naftiihafar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naftiihafar
-ka: (magac, lab, keli) qof naftiisa ku sheega waxanay ahayn ama aanay u qalmin, Nin naftii hafar ah ayaad tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naftihafar
(Naftihafar-ka)
(suugaan) qaybaha maansada middood, oo waxyaalo been ah ama aan la falin, la sheegto oo lagu faano.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naftihafar
m.l (-rro, m.dh) Qof maal ama derajo aanu lahayn sheegta oo ku faana.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naftihafar
m. n., [compound] self-aggrandizing person ~ poet
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naftihafar
-ka: (magac, lab, keli) qof naftiisa ku sheega waxanay ahayn ama aanay u qalmin.
naftihafar -ka: (magac, lab, keli) qayb maansada ka mid ah oo uu gabyaagu maansada ku faaniyo naftiisa wax aanu falin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naftihafar
de: aggran-dizing person ~ poet
lx: naftihafar
pd: \pd(-ka)
ps: n-m-cmp
key: naftihafar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naftiihawir
-ka: (magac, lab, keli) eeg naftihafar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naftihawir
m.l (-rro, m.dh) Qof naftiisa meel halis ah geliya; naftihalig.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naftiina
(pronoun) yourselves (voor-salvis) nafsaddiina
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naftiisa
(pronoun) himself (him-salaf) nafsaddiisa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afmiishaar
m.l la-mid: afmiinshaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afmiishaar
m. n. political broker, rumormonger
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afmiishaar
-ka: (magac, lab, keli) eeg afmiinshaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afmiishaar
a: afmiinshaar
de: political broker, rumormonger
lx: afmiishaar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: afmiishaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naftiihure
-ha: (magac, lab, keli) geesi dhimasho u badheedha si uu guul u soo hooyo. Waxan ahay naftiihore, niyaddaydu waa meel, calankayga nuuroow, haddii aanan soo noqon Allahayoow ku nabadgeli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aflahaar
-ka: (magac, lab, keli) qofka hadalka aan sugin inta looga baxayo e, ku degdega; qofka inuu hadal ku shaqaysto jecel. Dh: afmiishaar, aflaroor.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aftiqaad
-ka: (magac, lab, keli) cod shicibka laga qaado oo ay go'aan mahuraan ah ku oggolaadaan ama ku diidaan, sida dustuur cusub oo dal in laga hirgelinayo la rabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
katiifad
m.dh la-mid: kaddiifad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
katiifad
f. n. tapestry, rug
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
katiifad
-da: (n) carpet (kaarpet); rug (raag)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
katiifad
bw: Arabic
de: tapestry, rug
lx: katiifad
pd: (-da)
ps: n1-f
see: kaddiifad
key: katiifad
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laftiisa
(pronoun) himself (himselaf) ~ asaga ahaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nadiifaw
(fal) uskag iyo wasakh midna ha yeelane daahir ahaw.
nadiifaw -ga: (magac, lab, keli) daahiroobid oo mid uskag ama nijaas daahir ka noqday ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nafisaad
-da: (magac, dhedig, keli) nasasho kooban oo hawl laga nasto. Shaqadaydu nafisaad ma leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fatishaad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fatashaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lafdhabar
(Lafdhabar-ta)
Xiriir lafo ah oo oogada xoog iyo jiljileec tara; waxay ka kooban tahay riciro yaryar oo is-hayhaysta oo isku xiran (tunka taniyo dabaggibinta); lafduud; xiriir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lafdhabar
lafdhabar¹: m.dh (-rro, m.dh) 1. Xiriir lafo ah oo ka kooban riciro yaryar oo is-haysta oo isku xira tunka iyo dabagibinta. 2. Wax kasta qaybta ugu muhimsan. la-mid: lafduud.
lafdhabar²: m.dh (-rro, m.dh) (cilmiga naflayda) Xiriirka lafaha dhabarka oo ka bilowda salka lafta madaxa kuna dhammaada dabaggibinta. Waxay ka koobantahay 33 lafood waxaana dhex mara xangullaha, waxay isgoys xubneed la wadaagaan lafta madaxa, feeraha iyo miskaha; waxayna u kala baxaan 7 surka, 12 sabalayda, 5 dhabarka hoose, 5 araxda iyo 4 dabaggibinta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lafdhabar
lafdhabar¹: m.dh (-rro, m.dh) 1. Xiriir lafo ah oo ka kooban riciro yaryar oo is-haysta oo isku xira tunka iyo dabagibinta. 2. Wax kasta qaybta ugu muhimsan. la-mid: lafduud.
