nasraani
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nasraani
(Nasraani-ga)
Qof diintii Nebi Ciise haysta; Kiristaan; Masiixi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nasraani
m.l (-iyiin, m.l) (dii.) Qof sheegta inuu haysto diinta nebi Ciise.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Nasraani
m. n. Christian
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Nasraani
-ga: (magac, lab, keli) qof diinta Nasraaniyada haysta. Dh: Kiristaan, Kirishtaan, Masiixi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Nasraani
bw: Arabic
cf: Kirishtaan, Masiixi
de: Christian
lx: Nasraani
pd: (-ga Pl: Nasraaniyiin (ta))
ps: n2a-m, n8-m
key: Nasraani
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nasraaninnimo
m.dh Nasraani ahaansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Masiixi
bw: Arabic
cf: Kirishtaan, Nasraani
de: Christian man
lx: Masiixi
pd: (-ga Pl: Masiixiyiin (ta))
ps: n2a-m, n8-m
key: Masiixi
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Nasaaro
bw: Arabic
de: Christians
lx: Nasaaro
pd: (/da)
ps: n0-f-col
see: Nasraani
key: Nasaaro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karaani
-ga: (magac, lab, keli) qof xafiis, dukaan iyo wixii la mid ah ka shaqeeya oo wixii qorid u baahan qora.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nasaari
m.dh.u la-mid: nasaaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nasaari
-ga: (magac, lab, keli) qof Nebi Ciise sheegta oo Kiristaan ah. Dh: nasaaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nasnaan
(Nasnaan-ta)
Qof nasan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nasnaan
m.f.dh eeg nasan. la-mid: nasnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nasnaan
f. n., [abstract] restfulness, state of being rested
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nasnaan
de: restfulness, state of being rested
lx: nasnaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: nasnaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasraan
-ka: (magac, lab, keli) qof khasaaray; mid qasaaray. Dh: khasraan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garraani
-ka: (n) a person who works in an office, especially one who does record keeping, typing or filing; clerk (kalaark)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karraani
(Karraani-ga)
Nin xafiis ama dukaan ka xoojiya oo buugagga iyo xisaabaha haya, wixii qorid u baahanna qora.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karraani
m.l (-iyo, m.dh) Qof xafiis, dukaan iyo wixi lamida ka shaqeeya oo wixii qorid u baahan qora.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
karraani
m.l (-iyo, m.dh) Qof xafiis, dukaan iyo wixi lamida ka shaqeeya oo wixii qorid u baahan qora.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
karraani
m. n. clerk, male civil servant, employee, official
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
karraani
-ga: (n) clerk (kaleerk); office clerk who performs such tasks as keeping records, attending to correspondence, or filing
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
KARRAANI
Impiegato
Clerk
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Karraani
Impiegato
Clerk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karraani
-ga: (magac, lab, keli) nin xafiis ama dukaan wax u qora oo buugagga iyo xisaabta u haya. Axmed waa karraani qoxootiga diiwaangeliya. Dh: karhaani.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
karraani
de: clerk, male civil servant, employee, official
lx: karraani
pd: (-ga)
ps: n2-m, n7-m
key: karraani
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nibraani
-ga: (magac, lab, keli) nooc ka mid ah libaax baddeedka.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Nuuraani
name-m the light
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gashaanti
(Gashaanti-da)
Gabar guurgal ah; inan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gashaanti
m.dh (-iyo, m.l) Gabar da' ahaan u bisil aqalgal ama aroos. la-mid: gashaan² (2).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gashaanti
m.dh (-iyo, m.l) Gabar da' ahaan u bisil aqalgal ama aroos. la-mid: gashaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gashaanti
f. n. girl of marriageable age, teenage girl
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gashaanti
-da: (n) an unmarried girl; maiden (meydhen)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gashaanti
-da: (magac, dhedig, keli) gabadh qaan gaadhay oo aan weli la guursan, da' ahaanse aroos iyo aqalgal u diyaar ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gashaanti
de: girl of marriageable age, teenage girl
lx: gashaanti
pd: (-da)
ps: n1-f
key: gashaanti
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
gashaanti
آنسة
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naasnaasi
(fal) neef ad lisayso kolba naas dhiiji oo ha darandoorrin. Si aad naaska caanaha uga dhamayso naasnaasi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nagraacid
-da: (magac, dhedig, keli) meel naq ka jiro u guurid. Naqraacid ayaanu halkan ku nimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naqraacid
