nacdalleyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacdalleyn
m.dh la-mid: nacaladeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacdaleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) mid cadho Ilaahay gaba ka yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacdalleysan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: nacaladeysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naalleyn
m.f.dh eeg naallee. la-mid: naallood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacdallee
f.g2 (-leeyay, -leysay) la-mid: nacaladee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nacnacleyn
(Nacnacleyn-ta)
Hadal nacnac ah ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacnacleyn
m.f.dh eeg nacnaclee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacnacleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg nacnaclayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacalladeyn
m.dh la-mid: nacaladeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacdaleysan
(tilmaame) mid cadho Ilaahay qaba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nacalle
Nacalad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacalle
m.l la-mid: nacalad¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nacallee
v. curse someone
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nacallee
a: nacaladee ~ nacalladee [v2b=]
de: curse s.o.
lx: nacallee
pd: (nacalleeyey)
ps: v2b=tr
key: nacallee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacaseyn
m.f.dh eeg nacasee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacdalee
(fal) cid kale, Ilaahay cadho iyo fogayn u weydii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadallayn
m.f.dh eeg fadallee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadallayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xoog u ordid oo fadallo kicin.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Macdaneyn
Mineralization
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacamlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) jiibin cid hadalka loo jiibiyo oo wuxuu yidhaahaba waa runtaa la yidhaa. Dh: nacamlays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawdawleyn
m.f.dh eeg dawdawlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawdawleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) gardarro kibir iyo aflagaado leh cid ku maagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hangalleyn
m.f.dh eeg hangallee. la-mid: hangalleys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jacjacleyn
m.f.dh eeg jacjaclee. la-mid: jac-jacleys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacaladeyn
m.f.dh eeg nacaladee. la-mid: lacanadeyn, lacnadeyn, nacalladeyn, nacdaleyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacnaclayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hadal nacnac ah oo aan milgo lahayn ku hadlid. Dh: tororoglayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sandulleyn
(Sandulleyn-ta)
Si sandulle ah u khasbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sandulleyn
m.f.dh eeg sandullee. la-mid: sandulleys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sandulleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) sandullay; khasbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sandaleeleyn
m.f.dh eeg sandaleelee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labadulleyn
m.f.dh eeg labadullee. la-mid: labadulleys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaajileyn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhabdhabid oo sabasabayn. Macaajileyn ayaan waayahan oo dhanba ku waday. Dh: macaajileys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacalladayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale nacladid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacalladeysan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: nacaladeysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacdaleysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) cadho Ilaahay qabitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baalley
m.dh Ciyaar dhaqameed jaan iyo jiibinba leh oo dadka isku maaweeliyo (degaanka Ceergaabo).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baalley
m.dh Ciyaar dhaqameed jaan iyo jiibinba leh oo dadka isku maaweeliyo (degaanka Ceergaabo).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baalley
-da: (magacwadareed) wixii baad ku duula oo dhan. Baalleyda duushaan, la dalxiisi doonaa. Dh: baadley.
baalley -da: (magac, dhedig, keli) ciyaardhaqameed caan ku ah gobolka Ceerigaabo iyo inta u dhow oo jiib iyo jaanba leh oo la isku maaweeliyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
callayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si isdulsaarid ah u rassayn. Dh: callays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calyeyn
(Calyeyn-ta)
Calyo ku qoyn; candhuufayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calyeyn
m.f.dh eeg calyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) candhuuf ku tufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dallayn
m.f.dh eeg dallee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dallayn
-ta: (magac, dhedig, keli) nolol wanaagsan iyo khayr filasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalleen
m.dh Dandarranaan; dhibaataysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalleen
-ka: (magac, lab, keli) meel ooddu ka gaaban tahay ama aysan ka adkayn oo laga dhici karo. Xerada halkaa daleensan ood soo saar. Dh: huddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dulleyn
(Dulleyn-ta)
Dulli ku ridid; dulli badid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulleyn
m.f.dh eeg dullee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naafeyn
-ta: (magac, lab, keli) laxaadka ka heenid oo curyaamin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naallay
v., pl., -ind, simple past tense: we were (in a place)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naallay
de: we were (in a place) {N}
lx: naallay
ps: v4c-1pl-ind-past
key: naallay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naallee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Ku n.: 1. Farax iyo guul ku jirid. 2. Wax rajo ku eegid. la-mid: naalloo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naallee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) la-mid: naalloo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naallee
