nacdiir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nacdiir
(Nacdiir-ta)
Jimicdarro; nebcaan shishe; nacayb; nac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacdiir
m.dh Nacayb weyn oo cid loo hayo; nac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nacdiir
f. n., [compound] hatred
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacdiir
-ta: (magac, dhedig, keli) ad'adayg iyo colaad.
nacdiir-ta: (magac, dhedig, keli) eeg nacayb. nacee: (fal) colaad iyo xumaan u hay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nacdiir
de: hatred
lx: nacdiir
pd: (-ta)
ps: n-f-cmp
key: nacdiir
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Nadiir
Nadir
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Nadiir
name-m consecrated to God, rare, precious and unique
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Silicdilyo
(Silicdilya-da)
Si silic iyo nacdiir leh, haddana la qarinayo, oo cid wax loo yeelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
silicdilyee
f.g2 (-yeeyay, -yaysay) Si nacdiir (nacayb) leh cid wax u yeelid. la-mid: silacdilyee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
silicdilyo
m.dh Si nacdiir leh oo cid wax loo yeelo. la-mid: silicdilyayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
silicdilid
-da: (magac, dhedig, keli) si silic iyo nacdiir leh, haddana la qarinayo, wax ku yeelid; silicdilyayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
silicdilyo
-da: (magac, dhedig, keli) si silic i nacdiir leh, haddana la qarinayo, oo cid loo waxyeelleeyo.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Nadir
Nadiir
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
nadir
/neydar/ (n) ugu liita (heerka ugu hooseeya).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nadir
-ka: (magac, lab, keli) ballanqaad adag oo Alle lagu la galo samaynta wax aan waajib ahayn oo uu qofku isa saaro.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
nadir
nadir, n.m. - Ugu hooseeya; ugu liita.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gadiir
(Gadiir-ka)
Kalluunka badda mid kamid ah (ama gediir).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadiir
m.l Nooc ka mid ah kalluunka badda. la-mid: gediir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gadiir
m. n., [collective] fish species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadiir
-ka: (magac, lab, keli) nooc kalluunka ka mid ah. Gadiir iyo galaaciif ba maanta waan soo buuxsaday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gadiir
a: gediir
de: fish sp.
lx: gadiir
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: gadiir
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaciir
f. n., [abstract] embarrassment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaciir
-ka: (magac, lab, kali) marka la sheegayo qof tabar yar oo foolxun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaciir
de: embarrassment
lx: jaciir
pd: (-ta)
ps: n0-f
key: jaciir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naadir
(Naadir-ka)
Aan had iyo goor la heli karin ama aan meel walba laga heli karin; dhib lagu helo ama lagu arko; lagu diimo; dhif ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naadir
naadir¹: m.l.kh Aan had iyo goor la heli karin (wax); dhif ah.
naadir²: m.l (juqr) Bar ku dhisan aragtida aan sababaysnayn ee laga helo samada gudaheeda, taas oo lid ku ah fuqa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naadir
naadir¹: m.l.kh Aan had iyo goor la heli karin (wax); dhif ah.
naadir²: m.l (juqr) Bar ku dhisan aragtida aan sababaysnayn ee laga helo samada gudaheeda, taas oo lid ku ah fuqa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naadir
m. n. rare item
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Naadir
name-m rare, precious
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naadir
-ah: (adj) rare (reer); seldom (seel'dham); uncommon (an kam 'an); extraordinary ~ dhif, marmar, dhif ah
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naadir
(tilmaame) heliddiisu yartahay oon marwalba la helin ah.
naadir-ka: (magac, lab, keli) kolkol uun la helo oon marwalba la helin. Xayawaan naadirka ah waa la xanaaneeyaa oo waa la tarmiyaa. Dh: teelteel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naadir
bw: Arabic
cf: dhif
de: rare item
lx: naadir
pd: \pd(-ka)
ps: n2-m
key: naadir
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Naciim
name-m comfortable, blessing, happiness
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Cid wax ay rabtay in ay nacdo gayeysiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nacsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Cid wax ay rabtay in ay nacdo gayeysiin. m.f.dh, nacsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nacsii
v.caus: cause to hate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacsii
(fal) sannifsii, xumaan uga sheeg si aanuu u jeclaan oo uu u karho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nacsii
de: cause to hate
lx: nacsii
pd: (nacsiiyey)
ps: v2a=caus
key: nacsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nadiif
(Nadiif-ka)
Aan uskag iyo wasakh lahayn; daahir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nadiif
m.l.kh 1. N. ah: wax aan uskag iyo wasakh lahayn. 2. N. ah: qof aan khayaamo, xaasidnimo iyo wixi lamida lahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nadiif
m.l.kh 1. N. ah: wax aan uskag iyo wasakh lahayn. 2. N. ah: qof aan khayaamo, xaasidnimo iyo wixi lamida lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nadiif
m. n. (adj.): clean item; clean, pure
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Nadiif
propre.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Nadiif
name-m clean, pure. Syn: Nadiifo
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nadiif
-ah: (adj) clean (kiliin); pure (piyuur) ~ nadiifsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Nadiif
magac loo baxsho wiil ay hooyadii ku ammaantay in uu yahay mid ceeb iyo uskagba ka daahirsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nadiif
-ta: (magac, dhedig, keli) aan usgag iy wisikh toona lahayn. Dharku waa nadiif.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nadiif
bw: Arabic
cf: xalaal
de: clean item; [atr.] clean, pure
lx: nadiif
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: nadiif
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Nakiir
name: name of one of the two angels who examine the sins of the dead
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Nakiir
de: name of one of the two angels who examine the sins of the dead (the other's name is Munkar)
lx: Nakiir
ps: name-m
key: Nakiir
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Naziir
name-m leader, vanguard; equal-like, matching
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Xadiir
présent.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caddiir
(Caddiir-ka)
Xarig laga sameeyo caw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caddiir
m.l (-rro, m.dh) la-mid: catiir (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caddiir
m. n. rope made from palm tree leaves; bed made from this rope
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caddiir
-ka: (magac, lab, keli) sariir ka samaysan alwaax, xadhko soohan oo caw ah loogu sameeyay sida shabagga.