lafdhabar²: m.dh (-rro, m.dh) (cilmiga naflayda) Xiriirka lafaha dhabarka oo ka bilowda salka lafta madaxa kuna dhammaada dabaggibinta. Waxay ka koobantahay 33 lafood waxaana dhex mara xangullaha, waxay isgoys xubneed la wadaagaan lafta madaxa, feeraha iyo miskaha; waxayna u kala baxaan 7 surka, 12 sabalayda, 5 dhabarka hoose, 5 araxda iyo 4 dabaggibinta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lafdhabar
f. n. spine, backbone, vertebrae; essential point, fundamental
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lafdhabar
-ta: (n) backbone (baak-boon); spine (ispaayn); spinal column ~ lafduud-ka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafdhabar
-ta: (magac, dhedig, keli) lafta dheer ee dhabarka ee xidhiidhisa madaxa iyo miskaha ee feedhuhu labada dhinac kaga yaalliin; waxay ka kooban tahay riciro yaryar oo is'haysta oo isku xidhan. Dh: lafduud, xidhiidh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lafdhabar
bw: lafduud
de: spine, backbone, vertebrae; [fig.] essential point, fundamental
lx: lafdhabar
pd: (-ta)
ps: n2-f
syn: gadoob, xiriir
key: lafdhabar
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
lafdhabar
سَيسَاءِ، عَمُودٌ فِقْرِيَّ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naftihure
m.l (-rayaal, m.l/dh) N. ah: qof naftiisa u hibeeya difaaca dalkiisa, dadkiisa, dantiisa iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naftihure
m.l (-rayaal, m.l/dh) N. ah: qof naftiisa u hibeeya difaaca dalkiisa, dadkiisa, dantiisa iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naftihure
m. n., [compound] martyr, one who sacrifices his life; brave man, volunteer
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naftihure
de: martyr, one who sacrifices his life; [fig.] brave man, volunteer
lx: naftihure
pd: (/ha Pl: naftood-hurayaal (/sha))
ps: n7-m-cmp
key: naftihure
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
naftihure
شهید
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taftaafan
f.mg4 (-fnaa, -fnayd) 1. Wax jirro ku raagtay ahaansho. 2. Wax la sixray ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taftaafan
(tilmaame) xanuun la caatoobay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqtidhawr
(fal) si xil, dhaxal iyo wixii la mid ah looga helo awgeed qof geeridiisa ka dhursug. Bakhtidhawr dhaxal laguma helee orda guryihiinna ku dheelmada. Dh: baqtidhawr.
baqtidhawr -ka: (magac, lab, keli) dakhsi waayen oo bakhtiga ku lala oo cuna, daaruqena ku dhala. Dh: doorshaan, dooryaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hanti gaar
n. phr. private property
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hanti_gaar
de: private property
lx: hanti gaar
ps: np
key: hanti_gaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hantidhawr
*(Hantidhawr-ka)
Qaybaha maamulka Dowladda mid kamid ah oo hantida iyo lacagta Qaranka ilaalisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hantidhawr
m.l 1. Xaafiis dawlad, hay'ad, qof iyo wixi lamida u qaabbilsan ilaalinta lacagta in sidii loogu talaggalay loo isticmaalay. 2. H. ah: qof xaafiiskaas ka shaqeeya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hantidhawr
m.l 1. Xaafiis dawlad, hay'ad, qof iyo wixi lamida u qaabbilsan ilaalinta lacagta in sidii loogu talaggalay loo isticmaalay. 2. H. ah: qof xaafiiskaas ka shaqeeya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hantidhawr
m. n., [compound] accounts department; treasury
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hantidhawr
-ka: (n) examination of records or financial accounts; audit (oodhit)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Hantidhawr
Magistrato ai conti
Magistrate of accounts
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantidhawr
-ka: (magac, lab, keli) waaxda dadka ama dawlada u qaabilsan in ay dabagasho halka lagu bixiyey kharashka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hantidhawr
de: accounts department; treasury
lx: hantidhawr
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: hantidhawr
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laf dhabar
-ta: (n) backbone (baakboon); spine (ispaayn); spinal column
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nafisitaan
-ka: (magac, lab, keli) xidhiidhi iyo buuq la'aan ku nasad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nafkadhawr
-ka: (magac, lab, keli) qof sakaraad ah oon nolol dambe loo rajaynayn. Qof maskaxdu madoobaatay waa nafkadhawr.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naqtiinsad
m.l la-mid: naqtiinsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afmiinshaar
(Afmiinshaar-ka)
Qof warbeennad saamays weyn leh, oo lagu kala dhinto ama lagu dagmo dhisa ama dhisi yaqaan, oo dadka ama dowladda wax kaga cuna.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afmiinshaar
m.l (-rro, m.dh) Qof ku meel mariya wuxuu doona codkarnimo iyo karti dhagari ku jirto. la-mid: afmiishaar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afmiinshaar
m.l (-rro, m.dh) Qof ku meel mariya wuxuu doona codkarnimo iyo karti dhagari ku jirto. la-mid: afmiishaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afmiinshaar
m. n. political broker, lobbyist, hassler, rumormonger
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afmiinshaar
-ka: (n) 1. orator (ooriter); an eloquent and skilled speaker ~ af tahan, afmaal. 2. lobbyist (loobiist)-, one who tries to influence others on behalf of or against an idea
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afmiinshaar
-ka: (magac, lab, keli) qof aad u hadal cadcad oo dadka kale fikradiisa ka dhaadhicin kara. Dh: afmaal, afmalab. Li: afgaab, afgarooc, aflaawe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afmiinshaar
de: political broker, lobbyist, hassler, rumormonger
lx: afmiinshaar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: afmiinshaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dantiigarad
-ka: (magac, lab, keli) qofka dantiisa ilaashada oo aan ku dheelin. Dh: dantiiyaqaan. Li: dantiimooge.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naftii-hure
naftii-huraha: (n) hero (hiiroo); martyr (maar-ter); sacrificer (saf'ri-faayser); one who sacrifices his life for a cause