nacalladaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacalladaysan
(tilmaame) mid cadho Ilaahay qaba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacaladaysan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax nacalad ku dhacday ahaansho. 2. Wax aad loo ceebeeyay ahaansho. la-mid: lacanadeysan, lacnadeysan, nacalladeysan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

nacalladeysan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: nacaladeysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacalladaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wa cadho Ilaahay haleeshay ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacalladayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale nacladid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nacaladeysan
der. [adjective] rendered unclean, cursed; damned
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nacaladeysan
a: lacnadeysan, nacalladeysan
de: rendered unclean, cursed; damned
lx: nacaladeysan
pd: (nacaladeysnaa)
ps: adj-der
key: nacaladeysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacalladaysni
-da: (magac, dhedig, keli) cadh Rabbi qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacalladeysnaan
m.dh la-mid: nacaladeysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cilladaysan
der. [adjective] in difficulty, having problems
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cilladaysan
-cilladaysnaa / cilladaysnayd: (adj) malfunctioning (maal-funk-shen-ing)', not functioning; defective (di-fektiv) ~ cillaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilladaysan
(tilmaame) mid cillad leh; mid dhaliil qarsoon leh; mid kharriban.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cilladaysan
de: in difficulty, having problems
lx: cilladaysan
ps: adj-der
key: cilladaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galladaysan
Gallad qaba; ladan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galladaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax gallad la kulmay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
galladaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax gallad la kulmay ahaansho. m.f.dh, galladaysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galladaysan
der. [adjective] favored, rewarded, blessed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
galladaysan
-aa: (adj) blessed (baleesidh)-, fortunate; graced ~ nicmaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galladaysan
(tilmaame) mid gallad iyo nimcad qaba. Dh: ladan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galladaysan
de: favored, rewarded, blessed
lx: galladaysan
ps: adj-der
key: galladaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacalladeyn
m.dh la-mid: nacaladeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacaladeysnaan
m.f.dh eeg nacaladeysan. la-mid: lacanadeysnaan, lacanadeysnaansho, lacnadeysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ąaladeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Wax la qalabeeyay ahaansho. 2. Wax la qurxiyay ahaansho. 3. Wax la hubeeyay ahaansho (ciidan).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaladeysan
(tilmaame) mid qalab millateri iyo awood leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadadaysan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: cadcadaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacaladeyn
m.f.dh eeg nacaladee. la-mid: lacanadeyn, lacnadeyn, nacalladeyn, nacdaleyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaallaysan
(tilmaame) wax salguursan. Arrin qaallaysan qaadi ma furdaansho. Dh: salguursan.
qaallaysan: (tilmaame) mid arbushan. Annagoo qaallaysan ayuu na soo maray guddoomiyuhu.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadcadaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la cadcadeeyey ahaansho. la-mid: cadadaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaamaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) la-mid: calaamadaysan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calaamaysan
der. [adjective] marked, signed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
calaamaysan
-calaamaysnaa / nayd: (n) having a distinguishing mark; marked (maarkidh); noticeable (now-tii-se-bal) ~ calaamadaysan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calaamaysan
a: calaamadaysan
de: marked, signed
lx: calaamaysan
pd: (calaamaysnaa)
ps: adj-der
key: calaamaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilladaysad
-ka: (magac, lab, keli) dhaliil iyo cillad qarsoon yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galladaysad
m.l la-mid: galladaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galladaysad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, wanaag gashad. Dh: galladaysasho, galladaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laallaadsan
Meel sare suran; laallaada; lusha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laallaadsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax meel ka lalmada ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laallaadsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax meel ka lalmada ahaansho. m.f.dh, laallaadsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laallaadsan
der. [adjective] hanging, suspended
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laallaadsan
-aa: (adj) pendent (peendhant)-, suspended (sas peen-didh); hanging down
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laallaadsan
de: hanging, suspended
lx: laallaadsan
ps: adj-der
key: laallaadsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaanaysan
(tilmaame) wax dhandhan macaan leh ah; wax la macaaneeyey ah. Dh: sonkoraysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
najaasaysan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: nijaasaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wasladaysan
(tilmaame) waslado u jarjaran ah. Neefkii oo wasladaysan ayaa kol dheriga lagu riday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amaaradaysan
(tilmaame) calaamad lagu garto leh. Dh: calaamadaysan, summadaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lacanadeysan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: nacaladeysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lacanadeysan
(tilmaame) mid lacanad ku dhacday: nacladan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacdalleysan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: nacaladeysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqshadaysan
(tilmaame) wax xardhan oo midabaysan. Kacbadu si fiican ayey u naqshadaysan tahay.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qasacadaysan
-qasacadaysnaa: (adj) preserved and sealed in a can; canned (kaanidh). Ex: cuntada qasacadaysan; the canned food
