nacam
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nacam
inter. yes; certainly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacam
(falkaabe) haa; sidaa weeye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nacam
bw: Arabic
de: yes; certainly
lx: nacam
ps: intj
syn: haa
key: nacam
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nacab
(Nacab-ka)
Qof nac ka buuxo; cadow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacab
m.l 1. Cadow; xaasid. 2. Qof aan naxariis lahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nacab
m.l 1. Cadow; xaasid. 2. Qof aan naxariis lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nacab
m. n. hostile person, enemy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nacab
-ka: (n) enemy (enami), foe (foo), hostile (hoostal) person ~ cadaw
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Nacab
Nemico
Enemy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacab
-ka: (magac, lab, keli) cadaw aan wax badbaadin. Dh: cadaawe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nacab
cf: neceb
de: hostile person, enemy
lx: nacab
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: nacab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nacas
(Nacas-ka, Nacas-ta)
Qof aan caqli badan lahayn; doqon; dabbaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacas
m.l (-so, ml, -syo/nacas, m.dh Qof caqli yar; doqon; dabbaal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nacas
m.l (-so, ml, -syo/nacas, m.dh Qof caqli yar; doqon; dabbaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nacas
m. n., [collective] fool, idiot
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nacas
-ka/ ta: (n) stupid (istuupidh); fool (fuul); idiot (id-yat); foolish or stupid person, dolt (doolt) ~ dabbaal, doqon
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Nacas
Cretino
Stupid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacas
-ka: (magac, lab, keli) qof aan cagli badan lahayn oo maangaab ah. Dh: doqon, dabbaal, liid.
nacas -ta: (magac, dhedig, keli) qodax dhulka ku dagaagta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nacas
de: fool, idiot
lx: nacas
pd: (-ka ~ -ta)
ps: n2a-m/f, n7-m/f
syn: ardaal, dabbaal, doqon
key: nacas
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Najam
name-m star-like; astrologer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiibin
-ta: (magac, dhadig, kali) marka erey qof yidhi laga daba dhaho ama loo nacamleeyo.
jiibin -ta: (magac, dhedig, keli) habka la iskula helo jiibta codka miisaaman.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacamlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) jiibin cid hadalka loo jiibiyo oo wuxuu yidhaahaba waa runtaa la yidhaa. Dh: nacamlays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacamlays
-ka: (magac, lab, keli) eeg nacamlayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haa_1
a: haah, haahey, haaheeyo
de: yes Opp: maya
hm: 1
lx: haa
ps: intj
syn: nacam
key: haa_1
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacamle
-ha: (magac, lab, keli) qof fiiro la'aan cid kale hayaale u noqda. Dh: heehraac, hiinraac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naacaw
(Naacaw-da)
1. Gaasaska badan oo isku darsan ou hawadu ka kooban tahay.
2. Dabayl fudud oo jilicsan; (ama neecaw).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naacaw
m.dh la-mid: neecaw.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naacaw
f. n., (mass n.): fresh air, breeze
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naacaw
-da: (n) gentle wind; breeze (biriiz) ~ naacoow, neecaw
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naacaw
-da: (magac, dhedig, keli) laydh qabaw oo oogada iyo naftuba ku raaxaystaan. Dh: neecaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naacaw
de: fresh air, breeze
lx: naacaw
pd: (-da)
ps: n2a-f-mass
see: neecaw
key: naacaw
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacaal
m.l 1. Masaabir sal buuran oo xagga hoose lagaga taxo kabaha. 2. Bir qoobabka fardaha lagu dhejiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nacaal
m. n. horse shoe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacaal
(fal) labo sarood iyo wax ka badan isku nab.
nacaal -ka: (magac, lab, keli) nabid la isku nabo labo sarood iyo wax ka badn. Kabaha nacaal fican iigu samee. Dh: jaansaar.
