nasillard
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
nasillard
nasillard, adj. - Dulka sanka; daloolka sanka.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
paillard
paillard, adj. - heeso aan fiicnayn oo badi ciyaal suuqu ku heesan badina naagaha wax ka sheega.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naslad
-da: (magac, dhedig, keli) dhacdo lala yaabo. Dh: fajac.
naslad -da: (magac, dhedig, keli) bir af dhuuban oo wax qorta oo qalimmada afka kaga jirta.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
pillard
pillard, n.m. - budhcad; qowlaysato; tuug.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
basilare
agg. - saleed, aasaasi ah, muhimsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casilaad
m.dh 1. Ka qaadista nin siyaasi ah xilka. 2. la-mid: casilid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
casilaad
m.dh Ka qaadista nin siyaasi ah xilka.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
casilaad
-da: (n) the act of dismissing; dismissal (dis-misal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casilaad
-da: (magac, dhedig, keli) shaqo ka fadhiisin ama derajo ka xayuubin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasilaad
m.dh la-mid: fasiraad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fasilaad
-da: (magac, dhedig, keli) tolmaha dharka oo la qaabeeyo. Dh: dawaarin.
fasilaad -da: (magac, dhedig, keli) qeexidda iyo bayaaninta dersi cid loo aqriyayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacallad
nacallad¹: m.l la-mid: nacalad¹.
nacallad²: f.g1 (-day, -dday) la-mid: nacalad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nawilaad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg naawilaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xasillan
Deggan (ama xasilloon).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xasillan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax deggan ahaansho. la-mid: xasilloon.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xasillan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax deggan ahaansho. m.f.dh, xasillanaan. la-mid: xasilloon.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xasillan
der. [adjective] calm, peaceful, quiet, stable
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xasillan
-xasillnaa / xasillnayd: (adj) calm (kaam); restful (resti-ful); peaceful (piis-ful); stable (isteey-bal); cool (kuul); tranquil (taan-kuwel); easy-going; steadfast ~ deggan, xasilloon, nabdoon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasillan
(tilmaame) aan xuuraamayn oo iska deggen. Dh: xasilan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xasillan
de: calm, peaceful, quiet, stable
initial: x
lx: xasillan
pd: (xasillanaa)
ps: adj-der
key: xasillan
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
capillary
(n) the end of the smallest artery and the beginning of the smallest vein; the smallest blood vessel in the body.
xididada dhiigga ee yar yar
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
capillary
/kapilari/ (n) xidid; dhuun dhexroor yar.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
égrillard
égrillard, n.m. - farax iyo xoriyad aad u badan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
piaillard
piaillard, adj. - cida shimbiraha.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
vieillard
vieillard, n.m. - nin da' weyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasillaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax xasilloon oon aguug iyo socsocod lahayn ahaan. Dh: xasilloonaan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
brouillard
brouillard, n.m. - Ceeryaan.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
distillare
v.tr. - xareedayn.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gaspillage
gaspillage, n.m. - khasaarinta; dayacaadda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masallafid
m.dh la-mid: musallifid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masallafid
-da: (magac, dhedig, keli) caydhoobid oo wixii xoolo la lahaa dhammaansho. Masallafidda xanuunkaa ka daran. Dh: masalufid, caydhoobid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
maxillaire
maxillaire, adj. - lafta fuqa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacalladid
m.dh la-mid: nacaladid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xasildarro
(Xasildarra-da)
Miyir iyo degganaan la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xasildarro
m.dh Xasillooni la'aan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xasildarro
m.dh Xasillooni la'aan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xasildarro
f. n., [abstract] instability, disquiet, unrest
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasildarro
-da: (magac, dhedig, keli) kacsanaan iyo khilaafaad deggenaansho la'aan keena. Dh: xasilidla'aan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xasildarro
de: instability, disquiet, unrest
initial: x
lx: xasildarro
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: xasildarro
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
zampillare
v.intr. - butaacid, burqasho.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ragaillardir
ragaillardir, V. - noolayn; xoog siin
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
rondouillard
rondouillard, adj. - gaaban oo buuran
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
axilla
(n) armpit, underarm.
kilinkilo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballad
m.dh Hees hawleed la qaado marka xargaha iyo shabaagta la samaynayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Billad
(Billad-da)
Cad yar oo fidsan oo ah dahab, lacag, ama wax kale oo astaan ama hadal ku kor qoran yihiin, oo ama arrin weyn oo dhacday lagu xuso ama abaalgud loo bixiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
billad
m.dh (-do, m.l) Gabal yar, fidsan, wareegsan oo dahab, qalin, maar iyo wixi lamida middood ka samaysan oo astaan ama hadal inta lagu qoro abaalgud ahaan lo baxsho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
billad
m.dh (-do, m.l) Gabal yar, fidsan, wareegsan oo dahab, qalin, maar iyo wixi lamida middood ka samaysan oo astaan ama hadal inta lagu qoro abaalgud ahaan lo baxsho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
billad
f. n. medal
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
billad
-da: (n) [Pl. billado-billadaha] medal (medhal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
billad
-da: (magac, dhedig, keli) walax yar oo fidsan oo dahab, maar, lacag, iyo waxii la mid ah ka samaysan oo uu hadal ujeeddo leh ku qoranyahay ama astaan oo dawlad ama urur gaar u leeyahay lagu dhigo oo abaalgud looga dhigo ruux la maamuusayo oo wax soo qabtay ama gobonimo u soo halgamay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
billad
de: medal
lx: billad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: billad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cillad
(Cillad-da)