caddiir -ka: (magac, lab, keli) xadhig cawda laga sooho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caddiir
a: catiir
de: rope made from palm tree leaves; bed made from this rope
lx: caddiir
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: caddiir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nacsiin
(Nacsiin-ta)
Qof wax uga xumasheegid si uu ku naco; ku dirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacsiin
m.f.dh eeg nacsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) xumaha uu shey leeyahay cid uga sheekayn si aanu u jeclaan oo uu u karho. Nacsiintu waa hab sigaarka lagu joojin karo. Dh: kudirid,
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Nadiira
name-f consecrated to God, rare, precious and unique
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qandiir
qandiir¹: m.l Wax kulkoodu yaryahay.
qandiir²: f.mg1 (-ray, -rtay) Wax in yar kululaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qandiir
f.mg1 (-ray, -rtay) Wax in yar kululaansho. m.f.dh, qandiirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qandiir
m. n., [abstract] lukewarmness, tepidity
qandiir [inchoative] v. grow lukewarm
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qandiir
-ka: (magac, lab, keli) wax kulkoodu yaryahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tacbiir
m.l/dh Hab wax loo jeediyo ama loo qoro.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tacbiir
-ta: (n) expression (ikis-paree-shin)-, mode of expression ~ oraah
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tacbiir
-ka: (magac, lab, keli) wax qabasho jaangooyo iyo fiiro dheer ku maamulan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tacsiir
(Tacsiir-ta)
Ganaax, yake; xaal; eedsiis, cisaaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tacsiir
tacsiir¹: m.dh Ganaax.
tacsiir²: f.g1 (-ray, -rtay) Cid ganaaxid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tacsiir
f.g1 (-ray, -rtay) Cid ganaaxid. m.f.dh, tacsiirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tacsiir
f. n. punishment, fine, penalty
tacsiir v. fine, punish, inflict a penalty on someone
tacsiir [feminine] n., [abstract] fatigue, tiredness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tacsiir
(fal) qof kale, denbi uu geystay, ku takhsiir.
tacsiir -ta: (magac, dhedig, keli) khasiraadda iyo ganaaxa cid kale oo gef samaysay. Dh: takhsiir, garraax, ganaax, cisaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bandiiro
m.dh la-mid: bandiirad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bandiiro
-da: (magac, dhedig, keli) eeg bandiirad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacdiid
dhacdiid¹: m.l la-mid: dhacadiidid.
dhacdiid²: f.mg1 (-day, -dday) la-mid: dhacadiid².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jacariir
-ka: (magac, lab, keli) adaygga candhada xoolaha aan weli godlan ama nabar aan dheecaankiisu weli bislaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kacdimid
(Kacdimid-da)
(fardo) orod kacdin ah ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kacdimid
m.f.dh eeg kacdin². la-mid: kacdin¹, kactin¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kacdimid
-da: (magac, dhedig, keli) faras, orod kacdin ah ku ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kacdimin
m.f.dh eeg kacdimi. la-mid: kactimin.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kaldiira
Caldera
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naasdiid
-ka: (magac, lab, keli) nuugi waa uu noolaha dhashaa naska iska diido oo uu nuugi waayo. Naasdiidka waa la habaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacdalid
m.dh la-mid: nacaladid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacdalid
-da: (magac, dhedig, keli) lacnad Eebber korka uga tuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacfiyid
m.f.dh eeg nacfi².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacfiyid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale wax u tarid. Dh: anficid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nagdiyid
-da: (magac, dhedig, keli) si naqdi ah ku bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naqdiyid
m.f.dh eeg naqdi².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqdiyid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la yidhi ama la falay hadal cilmiyaysan oo xoojin ama dhalliil ah u jeedin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qandiiri
f.g2 (-iyay, -isay) Wax in yar kululayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qandiiri
f.g2 (-iyay, -isay) Wax in yar kululayn. m.f.dh, qandiirin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qandiiri
v. make lukewarm
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qandiiri
-yey / say: (v) make warm, tepid (tapidh) or lukewarm ~ qandici
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qandiiri
(fal) wax in yar kululayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qandiiri
de: make lukewarm
lx: qandiiri
pd: (qandiiriyey)
ps: v2a=tr
syn: qandici
key: qandiiri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wacdiyid
m.f.dh eeg wacdi². la-mid: wacdin.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tacdiiltir
Demodulation
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciir
1. (Ciir-ka) a) Firiiric yaryar oo oogada ka soo yaaca. b) Doc u liicid; dheelli; janjeersi.
2. (Ciir-ta) Caano la lulay oo subaggii laga baxshey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciir
ciir¹: m.l 1. Firiiric yaryar oo oogada nafleyda ka soo yaaca. 2. la-mid: ciirid.
ciir²: m.dh Caano subaggii laga baxshay oo dhanaan.
ciir³: f.mg1 (-ray, -rtay) Wax miisaankiisa dhan u iilasho.