nayaayiroo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nayaayiroo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Nayaayiro dareemid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nayaayiroo
(fal) helidda wax kaa maqan ku taan oo rajee. Nayaayirood waligaa wanaag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nayaayirood
m.f.l eeg nayaayiroo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nayaayirood
-ka: (magac, lab, keli) ku taamid wax soo socda heliddii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nayaayiro
m.dh 1. Dareen farxad leh oo qofka ku dhaliya furfurnaan dheeraad ah. 2. Rajo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nayaayiro
m.dh 1. Dareen farxad leh oo qofka ku dhaliya furfurnaan dheeraad ah. 2. Rajo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nayaayiro
(fal) is kala garo; suuxitaan ama fikir fogaaday ka soo miiraab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nayaayir
-ka: (magac, lab, keli) raynrayn ka dhalata bishaaro wanaagsan
nayaayir-ka: (magac, lab, keli) ku taamid lagu taamo wax wanaagsan oo la filayo. Dh: filasho, yididiilo, rajo. Dh: quus.
nayaayir-ka: (magac, lab, keli) is kala garasho iyo soo noqosho suuxitaan ama fikir lala fogaaday laga soo miiraabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nayaayiso
m.dh Rajo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nayaayiso
f. n. hope
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nayaayiso
de: hope
lx: nayaayiso
pd: (/da)
ps: n6-f
key: nayaayiso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nayaayirsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: nayaayiraysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cayaayir
(Cayaayir-ka)
Cayaar; kaftan; dheeldheel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayaayir
m.l 1. Hadal ama fal aan dhab ahayn oo uu qof mid kale kula kaco. 2. Ciyaar; dheel.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cayaayir
m.l 1. Hadal ama fal aan dhab ahayn oo uu qof mid kale kula kaco. 2. Ciyaar; dheel.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cayaayir
m. n. joking, foolery, kidding
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cayaayir
-ka: (n) a playful trick; joke (jook); prank (paraank); ridicule (ridi-kiyuul)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayaayir
-ka: (magac, lab, keli) hadal aan suurtagal ahayn oo kaftan u eg. Maandhow cayaayirka iga daa, ciil adaa i badaye. Dh: kaftan, dheeldheel, ciyaar. Li: dhab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cayaayir
cf: cayaar, dheeldheel
de: joking, foolery, kidding
lx: cayaayir
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: cayaayir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niyaayir
-ka: (magac, lab, keli) eeg nayaayir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nayaayiraysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax nayaayiro hayso ahaansho. la-mid: nayaayirsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayaayo
-da: (magac, dhedig, keli) timo jilicsan oo kala jeedjeeda. Dh: bidhiidh, yixi. Li: yoofil.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cayaaro
m. n., pl. sports; games; dances
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cayaaro
-cayaaraha: (v) sport (ispoort); games (geeymis) ~ ciyaaro
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cayaaro
de: sports; games; dances
lx: cayaaro
pd: (/ha)
ps: n1-m-pl
key: cayaaro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayaayo
-da: (magac, dhedig, keli) dhibco iyo baro uu yeesho neef uu aqal ku darrooshimeeyay.
hayaayo -da: (magac, dhedig, keli) siigo cas oo cirka isku shareerta oo indhaha u daran. Dh: siigo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mayaayo
(tilmaame) aad u jilicsan oon tabar lahayn oo si xun u kala jeejeeda. Nin timo mayaayo ah leh ayaa gaadhiga waday. Dh: bayaayo.
mayaayo-da: (magac, dhedig, keli) dhareer ka soo daata afka. Cibaadada badi inta aad duq mayaayo leh noqon. Dh: cantar, cantaf.
mayaayo -da: (magac, dhedig, keli) dhul gabiib ama xaraar cas leh. Meel mayaayo ah ayaan soo maray oon timaha ka dhoobaystay.
