nayloon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nayloon
m.l la-mid: layloon.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nayloon
m. n. nylon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nayloon
-ka: (n) nylon (naay-loori); cloth or yam made from nylon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nayloon
-ka: (magac, lab, keli) dhar jilicsan oo aan xariir iyo cudbi midna laga samayn. Dh: layloon.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nayloon
de: nylon {Eng}
lx: nayloon
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: nayloon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
layloon
m.l Dhar jilicsan, qafiif ah, jirku ka muuqdo oo aan ka samaysnayn cudbi, iyo xariir midna. la-mid: nayloon.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
layloon
m.l Dhar jilicsan, qafiif ah, jirku ka muuqdo oo aan ka samaysnayn cudbi, iyo xariir midna. la-mid: nayloon.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
layloon
m. n. nylon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
layloon
-ka / ta: (n) nylon (naay-loon); a cloth of synthetic materials
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
layloon
-ka: (magac, lab, keli) walax kiimiko ah oo jiidanta loona adeegsado waxyaalo badano oo dharka ka mid yahay; nayloon.
layloon -ka: (magac, lab, keli) dhar jilicsan oo khafif ah oo uu jidhku ka muuqdo oo aan ka samaysnayn cudbi, iyo xariir midna. Dh: nayloon.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
layloon
a: nayloon
de: nylon
lx: layloon
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: layloon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sayloon
-ta: (magac, dhedig, keli) cunto dheeli tiran oo ku jirta caagad oo biyo aad mooddo oo macaan iyo qadhadhba leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharabaad
m.l Hu' ka samaysan nayloon, cudbi, suuf iyo wixi lamida oo cagaha la gashado, kabahana layska xijiyo; kaalso. la-mid: sharabaaddo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sharabaad
m.l Hu' ka samaysan nayloon, cudbi, suuf iyo wixi lamida oo cagaha la gashado, kabahana layska xijiyo; kaalso. la-mid: sharabaaddo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbaayad
-da: (magac, dhedig, keli) diric nayloon iyo wax la mid ah laga sameeyo oo inta badan midabkiisu madaw yahay oo dumarku dharka ay xidhan yihiin ka dul gashadaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ayoon
m.dh (-nno, m.dh) (kiimika) Atam ama koox atamyo ah oo lumiyay hal ama in ka badan oo elektaroonno ah si ay u yeeshaan saldanab togan (a. togan), ama helay hal ama in ka badan oo elektaroonno ah si ay u yeeshaan saldanabtaban (a. taban). Weliba eeg aayoonayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ayoon
m.dh (-nno, m.dh) (kiim.) Atam ama koox atamyo ah oo lumiyay hal ama in ka badan oo elektaroonno ah si ay u yeeshaan saldanab togan (a. togan), ama helay hal ama in ka badan oo elektaroonno ah si ay u yeeshaan saldanabtaban (a. taban). Weliba eeg aayoonayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ayoon
-ka: (magac, lab, keli) atam ay baa'baday dhexdhexaadnimadiisii danabeed oo ay ugu wacan tahay ugu yari elektaroon ku soo kordhay ama uu lumiyay.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
nylon
/naylon/ (n) maro jilicsan oo sulub ah (layloon).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
nylon
nylon, n.m. - Dun jilicsan oo guban og (dab qabsi og); Milmil (Nayloon).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aayoon
m. n. ion
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aayoon
-ka: (n) [chemistry] ion (aayoon)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aayoon
de: ion
lx: aayoon
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: aayoon
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dayoon
Echo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galoon
-ta: (magac, dhedig, keli) dhiil caanaha lagu shubo. Galoon badhaxa uma dhaamin karo, geeddantada jaane.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gayoon
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl iyo wixii lamid ah, ka dhammaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaloon
(Qaloon-ka)
1. Badar raran kulul ama qiiq kulul lagu dubey; salool.
2. Godan; xoodan; qooxan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaloon
m.l 1. Maseggo, galley, digir iyo wixi lamida oo la dubay. 2. Meesha qalloocan oo salka hunguriga nafleyda. 3. Jirro ku dhacda qoorta oo bararisa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaloon
m.l 1. Maseggo, galley, digir iyo wixi lamida oo la dubay. 2. Meesha qalloocan oo salka hunguriga nafleyda. 3. Jirro ku dhacda qoorta oo bararisa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaloon
m. n., (mass n.): parched corn, popcorn
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaloon
-ka: (n) popcorn (paap-koon) ~ salool, daango
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaloon
-ka: (magac, lab, keli) badar raran kulul ama qiiq kulul lagu dubey, Dh: salool.
