nafacso
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nafacso
v. benefit from, make use of
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nafacso
de: benefit from, make use of
lx: nafacso
nt: nafacsasho (/da) [vn-f]
pd: (nafacsaday)
ps: v3a=
key: nafacso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nafac
(Nafac-a)
Nacfi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nafac
m.l la-mid: nacfi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nafac
m. n., [collective] advantage, benefit derived, nourishment; food
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nafac
-a: (n) something to one's advantage; benefit (banafit) ~ nacfi, nafci, waxdheef
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nafac
-a: (magac, lab, keli) eeg nacfi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nafac
bw: Arabic
de: advantage, benefit derived, nourishment; food
lx: nafac
pd: (-a)
ps: n2a-m-col
key: nafac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afayso
f.g3 (-stay, -satay) Qalab wax lagu gooyo, af u yeelasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afayso
f.g3 (-stay, -satay) Qalab wax lagu gooyo, af u yeelasho. m.f.dh, afaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baacso
f.g3 (-saday, -satay) Wax cararaya ceyrsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baacso
f.g3 (-saday, -satay) Wax cararaya ceyrsasho. m.f.dh, baacsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baacso
(fal) gogol iyo wixii la mid ah oo duubnaa, fidso oo ballaadhso. Furaashka baacso oo ku seexo. Dh: goglo, fidso.
baacso: (fal) eryo oo ku daba dhac. Baacso tuugga oo soo qabo. Dh: caydhso, eryo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nafaqo
(Nafaqa-da)
Waxa guriga ama cidda ama xaaska ku baxa; masruuf; sarraafad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nafaqo
nafaqo¹: m.dh (-ooyin, ml.) 1. Cunnada nafley cunto inta nuxurka leh; dux. 2. Cunto; masaruuf.
nafaqo²: m.dh (daawo) Barashada cunnada iyo xiriirka ay la leedahay hawlaha dabiiciga ah ee jirka oo ku xiran qaadashada cunnada ee jirka: kormitaanka, tamar ameynta, dib u sameynta soohyada jirka iyo wixi lamida cilmiga nafaqada waa barashada cunnooyinka iyo cudurrada ka yimaada yaraantood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nafaqo
nafaqo¹: m.dh (-ooyin, ml.) 1. Cunnada nafley cunto inta nuxurka leh; dux. 2. Cunto; masaruuf.
nafaqo²: m.dh (daaw.) Barashada cunnada iyo xiriirka ay la leedahay hawlaha dabiiciga ah ee jirka oo ku xiran qaadashada cunnada ee jirka: kormitaanka, tamar ameynta, dib u sameynta soohyada jirka iyo wixi lamida cilmiga nafaqada waa barashada cunnooyinka iyo cudurrada ka yimaada yaraantood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nafaqo
f. n. benefit, maintenance, use; nutrient, food; nutrition
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nafaqo
-nafaqada: (n) nutrition (nuu-tirishan); nourishment (noorish ment); nutritious food ~ dheef
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nafaqo
-da: (magac, dhedig, keli) faa'iidada uu jidhku ka helo cuntooyinka dheellitiran. Caruurta cunto nafaqo leh sii, si fiican ha u koraane. Dh: dheef.
nafaqo-da: (magac, dhedig, keli) cunnosanta laga helo quudka ee caafimaadka iyo koridda jidhka raadka weyn ku leh. Caanuhu waa nafaqo jidhku u baahan yahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nafaqo
de: benefit, maintenance, use; [ext.] nutrient, food; nutrition
lx: nafaqo
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: geshin ~ gashin
key: nafaqo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Nafiso
pr. n., [feminine] Nafisa
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Nafiso
cf: nefis
de: Nafisa
lx: Nafiso
ps: name-f
key: Nafiso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raacso
(fal) ku darso; ku biirso. Alaabtaada tayda raacso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rafaco
f.mg3 (-cday, -catay) Qalab iyo wixi lamida urursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rafaco
(fal) qalab iyo wixii la mid ah, ururso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balacso
f.g3 (-saday, -salay) Daymoo; dhugo; milicso; ilkuxad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
balacso
f.g3 (-saday, -salay) Daymoo; dhugo; milicso; ilkuxad. m.f.dh, balacsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balacso
(fal) wax duubnaa, kala fidsasho.
