nasri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nasri
(Nasri-ga)
1. Adkaansho; guul; lib.
2. Wanaag; khayr.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nasri
m.l 1. Guul laga gaadho dagaal, arrin iyo wixi lamida. 2. Nabadgelyo iyo barwaaqo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nasri
m. n. success, victory, good fortune
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Nasri
name-unisex success, victory, good fortune (Arb)
Carabi: name-m victory
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nasri
-ga: (magac, lab, keli) guul iyo gobanimo. Dh: faraj.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nasri
de: success, victory, good fortune
lx: nasri
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: nasri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nasi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid hawl muddo gaaban ka fadhiisin si daalku uga ba'o.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nasi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid hawl muddo gaaban ka fadhiisin si daalku uga ba'o. m.f.dh, nasin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nasi
v. relieve; make someone rest; take over another's work
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nasi
-yey / say: (v) give someone a short break or pause; relieve someone, as from work
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nasi
(fal) cid hawl haysa hawsha ka jooji si uu u daal goosto ama adiguba ka qabo. Wiilkaaga nasi wuu daalaye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nasi
de: relieve; make s.o. rest; take over another's work
lx: nasi
pd: (nasiyey)
ps: v2a=tr
xe: Never let them rest from the work.
xv: Kolla hawsha ha ka nasin!
key: nasi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basri
(fal) hagaaji oo si farsamaysan wax u suubbi. Basri reerka oo baylahda ka ilaali. Dh: hagaaji.
basri -da: (magac, dhedig, keli) jaad timirta ka mid ah. Basri ii keen timir kale ma rabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Casri
(Casri-ga)
Waqtiga cusub oo koolkaa la joogo la fil ah, la socda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casri
m.l 1. Sebenka markaa la joogo. 2. C. ah: wax cusub oo waqtiga la socda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
casri
m.l 1. Sebenka markaa la joogo. 2. C. ah: wax cusub oo waqtiga la socda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
casri
n. age, era; modern times
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
casri
-ga: (n) contemporary (kon-tem-pareeri)-, modern (moodheren) or cunent (kar-ent) times, things or events. —casri duqoobey: (adj) old-fashioned (owldh-faashinid)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casri
-ga: (magac, lab, keli) xilli markaa la joogo iyo kolba wixii cusub ee ku soo kordha nolosha iyo waayaha adduunka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
casri
de: age, era; modern times
lx: casri
pd: (-ga)
ps: n -m
key: casri
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Masri
m. n. Egyptian (male)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Masri
-ga: (n) Egyptian (i-jap'shan) male
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Masri
de: Egyptian (male)
lx: Masri
pd: (-ga Pl: Masaari (da))
ps: n8-m
key: Masri
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naari
-da: (magac, dhedig, keli) min ka mid ah minanka faalka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Nasra
pr. n., [feminine] Nasra, 'Victoria'
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Nasra
name-f Victoria; success, victory, good fortune (Arb)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Nasra
cf: nasri
de: Nasra, 'Victoria'
lx: Nasra
ps: name-f
key: Nasra
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nasro
m.dh 1. (muus.) Durbaan yar oo lagu tumo qasaa'idka Nabi ammaanka ah; darbuugad. 2. (muus.) Durbaan tumid iyo qasaa'id Nabi ammaan ah oo wada socda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nasro
m.dh 1. (muus.) Durbaan yar oo lagu tumo qasaa'idka Nabi ammaanka ah; darbuugad. 2. (muus.) Durbaan tumid iyo qasaa'id Nabi ammaan ah oo wada socda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nasro
-da: (magac, dhedig, keli) durbaan si gaar ah loo sameeyo oo qasaa'idka lagu tunto. Maqaamka nasro cusub baa loo keenay. Dh: narso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qasri
(Qasri-ga)
Salaadda oo qaarkeed laga tago, la gaabiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qasri
m.l 1. Tirada rakcadaha salaadda oo la soo gaabsho marka safar dheer iyo wixi lamida lagu jiro. 2. (-iyo, m.dh) Daar weyn dhul ballaaran ku fadhida oo qaab quruxsan u dhisan. la-mid: qasir.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qasri
m.l 1. Tirada rakcadaha salaadda oo la soo gaabsho marka safar dheer iyo wixi lamida lagu jiro. 2. (iyo, m.dh) Daar weyn dhul ballaaran ku fadhida oo qaab quruxsan u dhisan. la-mid: qasir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qasri
m. n. palace, castle
qasri m. n. shortening of one's prayers
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qasri
-ga: (n) palace (paalas); large, beautiful and splendid residence
qasri: -ga: (n) [Muslim] prayers of a travelling person, in Islam, if your travelling you are allowed to shortened some of the prayers
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasri
(fal) salaaddaha duhur, casarka iyo cishaa'iga gaabi oo laba labo u tuko. Safar ayaad tahaye salaadda qasri. Dh: gaabi.