qaloon -ka: (magac, lab, keli) eeg qallooc.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaloon
bw: daango
de: parched corn, popcorn
lx: qaloon
pd: (-ka)
ps: n2c-m-mass
syn: salool
key: qaloon
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
saloon
/saluun/ (n) 1. saalo (fadhi dadku fariisto oo ku nasto sida kuwa maraakiibta), 2. qol ama meel khamriga lagu gado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaloon
-ta: (magac, dhedig, keli) ceel afdhuuban oo biyo yar. Yaloon doofaar, yaryar kaga dhacay, oo yaqsi leh diid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
balloon
/balluun/balloons, ballooning, ballooned;(n) caag ama bambiiro laga buuxsho neef (biibiile). e.g. They blew up balloons for the party.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
balloon
/balluun/ (n) buufing.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayloot
-ka: (magac, lab, keli) qofka wadidda diyaaradaha yaqaan. Cali waa bayloot. Dh: baylood.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Kaytoon
nickname-m tall and thin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Kaytoon
magac loo baxsho wiil ay ka muuqdaan astaamaha nin dheer oo dhuuban.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nabdoon
der. [adjective] well, peaceful, secure
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Nabdoon
name-f well, peaceful, secure
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nabdoon
de: well, peaceful, secure
lx: nabdoon
ps: adj-der
xe: Im fine.
xv: Waan nabdoonahay.
key: nabdoon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaloon
-ka: (magac, lab, keli) qolka fadhiga ee aqalka, qolka nasashada. Saaloonka aqalku waa waasac. Dh: bersed, fadhi.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sayfoon
Syphon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baylohow
f.mg1 (-oobay, -owday, -oobi) Wax baylah ah noqosho (hanti).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baylohow
f.mg1 (-oobay, -owday, -oobi) Wax baylah ah noqosho (hanti). m.f.dh, baylohoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baylohow
-ga: (magac, lab, keli) daranyaw; cidlaw. Xoolo ninkii jiray dhintay balohow ka sug.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhayloob
inch. v. become tender (of meat)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhayloob
de: become tender (of meat)
lx: dhayloob
pd: (dhayloobay)
ps: v1=inch
key: dhayloob
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fakaloon
-ka: (magac, lab, keli) yaab iyo werwer. Dh: amakaak, dhabannahays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlloon
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: hawllan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawlloon
(tilmaame) eeg hawllan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naallood
(Naallood-ka)
Naallo helid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naallood
m.l la-mid: naallayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naallood
m.l eeg naalloo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naallood
v.pat: be happy ~ lucky
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naallood
-ka: (magac, lab, keli) (ku ~) xaalad farxadeed, wanaag iyo barwaaqo ku raaxaysi. Nin nabad ku soo toosay quudka maalintaana haya naallood kama maqna.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naallood
de: be happy ~ lucky
lx: naallood
nt: naallood (ka) [vn-m]
pd: (naallooday)
ps: v1=pat
key: naallood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabdooni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg nabdoonaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Nayroobi
pr. n., loc. Nairobi [capital city of Kenya.]
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Nayroobi
(n) Nairobi; the capital and largest city of Kenya
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Nayroobi
de: Nairobi [capital city of Kenya]
lx: Nayroobi
ps: n0-loc-f
key: Nayroobi
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qaybsoon
Synthetic division
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saalloon
(tilmaame) mid hagaasan oo qumman ama miyir qaba. Xilliyada wax saareenka iyo saacadaha reeban, sabada iyo rugtay joogtay, gabadh timid ma saalloona. Dh: fayow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayladdoon
qayladdoon¹: m.l.kh Q. ah: cid meel dhiillo ka dhacday meel kale uga doona gargaar.
qayladdoon²: f.mg1 (-nay, -ntay) Meel dhiillo ka dhacday meel kale gargaar uga doonid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayladdoon
-ka: (magac, lab, keli) cid meel chille ka dhacday meel kale uga doona gargaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aloo
-da: (magac, dhedig, keli) erey caalami ah oo marka telefan la dirayo ama la qabanayo hadalka lagu horraysiiyo. Dh: haloo, halo, halow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
loon
m.l Fool.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
loon
-ka: (magac, lab, keli) xubnaha qaranka aalaha mid ka mid ah. Dh: aabbodile, xubin.
