nabdoonaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabdoonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) nabad iyo ammaan ku sugnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habboonaan
(Habboonaan-ta)
Si toosan ahaan; habbanaan; wanaagsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habboonaan
m.f.dh eeg habboon. la-mid: habbanaan, habbanaansho, habboonaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habboonaan
f. n., [abstract] suitability, appropriateness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habboonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) fiicnaanta iyo si wanaagsan ahaan; si habboon ahaan. Hablaha Soomaaliyeed habboonaanta waa lagu yaqaan. Dh: wacnaan, saxsanaan, fiicnaan. Li: qaaldanaan, qalloocsanaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habboonaan
de: suitability, appropriateness
lx: habboonaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: habboonaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadoonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) habboonaan wanaagsanaan. Maadoonaantu waa waxaan ku doortay. Dh: suubbanaan, fiicanaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xasillooni
-da: (n) stability (isti-bilati); peacefulness (piis-ful-nes); tranquillity (taraan-kuwilti); calmness (kaam-nes) ~ nabdoonaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabaddoonayn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg nabadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gandoobnaan
m.dh la-mid: gantoobnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gandoobnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) ahaanta wax gabdooban.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qandoodnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) si fooror ah u taagnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nabdoon
der. [adjective] well, peaceful, secure
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Nabdoon
name-f well, peaceful, secure
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nabdoon
de: well, peaceful, secure
lx: nabdoon
ps: adj-der
xe: Im fine.
xv: Waan nabdoonahay.
key: nabdoon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nabnaan
(Nabnaan-ta)
Wax meel ku dhegsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabnaan
m.f.dh eeg naban². la-mid: naabnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nabnaan
f. n., [abstract] state of being stuck on ~ fixed on
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax naban ahaan. Dh: naabnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nabnaan
a: nabnaansho (/ha) [vn6-m-st]
de: state of being stuck on ~ fixed on
lx: nabnaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: nabnaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabdooni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg nabdoonaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arkoonaan
m.f.dh eeg arkoon. la-mid: arkoonaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arkoonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid la arkay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ebyoonaan
(Ebyoonaan-ta)
Wax dhammaystiran ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ebyoonaan
m.dh la-mid: ebyanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ebyoonaan
f. n. completion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ebyoonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg ebyanaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ebyoonaan
de: completion
lx: ebyoonaan
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: ebyoonaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Madoobaan
(Madoobaan-ta)
Wax madow ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madoobaan
m.f.dh eeg madow². la-mid: madoobaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madoobaan
f. n., [abstract] blackness, darkness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
madoobaan
-ta: (n) darkness (dhaarknes); dimness (diimnes)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madoobaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax madow ahaan; mugdi ahaan; sida dhuxusha u ekaasho. Dh: madoobi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madoobaan
de: blackness, darkness
lx: madoobaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: madoobaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabranaan
m.f.dh eeg nabran. la-mid: nabranaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabranaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid nabar ku dhacay ahaan. Dh: nabranaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nadoocsan
La soo nadoociyey; la soo loodiyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nadoocsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la nadoociyay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nadoocsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la nadoociyay ahaansho. m.f.dh, nadoocsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nadoocsan
der. [adjective] bent, curved
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nadoocsan
(tilmaame) qalloocsan oo soo xoodan ah. Dhigtu way nadoocsan tahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nadoocsan
cf: loodsan
de: bent, curved
lx: nadoocsan
pd: (nadoocsanaa)
ps: adj-der
key: nadoocsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaboobaan
m.f.dh eeg qabow³. la-mid: qaboobaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaboobaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax ama meel aan diirranayn oo qabaw ah ahaan. Sharaabku qaboobaan ayuu ku macaan yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuddoonaan
(Cuddoonaan-ta)
Wax cuddoon ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuddoonaan
m.f.dh eeg cuddoon. la-mid: cuddoonaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cuddoonaan
f. n., [abstract] parallelness, evenness, equality
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuddoonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) habboonaan; wax cuddoon ahaan; toolmoonaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cuddoonaan
de: parallelness, evenness, equality
lx: cuddoonaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: cuddoonaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daboolnaan
m.f.dh eeg daboolan². la-mid: daboolnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dahsoonaan
(Dahsoonaan-ta)
Wax dahsoon ahaansho; muuqasho la'aan; qarsoonaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dahsoonaan
