naylakobcis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naylakobcis
m.l Geed yar oo meelaha sallaxyada ah ka baxa oo leh laamo yaryar oo jiljilicsan oo si gaar ah isugu dhafma ilaa uu yeesho qaab dhulmaneed oo iduhu aad u jecelyihiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nayla'kobcis
-ka: (magac, lab, keli) eeg nayla'ababis.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
NAYLO KOBLIS
Pterodiscus ruspolii 10
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
NEYLA-KOBCIYE
(Neila-kobie) N Euphorbia granulata Forsk. Euphorbiaceae.
N Aptosimum pumilum Desc. Scrophulariaceae.
C Pterodiscus ruspolii Engl. Pedaliaceae.
N Lindenbergia sinaica (Decne) Benth. Scrophulariaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nayla'ababis
-ka: (magac, lab, keli) daaq jilicsan oo ay nayluhu ku kobcaan. Dh: naylo'kobcis.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
NEYLA-KORIS
(Neila-goris) N Zygophyllum sp. Zygophyllaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
layaabis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg layaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Malabcir
(Malabcir-ka)
Cunno macaan oo Banii-lsraa'iil - mucjiso ahaan - cirka looga soo daadshey; manna.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malabcir
m.l (dii.) Cunno macaan oo reer Banii Isra'iil mucjiso ahaan cirka looga soo daadshey.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
malabcir
m. n. manna
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malabcir
-ka: (magac, lab, keli) cunno macaan oo reer Banii Isra'iil mucjiso ahaan cirka looga soo daadshey kolkii ay tiiha iyo wareerka ku jireen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
malabcir
de: manna
lx: malabcir
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: malabcir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nadoocis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg nadoocin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqkicis
-ka: (magac, lab, keli) eeg naqkicin. naqli: (fal) eeg naqil.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Nayroobi
pr. n., loc. Nairobi [capital city of Kenya.]
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Nayroobi
(n) Nairobi; the capital and largest city of Kenya
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Nayroobi
de: Nairobi [capital city of Kenya]
lx: Nayroobi
ps: n0-loc-f
key: Nayroobi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niyakici
f.g2 (-iyay, -isay) Cid niyakac ku abuurid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
niyakici
f.g2 (-iyay, -isay) Cid niyakac ku abuurid. m.f.dh, niyakicin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
niyakici
v. arouse, cause someone to feel uneasiness
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
niyakici
de: arouse, cause s.o. to feel uneasiness
lx: niyakici
pd: (niyakiciyey)
ps: v2a=tr
key: niyakici
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ulakicis
-ta: (magac, dhedig, keli) badheedh wax u samayn. Ulakicis baa laga soo qaaday dilkii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawlaacis
-ka: (magac, lab, keli) sii deyn wax la dawlaaciyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niyakicid
m.dh la-mid: hiyikicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niyakicid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg niyakac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niyakicin
m.f.dh eeg niyakici.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalloocis
-ta: (magac, dhedig, keli) wax taagnaa. soo foorarin. Dh: qalloocin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rajakoris
rajakoris¹: m.l R. ah: nin haya carruur hooyadood dhimatay.
rajakoris²: m.dh 1. Dabshidka iyo irridda meesha u dhexeysa. 2. Naag naxariis badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rajakoris
-ka: (magac, lab, keli) nin haya carruur hooyadood dhimatay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tallaabis
m.l la-mid: tallaabin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tallaabis
-ka: (n) the act of crossing from one side to another; walking
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tallaabis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg tallaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waylaalis
-ka: (magac, lab, keli) harag laga bixiyo lo'da oo hagaag loo midgiyey. Waylaaliskani waa mid waylood. Dh: masalle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alaakoodis
m.l la-mid: alaakoodin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alaakoodis
-ka: (magac, lab, keli) ereyo suugaan ah, oo lagu baroordiiqayo, qaadid. Dh: ilaaqood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kalasoocid
(Kalasoocid-da)
Waxyaalo isku darsan, intii is lehba, gaar u saarid; kala bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalasoocid
kalasoocid¹: m.f.dh eeg kalasooc². la-mid: kalasooc¹ (2).