qasri -ga: (magac, lab, keli) aqal aad u weyn oo dhisme ahaan iyo qalab ahaanba aad u heer sarreeya. Shir ayaan ku galay qasriga madaxtooyada. Dh: daar, guri.
qasri -ga: (magac, lab, keli) gaabinta salaadata afarta rakcadood ah oo laba labo loo soo gaabiyo kolka safarka la yahay ama ay duruufo sharci ahi jiraan. Dh: gaabis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
narsi
m.l la-mid: nasri.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
triumph
/trayamf/ triumphant/ (n) guul (nasri) (v) 2. guulaysasho (najaxid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nasaari
m.dh.u la-mid: nasaaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nasaari
-ga: (magac, lab, keli) qof Nebi Ciise sheegta oo Kiristaan ah. Dh: nasaaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
basari
basari¹: m.dh Baali; areebo; arraajo.
basari²: f.g2 (-iyay, -isay) Qof si tab iyo xeelad leh u qancin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
basari
basari¹: m.dh Baali; areebo; arraajo.
basari²: f.g2 (-iyay, -isay) Qof si tab iyo xeelad leh u qancin. m.f.dh, basarin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
basari
v. cleverly work something out
basari [feminine] n. bad wife, slovenly woman
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
basari
-yey -say: (v) handle in a responsible way
basari: -da: (n) slattern (islaatarn); an untidy and dirty woman ~ areebo, baali, goonbaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basari
-da: (magac, dhedig, keli) naagta aan nadaafadda lahayn ee nidaamka daran. Nimay biyo dhufteen oo yaxaas beerka kala gooyey, waxaa iiga daran basari buul la hurudkeeda. Dh: arreebo, baali, goonbaar. Li: dhabeel, gaari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Basrid
(Basrid-da)
Si basar leh u maarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
basrid
m.f.dh eeg basar². la-mid: basar¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basrid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl basar u samayn oo wax hagaajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basrin
-ta: (magac, dhedig, keli) arrin, si wanaagsan oo habboon u maarayn. Basrin baa bulsho lagu barbaariyaa. Dh: habayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basris
-ka: (magac, lab, keli) wax hagaajis, si asturan u falis. Baris ayaa loo bahanyahay in wax kaste loo sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cashri
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley tahliil ku firdhin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cashri
v. sprinkle someone ~ something with holy water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashri
-ga: (magac, lab, keli) eeg cashar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cashri
de: sprinkle s.o. ~ s.t. with holy water
lx: cashri
pd: (cashriyey)
ps: v2a=tr
key: cashri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naarid
(Naarid-da)
Naar gelin; cadaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naarid
m.f.dh eeg naar³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naarid
-da: (magar, dhedig, keli) fogayn oo Shaydaan iyo dhibtiisa Eebbe ka magangalid. Shaydaan iska naariddu way fiican tahay.
naarid-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, cadaabid holac ku tuurid. Naarid Ilaahbaa laga baryaa. Dh: cadaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nabrid
(Nabrid-da)
Nabar ku dhufasho, gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabrid
m.f.dh eeg nabar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabrid
-da: (magac, dhedig, keli) nabar ku dhufasho ama nabar gaadhsiin. Inuu nabrid ku dhigo ayuu ballan ku galay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Cid wax ay rabtay in ay nacdo gayeysiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nacsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Cid wax ay rabtay in ay nacdo gayeysiin. m.f.dh, nacsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nacsii
v.caus: cause to hate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacsii
(fal) sannifsii, xumaan uga sheeg si aanuu u jeclaan oo uu u karho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nacsii
de: cause to hate
lx: nacsii
pd: (nacsiiyey)
ps: v2a=caus
key: nacsii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nashin
-ta: (magac, dhedig, keli) foodda agteeda oo xagga dhakada xigta oo carruurta dhagdhaqaada inta ay mujada yihiin. Dh: nashato, nasin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nashir
(Nashir-ka)
1. Wax la kala bixiyo ama la fidiyo.
2. (war) dad badan la gaarsiiyo; faafis; sheegis; shaac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nashir
nashir¹: m.l la-mid: nashirid.
