nayruus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nayruus
-ka: (magac, lab, keli) bilowga sannadka cadceedda laga tiriyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fayruus
m. n. virus
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Fayruus
name-f turquoise
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fayruus
de: virus {Eng}
lx: fayruus
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: fayruus
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Neyruus
(Neyruus-ka)
1. Sanada qorraxda, oo Soomaalida iyo qolooyin kale tirsadaan, bilawgeeda.
2. Dabshid; dabtuur; istun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
neyruus
m.l 1. Sannad qorraxeedka la tirsado bilowgiisa. 2. Dabbaaldeg la sameeyo sannad qorraxeedka dhammaadkiisa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
neyruus
m.l 1. Sannad qorraxeedka la tirsado bilowgiisa. 2. Dabbaaldeg la sameeyo sannad qorraxeedka dhammaadkiisa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Neyruus
m. n. feast of the Somali Solar New Year
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Neyruus
name-f bonfire, feast on the occasion of the Somali and/or Persian Solar New Year (usually in early August). Lit: she who was born during this celebratory occasion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Neyruus
magac loo baxsho gabadh lagu farxay sida ciidda magacaa leh oo ay Soomalidu xusto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neyruus
-ka: (magac, lab, keli) eeg nawriis. ni: ladh kaabe ah; magac'uyaal. Gurigani waa kiro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Neyruus
de: feast of the Somali Solar New Year (usually in early August) See also: Dabshid
lx: Neyruus
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: Neyruus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalacan
-ta: (magac, dhedig, keli) magac ka mid ah magacda loo bixiyo dhedigga fardaha geenyad ah. Geenyadii daalacan isagoo wata ayuu halkan maray.
daalacan: (tilmaame) habeen sannadka nayruuska ka mid ah oo la yiraahdo qofka dhasha eedda ayaa iska qabata. Habeen daalacan ayuu dhashay. Li: dedan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabshid
-ka: (magac, lab, keli) billawgga sannadka Soomaalida oo inta dab la shido xoolaha lala dhex maro, carruurtuna ka bootaysato. Dh: nayruus.
dabshid: wiil dhashay reerka oo carruur la'aan ka walwalaya ama ayaan farxadeed dhashay. Waxa kale ee loo baxshaa wiil gabdho badan ka daba dhashay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalaguur
-ka: (magac, lab, keli) cudur caruurta ku dhaca oo madax weyneeya.
kalaguur-ka: (magac, lab, keli) heerka saddexaad ee qaybsanka unugga.
kalaguur -ka: (magac, lab, keli) xilli sannadka nayruusku dhammaado ka kalana soo galaayo.
kalaguur -ka: (magac, lab, keli) goor xaaladdii horana laga yimid ta soo fool lehna la gaadhin. Dh: kalawareeg.
kalaguur -ka: (magac, lab, keli) dad ku kala guura gurigii ay degganaayeen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nawriis
-ka: (magac, lab, keli) sannadka qorraxda laga tiriyo bilawgiisa. Nawriisku waa ciid, waa negi aduunyadu. Dh: nayruus, dabshid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caruus
-ka: (n) bridegroom (baraaydh-guruum); groom (guruum) ~ arooska
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caruus
-ka: (magac, lab, keli) nin aroos cusub ku jira oo markaa uun guursaday. Dh: aroos.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayuus
m.l (-syo, m.dh) Qof aan damiir iyo akhlaaq lahayn oo aan ka xishoon in uu walaashiis ama xaaskiisa uu rag kale u geeyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dayuus
m.l (-syo, m.dh) Qof aan damiir iyo akhlaaq lahayn oo aan ka xishoon in uu walaashiis ama xaaskiisa uu rag kale u geeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dayuus
m. n. rascal, person without moral values
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dayuus
-ka: (n) ; immoralist (i-moora-liist); bad person; bad guy; unprincipled male; one without morals; rascal (raas-kal); villain (vi-lan)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayuus
-ka: (magac, lab, keli) nin aan xumaanta ka reebin dadka uu masuulka yahay gaar ahaan xaaskiisa iyo carruurta uu dhalay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dayuus
bw: Arabic
de: rascal, person without moral values
lx: dayuus
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: dayuus
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naxuus
naxuus¹: m.l la-mid: nuxuus¹.
