neecow
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Neecow
Breeze
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neecow
-da: (magac, dhedig, keli) eeg neecaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nebcow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) la-mid: necbow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Neecaw
(Neecaw-da)
Naacaw; layr.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
neecaw
neecaw¹: m.dh Hawo qabow oo nadiif ah; laydh. la-mid: naacaw.
neecaw²: m.dh (juqraafi) Eray badanaa lagu isticmaalo maayad hawo ah oo aad uga khafiifsan dabayl. Amase, waxaa lagu isticmaalaa noocyo ka mid ah dabaysha oo dhacdo joogto ah leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
neecaw
f. n., (mass n.): breeze, fresh air; atmosphere, air currents; ventilation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
neecaw
-da: (n) gentle wind; breeze (biriiz) ~ naacoow, naacaw
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neecaw
-da: (magac, dhedig, keli) laydh aan qabaw iyo boodh midna wadan oo naftu jeclaysato. Qolkani neecaw fiican buu leeyahay. Dh: naacaw. laydh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
neecaw
a: naacaw
cf: neef
de: breeze, fresh air; atmosphere, air currents; ventilation
lx: neecaw
pd: (-da)
ps: n2a-f-mass
key: neecaw
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
neecaabi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax neecow u dhigid. la-mid: naacaabi, neecaawi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
neecawsasho
m.f.dh eeg neecowso. la-mid: naacawsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
neecaabi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax neecow u dhigid. m.f.dh, neecaabin. la-mid: naacaabi, neecaawi.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Breeze
Neecow
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Glacial breeze
Neecow baraf
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Land breeze
Neecow dhuleed
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sea breeze
Neecow badeed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neecowbadeed
-da: (magac, dhedig, keli) laydh ka soo rogmata dhanka badda. Inta badan, casarki ayay neecowbadeeddu timaad.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
souffler
souffler, v. - afuufid; neecow qaadasho; garaacid; tumis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eedow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Eed gelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
eedow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Eed gelid. m.f.dh, eedoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eedow
(fal) gaboodfal geyso; qalad xeerku kuu qabto gelid.
eedow -ga: (magac, lab, keli) gef samayn iyo eedoobid.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Eenow
name-m Aadan or Adam; man, human being; earth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eenow
(fal) aano iyo godob, ha laguu qabsado.
eenow-ga: (magac, lab, keli) jaad dhurdaha ka mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eesow
-ga: (magac, lab, keli) sabuul midho yaryar oo la cunaa ku yaalliin oo ka baxa cawska qaarkii sida xarfada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heeco
m.dh (-ooyin, m.l) Nayl rajo ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heeco
f. n. orphaned female lamb that follows the adult ewes; orphan child
heeco m. n., idiom: person who blindly follows others
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heeco
-da: (magac, dhedig, keli) ilmo isagoon naaska dayn hooyadiis dhimato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
negow
f.mg3 (-gaaday, -gaatay) Wax socod, geeddi iyo wixi lamida ka baaqday noqosho. la-mid: nagow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
negow
f.mg3 (-gaaday, -gaatay) Wax socod, geeddi iyo wixi lamida ka baaqday noqosho. m.f.dh, negaansho.. la-mid: nagow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
negow
v. settle down (of nomads); be calm, become serene
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
negow
(fal) eeg negaw
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
negow
de: settle down (of nomads); be calm, become serene
lx: negow
pd: (negaaday)
ps: v3a=intr
key: negow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weeco
f.mg3 (-cday, -catay) Wax leexasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
weeco
f.mg3 (-cday, -catay) Wax leexasho. m.f.dh, weecasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weeco
v. deviate (from), go around, turn aside
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
weeco
- weecday / weecatay: (v) turn (teen); divert (diveert) for oneself; change direction ~ leexo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weeco
(fal) adu dhan u leexo; barbar u baydh. Kolkaad kalagoyska dhaafto weeco. Dh: baydh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weeco
de: deviate (from), go around, turn aside (with preposition ka)
initial: w
lx: weeco
nt: weecad (ka) [vn-m], weecasho (/da) [vn-f]
pd: (weecday)
ps: v3b=intr
key: weeco
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beelow
f.g1 (-oobay, -owday; -oobi) 1. Cid beel noqosho. 2. Ku b.: cid, cid kale oo ka dhaqan duwan ku darmid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beelow
f.g1 (-oobay, -owday; -oobi) 1. Cid beel noqosho. 2. Ku b.: cid, cid kale oo ka dhaqan duwan ku darmid. m.f.dh, beeloobid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beelow
v. become a community
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beelow
(fal) ubad dhal oo nin beel ah nogo. Dh: taran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beelow
de: become a community
lx: beelow
pd: (beeloobay)
ps: v1=intr
key: beelow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beenow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Been noqosho (war).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beenow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Been noqosho (war). m.f.dh, beenoobid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beenow
inch. v. come out false ~ untrue
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenow
(fal) been noqo, wax run ah ha noqonin, been ahaw. Warkii hore wuu beenawbay.
beenow -ga: (magac, lab, keli) wixii hore oo been noqda. Beenowga ballankii horoba adaa baajiyoo nacaye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beenow
de: come out false ~ untrue
lx: beenow
pd: (beenoobay / beenowday)
ps: v1=inch
key: beenow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceebow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax ceebi ku dhacday noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ceebow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax ceebi ku dhacday noqosho. m.f.dh, ceeboobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceebow
(fal) wax ceeb ah samee; xushmad iyo wanaagba waa. Dh: kashifan.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Deerow
nickname; name-m light-skinned
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Deerow
magaca wiil midabkiisu casaan yahay oo deeran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geedow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax geeda badan yeeshay noqosho (dhul).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geedow
inch. v. be covered with vegetation; become green
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Geedow
name-m he who born an area full of trees
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geedow
(fal) geedo noqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geedow
a: geedoob
de: be covered with vegetation; become green
lx: geedow
pd: (geedoobay)
ps: v1=inch
key: geedow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heehow
heehow¹: m.l Sabbeynta wax fudud biyo dushooda ama hawada dhexdeeda dul sabbeeyaan. la-mid: heehaabid.
