naxariiswaaq
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Naxariiswaaq
name-m sky God's mercy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Naxariiswaaq
magac loo baxsho wiil lagu tilmaamayo in uu yahay naxariistii Ilaahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naxariislaawe
-ha: (magac, lab, keli) qof aan naxa riis lahayn oo qalbi adag. Ilaahoow naxariislaawe wax ha noogu dhiibin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naxariisad
(Naxariisad-ka)
Naxariisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naxariisad
m.l la-mid: naxariisasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naxariisad
-ka: (magac, lab, keli) siin iyo mannays uu Ilaahay addoomadiisa uu siiyo khayr adduunyo ama mid aakhiro. Naxariisadka Eebbe lagama quusto.
naxariisad -ka: (magac, lab, keli) u tudhid iyo gacan qabasho loo sameeyo cid u baahan.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Naxariis-ta
gentillesse.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naxariis badan
(adj) merciful (meer-sifuuk); compassionate (kom-paashi-neeyt) kind (kaayndh); gracious (gareey-shas)-, humane (hiyuu-meeyn)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naxariis daran
(adj) merciless (meer-si-las); cruel (kuruwal); unkind (an-kaayndh); savage (saaveeyj)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naxariisla'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) tudhid la'aan aan cid itaal yar loo nixin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naxariisdarro
-naxariisdarrada: (n) cruelty (kuru-walti); unkindness (an-kaayndh-nes) ~ xaasidnimo, naxariisla'aan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naxariisdarro
-da: (magac, dhedig, keli) eeg naxariisdarnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naxariiso
f.mg3 (-stay, -satay) U n.: cid naxariis u gelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naxariiso
f.mg3 (-stay, -satay) U n.: cid naxariis u gelid. m.f.dh, naxariisasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naxariiso
-naxariistay / naxariisatay: (v) be humane; be kind or compassionate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naxariiso
(fal) tudh oo dareen raxmadeed yeelo.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Amartiwaaq
name-m superiority; superior power. Lit: result of sky God's superiority
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Amartiwaaq
magac loo baxsho will loo baryayo in uu noqdo mid amarka Waaq (Ilaahay) adeeca; ama wiil amarkii Ilaahay iyo idankiisa sarrayn doona.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naxariisasho
(Naxariisasha-da)
Naxariis cid u gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naxariisasho
m.f.dh eeg naxariiso. la-mid: naxariisad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naxariisasho
-da: (magac, dhedig, keli) uu danbi dhaafid; raxmad ku soo dejin. Naxariisashadi Eebbaa lagu intifaacaa.
naxariisasho -da: (magac, dhedig, keli) u tudhid gef uu galay ka saamixid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naxariis-la'aan
-ta: (n) unkindness (an-kaayndh-nes)-, mercilessness (meer‘si-las-nes); cruelty (kuru‘-walti)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naxariisdarnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) tudhid la'aan aan la isku nixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saxariirsanaan
m.f.dh eeg saxariirsan. la-mid: saxariirsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxariirsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid saxariirsan ahaan. Dh: rafaadsanaan, silicsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxariiritaan
-ka: (magac, lab, keli) dhibaatood; leelleelitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxariirsanaw
(fal) ahaw qof saxariirsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baxarsaaf
m.l (botani) Geed weyn, laamo dhaadheer iyo caleemo dhuudhuuban oo midab casuur ah leh oo meesha uu ku yaal aysan kaneecadu imaan. la-mid: baahirsaaf.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baxarsaaf
m.l (botani) Geed weyn, laamo dhaadheer iyo caleemo dhuudhuuban oo midab casuur ah leh oo meesha uu ku yaal aysan kaneecadu imaan. la-mid: baahirsaaf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maarmiwaa
(Maarmiwaa-ga)
Maarmi karid la'aanta; huriwaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maarmiwaa
m. n. indispensable item; the inevitable
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maarmiwaa
-ga: (magac, lab, keli) ka kaaftoomi la'aan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maarmiwaa
bw: lamahuraan
de: indispensable item; the inevitable
lx: maarmiwaa
pd: (-ga)
ps: n2a-m
see: ka maaran
key: maarmiwaa
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BAXAR-SAAF
(Baharzaf) S, N, C, May, Og Eucalyptus camaldulensis Dehnh. Myrtaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baxarasaaf
-ka: (magac, lab, keli) geed ka mid ah dhirta magaalooyinka loogu beero bilic ahaanna aad u dheeraada oo laan keliyaale toosan u baxa. Waxa kale oo uu leeyahay hah iyo ur udgoon. Dh: baxarsaafi.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maarmi-waa
-yey I maarmiwayday: (v) need badly; be unable to do without; find indispensable. Ex: shaqadii baa looga maarmi waayey; he was badly needed at his job
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarrishaad
m.dh la-mid: xarrishid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saxariirsan
Saxariir ku sugan, la baday; silicsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saxariirsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Nafley wax dhibaato hayso ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saxariirsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Nafley wax dhibaato hayso ahaansho. m.f.dh, saxariirsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saxariirsan
der. [adjective] miserable, distressed, suffering, tormented
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saxariirsan
-aa/ayd: (adj) impoverished (im-poo-verisht); despairing (dis-peering); sunk in misery; unfortunate (an-foor-ju-net)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxariirsan
-ta: (tilmaame) dhibaato aad u darani. hayso, saxariir ku sugan, rafaadsan, silicsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saxariirsan
de: miserable, distressed, suffering, tormented
initial: s
lx: saxariirsan
pd: (saxariirsanaa)
ps: adj-der
key: saxariirsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabarraysnaan
m.f.dh eeg nabarraysan. la-mid: nabarraysnaansho, nabaraysnaan, nabaraysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabarraysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid nabarraysan oo dhaawac qaba ahaan. Dh: nabarraysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanfariirsanaan
m.f.dh eeg hanfariirsan. la-mid: anfariirsanaan, anfariirsanaansho, hanfariirsanaan