naqil
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naqil
f.g1 (-ilay, -ishay) Ku n.: wax meel ku qoran meel kale ku guurin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naqil
m. n. copy, duplicate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqil
(fal) wax meel ku qoran meel kale u rar. Casharka buugga ku naqil. Dh: naqli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naqil
a: naqal
bw: Arabic
de: copy, duplicate
lx: naqil
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: naqil
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
nail
(finger or toe) (n) (m) a fingernail or toenail.
cidiya fara gacmaha ama cidiya fara cagaha
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
nail
/neyl/ (n) 1. musmaar (musbaar) (n) 2. ciddi (ciddida). (v) 3. ku musmaarid.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
nail
n., (of the finger) ciddi, -di; iron nail, mismaar or musmaar, -ki.
nail, v.tr., musmaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maqil
(Maqil-ka)
Firiiric; findoob.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqil
m.l Firiiric, fin doob.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maqil
m. n., [collective] spots (on the skin), rash; prickly heat; acne
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqil
-ka: (magac, lab, keli) finan yaryar oo dhallinyarada wajiga kasoo daata marka ay qaangaadhka yihiin. Maqil baad wajiga ku leedahay. Dh: findoob.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maqil
cf: firiiric ~ furuuruc
de: spots (on the skin), rash; prickly heat; acne
lx: maqil
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: maqil
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naqal
v. duplicate, copy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqal
-ka: (magac, lab, keli) wax ka soo baxa geedaha marka uu roob fiicani ku da'o. Naqal soo gal ah ayaa todobaadkan jira.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naqal
a: naqil
de: duplicate, copy
lx: naqal
pd: (naqlay)
ps: v1=
key: naqal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naqid
(Naqid-da)
1. Wax dib u celin; soo celin.
2. Akhriyid; meerin; marin.
3. (gar) soorid; celin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naqid
m.f.dh eeg naq². la-mid: niqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqid
-da: magac, dhedig, keli) (gar ~) dacwad ka garramid. Nagisa gartu caddaalad bay doontay.
naqid -da: (magac dhedig, keli) wax akhriyid. Nagida casharka hagagi, Dh: marinta.
naqid-da: (magac, dhedig, keli) dib u celin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niqil
(fal) midho iyo wixii la mid ah dubka sare ka mudhxi. Xasiidda innoo niqil. Dh: dhil, fiiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guuri
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Aroos gelbin. 2. (f.g) Qoraal meel kala ku naqilid. 3. (f.mg) U g.: wiil ama gabar u aroosin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guurso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Naag ama nin xiriir guur cid la samaysasho. 2. Qoraal meel ku qoran meel kale ku naqilasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guuri
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Aroos gelbin. 2. (f.g) Qoraal meel kala ku naqilid. 3. (f.mg) U g.: wiil ama gabar u aroosin. m.f.dh, guurin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guurso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Naag ama nin xiriir guur cid la samaysasho. 2. Qoraal meel ku qoran meel kale ku naqilasho. m.f.dh, guursasho.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
replicate
(v) to duplicate, copy, or repeat.
laga sameeya, laga naqilay ama ku celis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqkicis
-ka: (magac, lab, keli) eeg naqkicin. naqli: (fal) eeg naqil.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
constater
constater, V. - Xaqiijin; Hubin; Naqilaad; Qoris; Ogaw.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
marque
marque, n.f. - Calaamad; Calaamadin; Summadin; Naqilaad (Qorid); Qoris; Ogow; Qoraal xasuuseed; Dhibco; Xagtin; Xaqiiq.
de marque - ugu fiican.
marque de fabrique - Calaamad warshadeed.
personne de marque - Calaamad qof.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
note
note, n.f. - Naqilaad (Qorid); Qoris; Ogow; Qoraal Xusuuseed; Xisaab; Ufiirsasho.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
noter
noter, v. - Naqilaad (Qorid); Ogow; Qoraal xasuuseed.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
remarquer
remarquer, v. - naqilaad (qorid); qoris; ogow; qoraal xasuuseed;
faire remarquer - u fiirsasho; loo fiirsado
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naqilid
m.f.dh eeg naqil.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaqilo
-da: (magac, dhedig, keli) inkaar la kala galabsado, haddii dhib wax laga qaban karayay la isku dhaafo. Aaqilo ha gelin, ee ubadka dhawr.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caaqil
(Caaqil-ka)