v., pl., opt. form: we may be (in a place)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naallee
de: we may be (in a place) {N}
lx: naallee
ps: v4c-1pl-pot
key: naallee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naasley
m.dh.u (cilmiga naflayda) Dir ka tirsan lafdhabarleyda oo ka kooban ilaa 250 sinji. Naasleydu waa xayawaan dhiig diirane ahoo maqarkoodu leeyahay qanjidho dhidid, kuwaas oo soo daaya dhidid qoboojiya jidhka. Jidhkoodana waxa ku daboolan timo. Naasleydu dhammaantood waxay leeyihiin naaso, kuwaas oo soo daaya caano ay ku quudiyaan ilmahooda. la-mid: naasaley, naasooley.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naasley
m.dh.u (cilmiga naflayda) Dir ka tirsan lafdhabarleyda oo ka kooban ilaa 250 sinji. Naasleydu waa xayawaan dhiig diirane ahoo maqarkoodu leeyahay qanjidho dhidid, kuwaas oo soo daaya dhidid qoboojiya jidhka. Jidhkoodana waxa ku daboolan timo. Naasleydu dhammaantood waxay leeyihiin naaso, kuwaas oo soo daaya caano ay ku quudiyaan ilmahooda. la-mid: naasaley, naasooley.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naasley
-da: (magacwadareed) nafleyda inta aan ugax dhalin ee naas la nuugo leh. Fiidmeertu waa naasley.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacamle
-ha: (magac, lab, keli) qof fiiro la'aan cid kale hayaale u noqda. Dh: heehraac, hiinraac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaleyn
m.dh la-mid: qaaliyeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baallayn
m.f.dh eeg baallee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baallayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhinac jirid; doc xigid. Baallaynta iga daayoo dhexda soo joogso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Cabdalle
name: Abdalla
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Cabdalle
bw: Arabic
de: Abdalla
lx: Cabdalle
ps: name-m
key: Cabdalle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadadeyn
m.dh la-mid: cadcadeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadadeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) xisaabin; cadad sheegid. Dh: tirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
camalley
m.dh (-eeyo, m.dh) Haweeney xanaaq badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
camalley
f. n. bad-tempered woman; woman with bad disposition
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
camalley
de: bad-tempered woman; woman with bad disposition
lx: camalley
pd: (-da)
ps: n7-f
key: camalley
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacarley
-da: (magacwadareed) meel ay ku badan tahay geedgaabka dacartu. Haarriya waxay ahaan jirtey meel dacarley ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faallayn
(Faallayn-ta)
Arrin faallo ka bixin; wax ka sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faallayn
m.f.dh eeg faallee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faallayn
-ta: (magac, dhedig, keli) falanqayn iyo faaqidaad dhinac walba leh; arrin faallo ka bixin iyo wax ka sheegid. Dh: faaqidaad, falanqayn, gorfayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadallee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) Fadal samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadallee
(fal) xoog u orod oo fadallo kici.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lacageyn
m.f.dh eeg lacagee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Macallin
(Macallin-ka)
Kan ardada wax bara; bare.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macallin
m.l (-nno/-immo/-imiin, m.dh) Nin arday wax bara.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
macallin
m.l (-nno/-immo/-imiin, m.dh) Nin arday wax bara.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
macallin
Common N. teacher, educator, male instructor, professor
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Macallin
name-m teacher; educator; instructor
nickname; name-m teacher
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
macallin
-ka: (n) teacher (tiijari); instructor (iinistarak-tor)-, professor ~ bare
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macallin
-ka: (magac, lab, keli) qof cid wax bara oo arday cilmi u dhiga. Macallinku waa maskaxdii dunidoo malaasan. Dh: bare ustaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
macallin
bw: Arabic
de: teacher, educator, male instructor, professor
lx: macallin
pd: (-ka Pl: macallimiin (ta))
ps: n2(c)-m, n8-m
syn: bare, ustaad
key: macallin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaxeyn
m.f.dh eeg madaxee.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
madaxeyn
to head
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo la kaxaynayo mid ay dabakacaan hor wadid oo madax ay raacaan u yeelid. Lo'jirku madxeynta wuu yagaan. Dh: madaxays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naasaley
(Naasaley-da)
Nafleyda inta dheddiggoodu ilmo dhalo, oo naaska u dhigo. Waxaa kamid ah: dadka, duunyada, dugaagga, ugaarta, ... nibiriga, fiidmeerta. ~ caanaley, (ama naasooley).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naasaley
m.dh.u Nafleyda inta ilmaha dhasha oo nuujisa. la-mid: naasley.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naasaley
m.dh.u Nafleyda inta ilmaha dhasha oo nuujisa. la-mid: naasley.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naasaley
f. n., [collective] mammal ~ mammals
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naasaley
-da: (n) animals with milk-producing mammary glands ~ naasleey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naasaley
-da: (magacwadareed) nafleyda inta ilmo dhasha oo nuujisa. Dh: naasley.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naasaley
a: naasooley
de: mammal ~ mammals
lx: naasaley
pd: (-da)
ps: n-f-col
key: naasaley
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacallad
nacallad¹: m.l la-mid: nacalad¹.
nacallad²: f.g1 (-day, -dday) la-mid: nacalad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacamlee
(fal) qof kale hadalka u jiibi oo raacsanaan u muuji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacasayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si nacasnimo u socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacdalid
m.dh la-mid: nacaladid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacdalid
-da: (magac, dhedig, keli) lacnad Eebber korka uga tuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacnacle
-ha: (magac, lab, keli) qof iska faana oo ku hadaaqa hadal aan macna lahayn. Dh: iskahadle, tororogle.