nashir²: f.g1 (-ray, -rtay) Akhbaar faafin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nashir
f.g1 (-ray, -rtay) Akhbaar faafin. m.f.dh, nashirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nashir
m. n. anything wide-spread, broadcast
nashir: v. spread about, broadcast, divulge, publicize
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nashir
(fal) baahi oo war iyo wixii la mid ah meelo badan gaadhsii. Warku sida uu u kala muhimsan yahay u nashir. Dh: nashri, baahi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nasiib
(Nasiib-ka)
Ayaan; cawo; hoodo; ul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nasiib
m.l Hoodo; cawo; ayaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nasiib
m.l Hoodo; cawo; ayaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nasiib
m. n., [collective] luck, fate, destiny, fortune, chance
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Nasiib
name-Unisex luck, fate, good fortune. Syn: Ayaan, Cawo, Naruuro
name-m luck, lucky; noble; relative
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nasiib
-ka: (n) luck (lak); fortune (foor-jun), fate (feeyt); chance (jaanis); lot (laat) ~ hoodo, cawo, ayaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Nasiib
magac loo bixiyo wiil dhashay xilli ay hooaydii gashay da'dii dhalmadeynta
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nasiib
-ka: (magac, lab, keli) cawo iyo ayaan. ...Oon noqonno qayrkeen, kuwa ugu nasiib roon.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nasiib
bw: Arabic
de: luck, fate, destiny, fortune, chance
lx: nasiib
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
syn: ayaan
key: nasiib
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
nastro
s.m. - mullaax, naastro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nashirid
(Nashirid-da)
1. (maro, kd.) furfurid; kala bixin; babbin.
2. (war) dad badan gaarsiin; shaac ka dhigid; faafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nashirid
m.f.dh eeg nashir². la-mid: nashir¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nashirid
-da: (magac, dhedig, keli) faafin oo qalabka warbaahinta ka sii dayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nasraani
(Nasraani-ga)
Qof diintii Nebi Ciise haysta; Kiristaan; Masiixi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nasraani
m.l (-iyiin, m.l) (dii.) Qof sheegta inuu haysto diinta nebi Ciise.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nasraani
m.l (-iyiin, m.l) (dii.) Qof sheegta inuu haysto diinta nebi Ciise.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Nasraani
m. n. Christian
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Nasraani
-ga: (magac, lab, keli) qof diinta Nasraaniyada haysta. Dh: Kiristaan, Kirishtaan, Masiixi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Nasraani
bw: Arabic
cf: Kirishtaan, Masiixi
de: Christian
lx: Nasraani
pd: (-ga Pl: Nasraaniyiin (ta))
ps: n2a-m, n8-m
key: Nasraani
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ari
(Ari-ga)
Wadajirka idaha iyo riyaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ari
m.l Nooc ka mid ah meesiyada la dhaqdo, ku dhala shan bilood, had iyo jeer la nool xaaska oo ka kooban riyo iyo ido. la-mid: eri¹ (1).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ari
m.l Nooc ka mid ah meesiyada la dhaqdo, ku dhala shan bilood, had iyo jeer la nool xaaska oo ka kooban riyo iyo ido; adhi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ari
m. n., [collective] goats and sheep; flock, herd of sheep and goats
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ari
-ga: (n) flock of goats and sheep ~ riyo iyo ido
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Ari
(I) Capra femmina;
(E) Female Goat
(S) Ari (S. c. m.; Ari, Eri)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ari
-ga: (magacwadareed) eeg adhi.
ari: eray la raaciyo marka loo yeedhayo qof. Ari heblaayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ari
a: adhi
cf: wan, lax
de: goats and sheep; flock, herd of sheep and goats
lx: ari
pd: (-ga Pl: aryo (/ha))
ps: n3-m-col, n2-m
key: ari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nas
(Nas-ka)
Kitaab ama qaanuun ama wax kale oo la qoray hadalkiisa hore oo asalka ah oo ka duwan sharaxa ama waxyaalaha kale oo gadaal cid kale kaga darto.