nayaayirood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nayaayirood
m.f.l eeg nayaayiroo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nayaayirood
-ka: (magac, lab, keli) ku taamid wax soo socda heliddii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nayaayiroo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Nayaayiro dareemid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nayaayiroo
(fal) helidda wax kaa maqan ku taan oo rajee. Nayaayirood waligaa wanaag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nayaayiro
m.dh 1. Dareen farxad leh oo qofka ku dhaliya furfurnaan dheeraad ah. 2. Rajo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nayaayiro
m.dh 1. Dareen farxad leh oo qofka ku dhaliya furfurnaan dheeraad ah. 2. Rajo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nayaayiro
(fal) is kala garo; suuxitaan ama fikir fogaaday ka soo miiraab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nayaayir
-ka: (magac, lab, keli) raynrayn ka dhalata bishaaro wanaagsan
nayaayir-ka: (magac, lab, keli) ku taamid lagu taamo wax wanaagsan oo la filayo. Dh: filasho, yididiilo, rajo. Dh: quus.
nayaayir-ka: (magac, lab, keli) is kala garasho iyo soo noqosho suuxitaan ama fikir lala fogaaday laga soo miiraabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nayaayiso
m.dh Rajo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nayaayiso
f. n. hope
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nayaayiso
de: hope
lx: nayaayiso
pd: (/da)
ps: n6-f
key: nayaayiso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nayaayirsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: nayaayiraysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cayaayir
(Cayaayir-ka)
Cayaar; kaftan; dheeldheel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayaayir
m.l 1. Hadal ama fal aan dhab ahayn oo uu qof mid kale kula kaco. 2. Ciyaar; dheel.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cayaayir
m.l 1. Hadal ama fal aan dhab ahayn oo uu qof mid kale kula kaco. 2. Ciyaar; dheel.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cayaayir
m. n. joking, foolery, kidding
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cayaayir
-ka: (n) a playful trick; joke (jook); prank (paraank); ridicule (ridi-kiyuul)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayaayir
-ka: (magac, lab, keli) hadal aan suurtagal ahayn oo kaftan u eg. Maandhow cayaayirka iga daa, ciil adaa i badaye. Dh: kaftan, dheeldheel, ciyaar. Li: dhab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cayaayir
cf: cayaar, dheeldheel
de: joking, foolery, kidding
lx: cayaayir
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: cayaayir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mayaayid
m.dh la-mid: mayayid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niyaayir
-ka: (magac, lab, keli) eeg nayaayir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nasaaroob
inch. v. become a Christian
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nasaaroob
de: become a Christian
lx: nasaaroob
pd: (nasaaroobay)
ps: v1=inch
key: nasaaroob
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tayaagood
m.l la-mid: tannaagood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tayaaqood
m.l la-mid: tannaagood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaayacood
(tilmaame) wax aan weli hagaag u bislaan. Garawgu ma bislaane waa yaayacood. Dh: yacyacood, saatu, cargo. Li: muudhmuudh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biyayarood
(Biyayarood-ka)
Biyuhu ku yar yihiin; aan biyo badnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyayarood
m.l la-mid: biyayaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biyayarood
m. n., [compound] scarcity of water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyayarood
-ka: (magac, lab, keli) ceel biyo yar oo aan biyo badnayn, dhadhiin ah. Biyayarood buu noqday ceelkii cusbaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biyayarood
de: scarcity of water
lx: biyayarood
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: biyayarood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaamilood
m.l la-mid: macaammilood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majaajilood
m.l la-mid: majaajillood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nayaayiraysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax nayaayiro hayso ahaansho. la-mid: nayaayirsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaammilood
m.f.dh eeg macaammiloo. la-mid: macaamilood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
macaammilood
m.f.dh eeg macaammiloo. la-mid: macaamilood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majaajillood
m.f.l eeg majaajilloo. la-mid: majaajillood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
majaajillood
m.f.l eeg majaajilloo. la-mid: majaajillood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nayaayirsanaan
m.dh la-mid: nayaayiraysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaahood
-ka: (magac, lab, keli) abaahinta lafteeda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abaaroob
inch. v. become drought-stricken (of a place)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abaaroob
a: abaarow
de: become drought-stricken (of a place)
lx: abaaroob
pd: (abaaroobay)
ps: v1=inch
key: abaaroob
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alaakood
m.l Maaweelo iyo sasabidda carruur lagu aamusiiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
alaakood
m.l Maaweelo iyo sasabidda carruur lagu aamusiiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alaakood
(fal) iska yeelyeel ah u oy. Dh: ilaaqoo.