heehow²: f.mg1 (-haabay, haabtay; -haabi) Wax fudud biyo, hawo iyo wixi lamida dul sabbayn. la-mid: heehaab².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
heehow
f.mg1 (-haabay, haabtay; -haabi) Wax fudud biyo, hawo iyo wixi lamida dul sabbayn. m.f.dh, heehaabid. la-mid: heehaab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nebcaw
(fal) karah oo niyadda ka nac. Dh: necbaw, nacsanaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
necbow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Aan wax jeclayn noqosho (cid). la-mid: nebcow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
necbow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Aan wax jeclayn noqosho (cid). la-mid: nebcow.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Reegow
name-m long-lasting; live-long
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
neecaawi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: neecaabi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neecawsi
-ga: (magac, lab, keli) laydh qaadasho, isu dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
neecawso
f.mg3 (-saday, -satay) Neecow qaadasho. la-mid: naacawso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
neecawso
v. go out and get a breath of fresh air
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neecawso
(fal) laydhso, neecaw isu dhig oo ku raaxayso. Dh: laydhso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
neecawso
a: naacawso
de: go out and get a breath of fresh air
lx: neecawso
pd: (neecawsaday)
ps: v3a=
key: neecawso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadeecow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax wadeecoobay noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadeecow
-ga: (magac, lab, keli) xoolo ama wax kale, lumid ama dayacmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abeesow
(Abeesow-ga)
Cudur oogada dadka ku dhaca oo haraggu u ekaado haragga abeesada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abeesow
m.l Cudur maqaarka dadka ku dhaca oo u yeela barbaro kuwa abeesada u eg.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abeesow
m.l Cudur maqaarka dadka ku dhaca oo u yeela barbaro kuwa abeesada u eg.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abeesow
m. n. scaly skin disease
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abeesow
-ga: (magac, lab, keli) xanuun dadka ku dhaca oo oogada qofka u ekeysiiya haragga abeesada. Inanka waxa ku dhacay abeesow. Dh: xudur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abeesow
de: scaly skin disease
lx: abeesow
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: abeesow
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Aleemow
nickname-m Joker
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
andacow
v. request something without good reason; claim; require
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
andacow
de: request s.t. without good reason; claim; require
lx: andacow
pd: (andacooday)
ps: v3a=intr
key: andacow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beenlow
(Beenlow-ga)
Beenaale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beenlow
m.l (-wyo, m.dh) Nin been badan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beenlow
m.l (-wyo, m.dh) Nin been badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beenlow
m. n. liar (male), deceiver
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenlow
-ga: (magac, lab, keli) eeg beenaale.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beenlow
a: beenaale
de: liar (male), deceiver
lx: beenlow
pd: (-ga)
ps: n7-m, n2a-m
key: beenlow
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deeqnow
v. make sure, satisfy oneself
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deeqnow
de: make sure, satisfy oneself with preposition ka
lx: deeqnow
pd: (deeqnaaday)
ps: v3a=expr
key: deeqnow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheerow
f.mg3 (-raaday, -raatay) 1. Wax dhererkiisu kordhay noqosho. 2. Ku dh.: wax muddo dheer ku qaadasho. Tusaale: “Shirkii waa lagu dheeraaday”. 3. Wax meel ka durkay noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dheerow
f.mg3 (-raaday, -raatay) 1. Wax dhererkiisu kordhay noqosho. 2. Ku dh.: wax muddo dheer ku qaadasho. Tusaale: Shirkii waa lagu dheeraaday. 3. Wax meel ka durkay noqosho. m.f.dh, dheeraansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheerow
inch. v. become tall
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheerow
(fal) meel fog gaadh ama teg.
dheerow: (fal) wax dheer noqo; ha gaabnaan.
dheerow: (fal) eeg dheeraw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dheerow
a: dheeraw ~ dheeroow
de: become tall
lx: dheerow
pd: (dheeraaday)
ps: v3a=inch
key: dheerow
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heeco_1
de: orphaned female lamb that follows the adult ewes; [ext.] orphan child
hm: 1
lx: heeco
pd: (/da)
ps: n6-f
key: heeco_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heeco_2
de: person who blindly follows others
hm: 2
lx: heeco
pd: (/ha)
ps: n6-m-idiom
key: heeco_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaneeco
(Kaneeca-da)
Bahalyaryarka duula jaad kamid ah; waxay leedahay labo baal iyo lix lugood, afkana waxaa ka taagan, siiba tan dheddig, wax fiiqan oo mudac la moodo aanse ahayn ee ah gal, gudihiisa ay ku jiraan miinshaaro yaryar oo afaysan oo ay oogada nafleyda ku jeexdo iyo dhuumo ay qaarkood dhaawaca ku calyeyso qaarkooda kalena dhiigga kaga soo nuugto; qaarkeed waxay keentaa cudurro xunxun oo duumadu kamid tahay; dhilmaanyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaneeco
m.dh.u (cilmiga naflayda) Cayayaanka duula nooc ka mid ah oo qaarkeed ay keento cudurro xunxun oo ay duummada ka mid tahay; dhilmaanyo.