nacaseyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacaseyn
m.f.dh eeg nacasee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacasayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si nacasnimo u socosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacdaleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) mid cadho Ilaahay gaba ka yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Najaaseyn
(Najaaseyn-ta)
Najaaso ku bi'in, gaarsiin, u yeelid; wasakhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
najaaseyn
m.f.dh eeg najaasee. la-mid: nijaaseyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
najaaseyn
-ta: (magac, dhedig, keli) najaaso u yeelid. Dh: nijaasaynta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nacayn
(Nacayn-ta)
Si nac ku jiro, wax u yeelid; colaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacayn
m.f.dh eeg nacee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xumaan ku fogayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaaseyn
(Jaaseyn-ta)
Abaalmarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naafeyn
-ta: (magac, lab, keli) laxaadka ka heenid oo curyaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacasee
f.g2 (-seeyay, -seysay) Qof si wax caqli yar ula dhaqmid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nacasee
v. make someone stupid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacasee
(fal) mid nacas ah ka dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nacasee
de: make s.o. stupid
lx: nacasee
pd: (nacaseeyey)
ps: v2b=tr
key: nacasee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaseyn
m.dh eeg calasee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacasayn
-ta: (magac, dhedig, keli) marka aad cid kula dagaallantid kab dacas ah. Dh: kabayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lacageyn
m.f.dh eeg lacagee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malaseyn
m.f.dh eeg malasee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacaladeyn
m.f.dh eeg nacaladee. la-mid: lacanadeyn, lacnadeyn, nacalladeyn, nacdaleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacdalleyn
m.dh la-mid: nacaladeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nacnacleyn
(Nacnacleyn-ta)
Hadal nacnac ah ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacnacleyn
m.f.dh eeg nacnaclee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacnacleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg nacnaclayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadcadeyn
m.f.dh eeg cadcadee. la-mid: cadadeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lacnadeyn
m.dh la-mid: nacaladeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lacnadeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) raxmadda iyo khayrka Ilaah ka dheerayn. Dh: lacanadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Macaaneyn
(Macaaneyn-ta)
Macaan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaaneyn
m.f.dh eeg macaanee. la-mid: macaaneys, macayn, macays, micayn, micays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaaneyn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhadhan macaan u yeelid. Dh: macaanayn. Li: qadhaadheyn.
macaaneyn -ta: (magac, dhedig, keli) hadal, sheegko, iyo wixii la mid ah xalladayn oo wax dadka soo jiita ka dhigid. Sheeko macaaneyn bay doonaysaa. Dh: xalladayn, macaanayn.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Macdaneyn
Mineralization
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marasheyn
m.dh la-mid: marashiyayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacamlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) jiibin cid hadalka loo jiibiyo oo wuxuu yidhaahaba waa runtaa la yidhaa. Dh: nacamlays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nijaaseyn
m.dh la-mid: najaaseyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarasheyn
m.f.dh eeg qarashee. la-mid: qarashyeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacalladeyn
m.dh la-mid: nacaladeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacdaleysan
(tilmaame) mid cadho Ilaahay qaba.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Casey
name-f off-red (color)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Casey
ama Caso, magac loo baxsho gabadh aad u casayd xilligii ay dhalatay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nacas
(Nacas-ka, Nacas-ta)
Qof aan caqli badan lahayn; doqon; dabbaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacas
m.l (-so, ml, -syo/nacas, m.dh Qof caqli yar; doqon; dabbaal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nacas
m.l (-so, ml, -syo/nacas, m.dh Qof caqli yar; doqon; dabbaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nacas
m. n., [collective] fool, idiot
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nacas
-ka/ ta: (n) stupid (istuupidh); fool (fuul); idiot (id-yat); foolish or stupid person, dolt (doolt) ~ dabbaal, doqon
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Nacas
Cretino
Stupid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacas
-ka: (magac, lab, keli) qof aan cagli badan lahayn oo maangaab ah. Dh: doqon, dabbaal, liid.
nacas -ta: (magac, dhedig, keli) qodax dhulka ku dagaagta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nacas
de: fool, idiot
lx: nacas
pd: (-ka ~ -ta)
ps: n2a-m/f, n7-m/f
syn: ardaal, dabbaal, doqon
key: nacas
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aafeyn
(Aafeyn-ta)
Aafo gaarsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacayn
-ta: (magac, dhedig, keli) bac gelin ama ku duuduubid. Intaanad alaabta bacayn lacagta iska bixi.
bacayn -ta: (magac, dhedig, keli) qof ama dad sas iyo cabsi ku ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cadeyn
(Cadeyn-ta)
Cad cad u googgoyn; yaryarayn; cadadeyn; jarjarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadeyn
m.f.dh eeg cadee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) cadcad u jarjarid ama u googgoyn. Dh: yaryarayn, jarjarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Casayn
(Casayn-ta)
Casaan ka dhigid; midab cas u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casayn
m.f.dh eeg casee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casayn
-ta: (magac, dhedig, keli) kabo iyo wax la mid ah, baalashayn; baalash marin. Dh: baalashayn.