balacso: (fal) ildayo, fiirso. Aarkuba wuxuu balacsadaa booddo ka horow e.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ganacso
f.mg3 (-saday, -satay) Ka g.: ganacsi sameyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ganacso
f.mg3 (-saday, -satay) Ka g.: ganacsi sameyn. m.f.dh, ganacsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ganacso
v. do business, trade
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ganacso
-ganacsaday I ganacsatay: (v) buy and sell for profit; engage business; trade (treeydh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganacso
(fal) ganacsi ama baayacmushtar samayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ganacso
de: do business, trade
lx: ganacso
pd: (ganacsaday)
ps: v3a=
key: ganacso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halacso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Wax iyadoo aan la bisleynayn olol ku dubasho. 2. Iyadoo aan laga bogan wax eegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nafciso
(fal) dheefso oo ka faa'iidayso. Nafciso xoolaha aabahaa ka tegey. Dh: nacfiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Najaaso
(Najaasa-da)
Faddaro; wasakh; uskag; dhusuq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
najaaso
m.dh (dii.) Faddaro; wasakh (sida kaadida, saxrada iyo wixi lamida). la-mid: nijaaso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
najaaso
f. n., [collective] uncleanness, ritual ~ religious impurity
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
najaaso
-najaasada: (n) impureness by religious rite; dirt (dharti); uncleanness (ankiliin-nes); filthiness (filthi-nes) ~ nijaaso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
najaaso
-da: (magac, dhedig, keli) uskag ama wax kale oo aanay cibaadadu ku ansixin sharci ahaan. Dh: nijaas, najaas.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
najaaso
cf: nejis
de: uncleanness, ritual ~ religious impurity
lx: najaaso
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: najaaso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naqayso
f.g/mg3 (-stay, -satay) 1. (f.g) Wax inta fiican kala bixid; xulasho. 2. (f.mg) Naq daaqid (xoolo).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naqayso
v. grow green again, sprout (after rain)
naqayso: v. pick and choose, select the best (from)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqayso
(fal) wax kala duwan oo isku dhafan ka xulo inta aad doorbidayso. Qalimaanta ka nagayso noocca aad doonayso Dh: sooco, madho, dooro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safayso
(fal) wax ad leedahay, nadiifso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walacso
f.g3 (-saday, -satay) Ku w.: cid wax aan la siinayn tusid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walacso
(fal) «ku tus oo cid kali wax ay u baahan tahay u soo fiiq oo haddana kala noqo; walacsi samee. Dh: mihi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nafaqayso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Wax nafaqo ka dhigasho. 2. Wax masruufasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nafaqayso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Wax nafaqo ka dhigasho. 2. Wax masruufasho. m.f.dh, nafaqaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nafaqayso
(fal) cun dheef tayo leh oo nafaqo ku gelisa. Nafaqayso si caafimaadkaagu u wanaagsanaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rafacasho
m.f.dh eeg rafaco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anafaysi
-ga: (magac, lab, keli) kibir iyo islaweyni muujin. Anafaysi aayar baa dhaama.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fajaciso
-da: (magac, dhedig, keli) arrin kaa yaabiya; masiibo kugu habsata.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaafayso
(fal) gaaf samayso, xaflad aroos samayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naacawso
f.mg3 (-saday, -satay) la-mid: neecawso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naacawso
(fal) laydha qabaw isku dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naafasho
(Naafasha-da)
Naafo noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naafasho
m.dh la-mid: naafoobid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naafasho
vl. n. state of disablement
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naafasho
-da: (magac, dhedig, keli) naafo noqosho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naafasho
cf: naafow
de: state of disablement
lx: naafasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: naafasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naagayso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Naag ka dhigasho. 2. Naag xiriir galmo la yeelasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naagayso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Naag ka dhigasho. 2. Naag xiriir galmo la yeelasho. m.f.dh, naagaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naagayso
v.auto: make into a wife; discipline as one's wife
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naagayso
(fal) naag la dadabgal oo islaan ka dhigo. Naagayso haweenayda aad qabto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naagayso
de: make into a wife; discipline as one's wife
lx: naagayso
nt: naagaysad (ka) [vn-m], naagaysasho (/da) [vn-f]
pd: (naagaystay)
ps: v3b=auto
key: naagayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabdayso
f.g3 (-stay, -satay) Cid salaamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nabdayso
v.auto: greet one another
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabdayso
(fal) cid kale, salaan ama baridi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nabdayso
de: greet one another
lx: nabdayso
nt: nabdaysad (ka) [vn-m], nabdaysasho (/da) [vn-f], nabdaysi (ga) [vn-m]
pd: (nabdaystay)
ps: v3b=auto
key: nabdayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabrayso
f.mg3 (-stay, -satay) Jir nafley nabro yeelasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nabrayso
f.mg3 (-stay, -satay) Jir nafley nabro yeelasho. m.f.dh, nabraysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nabrayso
v. get pimples; get infected (blister, etc.)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabrayso
(fal) jidh nafley, naburro yeelo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nabrayso
de: get pimples; get infected (blister, etc.)
