nadiifoobid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nadiifoobid
m.f.dh eeg nadiifow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nadiifoobid
-da: (magac, dhedig, keli) uskag ama nijaas nadiif ka noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maydhmid
-da: (magac, dhedig, keli) uskag ka nadiifoobid; wasakh daahir ka noqosho.
maydhmid -da: (magac, dhedig, keli) biyo ku dhex baabi'id. Dh: mayrmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mayrmid
-da: (magac, dhedig, keli) uskag ka nadiifoobid; wasakh daahir ka noqosho.
mayrmid -da: (magac, dhedig, keli) biyo ku dhex baabi'id. Midabka shaadhka mayrmidda ka ilaali. Dh: maydhmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naafoobid
(Naafoobid-da)
Naafo noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naafoobid
m.f.dh eeg naafow². la-mid: naafasho, naafow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naafoobid
-da: (magac, dhedig, keli) naafo aan wax qabsan karin noqosho. Dh: naafaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niiboobid
m.f.dh eeg niibow². la-mid: niibow¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faqiiroobid
m.dh la-mid: faqiirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faqiiroobid
-da: (magac, dhedig, keli) qof caydh ah noqosho. Faqiiroobidda waxa u sabab ah abaaraha. Dh: sabooloobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baadiggoobid
(Baadiggoobid-da)
Baadi goobid, raadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baadiggoobid
m.dh la-mid: baadiddoonid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Batiikhoobid
(Batiikhoobid-da)
Batiikh u ekaansho; sida batiikha u cayilid ama u bislaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
batiikhoobid
m.f.dh eeg batiikhow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
batiikhoobid
-da: (magac, dhedig, keli) buurni aad ah oo balagbalaq ah yeelasho. Cuntada badan iyo isboor la'aanta batiikhoobid ayaa laga qaada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aafoobid
m.f.dh eeg aafow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aafoobid
-da: (magac, dhedig, keli) ibtilo qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dadoobid
(Dadoobid-da)
Dhalanka iyo baxaalliga dadkoo kale yeelasho; dad noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadoobid
m.f.dh eeg dadow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadoobid
-da: (magac, dhedig, keli) yeelashada dhaqanka fiican ee dadka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diqoobid
m.f.dh eeg diqow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dufoobid
(Dufoobid-da)
1. Duf noqosho.
2. (qof) duf ku dhicid; xumaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dufoobid
m.f.dh eeg dufow². la-mid: dufow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dufoobid
-da: (magac, dhedig, keli) dulloobid oo sidii hore ka sii liidasho. Dh: humoobid, calaloobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iimoobid
m.f.dh eeg iimow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iimoobid
-da: (magac, dhedig, keli) nabar iyo utun yeelasho. Dh: dhaawacmid, waxyeelloobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lafoobid
(Lafoobid-da)
Lafaha madaxa ka jabid; daqramid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lafoobid
m.f.dh eeg lafow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafoobid
-da: (magac, dhedig, keli) lafaha madaxa ka jabid. Dh: dakhramid.
lafoobid-da: (magac, dhedig, keli) aad u itaalxumaan oo weydoobid. Dh: caatoobid, lafow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabiibid
m.dh la-mid: namiinid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nadiifin
(Nadiifin-ta)
Nadiif ka dhigid; uskag ama wasakh ka bi'in; mayrid; xalid; qasaalid; daahirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nadiifin
m.f.dh eeg nadiifi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nadiifin
-ta: (magac, dhedig, keli) uskag oo dhan ka maydhid. Carruurtaada ku barbaari nadiifinta faraha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nadiifis
-ta: (magac, dhedig, keli) uskag ka biis oo ka maydhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nadiifow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Qof nadiif noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nadiifsi
m.l la-mid: nadiifsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nadiifso
f.g3 (-saday, -satay) Wax nadiif ka dhigasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nadiifso
f.g3 (-saday, -satay) Wax nadiif ka dhigasho. m.f.dh, nadiifsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sifoobid
m.f.dh eeg sifow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sifoobid
-da: (magac, dhedig, keli) astaan u ahaan; ku tilmaamanaan; sifo yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biiroobid
m.f.dh eeg biirow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biiroobid
-da: (magac, dhedig, keli) sumoobid; biirta ceelasha guntooda ku sumoobid. Carruurta ceelasha ka celiya biiroobid ayay halis u yihiine.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadhoobid
m.f.dh eeg cadhow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadhoobid
-da: (magac, dhedig, keli) cudurka cadhada yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daddoobid
m.dh la-mid: deddoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daddoobid
-da: (magac, dhedig, keli) dhaxan iyo qabaw daraaddii, la qadhqadhyoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadiidood
m.l la-mid: kadiidyood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miidoobid
(Miidoobid-da)
Miid noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miidoobid
