sii dayn. m.f.dh, neeftuurid. la-mid: neefgur.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
neeftuur
v., [compound] pant, breathe heavily, gasp
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
neeftuur
-ay/tay: (v) gasp for breath; gasp (gaasp); pant (paant); catch breath ~ hafto
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neeftuur
-ka: (magac, lab, keli) hiinraag neeftu guranto oo daal ama cillad kale ku yimaad. Dh: hiinraag, neefkuddis, hindhaadhir
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
neeftuur
de: pant, breathe heavily, gasp
lx: neeftuur
nt: neeftuur (ka) [vn2-m]
pd: (neeftuuray)
ps: v1=cmp
key: neeftuur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beengure
-ha: (magac, lab, keli) qof lagu yaqaan in uu had iyo jeer been sheego; qofka beenta qurxiya si loo moodo run oo jeceel in uu dadka isku dilo. Dh: beenaffuufe, beendaac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beenguur
beenguur¹: m.l Guuridda loo guuro god aan kii tooska ahaa ahayn si qofka kale loo khiyaameeyo (ciyaarta shaxda, jarta iyo wixi lamida).
beenguur²: f.g1 (-ray, -rtay) God aan kii tooska ahaa ahayn u guurid si qofka kale loo khayaameeyo (ciyaarta shaxda, jarta iyo wixi lamida).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerfuur
m.l la-mid: beergooyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deexguur
m.l Dadka dega dhulka badda u dhow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deexguur
-ka: (magac, lab, keli) dadka dega dhulka badda u dhow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Neeftuurid
(Neeftuurid-da)
Si neeftuur ah u neefsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
neeftuurid
m.f.dh eeg neeftuur². la-mid: neefgurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neeftuurid
-da: (magac, dhedig, keli) hiinaagid oo si isdabajoog ah neefta kor iyo hoos u celcelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Neef
1. (Neef-ka) a) Xoolaha nool mid kamid ah. b) Faras.
2. (Neef-ta) a) Naacawda sankunneefluhu ku nool yahay oo kolna sanbabbada gudohooda gasha oo buuxisa kolna sanka iyo afka ka soo baxda. b) Naacaw kasto meel gudo ah ku jirta ama ka soo baxda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
neef
neef¹: m.l (-faf, m.l) 1. Xoolaha la dhaqdo mid ka mid ah. 2. Faras si gaar ah u tilmaaman. 3. Qof garasho yar.
neef²: m.dh (-fo, m.dh) 1. Hawada nafleyda. 2. Qaybaha hawadu u kala baxdo mid ka mid ah sida haydarojiinta, ogsojiinta iyo wixi lamida. 3. Cudur dadka ku dhaca oo neefsashadu dhibto.
neef³: m.dh (fiisikis) Wejiga maatarka ee xoogagga isjiidashada ee u dhexeeya saxarrada walaxdu ka koobantahay uu yaryaryahay. Saxarradaasu waxay leeyihiin xorriyad dhadhaqaaq, sidaas awgeedna neefuhu ma laha qaab iyo mug go'an midna.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
neef
neef¹: m.l (-faf, m.l) 1. Xoolaha la dhaqdo mid ka mid ah. 2. Faras si gaar ah u tilmaaman. 3. Qof garasho yar.
neef²: m.dh (-fo, m.dh) 1. Hawada nafleyda. 2. Qaybaha hawadu u kala baxdo mid ka mid ah sida haydarojiinta, ogsojiinta iyo wixi lamida. 3. Cudur dadka ku dhaca oo neefsashadu dhibto.
neef³: m.dh (fiisikis) Wejiga maatarka ee xoogagga isjiidashada ee u dhexeeya saxarrada walaxdu ka koobantahay uu yaryaryahay. Saxarradaasu waxay leeyihiin xorriyad dhadhaqaaq, sidaas awgeedna neefuhu ma laha qaab iyo mug go'an midna.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Neef
Gas
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Neef
Gas
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
neef
m. n. domestic animal
neef: [feminine] n., (mass n.): breath; air; asthma attack; gas {chemistry}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
neef
-ta: (n) 1. breath (bareeth) 2. asthma (aaz-ma). Ex: neef buu qabaa; he is asthmatic
neef: -ka: (n) domestic animal; such as cow or camel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neef
(fal) (soo ~) ur qudhmuun soo daa.
neef -ka: (magac, lab, keli) magac guud ahaaneed oo loo isticmaalo xoolaha marka mid ahaan la tilmaamayo.
