naqshid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naqshid
m.f.dh eeg naqash².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqshid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg naqshadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naqshad
(Naqshad-da)
Naqash; xarar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naqshad
m.dh 1. Naqash. 2. Shaxan tilmaamaya hab ay wax u dhisanyihiin, ama u samaysanyihiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naqshad
f. n. decoration, ornamentation, carving, engraving; pattern
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naqshad
-da: (n) design (disaayn); drawing (daroowing); painting (peeynting) ~ taswiir
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Naqshad
Schizzo
Sketch
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqshad
-da: (magac, dhedig, keli) xaradh ama midabayn qurxoon oo wax lagu dulsameeyo. Maro naqshad quruxsan leh ii soo iibi. Dh: midabayn.
naqshad -da: (magac, dhedig, keli) walax tusaale ah oo calaamad ahaan loo qaato. Dharka aad keentay mid walba naqshad iga soo tus.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naqshad
a: naqash
bw: Arabic
de: decoration, ornamentation, carving, engraving; pattern
lx: naqshad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: naqshad
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naqash
naqash¹: m.l Xarar ama midab wax lagu qurxiyo.
naqash²: f.g1 (-qshay, -qashtay; -qshi) Wax xardhid ama midab ku qurxin. m.f.dh, naqshid.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
architect
/arkitekt/ (n) langky qaabky amy naqshiddi itho dejhiyaw. The architect showed them the designs of their house.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naaqishid
m.f.dh eeg naaqish.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naaqishid
-da: (magac, dhedig, keli) arrin ama talo falanqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naqid
(Naqid-da)
1. Wax dib u celin; soo celin.
2. Akhriyid; meerin; marin.
3. (gar) soorid; celin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naqid
m.f.dh eeg naq². la-mid: niqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqid
-da: magac, dhedig, keli) (gar ~) dacwad ka garramid. Nagisa gartu caddaalad bay doontay.
naqid -da: (magac dhedig, keli) wax akhriyid. Nagida casharka hagagi, Dh: marinta.
naqid-da: (magac, dhedig, keli) dib u celin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqsi
-ga: (magac, lab, keli) dhimaal aan buuxin. Cabirka naqsi baa ku jira. Dh: dhinnaan, nuqsaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nashin
-ta: (magac, dhedig, keli) foodda agteeda oo xagga dhakada xigta oo carruurta dhagdhaqaada inta ay mujada yihiin. Dh: nashato, nasin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nashir
(Nashir-ka)
1. Wax la kala bixiyo ama la fidiyo.
2. (war) dad badan la gaarsiiyo; faafis; sheegis; shaac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nashir
nashir¹: m.l la-mid: nashirid.
nashir²: f.g1 (-ray, -rtay) Akhbaar faafin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nashir
f.g1 (-ray, -rtay) Akhbaar faafin. m.f.dh, nashirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nashir
m. n. anything wide-spread, broadcast
nashir: v. spread about, broadcast, divulge, publicize
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nashir
(fal) baahi oo war iyo wixii la mid ah meelo badan gaadhsii. Warku sida uu u kala muhimsan yahay u nashir. Dh: nashri, baahi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xashid
-da: (magac, dhedig, keli) qooshid oo faraha ku ruquusid. Dh: rufaaqid, cajiimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqshad
m.dh (-do, m.l) Kiish yar oo xaashi ah, xabag lagu xiro afka ku leh, qaabab kala duwan leh oo warqadaha lagu xiro. la-mid: boqshad, buqshad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baqshad
m.dh (-do, m.l) Kiish yar oo xaashi ah, xabag lagu xiro afka ku leh, qaabab kala duwan leh oo warqadaha lagu xiro. la-mid: boqshad, buqshad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baqshad
f. n. envelope
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baqshad
-da: (n) envelope (invaloop) ~ boqshad, bakhshad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqshad
-da: (magac, dhedig, keli) galka warqadda la geliyo ama lagu rido. Baqshad geli waraaqda kaddibna sanduuqa boosta gee. Dh: bashqad, buqshad, bushqad, gal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baqshad
a: bakhshad
de: envelope
lx: baqshad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: baqshad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