nacaal -ka: (magac, lab, keli) masaabiir kabaha lagu nabo si ay iskugu xajiso. Nacaal ii soo bi wuu iga dhammaadee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nacaal
bw: Arabic
de: horse shoe
lx: nacaal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: nacaal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nacash
(Nacash-ka)
Dhis yar oo qori ah, oo afar addin iyo meelo la qabto leh, oo dusha ka awdan, oo meydka lagu qaado; (ama naxash),
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacash
m.l 1. Ciyaar caruureed la is eryado oo qofka wax eryanaya marka uu taabto ka uu eryanayo uu yiraahdo nacash. 2. la-mid: naxash. Sanduuqa meydka lagu qaado marka qabriga loo wado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nacash
m.l 1. Ciyaar caruureed la is eryado oo qofka wax eryanaya marka uu taabto ka uu eryanayo uu yiraahdo nacash. 2. la-mid: naxash Sanduuqa meydka lagu qaado marka qabriga loo wado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nacash
m. n. bier; coffin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacash
-ka: (magac, lab, keli) nooc ka mid ah ciyaaraha carruurta oo taabasho iyo eryasho ku dhisan. Dh: xantaxanto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nacash
a: naxash
de: bier; coffin
lx: nacash
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: nacash
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nacayb
(Nacayb-ka)
Nebcaan weyn; jacayl la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacayb
m.l Colaad uurka la isugu hayo; nac¹. la-mid: necayb.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nacayb
m.l Colaad uurka la isugu hayo; nac¹. la-mid: necayb.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nacayb
m. n., [abstract] hatred, prejudice
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nacayb
-ka: (n) hate (heyt); hatred (heytarid), animosity (animoositi); dislike (dis laayk)-, distaste (dhis-teeysf) ~ nebcaan, karaahiyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacayb
-ka: (magac, lab, keli) dareen karhid ah oo ku wajahan wax aan la jeclayn. Anigoo nacayb iyo naxli aanuu igu jirin, naso waan ku daayee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nacayb
de: hatred, prejudice
lx: nacayb
pd: (-ka)
ps: n0-m-abs
key: nacayb
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
nacayb
مَقْت كَرَاهِيَة بُغضٍ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nacayn
(Nacayn-ta)
Si nac ku jiro, wax u yeelid; colaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacayn
m.f.dh eeg nacee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xumaan ku fogayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacdal
nacdal¹: m.dh la-mid: nacalad¹.
nacdal²: f.g1 (-alay, -ashay) la-mid: nacalad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacdal
-sha: (magac, dhedig, keli) cadho iyo fogayn Ilaahay oo ku dhacda cid macsiyo samaysa.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Naciim
name-m comfortable, blessing, happiness
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naclad
v. curse, wish evil
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naclad
-da: (n) no blessing; curse (keers)-, anathema (a-naa-thama) ~ nacalad
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naclad
bw: Arabic
cf: nacalad
de: curse, wish evil
lx: naclad
pd: (nacladay)
ps: v1=
key: naclad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nacnac
1. (Nacnac-a) Cadad ka samaysan sonkor la bisleeyey oo dhir udgoon lagu daray oo la muudmuudsado.
2. (Nacnac-da) Hadal badan oo aan milgo lahayn; daroori; tororog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacnac
nacnac¹: m.l Macmacaan yaryar udgoon oo la muudsado.
nacnac²: m.dh Hadal badan oo aan macno lahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nacnac
m.l Macmacaan yaryar udgoon oo la muudsado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nacnac
m. n. sweets, candy
nacnac: [feminine] n., [collective] chatter, meaningless talk
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nacnac
-a: (n) candy (kaandhi), sweet thing such as chocolate, caramel ~ nanac
nacnac -da: (n) empty talk; trivial talk; jabber (jaabar); babble (baabal) ~ naac-naac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacnac
-a: (magac, lab, keli) iskudar ka samaysan sonkor iyo sharaab la adkeeyey oo la muudmuudsado. Xabbad nacnac ah u iibi inanka yar
nacnac-da: (magac, dhedig, keli) hadal badan oo faan ka buuxo oo faa,ido iyo milgo toona lahayn. Dh: tororog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nactar
Wax isnebcaan iyo nac hor leh keena, kordhiya, sida araggaa nactar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nactar
m. n., [compound] action ~ speech that stirs up hostility
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nactar
-ka: (magac, lab, keli) wax is necbaan iyo colaad horle keena. Midab kalasoocu nactar buu dhaliyaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nactar
de: action ~ speech that stirs up hostility
lx: nactar
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: nactar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nadaam
m.l la-mid: nidaam.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nadaam
-ka: (magac, lab, keli) habsami iyo kala dambayn wax loo wado. Wax walba nadaam ayuu u baahan yahay. Dh: nidaam.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nalama
pron., pro, neg. no one ... us
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nalama
(negative with preposition) with..us.. or we..not.. Ex: nalama uusan tashan; he didn't consult with us
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nalama
de: no one ... us
lx: nalama
ps: pro + pro + neg
xe: During this season, no one asks anything of me and my kinfolk.
xv: Xilligan aniyo tolkeyba wax nalama weydiiyo.