mayaayo -da: (magac, dhedig, keli) roob aad u weyn oo cabsi leh. Ee mayaayada soo madow: ninkii meelloow ka roor. Dh: quulaamo, daruuro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naakiro
m.dh la-mid: naakirad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naakiro
-da: (magac, dhedig, keli) eeg naakirad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nasaaro
(Nasaara-da)
Dadka diinta Nebi Ciise haysta; Kirishtaan; Masiixi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nasaaro
m.dh.u (dii.) Dadka sheegta inay haystaan diinta Nebi Ciise; Kiristaan; Masiixi. la-mid: nasaari.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nasaaro
m.dh.u (dii.) Dadka sheegta inay haystaan diinta Nebi Ciise; Kiristaan; Masiixi. la-mid: nasaari.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Nasaaro
f. n., [collective] Christians
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nasaaro
-da: (magac, dhedig, keli) diintii Nebi Ciise lagu soo dejiyey. Dh: kiristaan, masiixiyiin. nasaaroobid -da: (magac, dhedig, keli) kiristaan noqosho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Nasaaro
bw: Arabic
de: Christians
lx: Nasaaro
pd: (/da)
ps: n0-f-col
see: Nasraani
key: Nasaaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qayaayo
(Qayaaya-da)
Wax is leh ama isku jaan go'an wixii ku dheeri ah ama ka dhimman oo quruxdooda wax u dhimaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayaayo
m.dh.kh 1. Q. ah: wax qabyo ah oo waxa ka dhimani ay iin u yeeleyso. 2. Faro, ilko iyo wixi lamida oo is dulsaaran.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qayaayo
m.dh.kh 1. Q. ah: wax qabyo ah oo waxa ka dhimani ay iin u yeeleyso. 2. Faro, ilko iyo wixi lamida oo is dulsaaran.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qayaayo
f. n. (adj.): bad match ~ fit; disharmonious, disproportionate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayaayo
-da: (magac, dhedig, keli) wax is leh ama isku jaango'an wixii ku dheeri ah ama ka dhiman ee quruxdooda wax yeelleeya. Gabadhu way qurux badan tahaye barta wejiga ayaase qayaayo ku ah. Dh: iin, dhalliil.
qayaayo -da: (magac, dhedig, keli) dareen silloon oo dadka hela kolka uu matag hayo; waxa la dareemo kolka ay hunqaaco ku soo hayso. Dh: daalalyo, yalaalugo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qayaayo
de: bad match ~ fit; [atr.] disharmonious, disproportionate
lx: qayaayo
pd: (/da)
ps: n-f
key: qayaayo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciyaayir
-ka: (magac, lab, keli) hadal aan suurtagal ahayn oo kaftan u eg. Dh: cayaayir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mayaayid
m.dh la-mid: mayayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nasaarow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Nasaaro noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nasaarow
(fal) qof Kiristaan ah noqo.
nasaarow-ga: (magac, lab, keli) kiristaan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayaayow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Qayaayo noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tayaagoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: tannaagoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tayaaqoo

wayaayin
m.dh (-nno, m.dh) Meel bannaan ah oo aan dhir lahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wayaayin
-da: (magac, dhedig, kel) meel bannaan ah oo aan dhir lahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaraaroo
(fal) xaraaro ha ku hesho. Shaah rasiin ah u xaraaroo. Dh: hamuun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hayaamiso
(Hayaamisa-da)
Cudur riiraxyo badan keena; hinjibis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hayaamiso
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Xasharad xareedeeyaha u eg, duusha, oo la aaminsanyahay in ay cudur siddo. 2. la-mid: hayoomiso, huyuumiso. Cudur hindhiso iyo illin badan leh oo laga qaado hayaamisada iyo wixi lamida; hinjibiso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hayaamiso
f. n. tickling irritation of the throat (which causes coughing)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayaamiso
-da: (magac, dhedig, keli) cudur riiraxanyo badan keena. Dh: yahaamiso, hinjibis.
hayaamiso -da: (magac, dhedig, keli) habaas xoolaha socdaa kiciyaan oo dadka afka iyo sanka ka gala oo mararka qaar hargab ama duray dhaliya. Dh: boodh, habaas, siigo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hayaamiso
cf: riiraxyo
de: tickling irritation of the throat (which causes coughing)
lx: hayaamiso
pd: (-da)
ps: n-f
key: hayaamiso
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nasaaroob
inch. v. become a Christian
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nasaaroob
de: become a Christian
lx: nasaaroob
pd: (nasaaroobay)
ps: v1=inch
key: nasaaroob
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaamiloo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: macaammiloo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majaajiloo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: majaajilloo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabaadiino
(duco) erey uu yidhaa qof qof kale macasalaamaynaya oo jawaab u ah nabadgelyo. Qofkii nadabgelyo ku yidhaa nabaadino dheh.
