nasteexayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nasteexayn
m.dh la-mid: naseexayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nasteexayn
-ta: (magac, dhedig, keli) waano iyo waxsheeg cid u gudbin. Dh: naseexayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naseexayn
(Naseexayn-ta)
Hadal naseexo ah, cid kula talin, (ama nasteexayn).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naseexayn
m.f.dh eeg naseexee. la-mid: nasteexayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naseexayn
-ta: (magac, dhedig, keli) waano iyo waxsheeg cid ku gargaarid. Dh: nasteexayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nasteex
m.l la-mid: naseex.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nasteex
-a: (magac, lab, keli) eeg naseex.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nasteexo
(Nasteexa-da)
Naseexo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nasteexo
m.dh la-mid: naseexo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Nasteexo
pr. n., [feminine] Nasteho
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nasteexo
f. n. advice, counsel
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Nasteexo
name-f advice, counsel, comfort
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nasteexo
-nasteexada: (n) a piece of advice; advice (adhvaays); counsel (kawn-sel); recommendation (rakamen-dheeyshan) ~ naseexo, talo
u nasteexee -yey / u nasteexeysay: (v) offer advice; make a suggestion; advise (adh vaays) ~ la tali
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Nasteexo
magac loo baxsho gabadh dhalatay reerka oo barwaaqaysan ama reerka barwaaqo u horseedday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nasteexo
-da: (magac, dhedig, keli) waano iyo waxsheeg kalgacal ah oo lagu yidhaa cid wanaag lala doonayo. Dh: naseexo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fadeexayn
(Fadeexayn-ta)
Ceeb weyn u yeelid ama ku sheegid; facsharid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadeexayn
m.f.dh eeg fadeexee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadeexayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, ceeb iyo kashifaad u geysad. Dh: ceebayn, canbaarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jareexayn
(Jareexayn-ta)
Hadal jareexo ah, qof ku dhihid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jareexayn
m.f.dh eeg jareexee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jareexayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, hadal ku dhibid oo adyadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nasteexee
f.mg2 (-xeeyay, -xeysay) la-mid: naseexee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nasteexee
(fal) «u ~» cid kale, si daacad ah wax ugu sheeg.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nasteexo_1
de: advice, counsel
hm: 1
lx: nasteexo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: nasteexo_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Nasteexo_2
de: Nasteho
hm: 2
lx: Nasteexo
ps: name-f
key: Nasteexo_2
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warsheelayn
-ta: (magac, dhedig, keli) giijin xadhigga iyo waxa uu ku xidhan yahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leexayn
-ta: (magac, dhedig, keli) socod meel dheer gaadhid. Dh: dheerayn, siibasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naseexo
(Naseexa-da)
Talo wanaagsan oo cid lagula taliyo; waano; caqlicelis; (ama nasteexo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naseexo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Talo daacad ah oo cid loo jeediyo; waano; caqlicelin. 2. Daacadnimo. la-mid: nasteexo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naseexo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Talo daacad ah oo cid loo jeediyo; waano; caqlicelin. 2. daacadnimo. la-mid: nasteexo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naseexo
f. n. advice, counsel
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naseexo
-naseexada: (n) a piece of advice; advice (adhvaays); counsel (kawnsel); recommendation (rakomendheeyshin) ~ nasteexo, talo
u naseexee -yey / u naseexaysay: (v) offer advice; make a suggestion; advise (adh vaays) ~ la tali, waani
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naseexo
-da: (magac, dhedig, keli) waxsheeg iyo waano lagu yidhaa cid wanaag lala doonayo. Dh: nasteexo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naseexo
de: advice, counsel
lx: naseexo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: naseexo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Neefayn
(Neefayn-ta)
Neef gelin; afuufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
neefayn
m.f.dh eeg neefee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
neefayn
vl. n. inflating, blowing air into
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neefayn
-ta: (magac, dhedig, keli) naqas ku afuufid Neefaynta shaaggu wakhti badan ma qaadato
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
neefayn
de: inflating, blowing air into
lx: neefayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: neefayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seegayn
-ta: (magac, dhedig, keli) seego samayn, shahwad gacanta iskaga keenid. Dh: siigayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seerayn
m.dh la-mid: seerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seerayn
-ta: (magac, dhedig, keli) seere ka dhigid Seerayntu nabaadguurkana wax bay ka tartaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seetayn
(Seetayn-ta)
Seeto ku xirid, u yeelid; dabrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seetayn
m.f.dh eeg seetee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seetayn
-ta: (magac, dhedig, keli) seeto ku xidhid u yeelid, dabrid; seetays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aleelayn
(Aleelayn-ta)
Aleel ku samayn, qurxin darteed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aleelayn
m.f.dh eeg aleelee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aleelayn
-ta: (magac, dhedig, keli) aleel ku qurxin; aleel ku kor samayn. Aleelaynta weelashu waa farshaxan ay Soomaalidu hidde u leedahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
astakayn
m.dh la-mid: ashtakayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faseexad
(Faseexad-da)
Biro xalxalleefsan oo isasuran oo leh daldaloollo qodbo laga geliyo; waxaa layskula dhejiyaa alaabada la furo oo la xiro siiba qalbacyada albaabbada, khalfadaha, santuukhyada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faseexad
m.dh Bir yar oo layskula dhejiyo qalbacyada, albaabada, daaqadaha iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faseexad
m.dh Bir yar oo layskula dhejiyo qalbacyada, albaabada, daaqadaha iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faseexad
f. n. hinge
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faseexad
-da: (n) hinge (hiinj)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faseexad
-da: (magac, dhedig, keli) biro xalxalleefsan oo isa sudhan oo leh daldaloollo qodbo laga geliyo. Waxaa la iskula dhejiyaa alaabta la furo oo la xidho sida qalbacyada albaabbada, khalfadaha iyo sanduuqyada.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faseexad
de: hinge
lx: faseexad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: faseexad
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nafteeda
(pronoun) herself (heer-salaf) nafsaddeeda
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nafteena
(pronoun) ourselves (awar-salvis) nafsaddeena
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naseexee
f.mg2 (-xeeyay, -xaysay) 1. U n.: cid daacadnimo ula talin. 2. U n.: cid u danayn. la-mid: nasteexee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naseexee
f.mg2 (-xeeyay, -xaysay) 1. U n.: cid daacadnimo ula talin. 2. U n.: cid u danayn. m.f.dh, naseexayn. la-mid: nasteexee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nashlayn
m.f.dh eeg nashlee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nastahan
(qof) Dhib yar oo aan shiddo badnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nastahan
nastahan¹: m.l.kh N. ah: dhib yar oo aan shiddo badnayn (qof).
