naxsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naxsan
(qof) Naxdini hayso; laga nixiyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax naxay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax naxay ahaansho. m.f.dh, naxsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naxsan
der. [adjective] frightened, worried, nervous, aggrieved
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naxsan
-aa: (adj) shocked (shookidh); panicked (paanikidh); scared (iskeeridh) frightened (faraaytinidh) ~ baqsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naxsan
(tilmaame) wax naxdini hayso ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naxsan
de: frightened, worried, nervous, aggrieved
lx: naxsan
pd: (naxsanaa)
ps: adj-der
key: naxsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naaxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax cayilay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naaxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax cayilay ahaansho. m.f.dh, naaxsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naaxsan
(tilmaame) cayilan shilis ah. awr naaxan ayaa saylada la keenay. Dh: buuran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nasan
Labo hawlood dhexdood, daaltirasho ku jira; nasiino ku jira; bojina haya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nasan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax nastay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nasan
der. [adjective] resting, taking a break
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nasan
-aa / nasnaa: (adj) relaxed (ri-laaksidh); rested (res-tidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nasan
(tilmaame) raaxaysan oo daal ka nastay. Li: daallan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nasan
de: resting, taking a break
lx: nasan
pd: (nasnaa)
ps: adj-der
key: nasan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baxsan
Wanaagsan; fiican; toolmoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax kulansaday qurux, wanaag caqli dheeraad ah ahaansho (qof). 2. Wax is hanashadii ay khamro, caro, fikir dheer iyo wixi lamida ay ka lumisay ahaansho (qof). 3. Kala b.: derin iyo wixi lamida wax fidsan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax kulansaday qurux, wanaag caqli dheeraad ah ahaansho (qof). 2. Wax is hanashadii ay khamro, caro, fikir dheer iyo wixi lamida ay ka lumisay ahaansho (qof). 3. Kala b.: derin iyo wixi lamida wax fidsan ahaansho. m.f.dh, baxsanaan¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baxsan
der. [adjective] good, nice, bright
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Baxsan
name-f good, nice, bright (Arb)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baxsan
-aa -ayd: (adj) bright (baraayt); happy, cheerful.
-ka baxsan: (adj) not including,
-kala baxsan: (v) 1. to become stretched or lengthened or widened kala fidsan. 2. set or kept apart; separate (sepa reeyt); disunite ~ kala saaran, kala soocan
baxsan: -aa -ayd: (adj) absent-minded; preoccupied (piri oki- paaydh). distracted (distarak-tidh) incautious (inkooshas) ~ maahsan, maqanajooge, qalbi la'
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Baxsan
magac loo baxsho gabadh loo rajaynayo in ay yeelato abuur iyo akhlaaq wanaagsan iyo inay qayrkeed ka dhex muuqato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baxsan
qof meeshii uu joogay dibadda ka joogid.
baxsan: (tilmaame) qof dabeecad wanaagsan oo hufan. Dh: furfuran, toolmoon.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baxsan
bw: Arabic
de: good, nice, bright
lx: baxsan
pd: (baxsanaa)
ps: adj-der
key: baxsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naqsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax la celiyay ahaansho. 2. Gar la xalliyay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naqsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax la celiyay ahaansho. 2. Gar la xalliyay ahaansho. m.f.dh, naqsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqsan
(tilmaame) meel naq ku da'ay oo qoyan. Diraacdii dhulku wuu naqsan yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Dad dalkoodii ka soo qaxay ahaansho. 2. Dhuxul wax la huriyey ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaxsan
der. [adjective] evacuated, scattered
qaxsan [derived] [adjective] burning, glowing (charcoal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaxsan
(tilmaame) qaxooti ah oo meeshiisii meel aan ahayn jooga ah. Dh: qaxootiyaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wedki'arag
(Wedki'arag-ga)
Shinbir la moodo inuu weligi naxsan yahay; (ama wadki'arag).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naxsanaan
m.f.dh eeg naxsan. la-mid: naxsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naxsanaansho
m.l/dh la-mid: naxsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sakatisan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax naxsan ahaansho (qof).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mournful
/moornful/ (adj) naxsan (murugaysan).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anfariirsan
(tilmaame) mid naxsan oo argagaxsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
argaggaxsan
(tilmaame) mid cabsi weyn oo kedis ah la geliyey. Dh: baqsan, naxsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
argaggaxsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) argaggax iyo cabsi qabitaan; wax argaggaxsan ahaan. Dh: baqsanaan, naxsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayilan
(tilmaame) mid naxsan; qof ama noole kale oo aad u buuran; qof aad u shilis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinqaaran
(fal) adiga oo fadhiya isku day in aad kacdo ama ad jiif ka soo toosto. Dh: hinqo.