alaakood -ka: (magac, lab, keli) ereyo suugaanaysan oo loogu baroordiiqo qof geeriyooday. Dh: ilaaqood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baayirid
m.f.dh eeg baayir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baayirid
-da: (magac, dhedig, keli) naaxitaan iyo cayilid. Dh: baayiris, baayiritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayaamid
-da: (magac, dhedig, keli) si qeexan u soo bixid oo la wada arkayo. Bayaamid bay fartani u baahantahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caaryood
-ka: (magac, lab, keli) xajiin iyo cuncun yeelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cadayood
(Cadayood-ka)
Cadanyo iska dareemid; (ama cadanyood).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadayood
m.l la-mid: cadanyood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cadayood
vl. n. feeling the sensation of an itch
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cadayood
a: cadanyo
de: feeling the sensation of an itch
lx: cadayood
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: cadayood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cayaarid
(Cayaarid-da)
Cayaar ka qaybgelid; dheelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayaarid
m.f.dh eeg cayaar². la-mid: ciyaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayaarid
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar ka qaybgelid. Dh: dheelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciyaayir
-ka: (magac, lab, keli) hadal aan suurtagal ahayn oo kaftan u eg. Dh: cayaayir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabayood
(Dabayood-ka)
Geed aan weyneyn oo miro la cuno bixiya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabayood
m.l.u Geed nagaar faala, leh caleemo yaryar iyo buruq dharka lagu dhaqdo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabayood
m.l.u Geed nagaar faala, leh caleemo yaryar iyo buruq dharka lagu dhaqdo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabayood
m. n., [collective] tree species, with edible fruit
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DABAYOOD
Momordica spinosa 10
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DABAYOOD
(Dabayod) N Limonium somalorum (Vierh) Hutch & Bruce. Plumbaginaceae.
N Limonium axillare (Forsk)0. Kuntze. Plumbaginaceae.
N Limonium xipholepis (Bak) Hutch & Bruce. Plumbaginaceae.
N Limonium cylindrifolium (Forsk) Cuf. Plumbaginaceae.
N Momordica dissecta Bak.F. Cucurbitaceae.
C Momordica spinosa (Gilg) Chiov. Cucurbitaceae.
N Thunbergia guerkeana Lindau. Acanthaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabayood
-ka: (magac, lab, keli) geed aan weyneyn oo midho bixiya xilliga barwaaqada. Waa geed ay dawo ahaan dumarku u adeegsadaan oo ay isku ulaan marka ay ummulaan haddii xanuun iska dareemaan. Anigaa dabay oo dabayood shitay.
dabayood -ka: (magac, lab, keli) wax badankii tegey, in yar oo weli ka dambaysa. Dh: dabayaaqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabayood
de: tree sp., with edible fruit
lx: dabayood
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: dabayood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacarood
m.f.l eeg dacaroo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dacarood
m.l eeg dacaroo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacarood
-ka: (magac, lab, keli) caloolxanuun inta la shubo qofka laga dacarbixiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dayaamid
(Dayaamid-da)
Dayaan ka yeerid; daryaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayaamid
m.f.dh eeg dayaan². la-mid: daryaamid, diryaamid, diyaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayaamid
-da: (magac, dhedig, keli) dayaan iyo qaylo samayn. Buuraha ayaa dayaamiddu xoog ugu soo baxdaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayaarad
m.dh la-mid: dayuurad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dayaarad
-da: (n) airplane (eer-paleeynn); aeroplane (eero-paleeyn); aircraft (eer-karaaft); airliner (eer-laayner) ~ dayuurad, diyaarad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayaarad
-da: (magac, dhedig, keli) gaadiidka cirka duula kan ugu caansan. Dayaaradda xiimiyeey xaawaay; xaggaa bari ma isku raacnaa. Dh: dayuurad, diyaarad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dayaayad
f. n., [collective] propaganda
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dayaayad
a: dacaayad
de: propaganda
lx: dayaayad
pd: (-da)
ps: n1-f-col
key: dayaayad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daydayid
-da: (magac, dhedig, keli) raadin ama doondoonid. Daydayid baan ugu jiraa dibigii iga hallaabay. Dh: raacdayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fayaamid
-da: (magac, dhedig, keli) murgaamidiye firfricooni ku soo korodha qofka, marka uu qaato wax baraaruja oo la cabbo ama la cuno.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fayaarad
-da: (magac, dhedig, keli) kaabadda agalka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haanyood
m.f.l eeg haanyoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haanyood
m.f.l eeg haanyoo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haanyood
v. hug, embrace
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haanyood
-ka: (magac, lab, keli) xiisayn iyo soo dhoweyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haanyood
a: haanyow
de: hug, embrace
lx: haanyood
pd: (haanyooday)
ps: v1=
key: haanyood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haayirid
(Haayirid-da)
Dal fog aadid; dalaabid; (ama haajirid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haayirid
m.dh la-mid: haajirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haayirid
-da: (magac, dhedig, keli) dhulkaagii ka qaxid oo meel kaa fog u dalandoolid. Dh: haajirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hayaamid
(Hayaamid-da)
Meel fog oo abaari ka sokayso u guurid; kaynaanid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hayaamid
m.f.dh eeg hayaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayaamid
-da: (magac, dhedig, keli) meel aad u fog oo nabad ama naq leh u rarid. Dh: dalandoolid, qayaadid, kaynaanid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hayaayad
(Hayaayad-da)
Hado (ama hadaayad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hayaayad
m.dh la-mid: hadaayad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hayaayad
f. n. cover, lid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayaayad
-da: (magac, dhedig, keli) hadaayad; hado; hanuun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hayaayad
de: cover, lid
lx: hayaayad
pd: (-da)
ps: n1-f
see: hadaayad
key: hayaayad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilyarood
-ka: (magac, lab, keli) ceel aan biyo badan lahayn. Ilyarood weeye ceelka aad ka cabtaani. Dh: dhadhiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laafyood
(Laafyood-ka)
Si qurux iyo xarrago leh, laafyaha u sii deyn, u banaanadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laafyood
m.f.l eeg laafyoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laafyood
m.f.l eeg laafyoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laafyood
-ka: (magac, lab, keli) gacmaha oo la saydhiyo oo xarrago darteed la is jejebiyo. Dh xarragood.