1. Caqli badan leh; waxgarad.
2. Waayeel, duq, madax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caaqil
m.l (-liin/-llo, m.dh) 1. Nin caqli badan. 2. (-llo/cuqaal m.dh) Nin bulsho meel ku wada nool u dooratay inuu madax u noqdo; nabaddoon.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caaqil
m.l (-liin/-llo, m.dh) 1. Nin caqli badan. 2. (-llo/cuqaal m.dh) Nin bulsho meel ku wada nool u dooratay inuu madax u noqdo; nabaddoon. m.dh.w, cuqaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caaqil
m. n. intelligent person, wise man, smart one
caaqil: m. n. chief, headman, elder
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Caaqil
name-m intelligent, wise, smart
name-m sensible; wise
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caaqil
-ka: (n) wise or intelligent person; having a sound judgment and rationality. Ex: taliye caaqil ah; a wise leader
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Caaqil
magac loo bixiyo wiil la rajaynayo in uu noqdo mid garaad badan oo taliya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caaqil
-ka: (magac, lab, keli) qofka waxgaradka ah ee caqlibadni lagu tuhunsanyahay. Axmed waa nin caaqil ah.
caaqil -ka: (magac, lab, keli) duq dhaqan ahaan laga danbeeyo oo reer hoggaamiye u ah. Dh: isin, aaqil, wabar, nabaddoon, islaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqyil
-ka: (magac, lab, keli) eeg maqayil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naaqis
(Naaqis-ka)
Aan dhammaystirnayn; qabyo ah; aan dhammayn; wax ka maqan yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naaqis
naaqis¹: m.l la-mid: naaqus¹.
naaqis²: f.mg1 (-say, -stay) la-mid: naaqus².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naaqis
m. n. shortage, lack, deficiency
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naaqis
-ah: (adj) incomplete (in kom piliit); short (shoort); insufficient (in safi shant) ~ naaqus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naaqis
(fal) wax buuxay ama dhamaa, in ka reeb. Dh: naaqus.
naaqis -ka: (magac, lab, keli) wax ini ka dhiman tahay. Dh: naaqus.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naaqis
bw: Arabic
de: shortage, lack, deficiency
lx: naaqis
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: naaqis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naasil
(fal) hoos u dhig. Nacallaa qabsada kaadirkii kiisa naasila e.
naasil -ka: (magac, lab, keli) cid kale, hoos u dhigid. oo liidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naawil
f.g1 (-ilay, -ishay) 1. Wax inay dhacayaan malayn; filid. 2. U n.:cid wax u gudbin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naawil
f.g1 (-ilay, -ishay) 1. Wax inay dhacayaan malayn; filid. 2. U n.:cid wax u gudbin. m.f.dh, naawilid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naawil
v. think, suppose
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naawil
(fal) wax rajee oo sug. Weligaa wanaag naawil. Dh: fil, malee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naawil
de: think, suppose
lx: naawil
pd: (naawilay)
ps: v1=
key: naawil
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Nabiil
name-m noble, proclaimed, honorable
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nakhil
f. n., [collective] date-palm
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nakhil
de: date-palm
lx: nakhil
pd: (/sha)
ps: n1-f-col
key: nakhil
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Naqiib
nickname; name-m arbitrator, deal with a legal case
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqiib
-ka: (magac lab, keli) da'da inta hal sano ka yar. Dh: dhallincial
naqiib -ka: (magac, lab, keli) jaad kalluunka ka mid ah. Dh: naaqiib, bogla'.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqiis
-ka: (magac, lab, keli) yari; koobni.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqlin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel wax ka qaadid oo meel kale u rarid. Naqlinta cashirku ma cusla
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqtim
-ka: (magac, lab, keli) wax dib u soo billaabid. Naqtimka daa oo horay u soco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaaqil
m.l Shilin yar oo markaa ugaxnimadii ka soo baxday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaaqil
-ka: (magac, lab, keli) shilin yar oo markaa ugxannimadii ka soo baxday oo rifrif leh.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Naqil-ka
copie.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ail
/eeyl/ailing;(v) 1. jirrasho, xanuunsasho. e.g. This medicine is good for what ails you. (v) 2. dhibid, kadeedid. e.g. What ails you?