nabaadiino -da: (magac, dhedig, keli) xasilloni iyo dhibaato la'aan; xaalad colaadi jirin ku sugnaan. Dh. nabadgelyo, badbaado.
nabaadiino-da: (magac, dhedig, keli) salaamadin iyo duco micnaheed yahay alleh ha ku nabadgaliyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badalliroor
-ka: (magac, lab, keli) si birinbirqo iyo kibir ku jiro oo dugaagnimo ah u ordid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqalyarogo
(fal) labada gacmood isku taag lugahana sare u taag oo isrogrog. Dh: baqayarogo, qaalaabarogo, qaalmarogo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaamilood
m.l la-mid: macaammilood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaammiloo
f.mg3 (-ooday, -ootay) 1. Ku m.: hab gaar ah ku dhaqmid. 2. La m.: cid si wanaagsan ula dhaqmid. la-mid: macaamiloo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
macaammiloo
f.mg3 (-ooday, -ootay) 1. Ku m.: hab gaar ah ku dhaqmid. 2. La m.: cid si wanaagsan ula dhaqmid. m.f.dh, macaammilood. la-mid: macaamiloo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majaajilloo
f.mg3 (-ooday, -ootay) (riw.) Majaajillo samayn. la-mid: majaajiloo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
majaajilloo
f.mg3 (-ooday, -ootay) (riw.) Majaajillo samayn. la-mid: majaajiloo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majaajilood
m.l la-mid: majaajillood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nabaaddiino
(Nabaaddiina-da)
1. Colaad iyo dagaal la'aan.
2. Heshiis la kala dhigto oo nabadeed.
3. Xumaan iyo dhibaato la'aan; cabsi la'aan.
4. Degganaan; xasilloonaan.
5. Laabsami; caloolsami; ~ nabadgelyo; nabad; badbaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabaaddiino
m.dh 1. Ku sugnaan xaalad aan waxyeello iyo colaad lahayn; nabad. 2. Duco dad kala tegayaa isku sagootiyaan; nabadgelyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nabaaddiino
m.dh 1. Ku sugnaan xaalad aan waxyeello iyo colaad lahayn; nabad. 2. Duco dad kala tegayaa isku sagootiyaan; nabadgelyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nabaaddiino
f. n.; [intj.]: peace, security; goodbye!, so long!
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nabaaddiino
de: peace, security; [intj] goodbye!, so long! Answer to: nabadgelyo {N}
lx: nabaaddiino
pd: (/da)
ps: n6-f
key: nabaaddiino
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nadaamdarro
m.dh la-mid: nidaamdarro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nadaamdarro
-da: (magac, dhedig, keli) habqan iyo maamulxumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nafaqadarro
nafaqadarro¹: m.dh Nafaqaxumo.
nafaqadarro²: m.dh (daawo) Xaalad cudureed oo ay keento cunno aan isu miisaanneyn, qofku waxa uu cuno iyo waxa jirkiisu u baahanyahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nafaqadarro
m.dh (daaw.) Xaalad cudureed oo ay keento cunno aan isu miisaanneyn, qofku waxa uu cuno iyo waxa jirkiisu u baahanyahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nafaqadarro
-da: (magac, dhedig, keli) tamardarro ay macaluushu keento marka la waayo cunto dheellitiran oo ubadku u dhintaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaqaayirid
-da: (magac, dhedig, keli) khaakhaayir samayn oo indhaha iyo wejiga ka huruufid. Dumarku qaaqaayirid ayay isku caayaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalaaborogo
(fal) is rogrog oo kolba bog isku geddi. Rasaasta ka qalaaborogo. Dh: qalamaarogo.
qalaaborogo: (fal) wax jiifa kolba dhan u geddiso. Foostada haddaad qaadanayso qalaaborogo. Dh: wilaanwisho, rogrogo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalaamarogo
(fal) eeg qalaaborogo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayladdirso
f.g3 (-saday, -satay) la-mid: qayladdiro.