baqshad
غلاف
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayshid
m.dh la-mid: ceeshid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayshid
-da: (magac, dhedig, keli) si wanaagsan u noolaansho. Dh: ceeshid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabshid
(Dabshid-ka)
Sanada Soomaalida oo qorraxda dhammaadkeeda, oo dab la shido ama la tuuro lagu xuso: Afgooye, dabka ka sokow, waxaa lagu xusaa Istun, dalka intiisa kalena, cayaaro; neyruus; dabtuur; istun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabshid
m.l Dabbaaldeg lagu maamuuso dhammaadka sanad qorraxeedka Soomaaliyeed oo ku aaddan toddobaadka u dambeeya bisha Luulyo, laguna xuso ciyaaro kala duwan iyo dab la shido.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabshid
m.l Dabbaaldeg lagu maamuuso dhammaadka sanad qorraxeedka Soomaaliyeed oo ku aaddan toddobaadka u dambeeya bisha Luulyo, laguna xuso ciyaaro kala duwan iyo dab la shido.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Dabshid
m. n., [compound] Somali New Year festival (around early August)
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dabshid
nickname; name-m bonfire; Somali New Year festival (around early August). Lit: troublemaker; born during the New Year's festival; or he who was born when his family feasted with prosperity after a long, lean period; the first born son after a number of female siblings before him and his parents were longing for a son. Syn: Neyruus. Cf: Diiriye and Diirshe
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dabshid
-ka: (n) 1. the act of lighting a fire. 2. traditional festival
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabshid
-ka: (magac, lab, keli) billawgga sannadka Soomaalida oo inta dab la shido xoolaha lala dhex maro, carruurtuna ka bootaysato. Dh: nayruus.
dabshid: wiil dhashay reerka oo carruur la'aan ka walwalaya ama ayaan farxadeed dhashay. Waxa kale ee loo baxshaa wiil gabdho badan ka daba dhashay.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Dabshid
Duleellada dabayshu babiska uga soo gudubto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Dabshid
de: Somali New Year festival (around early August) Lit: light fire; See also: Neyruus
lx: Dabshid
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: Dabshid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faashid
m.dh la-mid: faasid².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naqilid
m.f.dh eeg naqil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rabshid
m.f.dh eeg rabash².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabshid
-da: (magac, dhedig, keli) buuq gelin, rabshad ku samayn. Dh: rabshadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naashiddo
m.dh la-mid: naakirad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naashiddo
-da: (magac, dhedig, keli) islaan la qabo oo odaygeeda xeer la'aan kaga tegta. Dh: naashiso, naakiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naqshadee
f.g2 (-deeyay, -daysay) Wax naqshad u samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naqshadee
f.g2 (-deeyay, -daysay) Wax naqshad u samayn. m.f.dh, naqshadayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naqshadee
v. decorate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naqshadee
-yey / naqshadeysay: (v) draw up; draft (daraaft); sketch out
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqshadee
(fal) xaradh oo midabyo kala cayn cayn ah u yeel. Naqshadee cawda aad tolayso, Dh: xadhadh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naqshadee
de: decorate
lx: naqshadee
pd: (naqshadeeyey)
ps: v2b=
key: naqshadee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farshiid
m.dh Dhalo aad u yar oo subagga, saliidda iyo wixi lamida lagu cabbiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fatashid
(Fatashid-da)
Baarid, fennidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fatashid
m.f.dh la-mid: fatishid, feteshid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fatashid
-da: (magac, dhedig, keli) aad wax ut baadhid. Dh: fatishid, baadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fatishid
m.dh la-mid: fatashid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fatishid
-da: (magac, dhedig, keli) baadhidda iyo fannididda wax la raadinayo. Dh: baadhid, baadhis, baanjiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaadshid
(Kaadshid-da)
Kaadi ka imaansho, iska keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaadshid
m.f.dh eeg kaadish.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaadshid
vl. n. urination, flow of urine
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaadshid
-da: (n) urination (yuri-neeyshen) ~ kaadiyid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaadshid
-da: (magac, dhedig, keli) kaadi ka imaansho; kaadi iska keenid. Dh: kaajid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaadshid
de: urination, flow of urine
lx: kaadshid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: kaadshid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khaashid
(Khaashid-da)
Khaash noqday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khaashid
m.f.dh eeg khaash².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqashii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Cid war dhagaysiin. la-mid: maqalsii.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maqashii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Cid war dhagaysiin. m.f.dh, maqashiin. la-mid: maqalsii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maqashii
ditransitive v. make someone hear something, cause something to be heard by someone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maqashii
-yey I say: (v) make some one listen or hear ~ maqalsii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqashii
(fal) dhawaq cid kale gaadhsii si uu u maqlo. Eedaanka na maqashii. Dh: maqalsii, dhegeysii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maqashii
de: make s.o. hear s.t., cause s.t. to be heard by s.o. rw: maqal + -sii
lx: maqashii
pd: (maqashiiyey)
ps: v2a=ditr
key: maqashii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naaqisid
m.dh la-mid: naaqusid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naaqisid
-da: (magac, dhediq, keli) wax buuxay, in ka dhimid. Dh: naaqusid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naaqusid
m.f.dh eeg naaqus². la-mid: naaqisid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naaqusid
-da: (magac, dhedig, keli) hoos u dhigid: wax ka dhimid. Xiinka mooteerku naaqusid ayuu u baahanyahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naasdiid
-ka: (magac, lab, keli) nuugi waa uu noolaha dhashaa naska iska diido oo uu nuugi waayo. Naasdiidka waa la habaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naashiso
(Naashisa-da)
Naag sharcigu caddeeyey inay ninkii qabey caasi ku tahay oo sidaas darteed ayan wax xaq ah ku lahayn; naakirad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naashiso
m.dh la-mid: naakirad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naashiso
f. n. recalcitrant wife
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naashiso
-da: (magac, dhedig, keli) eeg naashiddo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naashiso
bw: Arabic
de: recalcitrant wife
lx: naashiso
pd: (/da)
ps: n6-f
see: naakirad
key: naashiso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naasjiid
-ka: (magac, lab, keli) wiilka abtiga loo. yahay ee gabadhi dhasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabsiyid
m.f.dh eeg nabsi².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabsiyid
-da: (magac, dhedig, keli) israafid oo si kibir iyo mannaanakh ah wax u khasaarin; xoolo Alla ku siiyay baylihin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naqdiyid
m.f.dh eeg naqdi².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqdiyid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la yidhi ama la falay hadal cilmiyaysan oo xoojin ama dhalliil ah u jeedin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nasakhid
(Nasakhid-da)
Burin; tirtirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nasakhid
m.f.dh eeg nasakh². la-mid: nasakh¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nasakhid
-da: (magac, dhedig, keli) xukun hore dhacay, mid kale ku beddelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nashirid
(Nashirid-da)
1. (maro, kd.) furfurid; kala bixin; babbin.
2. (war) dad badan gaarsiin; shaac ka dhigid; faafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nashirid
m.f.dh eeg nashir². la-mid: nashir¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nashirid
-da: (magac, dhedig, keli) faafin oo qalabka warbaahinta ka sii dayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarashid
m.dh la-mid: taarashid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarashid
-da: (magac, dhedig, keli) maro tarash u yeelid.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Naqshad-da
broderie, modèle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naqshadayn
(Naqshadayn-ta)
Naqshad ama naqshado u yeelid, ku qurxin; xardhid.