loon -ka: (magac, lab, keli) jaadadka bariiska midkood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nayl
(Nay-sha)
Ilmo ido ah, oo dheddig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nayl
nayl¹: m.l (-lo, m.l) Maqasha idaha keeda lab.
nayl²: m.dh (-lo, m.l) Maqasha idaha keeda dheddig.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nayl
nayl¹: m.l (-lo, m.l) Maqasha idaha keeda lab.
nayl²: m.dh (-lo, m.l) Maqasha idaha keeda dheddig.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nayl
m. n. lamb, young sheep
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nayl
-naysha: (n) a baby sheep; lamb (laam)
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
NAYL
(I) Agnello, generico;
(E) Lamb, generic
(S) NAYL (S. g.: Nail)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nayl
-ka: (magac, lab, keli) maqasha idaha kooda lab.
nayl -sha: (magac, dhedig, keli) maqasha idaha tooda dhedig. Naysha laxda u sii daa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nayl
cf: baraar, ido
de: lamb, young sheep
lx: nayl
pd: (-ka ~ /sha)
ps: n1-m/f
key: nayl
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
noon
/nuun/ (n) duhurkii (12ka duhurnimo).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
noon
n., duhur, -ki, hadh, -di; afternoon, duhurka dabadiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yoon
(Yoon-ka)
Hugun, bulaan, qablan; yeer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yoon
yoon¹: m.l Hugun; bulaan; qablan; yeer. la-mid: yulqan¹, yulul.
yoon²: f.mg1 (-oomay, -oontay; -oomi) Dad, xoolo ama nafley kale qaylo samayn; wada hugmid; bulaamid. la-mid: yulqan².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yoon
yoon¹: m.l Hugun; bulaan; qablan; yeer. la-mid: yulqan, yulul.
yoon²: f.mg1 (-oomay, -oontay; -oomi) Dad, xoolo ama nafley kale qaylo samayn; wada hugmid; bulaamid. m.f.dh, yoomid. la-mid: yulqan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yoon
v. make a sound of voices, murmur; talk
yoon: m. n. sound of voices, murmur, buzz of conversation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoon
(fal) qaylo iyo buuq samee.
yoon -ka: (magac, lab, keli) hadal badan oo buuq iyo hugun ah. Reer an yoon lahayni waa reer aan ubad joogin. Dh: yulgan, hugun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aayon
m.l la-mid: ayoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afloo
-ga: (magac, lab, keli) eeg aflaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Agoon
(Agoon-ka, Agoon-ta)
Ilmaha aan aabbihiis noolayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agoon
agoon¹: m.l (agoon/-nno, m.dh) Wiil yar oo aabihii dhintay.
agoon²: m.dh (-omo, m.l) Gabar yar oo aabbeheed dhintay. 2. (m.u) Carruur aabbahood dhintay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
agoon
m.dh (-omo, m.l) Gabar yar oo aabbeheed dhintay. 2. (m.u) Carruur aabbahood dhintay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
agoon
m. n., [collective] orphan
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Agoon
nickname; name-m orphan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
agoon
-ka: (n) [Pl. agoonta ] orphan (oorfan); a child whose father is dead
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Agoon
magac loo baxsho wiil kolkii uu dhashay labadiisa waalid ama midkood dhintay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agoon
-ka: (magac, lab keli) wiil labadii waalid ama midkood ka dhintay isaga oo aan qaangaadhin. Agoon aabbo ma leh. Dh: rajay.
agoon -ta: (magac, dhedig, keli) gabadh labadii waalid ama midkood ka geeriyooday iyada oo aan qaangaadhin.
agoon -ta: (magac, dhedig, keli) gabadh uu ka geeriyooday saygeedii.
agoon -ta: (magacwadareed) carruur uu labadii waalid ama midkood ka geeriyooday. Ilaahay, in agoonta loo naxariisto ayuu inna faray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
agoon
cf: yatiin
de: orphan When the father has died
lx: agoon
pd: (-ka ~ -ta)
ps: n2-m, n1-f-col
key: agoon
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
agoon
يتیم
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
aloof
/aluuf/aloofly, aloofness; (adv) 1. ka yara fog ama ka durugsan. e.g. He stands aloof from other people. (adj) 2. qof xirxiran ama dabeecad qallafsan. e.g. She has an aloof personality.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aloog
f.g1 (-gay, -gtay) 1. Rabsho, dagaal iyo wixi lamida abuurid. 2. Wax kor u qadiid, taagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aloog
-ga: (magac, lab, keli) arrin ama talo aloosid ama abaabulid.