neecowdhuleed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neecowdhuleed
-da: (magac, dhedig, keli) laydha tegta dhanka dhulka oo badda ku dhabata.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Neecow dhuleed
Land breeze
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neecowbadeed
-da: (magac, dhedig, keli) laydh ka soo rogmata dhanka badda. Inta badan, casarki ayay neecowbadeeddu timaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
neecow badeed
m.dh (fiisikis) Sarraynta/hoseynta socodka hawada ka timaada badda ee u socota beriga ee ay sababtay kala duwanaanta heerkulka. Maalintii kulaylka berrigu wuxuu keenaa in hawadu kor u kacdo, hawada badduna halkeedii ayey beddeshaa.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Neecow badeed
Sea breeze
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
neecow-badeed
m.dh (fiisikis) Sarraynta/hoseynta socodka hawada ka timaada badda ee u socota beriga ee ay sababtay kala duwanaanta heerkulka. Maalintii kulaylka berrigu wuxuu keenaa in hawadu kor u kacdo, hawada badduna halkeedii ayey beddeshaa.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Fooldhuleed
Foreland
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Biyo dhuleed
Groundwater
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyo-dhuleed
m.l (-dyo, m.dh) (jooloji) Biyaha ku jira shirqadaha iyo jeexjeexyada yaryar ee dabaqadda carrada, kuwaas oo gala marka biyaha roobka oo ceelasha iyo ilaha sameeya ay hoos ugu dusayaan carrada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biyo-dhuleed
m.l (-dyo, m.dh) (jool.) Biyaha ku jira shirqadaha iyo jeexjeexyada yaryar ee dabaqadda carrada, kuwaas oo gala marka biyaha roobka oo ceelasha iyo ilaha sameeya ay hoos ugu dusayaan carrada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neecawbadeed
-da: (magac, dhedig, keli) sarraynta ama hoseynta socodka hawada ka timaada badda ee u socota beriga ee ay sababtay kala duwanaanta heerkulka. Maalintii kulaylka berrigu wuxuu keenaa in hawadu kor u kacdo, hawada badduna halkeedii ayey beddeshaa.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ubac dhuleed
Centrosphere
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEED-UREED
(Ged-ured) N Otostegia hildebrandtii (Vatke & Kurtz) Sebald. Labiatae.
May Ocimum superbum. Musch et Muschler Labiatae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geedgoleed
m.l Sanduuq gaar ah oo shinnida lagu xannaaneeyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geedgoleed
m.l Sanduuq gaar ah oo shinnida lagu xannaaneeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geedgoleed
-ka: (magac, lab, keli) sanduuq gaar ah oo shinnida lagu xannaaneeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuldhuleed
m.l (jooloji) Kulka ka immaanaya dhulka gudihiisa, in heerkulkiisu sarreeyana waxaa muujiya magmada ka timaada dhulka gudihiisa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kuldhuleed
m.l (jool.) Kulka ka immaanaya dhulka gudihiisa, in heerkulkiisu sarreeyana waxaa muujiya magmada ka timaada dhulka gudihiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuldhuleed
-ka: (magac, lab, keli) kulka ka immaanaya dhulka gudihiisa, in heerkulkiisu sarreeyana waxaa muujiya magmada ka timaada dhulka gudihiisa.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hir dhuleed
Ground wave
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kul dhuleed
Geothermal
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaabdhuleed
m.l (-bab ..., m.l) (jool.) Erey mararka qaarkood lagu isticmaalo in lagu muujiyo qaabka dhulka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taagdhuleed
-ka: (magac, lab, keli) jugraafi ahaan, laabka kor u kacsan ee buuraha laalaabka, oo ilaa dhawr kiilomitir kala baxsan.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tub dhuleed
Orbit earth
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheryadhulee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Si gaar ah hilib u hogeyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheryadhulee
v. cook (meat) in an underground ~ hand-made earth oven
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dheryadhulee
de: cook (meat) in an underground ~ hand-made earth oven
lx: dheryadhulee
nt: dheryadhulayn (ta) [vn-f], dheryadhulays (ka) [vn-m]
pd: (dheryadhuleeyey)
ps: v2b=tr
key: dheryadhulee
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
GEES-COWLEED
[GES-OLET] Erythrochlamys spectabilis 01
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qaab dhuleed
Geoid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaab-dhuleed
m.l (-bab ..., m.l) (jooloji) Erey mararka qaarkood lagu isticmaalo in lagu muujiyo qaabka dhulka.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SEEF-DHALEEY
(Sef-dalei) S Saccharum spontaneum L. Gramineae.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Taag dhuleed
Geoanticline
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taag-dhuleed
m.l (-dyo, m.dh) (juqraafi) Laab-ka kor u kacsan ee buuraha laalaabka, oo ilaa dhawr kiilomitir kala baxsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
taag-dhuleed
m.l (-dyo, m.dh) (juqraafi) Laabka kor u kacsan ee buuraha laalaabka, oo ilaa dhawr kiilomitir kala baxsan.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tiir dhuleed
Earth pillar, Hoodoo
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Baraf dhuleed
Ground frost, Land-ice
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cabbirdhuleed
m.l (juqraafi) Sayniska cabbiraadda qaabka iyo xajmiga dhulka oo ay ku jiraan miisaankiisa, cufnaantiisa iyo wixi lamida, iyo isla markaas sahaminta qaybaha waaweyn ee dhulka dushiisa ah si loo garawsado xoodnaanta dhulka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhidibdhuleed
m.l (-byo ..., m.dh) (c.fal.) xarriiq la mala awaalay oo isku xira cidhifka woqooyi iyo kan koonfureed, marana bartamaha dunida oo dhulku isku rogo hal mar afar iyo labaatankii saacadood. Dh. dh.ku wuxuu la leeyahay janjeer ah 66° 30 sallaxa majiiraha dhulka.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhuun dhuleed
Tunnel
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuxuldhuleed
m.l la-mid: dhuxuldhagaxeed.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEED-BOHOLEED
(Ged-boholet) S Croton talaeporos A. Radc-Sm. Euphorbiaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharcidhuleed
-ka: (magac, lab, keli) sharci gooni u ah dhulka, oo dadka lagu kala maamulo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waarigdhuleed
-da: (magac, dhedig, keli) waarigta teeda aan la cunin ee ka baxda meelaha aan dundumooyinka ahayn oo booga dhayaha la bah ah. Waarigdhuleedda waa lagu balaloodaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiddigdhuleed
-da: (magac, dhedig, keli) bahal yar oo cayayaanka ka mid ah oo wada qodax ah oo iftiima. Dh: xiddigdhul