casayn-ta: (magac, dhedig, keli) walax, midab cas u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caweyn
(Caweyn-ta)
Fiid soo jeedid; habeen gelinkiisa hore, sheeko ama wax kale, ku soo jeedid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caweyn
m.f.dh eeg cawee. la-mid: caweys (3).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caweyn
vl. n. spending the evening, socializing in the evening
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caweyn
-ta: (n) sociable conversation in the evening; social gathering in the evening
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) fiid soo jeedid ama habeen gelinkiisa hore waaryid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caweyn
de: spending the evening, socializing in the evening
lx: caweyn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: caweyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciseyn
(Ciseyn-ta)
Ciso u yeelid; xurmayn; tixgelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciseyn
m.f.dh eeg cisee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciseyn
vl. n., [abstract] respect, esteem
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ciseyn
-ta: (n) honor (oon er); the act of feeling or showing respect ~ ixtiraam, ciso
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciseyn
de: respect, esteem
lx: ciseyn
pd: (-ta)
ps: vn0-f-abs
key: ciseyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dacayn
(Dacayn-ta)
Biyo dac ah ku bi'in; biyo miir ah oo deggan qasid oo dac ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacayn
m.f.dh eeg dacee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dacayn
vl. n. state of overflowing, making water dirty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ceelka iyo darka inta u dhaxaysa biyo ku daadaadin. dacaynaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax dacayda ka xidhan ahaan. Awrka dacaynaanta ha ku deyne ka fur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dacayn
cf: dac, dacee
de: state of overflowing, making water dirty
lx: dacayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: dacayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macayn
m.f.dh la-mid: macaaneyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax mac ka dhigid. Dadku macaynta cuntada way ku kala fiican yihiin. Dh: macaanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maseyn
m.f.dh la-mid: miseyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maseyn
-ka: (magac, laab, keli) dibi laboodhedig ah.
maseyn -ta: (magac, dhedig, keli) wax siman oo isku mid ama is le'eg ah ka dhigid. Dh: masayn, simid, misayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nacash
(Nacash-ka)
Dhis yar oo qori ah, oo afar addin iyo meelo la qabto leh, oo dusha ka awdan, oo meydka lagu qaado; (ama naxash),
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacash
m.l 1. Ciyaar caruureed la is eryado oo qofka wax eryanaya marka uu taabto ka uu eryanayo uu yiraahdo nacash. 2. la-mid: naxash. Sanduuqa meydka lagu qaado marka qabriga loo wado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nacash
m.l 1. Ciyaar caruureed la is eryado oo qofka wax eryanaya marka uu taabto ka uu eryanayo uu yiraahdo nacash. 2. la-mid: naxash Sanduuqa meydka lagu qaado marka qabriga loo wado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nacash
m. n. bier; coffin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacash
-ka: (magac, lab, keli) nooc ka mid ah ciyaaraha carruurta oo taabasho iyo eryasho ku dhisan. Dh: xantaxanto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nacash
a: naxash
de: bier; coffin
lx: nacash
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: nacash
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nacayb
(Nacayb-ka)
Nebcaan weyn; jacayl la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacayb
m.l Colaad uurka la isugu hayo; nac¹. la-mid: necayb.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nacayb
m.l Colaad uurka la isugu hayo; nac¹. la-mid: necayb.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nacayb
m. n., [abstract] hatred, prejudice
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nacayb
-ka: (n) hate (heyt); hatred (heytarid), animosity (animoositi); dislike (dis laayk)-, distaste (dhis-teeysf) ~ nebcaan, karaahiyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacayb
-ka: (magac, lab, keli) dareen karhid ah oo ku wajahan wax aan la jeclayn. Anigoo nacayb iyo naxli aanuu igu jirin, naso waan ku daayee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nacayb
de: hatred, prejudice
lx: nacayb
pd: (-ka)
ps: n0-m-abs
key: nacayb
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
nacayb
مَقْت كَرَاهِيَة بُغضٍ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nagayn
m.dh la-mid: negayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nagayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid socdaali lahayd baajin. Dh: oolin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) nal iftiima ku xidhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naqayn
m.f.dh eeg naqee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqayn
-ta: (magac, dhedig, keli) kala soocid oo inta wanaagsan gaar u dhigid. Dh: miidhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
racayn
racayn¹: m.dh Kooxayn ama xulid tiro waxyaaleed iyada oo aan loo eegin orsa-naan.
racayn²: m.dh Hormo urur kasta ee uu urur walxood iyada oo aan la tixgelin horsanaanta sida loo kala xushay. Haddii 'r' walxood laga xushay urur 'n' kutirsane leh oo weliba walax kastana la xulan karo mar keliya. Tirada racaymaha kaladuwan waa: n!/[r!(n-r)!] loona qoro nCr ama C(n,r)[r!(n-r)!]Tusaale ahaan, haddi fasal ay ku jiraan 15 arday ay ka dhexeeyaan 5 buug oo keliya, marka buug kasta waa in ay saddex arday wadagaan, inta siyaalo ee loo ratibi karo waa: 15!/[3!(15-3)!] ama 455.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Racayn
Permutation
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afareyn
m.f.dh eeg afaree. la-mid: afareys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anafeyn
m.f.dh eeg anafee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baabeyn
m.f.dh eeg baabee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) marka uu qofka turubka ciyaarayaa hayo labo baab oo sooc ah.