(Naqraacid-da)
Geeddi naqraac ah, cid u rarid, u guurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naqraacid
m.f.dh eeg naqraac². la-mid: naqraac¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qasmaansi
m.l la-mid: qasmaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naani
-ga: (magac, leb, keli) niib sallax ah oo ceel biyo laga doonayay loogu tego. Naani lagu hambaaso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nasan
Labo hawlood dhexdood, daaltirasho ku jira; nasiino ku jira; bojina haya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nasan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax nastay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nasan
der. [adjective] resting, taking a break
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nasan
-aa / nasnaa: (adj) relaxed (ri-laaksidh); rested (res-tidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nasan
(tilmaame) raaxaysan oo daal ka nastay. Li: daallan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nasan
de: resting, taking a break
lx: nasan
pd: (nasnaa)
ps: adj-der
key: nasan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Nasra
pr. n., [feminine] Nasra, 'Victoria'
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Nasra
name-f Victoria; success, victory, good fortune (Arb)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Nasra
cf: nasri
de: Nasra, 'Victoria'
lx: Nasra
ps: name-f
key: Nasra
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nasri
(Nasri-ga)
1. Adkaansho; guul; lib.
2. Wanaag; khayr.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nasri
m.l 1. Guul laga gaadho dagaal, arrin iyo wixi lamida. 2. Nabadgelyo iyo barwaaqo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nasri
m.l 1. Guul laga gaadho dagaal, arrin iyo wixi lamida. 2. Nabadgelyo iyo barwaaqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nasri
m. n. success, victory, good fortune
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Nasri
name-unisex success, victory, good fortune (Arb)
Carabi: name-m victory
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nasri
-ga: (magac, lab, keli) guul iyo gobanimo. Dh: faraj.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nasri
de: success, victory, good fortune
lx: nasri
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: nasri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raani
(Raani-da)
Ranka turubka warqad kamid ah oo boqoradi ku taal; (ama raaniyad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raani
m.dh (-iyo, m.l) Warqad turub, ranka ka tirsan oo boqoradi ku sawirantahay. la-mid: raaniyad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raani
m.dh (-iyo, m.l) Warqad turub, ranka ka tirsan oo boqoradi ku sawirantahay. la-mid: raaniyad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raani
f. n. queen (playing card)
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Raani
name-m gazing; gaze; resonate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
raani
-da: (n) playing card; queen (kuwiin) ~ turub
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raani
-da: (magac, dhedig, keli) warqad ka mid ah ranka turubka oo boqoradi ku taal una dhexaysa baashaha iyo qulaanka. Dh: raaniyad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raani
a: raaniyad (da) [n1-f] {Hindi}
de: queen (in playing cards)
lx: raani
pd: (-da)
ps: n2a-f
key: raani
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saani
1. Leexleexad la'aan; toos.
2. (Saani-ga) Dhillay; macsilow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saani
m.l (-iyo, m.dh) Macsilow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saani
m.l (-iyo, m.dh) Macsilow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saani
m. n. (adj.): straightness; straight, not crooked; correct
saani m. n. adulterer
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Saani
directement.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saani
-ah: (adj) straight (istareeyt); direct (di-rekt)
saani -ga: (n) man who commits adultery; adulterer (a-dhal-tarer)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saani
-ga: (magac, lab, keli) qof sino laasima, qof macsi badan oo galamoodka xaaraanta ah sameeyey. Dh: dhillay, sharmuud, qarraafe.
saani -ga: (magac, lab, keli) leexleexad la'aan; si toos ah. Saani u soco, maxaad la baydhbaydhaysaa? Dh: toos, qummaati.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amrani
-da: (magac, dhedig, keli) mid cid ka sarraysaa amar siisay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anaani
m.l (-yiin, m.dh) Qof naftiisa keliya wax la raba.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
anaani
m.l (-yiin, m.dh) Qof naftiisa keliya wax la raba.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
anaani
m. n. (adj.): selfish ~ egocentric person; subversive
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
anaani
-ga: (n) self-centered person; selfish preson ~danayste
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anaani
-ga: (magac, lab, keli) qofka ay naftiisu cajabiso oo wax walba la jecel.