hinqaaran: (fal) yalaalugoo oo mantag dareen. hinqaaran: (tilmaame) naxdin kedis ah naxsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wedkii'arag
-ga: (magac, lab, keli) qof weyn oo qiyaasi kara waxa ku soo foolleh. Nin weyni waa wedki'arag. Dh: indheer garad. Dh: wadkii-arag. wadki'arag.
wedkii'arag -ga: (magac, lab, keli) shimbir la moodo inuu weligii naxsan yahay; wadkii'arag.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
charitable
a., naxsan.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
clement
a., naxsan; be clement, nax.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
fat
a., shiilis, buuran, naxsan; become fat, naax; n., baruur, -ti; dayi, -gi; the fat of the tail, badhi, -di.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
pitiful
a., naxsan; be pitiful, nax.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naxsanow
inch. v. be scared ~ nervous
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naxsanow
de: be scared ~ nervous
lx: naxsanow
pd: (naxsanaaday)
ps: v3a=inch
key: naxsanow
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Baxsane
name-m good, nice, bright
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Baxsane
magac loo baxsho wiil la rajaynayo in uu yeesho abuur toosan iyo akhlaaq wanaagsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baxsani
-da: (magac, dhedig, keli) furfurraansho iyo dabci wanaag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaaxsan
Neef aan goortii la lisi jirey la lisin oo goor kaloo danbe lala suga hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaaxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax caano ku baaqdeen ahaansho (candho xoolaad).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaaxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax caano ku baaqdeen ahaansho (candho xoolaad). m.f.dh, gaaxsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaaxsan
der. [adjective] left unmilked (animal); untouched, virgin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaaxsan
-aa: (adj) not milked [a female mammal]
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaaxsan
de: left unmilked (animal); [ext.] untouched, virgin
lx: gaaxsan
pd: (gaaxsanaa)
ps: adj-der
key: gaaxsan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
inaysan
[pronoun she/they followed by negative action verb] that she / they not.. or she /they must or shall not ... Ex: hooyadu waa inaysan carruuteeda dayicin; the mother should not neglect her children
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maaxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax maax yeshay ahaansho (ceel).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maaxsan
der. [adjective] full (of water); replete
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaxsan
(tilmaame) maax keenay ah; biyo maax ahi ayay ku jiraan. Laasku wuu maaxsan yahaye intaan lagaaga horrayn gaadh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maaxsan
de: full (of water); replete
lx: maaxsan
pd: (maaxsanaa)
ps: adj-der
key: maaxsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Axan
(Axan-ka)
Xoolaha ama cunnada loo bixiyo qofka dhinta oo loogu duceeyo; fiddow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
axan
axan¹: m.l Xoolo la qalo ama cunto kale oo loogu duceeyo qof markaa dhintay.
axan²: f.g1 (-xmay, -xantay; -xmi) Xoolo la qalo ama cunto kale cid markaa dhimatay raacin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
axan
m.l Xoolo la qalo ama cunto kale oo loogu duceeyo qof markaa dhintay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
axan
m. n. funeral banquet (food ~ money given to the poor to pray for a deceased person)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
axan
-ka: (n) funeral feast; religious feast commemorating deceased person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
axan
magta dhagarta lagu baxsho, shan iyo toban halaad oo gaar u tilmaaman oo loo geeyo xigtada qofka lagu dhagaroobay.
