nasisasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nasisasho
m.f.dh eeg nasiso².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nasiibsasho
-da: (magac, dhedig, keli) nasiib ku eegid inaad la kulmi iyo in kale. Nasiibsasho hubanti maaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nasasho
(Nasasha-da)
Hawl adag oo loo joojiyo in oogada daalku ka ba'o; waqti labo hawlood u dhexeeya oo aan waxba la qaban; bojin; daaltirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nasasho
m.f.dh eeg naso. la-mid: nasad.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
nasasho
to rest
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nasasho
vl. n. rest, act of taking a break; vacation; half-time {sports}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nasasho
-nasashada: (n) rest ( rest); the act of resting; quiet relaxation ~ nasiino
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Nasasho
Riposo
Rest
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nasasho
-da: (magac, dhedig, keli) raaxo qaadasho oo hawl xilli kooban ka fadhiisasho. Nasashadu qofka firfircooni ayay siisaa. Dh: nasadya
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nasasho
de: rest, act of taking a break; vacation; half-time {sports}
lx: nasasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: nasasho
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
nasasho
إستراحه
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naqsasho
m.f.dh eeg naqso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) naq roobaad oo xareed iyo doog reeba helid. Dh: doogsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naxsasho
m.f.dh eeg naxso. la-mid: naxsi¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fasasasho
(Fasasasha-da)
Neef ama wax kale oo inta wadajir loo qiimeeyo oo loo qasho, hadhow qofkii lahaa wadajir ugu gudid; waraarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasirasho
m.f.dh eeg fasiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fasirasho
-da: (magac, dhedig, keli) war ama xog macnaysasho oo cadcaddaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qamisasho
m.f.dh eeg qamiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qasilasho
m.f.dh eeg qasilo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nadiifsasho
m.f.dh eeg nadiifso. la-mid: nadiifsad, nadiifsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bariisasho
m.f.dh eeg bariiso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bariisasho
-da: (magac, dhedig, keli) subaxdii oo dib loo dhigo dareerinta xoolaha siiba xilliyada barwaaqada ah, gaar ahaan adhiga iyo lo'da. Bariisashada hore ku gaadha reerka. Bariisashada ayaan kuu iman. Dh: bar barqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caqlisasho
m.dh la-mid: caqliyaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carigsasho
-da: (magac, dhedig, keli) canaagista cid kale. Dh: carigsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabbisasho
m.f.dh eeg dabbiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fariisasho
(Fariisasha-da)
1. Dhulka ama wax kale korkood salka dhigid ama saarid.
2. Degid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fariisasho
m.f.dh eeg fariiso. la-mid: fadhiisad, fadhiisasho, fariisad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fariisasho
-fariisashada: (n) the act of sitting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fariisasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fadhiisad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaddisasho
m.dh la-mid: geddisasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaddisasho
-da: (magac, dhedig, keli) alaabo ganacsi ah iibsasho; rogrogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gasaysasho
m.f.dh eeg gasayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gasiimasho
m.dh la-mid: gesiimasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gasiimasho
-da: (magac, dhedig, keli) cunto cunid; quudasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaldisasho
m.dh la-mid: jildisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laasimasho
m.f.dh eeg laasimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laasimasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax mar kasta samaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labbisasho
(Labbisasha-da)
Labbis qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labbisasho
m.f.dh eeg labbiso. la-mid: labbisad, lebbisad, lebbisasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
labbisasho
-labbisashada: (n) the act of dressing or wearing a cloth ~ dhar xirasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labbisasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhar qurux badan xidhan ahaan. Dh: lebbisasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naawilasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax wanaagsan filasho oo sugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naqaysasho
m.f.dh eeg naqayso. la-mid: naqaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax badan oo isku dhex jira inta fiican ka xulasho ama laba nooc kaad doonaysad ka doorasho. Dh: miidhad, doorasho, xulasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nashnaasho
f.mg3 (-shtay, -shatay) Wax nashnaash u yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nasnaansho
m.l/dh la-mid: nasnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaawisasho
m.f.dh eeg qaawiso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaawisasho
-da: (magac, dhedig, keli) jidhka ama qayb ka mid ah dharka ka tirid: is qaawin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rasaysasho
m.f.dh eeg rasayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rasaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax rasaysan ka dhigasho; taallaysasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xasuusasho
-xasuusashada: (n) remembrance (ri-mem-barans); recalling (ri-kool-ing)-, remembering (ri-mem-ber-ing) ~ xusuusasho, dib u soo xasuusasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nasiso
nasiso¹: m.dh la-mid: nash.