naxuus²: f.mg1 (-say, -stay) la-mid: nuxuus².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naxuus
m. n. unlucky day ~ period of time; person born on an inauspicious day; weak, weakness
naxuus: [inchoative] v. weaken, become weak
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naxuus
-ah: (adj) 1. dim (diim); dark (daark). 2. weak (wiik) ~ daciif
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naxuus
(fal) cid kale, xumaan iyo ayaandarro ku rid. Dh: nuxuus.
naxuus -ka: (magac, lab, keli) qof dadka xumaan iyo ayaandarro bada. Dh: nuxuus.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faynuus
-ka: (magac, lab, keli) qalab la iftiinsado oo leh sal gaasta loogu shubo, dubaalad yar oo soo qaadda shiidaalka, quraarad dhawraarin ah iyo hagoog bir ah intoodaa isu haysa. Dh: masarad, faanuus, feynuus, siraad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mayruuf
mayruuf¹: m.l Daal iyo rafaad.
mayruuf²: f.mg1 (-fay, -ftay) Daal iyo rafaad la kulmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naamuus
naamuus¹: m.l la-mid: maamuus¹.
naamuus²: f.g1 (-say, -stay) la-mid: maamuus².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naamuus
(fal) cid kale maamuus oo tixgeli.
naamuus -ka: (magac, lab, keli) cid kale maamuusid oo tixgelin.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SAYRUUQ
(Seiruk) N Halopyrum mucronatum (L) Stapf. Gramineae.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Sayruuq
nickname-m rocket, missile. Lit: fast runner
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sayruuq
-a: (n) rocket (rokit) ~ saaruukh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Sayruuq
magac loo baxsho wiil orad badni awgeed sayruuq lagu metaalay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sayruuq
-a: (magac, lab, keli) eeg sayruukh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tayruuf
f.mg1 (-fay, -ftay) Geel meel fog u daaq tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mayruufis
mayruufis¹: m.l la-mid: mayruufin.
mayruufis²: m.dh la-mid: mayruufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mayruufi
f.g2 (-iyay, -isay) Daal iyo rafaad badid (nafley).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naakuuso
m.dh Xog yar oo laga helo arrin qarsoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naakuuso
-da: (magac, dhedig, keli) xog yar oo laga helo arrin qarsoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
namaruug
-ga: (magac, lab, keli) jaad geedgaabla ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naylduur
m.l Nooc shimbiraha ka mid ah oo dhoor leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naylduur
m. n. bird species
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naylduur
de: bird sp.
lx: naylduur
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: naylduur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sayruukh
m.l (-khyo/-awaariik, m.dh) Qalab la gamo, aad u dheereeya oo hawlo kala duwan loo adeegsado. la-mid: saaruukh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sayruukh
m.l (-khyo/-awaariik, m.dh) Qalab la gamo, aad u dheereeya oo hawlo kala duwan loo adeegsado. la-mid: saaruukh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sayruukh
m. n. rocket, missile
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sayruukh
-a: (magac, lab, keli) hubka la tuuro quar ka mid ah ee meelaha fogfog gaadha. Dh: gantaal, sayruuq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sayruukh
bw: saaruukh
de: rocket, missile
initial: s
lx: sayruukh
pd: (-a Pl: sawaariikh (da))
ps: n8-m
syn: gantaal, roket
xv: Arabic
key: sayruukh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taarsuus
m.l (cilmiga naflayda) Toddobada lafood ee yaryar oo sameeya xubin isgoyska u dhexeeya lafta dheer ee lugta iyo lafaha faraha cagta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
taarsuus
m.l (cilmiga naflayda) Toddobada lafood ee yaryar oo sameeya xubin isgoyska u dhexeeya lafta dheer ee lugta iyo lafaha faraha cagta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ayuu
vl. pron. he,
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ayuu
(pronoun) he (hii) ~ buu. Ex: sidaas ayuuyiri; he said that
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ayuu
qurub qofka saddexaad ee laga hadlaha ah oo lagu ladhay qurubka buu. Qalin ayuu Aadan ii keenay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ayuu
a: buu
de: he + [FOCUS] = ayaa + uu
lx: ayuu
ps: focus + vpro
key: ayuu
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuus
-ka: (magac, lab, keli) kolka hadal aan kala go'ayn oo yuus ah cidi waddo. Dh: yuuska.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruus
m.l R. ah: fadhiid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruus
hadal dhalliil ah oo lagu yidhaa wax aan si wanaagsan u korin.
ruus-ka: (magac, lab, keli) wax aan si wanaagsan u korin oo korsiintii hori ka xumaato. Dh: calaan, hagaas.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuus
-ka: (magac, lab, keli) jabaqda dhibcaha roobka. Roob yuus badan baa soo socda. Dh: xiin.
