nabarrayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabarrayn
m.f.dh eeg nabarree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabarrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhawacyo badan gaadhsiin. Dh: qoonqoomid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabarraysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax nabar ku dhacay ahaansho. la-mid: nabaraysan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nabarraysan
der. [adjective] covered with wounds; wounded many times
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabarraysan
(tilmaame) wax nabar ku dhacay ahaansho. Dh: nabaraysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nabarraysan
de: covered with wounds; wounded many times
lx: nabarraysan
pd: (nabarraysnaa)
ps: adj-der
key: nabarraysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barbarrayn
m.f.dh eeg barbarree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbarrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) barbarro noqosho; kalama'adkaan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaarayn
(Abaarayn-ta)
Abaar ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaarayn
m.f.dh eeg abaaree. la-mid: abaaraysiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhul iyo deegaan barwaaqo ahaa, xaalufin ama abaar ku ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabarray
m.dh Nooc shinbiraha ka mid ah oo aan duulimaad badneyn, abuurka beertana la baxda. Midab bey ah leh oo hilibkeeda la cuno. la-mid: barakadley.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kabarray
m.dh Nooc shinbiraha ka mid ah oo aan duulimaad badneyn, abuurka beertana la baxda. Midab bey ah leh oo hilibkeeda la cuno; barakadley.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nabadayn
(Nabadayn-ta)
Nabad ka dhigid, ka dhexridid; nabadsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabadayn
nabadayn¹: e.d Nabadgeliyo.
nabadayn²: m.f.dh eeg nabadee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nabadayn
e.d Nabadgeliyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) heshiis ka dhex ridid; nabad ka dhigid. Nabadaynta colaaddu waa Diin iyo dadnimo. Dh: heshiisiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabaraan
m.l (-nno, m.l) Libaax badeed madow oo halis ah. la-mid: neberoon.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nabaraan
m. n., [collective] large black shark species, that is very dangerous
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabaraan
-ta: (magac, dhedig, keli) jaad libaaxbadeedka ka mid ah oo aad u weyn oo madaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nabaraan
a: neberoon
de: large black shark sp., that is very dangerous
lx: nabaraan
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: nabaraan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabarayn
-ka: (magac, lab, keli) markab dagaal oo badda quusa. Dh: gujis, samarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yabarayn
m.f.dh eeg yabaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yabarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) (ka ~) wadaaddo qaba wax u qabasho; ka cuudin. Yabarayntu waa dhagane Diin ma aha. Dh: yabarays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nambarayn
m.dh la-mid: lambarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nambarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) mid walba nambar u gaar ah ku dhejin. Dh: lambarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbarrays
-ka: (magac, lab, keli) eeg barbarrayn. barbarraysii: (fal) labo dhinac oo tartamaya, kalama'adkaan ka dhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cambaarayn
m.f.dh eeg cambaaree.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cambaarayn
-ta (n) condemnation (kon-dem-ney-shin) denouncement (di-nown-siment) ~ dhaleecayn, canbaarayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cambaarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cambaar ku ridis; cambaar qabadsiin.
cambaarayn-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale dhaleecayn. Dh: eedayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Canbaarayn
(Canbaarayn-ta)