nastahan²: f.mg4 (-hnaa, -hnayd) Qof nastahan ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nastahan
der. [adjective] easy-going
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nastahan
de: easy-going
lx: nastahan
pd: (nastahnaa)
ps: adj-der
key: nastahan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxeexan
(tilmaame) la saxeexay; saxeex ku yaallo, lagu dhigay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sheekayn
(Sheekayn-ta)
Sheeko sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sheekayn
m.f.dh eeg sheekee. la-mid: sheekays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheekayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sheeko sheegid, war bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
astaamayn
astaamayn¹: m.f.dh eeg astaamee. la-mid: astayn.
astaamayn²: m.dh (naxwe) Astaamo lagu kala qaybiyo hadal qoran sida: hakad, joogsi, kolmo, bilo, laba dhibcood iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
astaamayn
m.dh (naxwe) Astaamo lagu kala qaybiyo hadal qoran sida: hakad, joogsi, kolmo, bilo, laba dhibcood iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
astaamayn
vl. n. punctuation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
astaamayn
-ta: (n) 1. marking (maarking). 2. punctuation (pangkjuweeyshen) ~ calaamadayn, astaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
astaamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) calaamayn; astaamays; suntid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
astaamayn
de: punctuation
lx: astaamayn
pd: (-ta)
ps: vn1-f
key: astaamayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dameerayn
-ta: (magac, dhedig, keli) faalka kolka la dhigo oo uu qaldamo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faataxayn
m.f.dh eeg faataxee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faataxayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ducaysi oo faataxo akhriyid. Dh: faataxaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hareerayn
(Hareerayn-ta)
Hareeraha ka marid; xerayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hareerayn
m.f.dh eeg hareeree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hareerayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhinac walba ka marid: hareeraha ka marid. Tuugga hareerayn baa lagu qabtaa. Dh: xerayn, hareerays.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maleexaan
m. n., [collective] tuna fish
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maleexaan
-ka: (magac, lab, keli) hilibka libaaxbadeedka iyo kalluunku kolkuu qallalanyahay. Dh: gallal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maleexaan
de: tuna fish
lx: maleexaan
pd: (-ka)
ps: n-m-col
key: maleexaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sareedayn
m.f.dh eeg sareedee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sareedayn
-ta: (magac, dhedig, keli) barwaago ka dhigid; baraarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wadeecayn
(Wadeecayn-ta)
Wadeeco ka dhigid; dayacid; baylahin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadeecayn
m.f.dh eeg wadeecee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadeecayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wadeeco ka dhigid; dayacid; baylihin.
wadeecayn-ta: (magac, dhedig, keli) ceeb laga sheego cid aan lahayn. Wadeecayn bay u jeediyeen ninkii maamulaha ahaa. Dh: ceebeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xareedayn
(Xareedayn-ta)
Xareed ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xareedayn
m.dh (kiimika) Hab ka kooban karkarinta hoor iyo qaboojinta uumigiisa. Xareedaynta waxa loo isticmaalaa safaynta hoorarka ama kala sooridda xubnaha iskujir hoor ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xareedayn
m.dh (kiim.) Hab ka kooban karkarinta hoor iyo qaboojinta uumigiisa. Xareedaynta waxa loo isticmaalaa safaynta hoorarka ama kala sooridda xubnaha iskujir hoor ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xareedayn
Distilation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xareedayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xareed ka dhigid. Dh: saafiyayn, xareedays.
xareedayn-ta: (magac, dhedig, keli) hab milanka hooreyaasha isku jira lagu kala sooco iyada oo la kulaylinayo illaa uu midi uumi ama adke isku beddelayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Marreexaan
m. n. Marehan (clan name)
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Marreexaan
name-m sling, catapult; restless; hurler, thrower. Cf: Marraaxaan, Marriixaan, Warfaa
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Marreexaan
eeg Marraxaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Marreexaan
cf: Daarood
de: Marehan (clan name) Alt sp: Mareexaan
lx: Marreexaan
pd: (-ka)
ps: n0-m
key: Marreexaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nastahnaan
(Nastahnaan-ta)
Qof nastahan ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nastahnaan
f. n., [abstract] easy-going attitude