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ail
ail, n. - Toon (midda basasha u eg).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
ail
ailment, n., xanuun, -ki.
ail, v.tr., xanuuni, xanuuji; what ails you? maxaa ku xanuujinaya?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqi
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley gaajo iyo harraad badan badid. la-mid: caqi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aqi
v. starve someone to death
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aqi
-yey / say: (v) starve (istaarv); cause to suffer extreme lack of food and water ~ caqi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqi
(fal) cunnaxumi u dhimo. Dh: caqi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aqi
a: caqi
de: starve s.o. to death
lx: aqi
pd: (aqiyey)
ps: v2a=tr
key: aqi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nal
(Nal-ka)
1. Iftiinka xiisadda jacdu dhaliso.
2. Dhalada usha ah ama buruqda qaabkeeda leh, oo gudaheeda iftiinku ka daarmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nal
m.l (-lal, m.l) 1. Qalab dusha quraaradi kaga dahaarantahay oo iftiin bixiya marka korontadu soo gaadho. 2. Iftiinka korontadu dhaliso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nal
m.l (-lal, m.l) 1. Qalab dusha quraaradi kaga dahaarantahay oo iftiin bixiya marka korontadu soo gaadho. 2. Iftiinka korontadu dhaliso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nal
m. n. light bulb, electric light ~ lamp
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nal
-ka: (n) bulb (baalb); lamp (laamp); light bulb; incandescent lamp; fluorescent light
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Nal
Lampada
Lamp
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nal
-ka: (magac, lab, keli) laambad iftiinta oo la shido si wax loogu arko habeenkii. Dh: tiriig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nal
de: light bulb, electric light ~ lamp
lx: nal
pd: (-ka Pl: nalal (ka))
ps: n4-m
key: nal
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
nal
مصباح
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naq
(Naq-a)
Caleenta iyo cawska cusub oo roobku soo saaro; doog; tigaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naq
naq¹: m.l 1. Caleenta iyo cawska ay soo saaraan biyo ama roob; doog; tigaad. 2. Hadal dood iyo dacwad isugu jira.
naq²: f.g/mg1 (-qay, -qday) 1. (f.g) Wax meeshii uu ka yimid ku celin. 2. (f.g) Gar qaadid. 3. (f.g) Cid dood iyo dacwo u jeedin. 4. (f.mg) U n.: u meerin, u akhrin. 5. (f.mg) Ku n.: ku celi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naq
naq¹: m.l 1. Caleenta iyo cawska ay soo saaraan biyo ama roob; doog; tigaad. 2. Hadal dood iyo dacwad isugu jira.
naq²: f.g/mg1 (-qay, -qday) 1. (f.g) Wax meeshii uu ka yimid ku celin. 2. (f.g) Gar qaadid. 3. (f.g) Cid dood iyo dacwo u jeedin. 4. (f.mg) U n.: u meerin, u akhrin. 5. (f.mg) Ku n.: ku celi. m.f.dh, naqid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naq
m. n., [collective] fresh growth (of grass, etc.) after a rain
naq v. arbitrate, deal with a legal case
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naq
-a: (n) green vegetation; greenery (giriineri) ~ nabaad, doog, laac
naq -ay I day: (v) return (riteen); revert (riveert); give back ~ celi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naq
(fal) garran oo gar falanqaynteed u joog Garta naq Ilaahayna kaga baq.
naq: (fal) wax la yidhi dib u dheh oo kaga daba celi.
naq-a: (magac, lab, keli) roob mar da'a oo doog iyo xareed reeba, Xoolaha gee meel naq leh.
naq-a: (magac, lab, keli) eed loo jeediyo nin abaal loo galay oo abaaldarro lagala kulmay. Dh: canaan.
naq-a: (magac, lab, keli) eray lagu joojiyo gaadhi dameerka. Naq dheh dameerku wuu cararayaaye.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
nil
/nil/ (n) ma leh (waxba); eber.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ajil
-ajisha: (n) fate (feeyt) ~ qaddar, see also [eeg] ajal. —Syn: destiny, kismet, lot, portion
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aqal
(Aqal-ka)
Dhis dadku dhexdiisa dego oo ku noolaado; guri; hooy; min; minan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqal
m.l (-llo, m.dh) Dhis dadku dhexdiisa dego oo ku noolaado; guri; hooy; min.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aqal
m.l (-llo, m.dh) Dhis dadku dhexdiisa dego oo ku noolaado; guri; hooy; min.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aqal
m. n. house, hut
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aqal
-ka: (n) house (hows); home
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqal
-ka: (magac, lab, keli) dhismo dadku dhexdiisa dego oo ku noolaado; dhisme aadanahu ku dhex noolyahay, gabbaad na uga ah dhaxanta, roobka iyo milicda. Aqal waa ka aakhiro. Dh: guri, hoy. daar, baro, min.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aqal
de: house, hut
lx: aqal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: aqal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqin
m.f.dh eeg aqi. la-mid: caqin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqin
-ta: (magac, dhedig, keli) cunnaxumo u dhimasho. Dh: caqin.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Axil
Surdhub
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bail
/beyl/bails, bailing, bailed;(n) 1. lacagta gof xiran lugu soo daayo ama lagu damiinto. e.g. She was set free on $2000 bail. (v) 2. doon biyo ka dhurid, (gurid).