nafkulaciirid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nafkulaciirid
-da: (magac, dhedig, keli) naf badbaadinteed meel ula cararid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naflacaarid
-da: (magac, dhedig, keli) meel lagu badbaado u cararid. Naflacararid ayuu webi ugu dhacay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naflacaari
(Naflacaari-ga)
Qof naftu ku dabayar tahay; naf xumi ku jirto; nafi ku jirto aan wax kalese u raacin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naflacaari
m.l.kh N. ah: nafley xaalad xun oo wax ka qabashadeedu adagtahay ku sugnaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naflacaari
m.l.kh N. ah: nafley xaalad xun oo wax ka qabashadeedu adagtahay ku sugnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naflacaari
m. n., [compound] extremely debilitated ~ half-dead person
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naflacaari
-ga: (n) dying breath; last agony; jaws of death; hand of death ~ sakaraad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naflacaari
-ga: (magac, lab, keli) naf la carar ku jira noloshii u dambaysay. Taliska dugulee, naflacaang ah, ee naxashka saaran... Dh: sakaraad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naflacaari
de: extremely debilitated ~ half-dead person
lx: naflacaari
pd: (-ga)
ps: n2a-m-cmp
key: naflacaari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afkulibidh
-ka: (magac, lab, keli) weelasha wax lagu cabbo kan ugu yar. Dh: bidhiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anfariirid
m.f.dh eeg anfariir². la-mid: anfariir¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anfariirid
-da: (magac, dhedig, keli) argagax iyo cabsi qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dayactirid
* (Dayactirid-da)
Dayaca ka dhawrid; Xannaanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayactirid
m.f.dh eeg dayactir².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gasariirid
°(Gasariirid-da)
(qof) jimicii iyo raxmaddii ka dhammaatay oo aan waxba ka nixin; dadka colaadda, islaynta iyo isnebcaanta ku dhex dhasha oo ku dhex kora oo qiimaha dadnimadu qalbigooda ka tirantay oo kale noqosho (ama geseriirid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gasariirid
gąsariirid: m.f.dh eeg gąsariir². la-mid: geseriirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gasariirid
-da: (magac, dhedig, keli) qof naxariistii iyo jimicii ka dhammaatay oo aan waxba ka nixin noqosho. Dh: geseriirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nafkadayid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan rajo wanaagsan laga sugayn taageero ka dayid. Dh: tahanbaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saxariirid
(Saxariirid-da)
Saxariir arkid, mudasho, la kulmid; silcid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saxariirid
m.f.dh eeg saxariir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxariirid
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato aad u daran marid. Dh: silic, rafaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tafajiidid
(Tafajiidid-da)
Marada la marsan yahay ama la guntan yahay dacalkeeda hoose dhulka ku jiidid, shullaha dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tafajiidid
m.f.dh eeg tafajiid². la-mid: tafajiid¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafajiidid
-da: (magac, dhedig, keli) xaynka ama faraqa, dhulka jiidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
takhsiirid
m.f.dh eeg takhsiir².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fantatiirid
(Fantatiirid-da)
(is fantatiirid) Xoog iyo dadaal badan iska doonid; istiilid; (ama wantatiirid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fantatiirid
m.f.dh eeg fantatiir². la-mid: fantatiir¹, wantatiir¹, wantatiirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fantatiirid
-da: (magac, dhedig, keli) (is ~) xoog iyo dedaal badan iska doonid. Dh: istiilid, wantatiirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanfariirid
m.f.dh eeg hanfariir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanfariirid
-da: (magac, dhedig, keli) didid; sasid; argaggixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayladdirid
m.f.dh eeg qayladdir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wantatiirid
(Wantatiirid-da)
Fantatiirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wantatiirid
m.dh la-mid: fantatiirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wantatiirid
-da: (magac, dhedig, keli) fantatiirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afkalaqaadid
m.dh 1. Afkalaqaad. 2. Afka oo la kala qaado; hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Falfalliirid
(Falfalliirid-da)
1. Digir, falfalliir ka dhigid.
2. Dildillaacin; falliirro badan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falfalliirid
m.f.dh eeg falfalliir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falfalliirid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg falfalliidhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
makalaalixid
m.f.dh eeg makalaalax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nafkadhawrid
-da: (magac, dhedig, keli) dhimasho iyo nafbax ka sugid; dhimasho qarka u saarnaan Ninkan xaalkiisu waa nafkadhawrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isfantatiirid
m.f.dh eeg isfantatiir².