naylo koblis
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
NAYLO KOBLIS
Pterodiscus ruspolii 10
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naylakobcis
m.l Geed yar oo meelaha sallaxyada ah ka baxa oo leh laamo yaryar oo jiljilicsan oo si gaar ah isugu dhafma ilaa uu yeesho qaab dhulmaneed oo iduhu aad u jecelyihiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nayla'kobcis
-ka: (magac, lab, keli) eeg nayla'ababis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balloolis
-ka: (magac, lab, keli) dareensi awgii sida ur iyo wixii la mid ah sanka labadiisa dul weynayn. Dh: sanbaloolis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baylohoobid
m.f.dh eeg baylohow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baylohoobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax baylah- san oo aan la daranyadhabayn ahaan. Tukaankii kolkaan baylahoobid uga cabsaday ayaan xidhay. Dh: daranyoobid, baylihid, dayacmid.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
NEYLA-KORIS
(Neila-goris) N Zygophyllum sp. Zygophyllaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
NEYLA-KOBCIYE
(Neila-kobie) N Euphorbia granulata Forsk. Euphorbiaceae.
N Aptosimum pumilum Desc. Scrophulariaceae.
C Pterodiscus ruspolii Engl. Pedaliaceae.
N Lindenbergia sinaica (Decne) Benth. Scrophulariaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niyooroofilis
m.l (-yo, m.dh) (baayoloji) Nooc ugu caansan unugyada cadcad, kuwaas oo bannaanka uga bixi kara qulqulka dhiigga una gudbi kara nudaha jidhka si ay u soo dabaan bakteeriyada meel kasta oo ay jidhka ka weerarto. Unugyadani markay dhintaan waxay noqdaan malax.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
niyooroofilis
m.l (-yo, m.dh) (baay.) Nooc ugu caansan unugyada cadcad, kuwaas oo bannaanka uga bixi kara qulqulka dhiigga una gudbi kara nudaha jidhka si ay u soo dabaan bakteeriyada meel kasta oo ay jidhka ka weerarto. Unugyadani markay dhintaan waxay noqdaan malax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niyooroofilis
-ka: (magac, lab, keli) jaad ugu caansan unugyada cadcad, kuwaas oo bannaanka uga bixi kara qulqulka dhiigga una gudbi kara nudaha jidhka si ay u soo dabaan bakteeriyada meel kasta oo ay jidhka ka weerarto. Unugyadani markay dhintaan waxay noqdaan malax.