lx: nabrayso
pd: (nabraystay)
ps: v3b=intr
key: nabrayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
najaasow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) (dii.) Wax najaas gaartay noqosho. la-mid: nijaasow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
najaasow
inch. v. become ritually impure ~ unclean
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
najaasow
a: nijaasow
de: become ritually impure ~ unclean
lx: najaasow
pd: (najaasoobay)
ps: v1=inch
key: najaasow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qandacso
f.g3 (-saday, -satay) Wax in yar kululeysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qandacso
f.g3 (-saday, -satay) Wax in yar kululeysasho. m.f.dh, qandacsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raaracso
f.mg3 (-saday, -satay) Wax meel ka laallaadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warwacso
f.mg3 (-saday, -satay) Ku w.: dhibaato dhacday cid u eersasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
intifaacso
f.g3 (-saday, -satay) Wax intifaac ka helid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
intifaacso
f.g3 (-saday, -satay) Wax intifaac ka helid. m.f.dh, intifaacsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
intifaacso
v. use something for oneself; benefit from something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
intifaacso
(fal) wax ama talo, manaafacaad iyo dan ka raadi oo ka faa'idayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
intifaacso
bw: Arabic
de: use s.t. for oneself; benefit from s.t.
lx: intifaacso
pd: (intifaacsaday)
ps: v3a=tr
key: intifaacso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaso
(fal) qof ama wax kale, xabaal qodan ku duugo; meel ku qarso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naas
(Naas-ka)
1. Mid kamid ah labada cad oo laabta dumarka ku yaal oo leh qurxub iyo xididdo caanuhu galaan ama maraan iyo ib, dhashoodu ka nuugto.
2. Cad kaas ka dhigan oo aan korin oo laboodka ku yaal.
3. Cad dhuuban oo candhada caanaleyda ka soo laallaada oo kolka la nuuga hayona ubadku afka gashado, kolka la lisa hayona, sacabka ama wax kale lagu xamatuuriyo.
4. Dhuun soo taagan oo wax laga shubo oo weelasha qaarkood lee yihiin; ib; gulgulo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naas
m.l (-so, m.l) 1. Labada xubnood ee caanuhu galaan ee ku yaal laabta dumarka midkood. 2. Labada cad ee ka soo taagan laabta ragga midkood. 3. Cad dhuuban oo xayawaanka caanaha leh candhadooda ka soo laalaada. 4. Dhuun ka soo taagan weelasha wax lagu shubto qaarkood; Ib; gulgulo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naas
m.l (-so, m.l) 1. Labada xubnood ee caanuhu galaan ee ku yaal laabta dumarka midkood. 2. Labada cad ee ka soo taagan laabta ragga midkood. 3. Cad dhuuban oo xayawaanka caanaha leh candhadooda ka soo laalaada. 4. Dhuun ka soo taagan weelasha wax lagu shubto qaarkood; Ib; gulgulo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naas
m. n. breast, udder, mammary gland, nipple, teat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naas
-ka: (n) 1. breast (bareest); boob (buub); bosom (buusam); teat (tiit); 2. udder (adher) ~ candho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naas
-ka: (magac, lab, keli) cad daloollo yaryar leh oo candhada ku yal oo caanuhu ka soo baxaan. Hooyadu naaska ayey jaqsiisaa ubadka.
naas -ka: (magac, lab, keli) madaxa firidu ku taxanto ee gallayda. Dh: madax, sabuul.
naas-ka: (magac, lab, keli) dhuun soo taagan oo wax laga shubo co weelasha qaarkood leeyihiin. Naaska baanbadda waa la xidhaa. Dh: dhuun, ib gulgulo.
naas-ka: (magac, lab, keli) khasnadda ay rassaastu ku jirto. Qoriga naaskiisa ku xir. Dh: khasnad, candho.
naas-ka: (magac, lab, keli) qarbid ama sufraar mijita biyaha laga shubto. Inoofur naaska sibraarka aanu caanaha ka cabnee
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naas
cf: nuug
de: breast, udder, mammary gland, nipple, teat
lx: naas
pd: (-ka)
ps: n1-m
key: naas
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
naas
ثدي
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naso
f.mg3 (-stay, -satay) Hawl muddo gaaban ka fadhiisasho si daalkeedu u ba'o.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naso
f.mg3 (-stay, -satay) Hawl muddo gaaban ka fadhiisasho si daalkeedu u ba'o. m.f.dh, nasasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naso
v. have a rest, take a break