yuus-ka: (magac,lab, keli) gunuunuc ay oohini ku dhexjirto. Ilmuhu yuus buu dabeecad ka dhigay. Dh: gunuunac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aruub
(fal) dareere ku mil ama ku walaaq. Caanaha sonkor ku aruub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aruur
aruur¹: m.l Caano a. ah: caano yar oo dhigaal ah oo hadba in lagu daro si ay u bataan.
aruur²: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Wax kala firirsan meel isugu tegid. la-mid: urur³, uruur.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aruur
f.mg1 (-ray, -rtay) Wax kala firirsan meel isugu tegid. m.f.dh, aruurid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aruur
v. collect, be gathered, assemble
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aruur
-ka: (magac, lab, keli) isku imaatinka wax kala baahsanaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aruur
de: collect, be gathered, assemble
lx: aruur
pd: (aruuray)
ps: v1=intr
key: aruur
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Ayuub
name: Job
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ayuub
name-m persecuted, penitent (Job); Prophet in the Holy Qur'an
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Ayuub
de: Job
lx: Ayuub
ps: name-m
key: Ayuub
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ayuun
-ta: (magac, dhedig, keli) jaadadka geela jaad ka mid ah oo midab qurxoon. Dh: cayuun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afruub
-ka: (magac, lab, keli) cudur nirgaha iyo waxaraha afka kaga dhaca oo ay naaska ka jiqi kari waayaan waxna la cuni waayaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afruug
afruug¹: m.l la-mid: afuugid.
afruug²: f.g1 (-gay, -gtay) la-mid: afuug².
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
AFRUUG
(Afrug) N, C Odyssea mucronata (Forsk) Stapf. Gramineae.
N Urochondra setulosa (Trin) Hubb. Gramineae.
N Aeluropus lagopoides (L) Trimen. Gramineae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afruug
-ta: (magac, dhedig, keli) geedcawsaad ka baxa dooxooyinka kuwa dibirka ah. Afruugta waxaa sida badan daaqa gammaanka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arruug
m.l Ubad labaraafle oo lix bilood jira.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baruur
(Baruur-ta)
Hilibka intiisa cad oo dufanka leh oo aan jiirka ahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baruur
m.dh Hilib intiisa aan ahayn oo dufanka leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baruur
m.dh Hilib intiisa aan ahayn oo dufanka leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baruur
f. n. fat of the meat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baruur
-ta: (n) [Pl. baruuro-ha] fat (faat) ~ caddiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baruur
-ta: (magac, dhedig, keli) hilibka qayb ka mid ah oo ah qaybta cad ee subagga leh. Baruur keliyaa baruuryo badan qudhmisa. Dh: caddiin, addiing.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baruur
bw: cooddi, hilib
de: fat of the meat
lx: baruur
pd: (-ta)
ps: n1-f
syn: caddiin:
key: baruur
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
baruur
سَمْنَة، سَمْن
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bayuur
(Bayuur-ta)
Ceebaal weyn; ceeb; jiciir; jac; maqdiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bayuur
m.dh Ceeb aad u weyn; jiciir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bayuur
f. n. disgrace, big scandal, something shameful
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayuur
-ta: (magac, dhedig, keli) ceeb weyn; wax ceebaal ah oo aad loola yaabo. Dh: foolxumo, jac, jiciir, sharafdarro, fadeexad, maqdiir. Wa: bayuuro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bayuur
cf: ceeb ~ ceebaal, jac, jiciir
de: disgrace, big scandal, s.t. shameful
lx: bayuur
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: bayuur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cajuus
(Cajuus-ka)
(erey cay iyo liididi ku jirto) oday xun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cajuus
m.l (-siin/-syo, m.dh) Nin aad u gaboobay oo leh dhaqan la dhibsado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cajuus
m.l (-siin/-syo, m.dh) Nin aad u gaboobay oo leh dhaqan la dhibsado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cajuus
m. n. old man {derogatory}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cajuus
-ka: (n) aged man; old man; elderly man [impolite form] ~ oday catatab ah
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cajuus
-ka: (magac, lab, keli) oday da' weyn, nin duqoobay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cajuus
cf: oday
de: old man {derogatory}
lx: cajuus
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: cajuus
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Carpus
Gobolka Cumaacumta
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Casuus
(Casuus-ta)
Midab casaan ku jiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casuus
m.dh Midab cas oo caddaan ku jiro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
casuus
f. n., [abstract] reddish (color)