naftirid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naftirid
m.f.dh eeg naftir².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aftirid
m.f.dh eeg aftir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aftirid
-da: (magac, dhedig, keli) sharaabkii iyo cuntadii aftirka qaadasho. Dh: aftirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naftir
naftir¹: m.l N.kayga, n.kaaga, iyo wixi lamida: israacinta nafley dhaawac ah la israaciyo.
naftir²: f.g1 (-ray, -rtay) Dhaawac israacin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naftir
m. n. self, oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naftir
ka: (n) self (salaf). Ex: naftirkiisa; himself. naftirkayga; myself. naftirkeeda; herself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naftir
-ka: (magac, lab, keli) kayga aniga ama adiga qudhaada. Naftirkaaga ayaan hadalkaa kaa maqlay: Dh: naftar, laftar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naftir
de: self, oneself
lx: naftir
pd: (-ka)
ps: n-m
xe: yourself
xv: naftirkaaga
key: naftir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aftirad
-ka: (magac, lab, keli) wax afka ku yaalla iska bi'in; cuntada ka dib afka iska tirid. Dh: aftirtirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aftixid
m.f.dh eeg aftax².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afxirid
m.f.dh eeg afxir². la-mid: aftuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
catirid
m.f.dh eeg catir². la-mid: catirayn, cartirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
catirid
-da: (magac, dhedig, keli) weel la culay, cidaad marmarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dafirid
(Dafirid-da)
Inkirid; asaraarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dafirid
m.f.dh eeg dafir². la-mid: dafir¹, dafiraad.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dafirid
Negare
To deny
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dafirid
-da: (magac, dhedig, keli) wax jira, mugdi iyo madow gelin. Dafirid buu nagala hor yimid Dh: asaraarid, inkirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nawirid
m.f.dh eeg nawir². la-mid: nawir¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nawirid
-da: (magac, dhedig, keli) wax nuuraya la dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cartirid
m.dh la-mid: catirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nafbixid
m.f.dh eeg nafbax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nafbixid
-da: (magac, dhedig, kali) dhimasho oo nolosha ka tegid.
nafbixid-da: (magac, dhedig, kali) rafaad iyo daal hawl lagala kulmo. Shaqadaan hayaa waa nafbixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nafhurid
m.f.dh eeg nafhur². la-mid: nafhur¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nafhurid
-da: (magac, dhedig, keli) dhimasho u badheedh; nolosha quudhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nashirid
(Nashirid-da)
1. (maro, kd.) furfurid; kala bixin; babbin.
2. (war) dad badan gaarsiin; shaac ka dhigid; faafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nashirid
m.f.dh eeg nashir². la-mid: nashir¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nashirid
-da: (magac, dhedig, keli) faafin oo qalabka warbaahinta ka sii dayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tifaftirid
(Tifaftirid-da)
Wax tifaftiran ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tifaftirid
m.f.dh eeg tifaftir². la-mid: tifaftir¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tifaftirid
vl. n. detailed explanation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tifaftirid
-da: (magac, dhedig, keli) dhamaystirida hawl la soo af jaro.
tifaftirid -da: (magac, dhedig, keli) qaabdarri ka bi'in. Tifatirida usha godin u qaado.
tifaftirid-da: (magac, dhedig, keli) qeexida warka runtiisa la sheego.
tifaftirid -da: (magac, dhedig, keli) khalad ka saarida.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tifaftirid
de: detailed explanation
initial: t
lx: tifaftirid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: tifaftirid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caratirid
m.f.dh eeg caratir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caratirid
-da: (magac, dhedig, keli) qof, wax u cadhada ku illaawo siin ama u samayn. caray: (fal) qof kale, 'car!' ku dheh, adoo u digaaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaltirid
m.f.dh eeg daaltir.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kayntirid
m.dh (juqraafi) Goynta dhirta iyo bannaynta kaynta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kayntirid
-da: (magac, dhedig, keli) juqraafi ahaan, jaridda dhirta iyo bannaynta kaymaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naqtiimid
m.f.dh eeg naqtiin².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqtiimid
-da: (magac, dhedig, keli) wax horay loo maray dib ugu noqosho. Naqtiimidda Qur ́aanku xifdigay xoojisaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tafiirmid
m.f.dh eeg tafiiran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafiirmid
-da: (magac, dhedig, keli) tafiir badan dhalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tafsiirid
(Tafsiirid-da)
Tafsiir u yeelid; macnayn; sharxid; tarjumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tafsiirid
m.f.dh eeg tafsiir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafsiirid
-da: (magac, dhedig, keli) fasirid, macnayn sharraxid, tarjumid. Tafsiirida aayadda hagaaji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xantiirid
(Xantiirid-da)
Xantiir noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xantiirid
m.f.dh eeg xantiir².