1. Cudur: wax xun oo aan muuqan.
2. Sabab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cillad
m.dh (-do m.l) 1. Dhaliil qof leeyahay oo qiimahiisa hoos u dhiga. 2. Iin wax leeyahay. Tusaale: “Baabuurka c. buu leeyahay”. la-mid: cillo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cillad
m.dh (-do m.l) 1. Dhaliil qof leeyahay oo qiimahiisa hoos u dhiga. 2. Iin wax leeyahay. Tusaale: Baabuurka c. buu leeyahay. la-mid: cillo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cillad
f. n. problem, defect, difficulty; motive
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cillad
-da: (n) defect (dii-fakt)', deficiency (di-fishinsi)', fault (foolt) ~ cillo, ceeb, sabab. —Syn: blemish, imperfection, flaw
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cillad
-da: (magac, dhedig, keli) iin ama dhalliil qarsoon oo shey ama qof leeyahay.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Cillad
Nusqaan, qiimedhac, dhibaato.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cillad
bw: Arabic
cf: cudur; sabab
de: problem, defect, difficulty; motive
lx: cillad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: cillad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dallad
(Dallad-da)
Hoosaasin maro ah oo ul iyo ka samaysan saab biro yaryar ah oo la furo oo la xiro, oo qorraxda iyo roobka laga qaato; (ama dallaayad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dallad
m.dh (-do, m.l) la-mid: dallaayad (1).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dallad
m.dh (-do, m.l) la-mid: dallaayad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dallad
f. n. umbrella; parachute
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dallad
-da: (n) umbrella (am-bareela) ~ dallaayad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dallad
-da: (magac, dhedig, keli) dallaayad ciidamada cirka ama cid kale, ay hawada kaga soo booddo.
dallad -da: (magac, dhedig, keli) maro ama wax kale oo roobka iyo cadceedda laga hoos galo co kala furanta iskuna xiranta. Waxay ka samaysan tahay ul iyo biro yaryar oo isku taxan. Dallad gaado maanta dhulku waa roobabbow e. Dh: dallaayad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dallad
bw: Arabic
cf: baarashuud
de: umbrella; [ext.] parachute
lx: dallad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: dallad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fallar
(Fallar-ka)
Siddeed meelood oo meel; tummun; 1/8.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fallar
m.l.t (-rro, m.dh) Wax siddeed meelood oo is le'eg loo qaybshey, meeshood; tumun. Tusaale: “Hasha la shireystay f. iga sii”.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fallar
m. n., num: one eighth (1/8)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fallar
-ka: (n) 1/8; one eighth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fallar
-ka: (magac, lab, keli) jeex babaayo ah.
fallar -ka: (magac, lab, keli) qaybta siddeedaad ee wax la jeexjeexay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fallar
de: one eighth (1/8)
lx: fallar
pd: (-ka)
ps: n2-m, num-m
key: fallar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gallad
(Gallad-da)
Mahad; liibaan; deeq; abaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gallad
gallad¹: m.dh Deeq; liibaan; abaal; mahad.
gallad²: f.g/mg1 (-day, -dday) 1. (f.g) Cid abaal u gelid. 2. (f.mg) Ku g.: nimco weyn bixin (Eebbe). la-mid: galladee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gallad
gallad¹: m.dh Deeq; liibaan; abaal; mahad.
gallad²: f.g/mg1 (-day, -dday) 1. (f.g) Cid abaal u gelid. 2. (f.mg) Ku g.: nimco weyn bixin (Eebbe). m.f.dh, galladid. la-mid: galladee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gallad
f. n. favor, gratitude
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gallad
name-m favor, gratitude
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gallad
-da: (n) goodness (guudhnes); mercy (meersi). Ex: gallad Eebe; mercy of God
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Gallad
Benevolenza
Benevolence
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Gallad
magac loo baxsho wiil Ilaahay loogu mahad naqayo oo gallad iyo nimco loogu magacdaray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gallad
-da: (magac, dhedig, keli) nicmad bilaa sabab lagu siiyo; wanaag la is gashado. Dh: liibaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gallad
de: favor, gratitude
lx: gallad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: gallad
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
hasard
hasard, n.m. - fursad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jillad
(Jillad-ka)
Jallad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jillad
f.g1 (-day, -dday) la-mid: jelled.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jillad
m. n. cover, covering
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jillad
a: jallaad
de: cover, covering
lx: jillad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: jillad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Millad
(Millad-da)
Shareeco; diin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
millad
m.dh (-do, m. l) Diin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
millad
m.dh (-do, m.l) Diin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
millad
f. n., [abstract] faith, religion
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
millad
-da: (n) religion (ri-lij'in); beliefs, values ~ diin-ta
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
millad
-da: (magac, dhedig, keli) diin ay cidi sharci ahaan u aaminsan tahay. Dh: shareecad, diin.
millad -da: (magac, dhedig, keli) dhaar laba qof co is dacweysay ka dhaxaysa. Dh: dhaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
millad
bw: Arabic
de: faith, religion
lx: millad
pd: (-da)
ps: n1-f-abs
key: millad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naclad
v. curse, wish evil
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naclad
-da: (n) no blessing; curse (keers)-, anathema (a-naa-thama) ~ nacalad
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naclad
bw: Arabic
cf: nacalad
de: curse, wish evil
lx: naclad
pd: (nacladay)
ps: v1=
key: naclad
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
pillar
/pilar/ (n) 1. tiir (udub taagan oo dhismo ama wax kale kor u haya) 2. xubin laf dhabar ah (qof meel xubin. ka ah oo aan laga maarmin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qallad
(Qallad-ka)
Mad'hab aan tii lagu jirey ahayn oo mas'alooyin lagaga daydo oo loo cuskado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qallad
qallad¹: m.l Raacidda la raaco madhab in muddo ah.
qallad²: m.dh (-do, m.l) Masiibo; belo.