neef-qabatin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
neef-qabatin
m.l (-faf ..., m.l) (daawo) Dhibaato neefsasho oo ay sabab u noqon karto xiran dhuumaha neefta xiiqda, borinkiito ama cudurro kale oo sambabada ku dhaca.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
neefqabatin
m.l (-faf ..., m.l) (daaw.) Dhibaato neefsasho oo ay sabab u noqon karto xiran dhuumaha neefta xiiqda, borinkiito ama cudurro kale oo sambabada ku dhaca.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neefqabatin
-ka: (mgac, lab, keli) dhibaato neefsasho oo ay sabab u noqon karto xiran dhuumaha neefta xiiqda, borinkiito ama cudurro kale oo sambabada ku dhaca.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neefqabataw
(fal) naqasku ha kugu dhego. Inyar neefqabataw sakaraadka aad aragtide.
neefqabataw -ga: (magac, lab, keli) naqaska oo soo bixi waaya oo la neefsan kari waayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neefqabad
-ka: (magac, lab, keli) naqaska oo si fiican u soo bixi waaya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neefqabasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg naafqabad.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Arag-qabatin
Adaptive vision
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
neef-qaadasho
m.dh (-faf ..., m.dh) (cilmiga naflayda) Qaadashada hawo ama neefo kale, kuwaas oo ballaadhiya sambabada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Neecaabin
(Neecaabin-ta)
Neecawda u furid, u dhigid, ku warid; layrin; dalayn (aqal, kd.); haawih (weel, kd.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
neecaabin
m.f.dh eeg neecaabi. la-mid: naacaabin, neecaawin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neecaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) laydhin oo hawada u furid. Daaqadaha waxa loogu talagalaa neecaabinta aqalka. Dh: laydhin, dalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
neecaawin
m.dh la-mid: neecaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalqabatin
-ka: (magac, lab, keli) waddan aanad hore u aqoon la qabsigiisa. Dh: dalqabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deelqaafin
m.f.dh eeg deelqaafi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deelqaafin
-ta: (magac, dhedig, keli) tix suugaaneed si u kas ah u jebin oo habdhaceeda uga leexin.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEED-QAJAN
(Ged-gajan) S Sesbania leptocarpa DC. Papilionaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyaqabatin
m.l (-nno, m.dh) Meel godan oo biyuhu fariistaan. la-mid: biyaqabad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biyaqabatin
m.l (-nno, m.dh) Meel godan oo biyuhu fariistaan. la-mid: biyaqabad.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEED-MACALIN
(Ged-malin) C Pleuropterantha revoilii Franch. Amaranthaceae.