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
XANTIIRID
Fallimento
Bankruptcy
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Xantiirid
Fallimento
Bankruptcy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xantiirid
-da: (magac, dhedig, keli) wax caydh ah noqosho. Dh: caydhoobid, saboolid.
xantiirid -da: (magac, dhedig, keli) caydhoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanqabtirid
m.dh eeg haqabtir². la-mid: haqabtir¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanqabtirid
-da: (magac, dhedig, keli) gaajo iyo baahi ka bi'in.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afrid
m.l Mayrax, derin iyo wixi lamida oo daaha looga dhigo aqal-Soomaaliga.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afrid
f. n. bullet
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afrid
de: bullet
lx: afrid
pd: (-da)
ps: n-f
syn: xabbad
key: afrid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aftir
aftir¹: m.l (-rro, m.dh) Cad maro ah ama warqad afka lagu tirto.
aftir²: f.g/mg1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) Wax af la' ka dhigid (qalab wax gooya). 2. (f.mg) Qof af u tirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aftir
aftir¹: m.l (-rro, m.dh) Cad maro ah ama warqad afka lagu tirto.
aftir²: f.g/mg1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) Wax af la' ka dhigid (qalab wax gooya). 2. (f.mg) Qof af u tirid. m.f.dh, aftirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aftir
m. n. napkin, table napkin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aftir
-ka: (n) napkin (naapkin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aftir
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg afmaris.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aftir
de: napkin, table napkin
lx: aftir
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: aftir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Firid
(Firid-da)
Timaha saqaf ku kala bixbixin, ku nabid; shanlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firid
m.f.dh eeg fir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firid
-da: (magac, dhedig, keli) timo iyo wixii la mid ah, fidhid. Dh: feedhid, firis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tirid
(Tirid-da)
Wax meel ku sugan ama ku ba'ay ama ku yaal, wada baabbi'in.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tirid
m.f.dh eeg tir. la-mid: tiris², tirniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tirid
-da: (magac, dhedig, keli) wax meel ku ba'ay ama ku sugan ama ku yaal, ka baabi'in, ka masaxid. Hab tirida saxarada bar ubadka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abtiri
f.mg2 (-iyay, -isay) U a.: qof faraciisu siday isu dhaleen sheegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abtiri
(fal) «u ~» sheeg oo tax magacda nasabka. U abtiri wiilka ad isa soo raacdeen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aftiro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Qof, wax sida dufan, caano iyo wixi lamida oo afkiisa ku yaal iska bi'in.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aftiro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Qof, wax sida dufan, caano iyo wixi lamida oo afkiisa ku yaal iska bi'in. m.f.dh, aftirasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aftiro
(fal) cuntadii iyo sharaabkii aftirka qaado. aftiro: (fal) afka waxa ku yaalla ama kaa maray, iska tir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afurid
m.f.dh la-mid: affurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afurid
-da: (magac, dhedig, keli) afur cunid. Dh: afuris.
afurid-da: (magac, dhedig, keli) iyadoo la soomman yahay wax cunid ama wax soonka jebiya la imasho. Dh: afuris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiirid
m.f.dh eeg fiir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiirid
-da: (magac, dhedig, keli) colaad iyo xumaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hafrid
(Hafrid-da)
Qof wax aan la siin, in la siiyey been ah, sheegid, ku nabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hafrid
m.f.dh eeg hafar². la-mid: hafaryo, hafriin, hafriinyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hafrid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale wax aanay samayn ku masabidid; qof wax aanu samayn oo uu xogmoog ka yahay dusha ka saarid. Dh: nabid, masabidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naarid
(Naarid-da)
Naar gelin; cadaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naarid
m.f.dh eeg naar³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naarid
-da: (magar, dhedig, keli) fogayn oo Shaydaan iyo dhibtiisa Eebbe ka magangalid. Shaydaan iska naariddu way fiican tahay.
naarid-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, cadaabid holac ku tuurid. Naarid Ilaahbaa laga baryaa. Dh: cadaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nabrid
(Nabrid-da)
Nabar ku dhufasho, gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabrid
m.f.dh eeg nabar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabrid
-da: (magac, dhedig, keli) nabar ku dhufasho ama nabar gaadhsiin. Inuu nabrid ku dhigo ayuu ballan ku galay.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
nantir
nantir, v. - Siin; u qaybin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Safrid
(Safrid-da)
Safar aadid, tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
safrid
m.f.dh eeg safar³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safrid
-da: (magac, dhedig, keli) safar u kicid; safar aadid. Safrid buu u diyaar yahay. Dh: socdaalid, dhoofid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abtirin
m.f.dh eeg abtiri. la-mid: abtiris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abtirin
-ta: (magac, dhedig, keli) aqoonta ku saabsan awoowayaal hore magacyadadooda iyo siday isugu xigeen, u kala horreeyeen. Abtirinta Soomaalida aad baan u aqaan. Dh: abtirsiinyo, abtirsiimo, abnaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abtiris
(Abtiris-ka)
Aqoonta ku saabsan awooweyaashii hore magacyadooda iyo siday isugu xigeen; abtirsiino; abtirsiinyo; abnaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abtiris
m.l la-mid: abtirin, abtirsiinyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abtiris
vl. n., [compound] genealogy, lineage
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abtiris
-ka: (n) a family tree ~ see [eeg] abtirsiinyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abtiris
-ka: (magac, lab, keli) eeg abtirin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abtiris
de: genealogy, lineage
lx: abtiris
pd: (-ka)
ps: vn2-m-cmp
key: abtiris
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
abtiris
علم الأنساب
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afbarid
m.f.dh eeg afbar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afbixid
m.f.dh eeg afbax². la-mid: afbax¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Affurid
(Affurid-da)
Soonka jebin; cunnada affurka cunid.