kalasoocid²: m.dh (baayoloji) Habaynta noolayaasha iyada oo loo kala qaybinayo kooxo taxane ah, laguna salaynayo fisiyoolajigooda, anatamigooda, bayokiimiko ahaan ama xidhiidho kale oo ka dhexeeya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kalasoocid
m.dh (baay.) Habaynta noolayaasha iyada oo loo kala qaybinayo kooxo taxane ah, laguna salaynayo fisiyoolajigooda, anatamigooda, bayokiimiko ahaan ama xidhiidho kale oo ka dhexeeya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalasoocid
vl. n. segregation, separation, classification
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalasoocid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg kalamadhid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalasoocid
de: segregation, separation, classification
lx: kalasoocid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: kalasoocid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
noola-ohis
m.l (baayoloji) Soo saaridda molikiyuullada uu soo saarayo unugga nooli, taas oo lagama maarmaan u ah qaabka dheefsamaynta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
noola-ohis
m.l (baay.) Soo saaridda molikiyuullada uu soo saarayo unugga nooli, taas oo lagama maarmaan u ah qaabka dheefsamaynta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laclacoodis
-ka: (magac, lab, keli) eeg laclacoodin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naytarojiin
m.dh (-nno, m.dh) 1. (kiimika) Curiyaha ugu horreeya ururka V ee tusaha kalgalka curiyayaasha; curiye elektaroon jiidasho badan,una jira isagoo molikiyuullo laba atamle ah (N )oo neef ah. Naytarojiinta hawada ku jirtaa waa 78 % mug ahaan. Naytarojiin waxa ay samaysaa ogsaydho ay ka mid yihiin laba-naytarojiin hal-ogsaydh. Naytaras ogsaydh (N O) oo ah ogsaydh dhexdhexaad ah; iyo natarojiin laba-ogsaydh (NO) oo soo saarta iskujir ka kooban naytaras asiidh iyo naytarik asiidh marka biyo lagu daro. 2. (kiimika) Neefta ugu badan gibilka, oo mug ahaan buuxisa 78% ee hawada engegan; neeftani kiimika ahaan ma firfircoona, waxay tartaa inay misho ogsajiinta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naytarojiin
m.dh (-nno, m.dh) 1. (kiim.) Curiyaha ugu horreeya ururka V ee tusaha kalgalka curiyayaasha; curiye elektaroon jiidasho badan,una jira isagoo molikiyuullo laba atamle ah (N )oo neef ah. Naytarojiinta hawada ku jirtaa waa 78 % mug ahaan. Naytarojiin waxa ay samaysaa ogsaydho ay ka mid yihiin laba-naytarojiin hal-ogsaydh. Naytaras ogsaydh (N O) oo ah ogsaydh dhexdhexaad ah; iyo natarojiin laba-ogsaydh (NO) oo soo saarta iskujir ka kooban naytaras asiidh iyo naytarik asiidh marka biyo lagu daro. 2. (kiim.) Neefta ugu badan gibilka, oo mug ahaan buuxisa 78% ee hawada engegan; neeftani kiimika ahaan ma firfircoona, waxay tartaa inay misho ogsajiinta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naytarojiin
-ta: (magac, dhedig, keli) curiyaha ugu horreeya ururka 5aad (V) ee tusaha kalgalka curiyayaasha; curiye elektaroon jiidasho badan,una jira isagoo molikiyuullo laba atamle ah (N Joo neef ah. Naytarojiinta hawada ku jirtaa waa 78 % mug ahaan. Naytarojiin waxa ay samaysaa ogsaydho ay ka mid yihiin laba-naytarojiin hal-ogsaydh. Naytaras ogsaydh (N O) oo ah ogsaydh dhexdhexaad ah; iyo natarojiin laba-ogsaydh (NO) oo soo saarta iskujir ka kooban naytaras asiidh iyo naytarik asiidh marka biyo lagu daro. 2. (kiim.) Neefta ugu badan gibilka, oo mug ahaan buuxisa 78% ee hawada engegan: neeftani kiimika ahaan ma firfircoona, waxay tartaa inay misho ogsajiinta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaylakeenid
m.f.dh eeg qaylakeen². la-mid: qaylakeen¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaylaraacid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ay qaylo ka baxayso u gurmasho. Qaylaraacid ayay dadku ku yimaaddeen. Dh: qaylaraacis, gurmad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaylaroorid
m.f.dh la-mid: qaylaroor².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalalolibcas
-ta: (magac, dhedig, keli) afarta daalallo labada hore oo ku beegan toban iyo siddeed iyo toban iyo sagaal ee dayaxa oo leh saadaal togan, roob iyo barwaaqo.