nasiso²: f.g3 (-stay, -satay) Nafley nasiino siisasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg aasad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aslasho
m.f.dh eeg aslo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aslasho
-da: (magac, dhedig, keli) weel asal gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lisasho
m.f.dh eeg liso. la-mid: lisad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lisasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo maalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nasiiso
(Nasiisa-da)
Nasin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nasiiso
f. n. act of relieving another at work, working in shifts
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nasiiso
de: act of relieving another at work, working in shifts
lx: nasiiso
pd: (/da)
ps: n6-f
key: nasiiso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sidasho
m.f.dh eeg sido.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sidasho
-da: (magac, dhedig, keli) alaabo ama wax kale gacanta ama dhabarka ku qaadasho. Dh: haysasho. Li: dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sigasho
(Sigasha-da)
Halis ama cabsi ku dhiciddeed wax yar u jirsasho, u gaarid, kaga baxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sigasho
m.f.dh eeg sigo. la-mid: sigad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sigasho
-da: (magac, dhedig, keli) halis ku dhici lahayd wax yar kagaga baxsaho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sikasho
(Sikasha-da)
Wax yar durkid, dhaqaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sikasho
m.f.dh eeg siko.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sikasho
-da: (magac, dhedig, keli) halis, cabsi ku dhiciddeed wax yar u jirsad, u gaarid, wax yar kaga baxsad; qarka isu taagid; u dhowaad.
sikasho-da: (magac, dhedig, keli) wax yar durkid, dhaqaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siqasho
m.f.dh eeg siqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siqasho
-da: (magac, dhedig, keli) iyadoo aad fadhido badhida ku soco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sirasho
m.f.dh eeg siro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sixasho
m.dh la-mid: saxasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sixasho
-da: (magac, dhedig, keli) cunaha oo wax kaagaleen darteed qufac badan samayn. Sixasho badan waa halis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aarsasho
(Aarsasha-da)
Aargudasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aarsasho
m.f.dh eeg aarso. la-mid: aarsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aarsasho
vl. n. vengeance, act of taking revenge
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aarsasho
-aarsashada: (n) retaliation (ri-taali-yeey-shin); revenge (riveenji) ~ aargudasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aarsasho
-da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) cid dhib iyo aano loo geystay, soo gudasho. Dh: aargoosad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aarsasho
de: vengeance, act of taking revenge
lx: aarsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: aarsasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasmasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg aasmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ba'sasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax la yidhi, ama la falay dhibsasho.
ba'sasho -da: (magac, dhedig, keli) wax ammaano ahaan loo hayay, lunsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Badsasho
(Badsasha-da)
In dheeri ah ku darsasho; kororsasho; bursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badsasho
m.f.dh eeg badso. la-mid: badsad, badsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
badsasho
vl. n. act of increasing, multiplying
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badsasho
-da: (magac, dhedig, keli) in ka badan inta dadka kale qaatay biirsasho; dheeri ku darsasho; in ka badan inta dadka kale qaatay biirsasho. Dh: kordhisasho, bursasho. Li: yaraysasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
badsasho
de: act of increasing, multiplying
lx: badsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: badsasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) baxsad gelin. Dh: didsasho, eryasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bawsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax barasho aan loo nisbayn karin dugsi iyo dhigasho, meelaha laga bartay. Dh: cilmidhegood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baxsasho
(Baxsasha-da)
1. La bixid; cararid; fakasho.
2. Caymasho. nabadgelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baxsasho
m.f.dh eeg baxso. la-mid: baxsad (3), baxsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baxsasho
vl. n. escape, act of getting out
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baxsasho
-baxsashada: (n) escape (iskeeyp); defection, getaway
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baxsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax la hayey ama la ilaalinayey fakasho. Dh: carar, caymad.
baxsasho-da: (magac, dhedig, keli) xoolo dar Alle loo baxsado oo sadaqad ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baxsasho
de: escape, act of getting out
lx: baxsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
see: baxsad
key: baxsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabsasho
(Cabsasha-da)
Cabsiyi gelid; biqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabsasho
m.f.dh eeg cabso. la-mid: cabsad, cabsi, cabsood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cabsasho
vl. n. fear
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cabsasho
-cabsashada: (n) fright (faraayt); dread, terror or fear cabsi
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Cabsasho
Timore
Fearsome
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) dareenka welwel wehesho oo mustaqbalka dhow halis laga cabsanayo. Dh: baqasho.