axan-ka: (magac, lab, keli) xoolaha ama cunnada loo bixiyo qofka dhinta oo loogu duceeyo; xoolaha qof geeriyooday aaskiisa lagu dul cuno. Dh: fidde, fiddow, xabaalqod.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
axan
cf: fidde
de: funeral banquet (food ~ money given to the poor to pray for a deceased person)
lx: axan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: axan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aasan
La xabaalay; la duugey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aasan
aasan¹: f.mg1 (-smay, -sanaty; -smi) Wax cidi aastay noqosho.
aasan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la aasay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aasan
aasan¹: f.mg1 (-smay, -sanaty; -smi) Wax cidi aastay noqosho. m.f.dh, aasmid.
aasan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la aasay ahaansho. m.f.dh, aasnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aasan
der. [adjective] buried
aasan [inchoative] v. be buried, get buried
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aasan
-aa: (adj) buried (beeridh); placed in the ground ~ xabaalan ama duugan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasan
(fal) qof ama wax aasan noqo. Waxaan idhi aasan, ninkii inkiraaya, adduunka dhibtiisa.
aasan: (tilmaame) qof ama wax dhulka loo qoday oo la xabaalay ahaan. Waxa aan hellay dad meel mid ah ku aasan. Dh: xabaalan, duugan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
axran
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: axaran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basan
(tilmaame) wax aad u guban oo meel la taabto lahayn. Dh: dumudhsan.
basan: (tilmaame) dab bakhtiisan oo aan shidmayn. Dab ilaa shalay basan dhamac ha ka raadin. Li: hursan, oogan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faxan
Wax bixin badan; deeqsi ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faxan
f.mg4 (-xnaa, -xnayd) Wax deeq badan ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faxan
der. [adjective] generous
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faxan
-aa: (adj) liberal in giving, sharing. Ex: Ilaah baa faxan; God is generous
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faxan
(tilmaame) qof wax bixinta ku fiican; qof deeqsi ah. Dh: kariim, deeqsi. Li: bakhayl.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faxan
de: generous
lx: faxan
ps: adj-der
key: faxan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hasan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax nijaasi ku hallowday ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Hasan
name: Hassan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Hasan
de: Hassan
lx: Hasan
ps: name-m
see: Xasan
key: Hasan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kasan
(tilmaame) la wada garanaayo oo cid waliba aqoonsanayso. Dh: caan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laxan
m.l Iswaafajinta ereyada iyo muusigga (hees).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laxan
m.l Iswaafajinta ereyada iyo muusigga (hees).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laxan
-ka: (n) melody (meladi)-, tune (tuun) ~ codayn-ta, luuq-a
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laxan
-ka: (magac, lab, keli) codka iyo ku luuqaynta loo sameeyo midhaha hees la qoray. Dh: lixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maxan
m.l.kh M. ah: neef ishkin ah, aad u buuran oo aan dhalin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maxan
m.l.kh M. ah: neef ishkin ah, aad u buuran oo aan dhalin.
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Maxan
(I) Vacca infeconda;
(E) Unfertile Cow
(S) Maxan (A. G.: Maḥàn)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naban
Meel lagu nabay; dhegsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naban
naban¹: f.mg1 (-bmay, -bantay; -bmi) Timo, ciid iyo wixi lamida la nabay noqosho.
naban²: f.mg4 (-bnaa, -bnayd) 1. Timo, ciid iyo wixi lamida wax la nabay ahaansho. 2. Wax meel ku dheggan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naban
f.mg1 (-bmay, -bantay; -bmi) Timo, ciid iyo wixi lamida la nabay noqosho. m.f.dh, nabmid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naban
der. [adjective] stuck on, attached, fixed onto, pressed; slandered
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naban
(tilmaame) isku curjisan oo aad isku hays ah. Clidda daaraddu way naban tahay Dh: kabin.
naban: (tilmaame) (ku ~) ku dhejisan. Ting meel fiican ayuu ku naban yahay Dh: dhejian.
naban: (tilmaame) «ku ku magacaaban Naanaystil yaraantii loo bixiyay ayaa weli ku na.
naban: (timaame) is dhabbarinaya ah. Libaax geed ku hoos naban ayaa haw ku yidhi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naban
de: stuck on, attached, fixed onto, pressed; [ext.] slandered
lx: naban
nt: naban (nabmay) [v1=inch]
pd: (nabnaa)
ps: adj-der
key: naban