key: nalama
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacamlee
(fal) qof kale hadalka u jiibi oo raacsanaan u muuji.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Cam
Waalwade
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naa
Erey qof dumar ah loogu dhawaaqo ama loogu yeero ama lagu soo jeediyo; magac baa badanaa ka dabadhaca (sida: naa Kaaha; naa Ubax).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naa
u.j Erey qof dumar ah loogu dhawaaqo ama loogu yeero ama lagu soo jeediyo; magac ayaa badanaa ka dabadhaca. Tusaale: “Naa Kaaha!”, “Naa Ubax”. la-mid: naayaa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naa
u.j Erey qof dumar ah loogu dhawaaqo ama loogu yeero ama lagu soo jeediyo; magac ayaa badanaa ka dabadhaca. Tusaale: Naa Kaaha! Naa Ubax. la-mid: naayaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naa
inter. hey!
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naa
(interjection); you!; hey!; especially used to attract attention when talking to female person ~ naayaa Ex: naa kaalay!; hey! come here
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naa
(ereydhawaaq) qof dumar ah loogu yeedho, ama lagu soo jeediyo. Dh: naayaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nac
(Nac-a)
Xumaan weyn oo uurka laysugu hayo; nacayb; cadownnimo,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nac
nac¹: m.l Colaad uurka la isugu hayo; nacayb.
nac²: f.g1 (-cay, -cday; -nici) 1. Rabid la'aan. 2. Is n.: quus iyo rajo la'aan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nac
nac¹: m.l Colaad uurka la isugu hayo; nacayb.
nac²: f.g1 (-cay, -cday; -nici) 1. Rabid la'aan. 2. Is n.: quus iyo rajo la'aan. m.f.dh, nicid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nac
m. n., [abstract] hate, hatred, hostility, aversion
nac v. hate, be hostile to; reject
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nac
-ay / day: (v) dislike (dis laayk); don't like. Ex: ma nacday? don't you like it?
nac -a: (n) dislike (dis laayk); aversion (aveershin); distaste (dis-teeys)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nac
(ereycodeed) lagu cabbiro ulaynta shawdh wax lagu uleeyo.
nac: (fal) karah oo ha jeclaan. Nac dadka xunxun Dh: sanif, necbaw. Li: jeclow.
nac-a: (magac, lab, keli) xumaan uurka cid loogu hayo. Naca cadowgu waa waajib.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
acab
(fal) dareere, biyo iyo wax la mid ah cab. Acab sharaabka laymuunta si aad hargabka uga hortagtid. Dh: cab.
acab -ka: (magac, lab, keli) qaadashada dareere, sida biyo wixii la mid ah. Dh: cabbitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adam
-ka: (magac, lab, keli) libaaxa kiisa lab. Maandhow urtaan mari sidii, adamadoonkiiye. Dh: aar, libaax. Wa: adamayaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alam
(ereycodeed) tilmaamaya liqista wax weyn iyo hungurixumo. Oo sida ardaal wax u cunee, alam ka siinaynin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aram
m.dh Diirdiir yar oo caleenta digirta cunta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aram
m.dh Diirdiir yar oo caleenta digirta cunta. arammi m.l/dh Xanuun ka dhasha nabar hore oo aan si dhab ah u biskoon; doog(ta).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
atam
m.l (-myo, m.dh) (fiisikis) Saxarka ugu yar ee curiye jiri kara kana qaybqaadan kara falgal kiimikaad. Waxa uu ka koobanyahay bu' iyo elektaroonno ku dul wareega. Bu'du waxa ay siddaa saldanab togane ah, elektaroonnaduna waxa ay sidaan saldanab tabane ah. Atamku danabneg ahaan waa dhexdhexaad. la-mid: atom.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
atam
m.l (-myo, m.dh) (fiisikis) Saxarka ugu yar ee curiye jiri kara kana qaybqaadan kara falgal kiimikaad. Waxa uu ka koobanyahay bu' iyo elektaroonno ku dul wareega. Bu'du waxa ay siddaa saldanab togane ah, elektaroonnaduna waxa ay sidaan saldanab tabane ah. Atamku danabneg ahaan waa dhexdhexaad. la-mid: atom.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Atam
Atom
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
atam
m. n. (adj.): atom; atomic
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
atam
-ka: (n) atom (a-tarn) ~ qurub
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
atam
-ka: (magac, lab, keli) curinta unug kasta oo uuman inta ugu yar; walxaha ugu yaryar ee uu maatarku ka dhisan yahay. Dh: iniq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
atam
de: atom; [atr.] atomic {Eng}
lx: atam
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: atam
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caam
m.l.kh C. ah: wax guud ahaaneed oo dad badan u dhexeeyo.