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasacadaysan
(tilmaame) qasacad lagu cabeeyey ah. Tamaad qasacadaysan ayaa tukaanka buuxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaamadaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la calaamadeeyey ahaansho. la-mid: calaamadsan, calaamaysan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
calaamadaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la calaamadeeyey ahaansho. m.f.dh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calaamadaysan
der. [adjective] marked; signed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
calaamadaysan
-calaamadaysnaa / nayd: (adj) having a distinguishing mark; marked (maarkidh)'; noticeable (now-tii-se-bal) ~ calaamaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaamadaysan
(tilmaame) wax astaysan, wax sumadaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calaamadaysan
a: calaamaysan
de: marked; signed
lx: calaamadaysan
pd: (calaamadaysnaa)
ps: adj-der
key: calaamadaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xamaasadaysan
(tilmaame) xamaasadi hayso oo aad u kacsan ah. Dh: xamaasaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bastooladaysan
(tilmaame) qof ay bastoolad ku dhacday. Waraabe bastooladaysan baa bowdka noo galay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aaradeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax aarad loo yeelay ahaansho (maro, daah iyo wixi lamida).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaradeysan
(tilmaame) maro liid midabaysan cidhifkeeda lagu qurxiyay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaaraysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax abaari haleeshay ahaansho (dhul).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abaaraysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax abaari haleeshay ahaansho. Tusaale: Meeshaasi waa dhul abaaraysan. m.f.dh, abaaraysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaaraysan
(tilmaame) deegaan roob waayay oo oomane noqday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cararaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Weel wax la carariyey ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilladaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg cilladaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilladayso
(fal) qof ama qalab, kharriban; xumaw; caddilan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacaraysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Qof dacar haysa ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dacaraysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Qof dacar haysa ahaansho. m.f.dh, dacaraysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dacaraysan
der. [adjective] having a bitter taste; having an upset stomach
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacaraysan
(fal) wax qadhaadh oo dacar la mariyay. Naas dacaraysan cunug ma nuugo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dacaraysan
de: having a bitter taste; [ext.] having an upset stomach
lx: dacaraysan
pd: (dacaraysnaa)
ps: adj-der
key: dacaraysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalaraysan
(tilmaame) wax quruxsan oo dheehan ama jilaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dallaafsan
(tilmaame) qof darxumaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falakaysan
(tilmaame) qof la fuudhfuudheeyay ama figaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fayadaysan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax fay qaba ahaansho (xoolo ama dad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaallanaan
m.f.dh eeg gaallan. la-mid: gaallanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galladaysi
(Galladaysi-ga)
Galladaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galladaysi
m.l la-mid: galladaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galladaysi
-ga: (magac, lab, keli) cid kale, nimcad iyo wanaag siin. Dh: gallaysasho, galladaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galladayso
f.g/mg3 (-stay, -satay) 1. (f.g) Cid abaal u gelid si abaalgud looga helo. 2. (f.mg) Ku g.: cid nimco weyn siin (Eebbe).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
galladayso
f.g/mg3 (-stay, -satay) 1. (f.g) Cid abaal u gelid si abaalgud looga helo. 2. (f.mg) Ku g.: cid nimco weyn siin (Eebbe). m.f.dh, galladaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galladayso
v. reward, do a favor for someone (in order to get something in return)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galladayso
(fal) cid kale, wanaag gasho; abaal u dhigo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galladayso
de: reward, do a favor for s.o. (in order to get s.t. in return)
lx: galladayso
nt: galladaysasho (/da) [vn6-f], galladaysi (ga) [vn2a-m]
pd: (galladaystay)
ps: v3b=
key: galladayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halabaysan
(tilmaame) timo miiq miiq iskugu tidcan ama iskugu soohan. Dh: xamran, tidcan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halakaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax halako ku dhacday ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laalaadsan
(tilmaame) wax lusha oo meel sudhan. ah. Dh: laalaadsan, laadlaadsan, laalaada, lusha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laallaaban
laallaaban¹: f.mg1 (-bmay, -bantay) la-mid: laablaaban¹.
laallaaban²: f.mg4 (-bnaa, -bnayd) la-mid: laablaaban².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lacagaysan
(tilmaame) «ku ~» lacag ku qiimaysan.
lacagaysan: (tilmaame) alaab lacag loo rogay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lacanadayn
m.dh la-mid: nacaladeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaraaysan
(tilmaame) eeg maamulan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malaxaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax malax yeeshay ahaansho (nabar).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
malaxaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax malax yeeshay ahaansho (nabar). m.f.dh, malaxaysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
malaxaysan
der. [adjective] foul, filled with pus
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
malaxaysan
(adj) abscessed (ab'seesidh); formed with pus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaxaysan
(tilmaame) malaxi ku jirto ah; malax yeeshay ah. Nabar malaxaysan ha ka dhigin wax imika kugu dhacay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
malaxaysan
de: foul, filled with pus
lx: malaxaysan
pd: (malaxaysnaa)
ps: adj-der
key: malaxaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naaftaysan
(tilmaame) mid naafto laga buuxiyey. naaftee: (fal) naafto ku shub. Dh: naaftay.