m.f.dh eeg miidow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nadiifsad
m.l la-mid: nadiifsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abtiyoobid
m.f.dh eeg abtiyow².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abtiyoobid
-da: (magac, dhedig, keli) naaska gabadh yar, soo bixis oo taagmis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barafoobid
(Barafoobid-da)
Baraf noqosho; aad u qaboobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barafoobid
m.f.dh eeg barafow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barafoobid
-da: (magac, dhedig, keli) aad u qaboobid oo baraf fadhiya noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadadoobid
m.dh la-mid: cadcadoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawiroobid
m.dh la-mid: cawaroobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawiroobid
-da: (magac, dhedig, keli) qof cawaran noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiiqoobid
m.f.dh eeg dhiiqow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiiqoobid
-da: (magac, dhedig, keli) dhoobo yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nacasoobid
(Nacasoobid-da)
Nacas noqosho; doqonoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacasoobid
m.f.dh eeg nacasow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacasoobid
-da: (magac, dhedig, keli) maangaab caqligiisu yar yahay noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nadiifsani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg nadiifsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadigoobid
-da: (magar, dhedig, keli raadinta xoolo ama wax kale xc lamay. Dh: baadiddoonid, baadimadis, baadigoobis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baadiyoobid
m.f.dh eeg baadiyow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadiyoobid
-da: (magac, dhecig. keli) wax baadi ah oo lunsan ahaansho.
baadiyoobid -da: (magac, chediq, keli, reer miyi noqosho, baadiye abaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaliyoobid
baaliyoobid: m.f.dh eeg baaliyow.
bąaliyoobid: m.f.dh eeg bąaliyow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaliyoobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax gaboobay oo hun ah noqosho. Dh: duugoobid, humoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caasiyoobid
(Caasiyoobid-da)
Caasi noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caasiyoobid
m.f.dh eeg caasiyow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caasiyoobid
-da: (magac, dhedig, keli) caasi noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadcadoobid
m.f.dh eeg cadcadow. la-mid: cadadoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirifoobid
m.f.dh eeg dhirifow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faddaroobid
(Faddaroobid-da)
Wax faddaraysan noqosho; wasakhoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faddaroobid
m.f.dh eeg faddarow². la-mid: faddarow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddaroobid
-da: (magac, dhedig, keli) wasakh iyo uskag badan yeelasho. Li: nadiifoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fadeexoobid
(Fadeexoobid-da)
Ceeb weyni gaarid; facsharmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadeexoobid
m.f.dh eeg fadeexow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadeexoobid
-da: (magac, dhedig, keli) ceeb iyo canbaar yeelasho. Dh: kashifan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaatiroobid
(Gaatiroobid-da)
Gaatir noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaatiroobid
m.f.dh eeg gaatirow. la-mid: gaaturoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaatiroobid
-da: (magac, dhedig, keli) gaatir ama qallaf noqosho. Dh: gaatirow, adkaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galoofoobid
(Galoofoobid-da)
Galoof noqosho; gurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galoofoobid
m.dh la-mid: galoofid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galoofoobid
-da: (magac, dhedig, keli) neef guran oo sida neef caano gubayaan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hantiyoobid
(Hantiyoobid-da)
Hanti noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hantiyoobid
m.f.dh eeg hantiyow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantiyoobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax hanti ahaan loo leeyahay noqosho. Dh: hantiyaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiciiroobid
(Jiciiroobid-da)
Ceeb weyn falid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiciiroobid
m.f.dh eeg jiciirow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiciiroobid
-da: (magac, dhedig, keli) ceeb iyo canbaar yeelasho.
jiciiroobid -da: (magac, dhedig, keli) timo, midab guduudan yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kadalloobid
(Kadalloobid-da)
Kadalloob u fadhiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadalloobid
m.f.dh eeg kadalloob². la-mid: kadalloob¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadalloobid
-da: (magac, dhedig, keli) jilbaha oo kuu laaban, cagaha ku fadhiyid iyada oo aan salka dhulka lagu hayn. Dh: kambadhuudhid, kuududid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
najaasoobid
m.f.dh eeg najaasow. la-mid: nijaasoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
najaasoobid
-da: (magac, dhedig, keli) nijaas aan lagu cibaadaysan karin yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nasaaroobid
(Nasaaroobid-da)
Nasaaro noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nasaaroobid
m.f.dh eeg nasaarow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaaliyoobid
(Qaaliyoobid-da)
Qaali noqosho.