m.f.dh eeg dahsoon². la-mid: dahsoonaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dahsoonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax dahsoon oo aan indhaha dadka u muugan ahaan. Dh: qarsoonaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamboonaan
m.dh la-mid: gemboonaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamboonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax afka u rogan ahaan; genboonaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habboonayn
-ta: (magac, dhedig keli) si habboon ka dhigid; wanaajin. Dh: habboonays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habdarnaan
m.f.dh eeg habdaran. la-mid: habdarnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kalsoonaan
(Kalsoonaan-ta)
Qalbi wanaagsanaan; laabqaboobaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalsoonaan
m.f.dh eeg kalsoon. la-mid: kalsoonaansho, kalsooni.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalsoonaan
f. n., [abstract] confidence, trust
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kalsoonaan
-ta: (n) trustworthiness (tarastweerthinest); reliance (rilaayansi); confidence
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalsoonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) shaki la'aan iyo ku iimaanqabista naftaada iyo dadkaaga. Dh: xasiloonaan. Li: shikisanaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalsoonaan
a: kalsami, kalsooni
de: confidence, trust
lx: kalsoonaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: kalsoonaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qarsoonaan
(Qarsoonaan-ta)
Wax qarsoon ahaan; xasaysnaan; dahsoonaan,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarsoonaan
m.f.dh eeg qarsoon². la-mid: qarsoonaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qarsoonaan
f. n., [abstract] secrecy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarsoonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qarsoon con la arkayn ahaan. Sirtu qarsoonaan ayay ku fiican tahay. Dh: xasaysnaan, dahsoonaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qarsoonaan
de: secrecy
lx: qarsoonaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: qarsoonaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sadroonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) hanti badnaan, ka saami roonaan, dadka wax dheer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warroonaan
m.f.dh eeg warroon. la-mid: warroonaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warroonaan
-ta: (magac, dhedig. keli) si wanaagsan oo la hubo uga warhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asaabboonaan
m.f.dh eeg asaabboon. la-mid: asaabboonaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaabboonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof aan gefaf lahayn oo daacad ah noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nadoocsanaan
m.f.dh eeg nadocsan. la-mid: nadoocsanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nadoocsanaan
f. n., [abstract] bentness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nadoocsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) galloocsanaan; soo godnaan. Qaansada waa loogu talagalay nadoocsanaanta. Dh: nadoocsani,
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nadoocsanaan
de: bentness
lx: nadoocsanaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: nadoocsanaan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daahsoonaan
f. n., [abstract] obscurity, hiddenness
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daahsoonaan
de: obscurity, hiddenness
lx: daahsoonaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: daahsoonaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gantoobnaan
m.f.dh eeg gantooban. la-mid: gandoobnaan, gandoobnaansho, gantoobnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gantoobnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax lasoo gaabshay oo aan dhammaystirnayn ahaan. gantoobnaansho -ha: (magac, lab, keli) wax lasoo gaabshay oo aan dhammaystirnayn ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlloonaan
m.dh la-mid: hawllanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawlloonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid mashquulsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawshoonaan
m.dh la-mid: hawllanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khasboonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) ikhtiyaar la'aan, aan xorriyad la haynin. Dh: qasboonaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabraysnaan
m.dh la-mid: nabarraysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabraysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax nabar ku dhacay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
okobboonaan
m.dh la-mid: okobbanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
okobboonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) oggolaan, diidmo la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaabdarnaan
m.f.dh eeg qaabdaran. la-mid: qaabdarnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaabdarnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) foolxumaan; hannaandaran.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qaabdoorsan
Deformation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaabdoorsan
-ka: (magac, lab, keli) isbeddelka duleed ee walxaha ku dhaca kolkay cimri dheer jiraan. Cimiladu qaab doorsan ayay u keentaa muuqaalka buuraha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalloocnaan
m.f.dh eeg qalloocan. la-mid: qalloocnaansho, qalloocsanaan, qalloocsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalloocnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax dhan u maroora ahaan. Dhigta qalloocnaanta waa loogu talagalay. Dh: qalloocsanaan. Li: toosnaan.
qalloocnaan -ta: (magac, dhedig, keli) dabeecad xumaan; qof maroor ah ahaan. Qalloocnaanta waa la isku nacaa. Dh: qallafsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saalloonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) sax ahaan, aan wax dhib ah qabin. Saalloonaan baan kaga imi ee dabaday baa la helay. Dh: fayoobaan, qummanaansho, hagaagsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taaloognaan
m.f.dh eeg taaloogan. la-mid: taaloognaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toobboonaan
m.f.dh eeg toobboon. la-mid: toobboonaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toobboonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wanaagsanaan; habboonaan. Dh: gudboonaan, toolmoonaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaqsoornaan
m.f.dh eeg xaqsooran. la-mid: xaqsoornaansho.