anaani -ga: (magac, lab, keli) qof lab oo mar walba naftiisa oo keli ah wax la doona.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
anaani
bw: Arabic
de: selfish ~ egocentric person; [atr.] subversive
lx: anaani
pd: (-ga Pl: anaaniyiin (ta))
ps: n8-m
key: anaani
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
araaji
m.dh.w eeg arji.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
araaji
m.dh.w eeg arji.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
araaji
f. n., pl. petitions; applications
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
araaji
-da: (n) [plural of arji] 1. applications (aplikeeyshenis); requests, as for assistance, employment, or admission for example to a school. 2. petitons (petishinis)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
araaji
-da: (magc, dhedig, keli) waraaq lagu qoro codsi oo loo gudbiyo ciddii ay khusaysay. Dh: arji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
araaji
de: petitions; applications
lx: araaji
pd: (-da Sg: arji)
ps: n8-f-pl
key: araaji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
araari
m.dh Wadiiqo yar oo u dhexeysa laba dhisme, laba beerood, ama laba xero iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
araari
m.dh Wadiiqo yar oo u dhexeysa laba dhisme, laba beerood, ama laba xero iyo wixi lamida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
araasi
araasi¹: m.l Orod iyo ci' uu sameeyo sac dhalay marka uu u soo socdo dhashiisa. la-mid: insaarax¹.
araasi²: f.mg2 (-iyay, -isay) Sac markaa dhalay meeshi uu dhashiisa ku ogaa aadid isagoo orod iyo ci' sameynaya. la-mid: insaarax².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asaasi
m.l.kh A. ah: wax cusub oo bilow ah; wax saldhig ah. la-mid: aasaasi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
asaasi
m.l.kh A. ah: wax cusub oo bilow ah; wax saldhig ah. la-mid: aasaasi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaasi
-ga: (magac, lab, keli) wax aan laga taggi karin oo lagamamaarmaan ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asraar
m.dh 1. Cilmi kutubta sixirka laga helo oo loo adeegsado in dadka lagu waxyeeleeyo. 2. eeg sir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
asraar
f. n., pl. magical secrets
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asraar
-ta: (magacwadareed) arrimo qarsoon oo awood la dareemo leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
asraar
bw: Arabic
de: magical secrets Sg: sir
lx: asraar
pd: (-ta)
ps: n8-f-pl
key: asraar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Astaan
(Astaan-ta)
Wax laysku soo sooco (bar, haar, daqar); summad; tilmaan; asto; calaamo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
astaan
astaan¹: m.dh (-aamo, m.l) Summad. la-mid: asto.
astaan²: m.dh (-aamo, m.l) (naxwe) Curiye muhim ah oo dhisa unugga ugu yar ee hadalka; astaan afeed baa lagu magacaabaa xiriirka ka dhexeeya macnaha (nuxurka ereyga) iyo lafdiga (qaabka ereyga). “A. kooban”: hal erey ama in ka badan oo la soo koobo, badanaana waxaa la qaataa erey waliba xarafkiisa ugu horreeya. Tusaale: “sh. = shilin, U.N. = United Nations”.
astaan³: m.dh (-aamo, m.l) (daawo) Tilmaan cudur leeyahay ama isbeddel hab hawleedyo jirka oo bukaanka laftigiisu dareemo. la-mid: asto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
astaan
astaan¹: m.dh (-aamo, m.l) Summad. la-mid: asto.
astaan²: m.dh (-aamo, m.l) (naxwe) Curiye muhim ah oo dhisa unugga ugu yar ee hadalka; astaan afeed baa lagu magacaabaa xiriirka ka dhexeeya macnaha (nuxurka ereyga) iyo lafdiga (qaabka ereyga). A. kooban: hal erey ama in ka badan oo la soo koobo, badanaana waxaa la qaataa erey waliba xarafkiisa ugu horreeya. Tusaale: sh. = shilin, U.N. = United Nations.
astaan³: m.dh (-aamo, m.l) (daaw.) Tilmaan cudur leeyahay ama isbeddel hab hawleedyo jirka oo bukaanka laftigiisu dareemo. la-mid: asto.