neef -ta: (magac, dhedig, keli) hawo ursilloon leb ama nakhas noole ka soo baxa.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
neef
نفس، رَبِّو
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
neefi
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Wax neefta ku jirta ka saarid. 2. (f.mg) Ka n.: cid hawl ku daashay ka nasin. 3. (f.mg) Ka n.: cid hadal u ciil qabta dhageysad. 4. (f.mg) Ku n.: neefta lo'da cid ku daaweyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
neefi
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Wax neefta ku jirta ka saarid. 2. (f.mg) Ka n.: cid hawl ku daashay ka nasin. 3. (f.mg) Ka n.: cid hadal u ciil qabta dhageysad. 4. (f.mg) Ku n.: neefta lo'da cid ku daaweyn. m.f.dh, neefin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
neefi
v. let air out of, deflate; relieve
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
neefi
-yey -say: (v) deflate (di-faleeyt)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
neefi
de: let air out of, deflate; [fig.] relieve
lx: neefi
pd: (neefiyey)
ps: v2a=
key: neefi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feegar
-ka: (magac, lab, keli) eeg faygar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeefar
-ka: (magac, lab, keli) haragga yar ee xubinta taranka ee labka laga gooyo. Dh: buuryo, farjan, janfar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafgur
-ka: (magac, lab, keli) eeg lafagur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nafhur
nafhur¹: m.l la-mid: nafhurid.
nafhur²: f.mg1 (-ray, -rtay) U n.: Qof ama wax dartii naf u hurid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nafhur
f.mg1 (-ray, -rtay) U n.: Qof ama wax dartii naf u hurid. m.f.dh, nafhurid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nafhur
v. sacrifice oneself (for someone ~ something)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nafhur
(fal) nafta u bixi qaddiyad aad rumaysan tahay ama wax aad jeceshahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nafhur
de: sacrifice oneself (for s.o. ~ s.t.) With preposition u
lx: nafhur
pd: (nafhuray)
ps: v1=intr
key: nafhur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqfur
-ka: (magac lab kel) hakasho roobku joogsado oo maalmo uu cirku bilaa daruuro noqdo. Maanta roobku waa naqfur oo cadceedbaa jirta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
neef_1
cf: xoolo
de: domestic animal
hm: 1
lx: neef
pd: (-ka Pl: neefaf (ka))
ps: n4-m
key: neef_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
neef_2
cf: neecaw
de: breath; air; [ext.] asthma attack; gas {chemistry}
hm: 2
lx: neef
pd: (-ta)
ps: n1-f-mass
key: neef_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
neefee
f.g2 (-feeyay, -faysay) Wax neef gelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
neefee
v. inflate, pump air (into something)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
neefee
-yey/neefeysay: (v) inflate with gas or air
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neefee
(fal) taayir iyo wixii la mid ah, naqas ku afuuf oo geli, naqasee. Neefee kubadda ci ha ku ciyaaraane. Dh: naqasee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
neefee
de: inflate, pump air (into s.t.)
lx: neefee
pd: (neefeeyey)
ps: v2b=
key: neefee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neefid
-da: (magac, dhedig, keli) soo urid oo hawe qudhmuun soo dayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Neefin
(Neefin-ta)
Neef meel ku jirta, kurteed ama qaarkeed sii deyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
neefin
m.f.dh eeg neefi. la-mid: neefis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neefin
-ta: (magac, dhedig, keli) (ka ~) nagas in yar ka sii deyn. Dhiishu neefin ayay u baahan tahay kolka la lulayo.
neefin-ta: (magac, dhedig, keli) naqas ku afuufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
neefis
m.l la-mid: neefin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neefis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg neefin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Neefsi
(Neefsi-ga)
Neefsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
neefsi
m.l la-mid: neefsasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
neefsi
-ga: (n) respiration (res-pa-reey-shin); inhaling and exhaling ~ neefsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
neefso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Nafley, neef sii deyn. 2. Muddo yar nasasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
neefso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Nafley, neef sii deyn. 2. Muddo yar nasasho. m.f.dh, neefsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
neefso
v. breathe; rest
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
neefso
neefsaday / neefsatay: (v) breathe (biriith); keep breathing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neefso
(fal) si isdabajoog ah neef u qaado oo marna jiid marna soo daa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
neefso
de: breathe; [ext.] rest
lx: neefso
pd: (neefsaday)
ps: v3a=
key: neefso
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
neiger
neiger, v. - barafku marka uu dhacayo.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEED-UR
(Ged-ur) N Otostegia hildebrandtii (Vatke & Kurtz) Sebald. Labiatae.
May Ocimum superbum. Musch et Muschler Labiatae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeefaar
m.dh Dhalfo; kabar; janfar; gonfar.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Neef-ka
animal domestique.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Neef-ta
respiration.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Neefayn
(Neefayn-ta)
Neef gelin; afuufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
neefayn
m.f.dh eeg neefee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
neefayn
vl. n. inflating, blowing air into
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neefayn
-ta: (magac, dhedig, keli) naqas ku afuufid Neefaynta shaaggu wakhti badan ma qaadato
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
neefayn
de: inflating, blowing air into
lx: neefayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: neefayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neefays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg neefayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Neefsad
(Neefsad-ka)
Neefsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
neefsad
m.l la-mid: neefsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
neefsad
vl. n. act of breathing, respiration
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neefsad
-ka: (mgac, lab, keli) hawada oo la qaato kolna la sii daayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
neefsad
a: neefsasho (/da) [vn6-f], neefsi (ga) [vn2a-m]
de: act of breathing, respiration
lx: neefsad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: neefsad
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
envergure
envergure, n.f. - baac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geedagure
-ha: (magac, lab, keli) qofka geedaha la isku daaweeyo ama dadka lagu baabo yaqaanna oo soo gura. Dh: geedagur, geeda-gooye.