1. Canbaar u yeelid.
2. Dhaleecayn; ceebayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
canbaarayn
-ta: (n) condemnation (kon-dem-neyshin)-, denouncement (di-nown-simenf) ~ dhaleecayn
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Canbaarayn
Accusare
To accuse
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canbaarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhaleecayn; dhalliil iyo cambaar u jeedin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dacdarrayn
(Dacdarrayn-ta)
Rafaad ka yimid hagar iyo isku ladid ku jirrabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacdarrayn
m.f.dh eeg dacdarree.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dacdarrayn
-ta: (n) lack of caring; neglect (nig-lekf); mistreatment (mistiriitment)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacdarrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax aad gacanta ku hayso daryeella'aan kula kicid. Dh: rafaadin, dhibaatayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dandarrayn
m.f.dh eeg dandarree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dandarrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hanti uu lahaa baabi'id; qof bartiisu yaraatay ahaan. Dh: danyaraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habaarraan
(Habaarraan-ta)
Wax habaaran ahaan; (ama habaarnaan).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habaarraan
f. n., [abstract] state of being cursed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaarraan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof la habaaray ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habaarraan
de: state of being cursed
lx: habaarraan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: habaarraan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarqarrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qarba dhan u xidhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabaradayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sabarad ku garaacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nabran
Nabar ku yaal; nabar lagu dhuftay, la gaarsiiyey; dhaawacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabran
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax nabar ku dhacay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nabran
der. [adjective] wounded
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabran
(fal) wax nabar ku dhacay ahaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nabran
de: wounded
lx: nabran
pd: (nabranaa)
ps: adj-der
see: nabar
key: nabran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afarran
(Afarran-ka)
Saddex kale oo badanaa la dhalay weheliso oo afar ku tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afarran
afarran¹: m.l Nalfey wax dhashay iyo saddexdeeda ilmood oo wadajira.
afarran²: f.mg4 (-naa, -nayd) Wax tiradoodu afar gaartay ahaansho; afar ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afarran
m. n. quartet, any group of four persons ~ events
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afarran
(tilmaame) qof ama neef saddex kale weheliso; qof ama neef wata saddex ilmihiisa ah.
afarran -ka: (magac, lab, keli) saddex cunug oo ay hooyadood weheliso; saddex ilmood oo hooyadood afar ku tahay. Sac afarran baan leenahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afarran
de: quartet, any group of four persons ~ events
lx: afarran
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: afarran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ararayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hadal la odhan doono, arar ka hormarsasho. Dh: ararad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) baar ka dhigid; ka dhigidda wax sare oo wacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baarran
(Baarran-ka)
1. Hadal.
2. Afeef, ballan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baarran
baarran¹: m.l (-ammo/-anno, m.dh) 1. Dhawaaq afka ka soo baxa firkad gaar ah lagu cabbirayo; hadal; afeef. 2. la-mid: baarramid.
baarran²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) La b.: cid hadal la yeelasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baarran
baarran¹: m.l (-ammo/-anno, m.dh) Dhawaaq afka ka soo baxa firkad gaar ah lagu cabbirayo; hadal; afeef.
baarran²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) La b.: cid hadal la yeelasho. m.f.dh, baarramid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baarran
m. n. conversation, talk, speech
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarran
-ka: (magac, lab, keli) hadal caadi ah ku sheekaysi. Si fiican baa xalay loo baarramay.
baarran: -ka: (magac, lab, keli) hadal sii teelladhigasho ah. Dh: afeef, shardi, ballan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baarran
bw: afeef, ballan
de: conversation, talk, speech
lx: baarran
pd: (-ka)
ps: n2c-m
syn: hadal
key: baarran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barjayn
m.f.dh eeg barjee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barjayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cunitaan qaadka; barjo cunid. Dh: qayilaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caarran
Firfircoonaan iyo himmo ka buuxdo; hor leh oo aan daal hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caarran
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dardartiisii qaba ahaansho; firfircoonaan iyo himmo ka buuxdo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caarran
der. [adjective] active, vigorous
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caarran
(tilmaame) qof aad u firfircoon; qof himmo ka buuxdo oo aan daal lahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caarran
de: active, vigorous
lx: caarran
pd: (caarranaa)
ps: adj-der
key: caarran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carrayn
(Carrayn-ta)
Carro ku shubid; ciideyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carrayn
m.f.dh eeg carree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ciid ku shubid; ciideyn; carrays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daarran
(tilmaame) astaan ah nuxurka ay hadal ujeedadiisu tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabrayn
(Dabrayn-ta)
Weerar dabro ah dib u celin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabrayn
m.f.dh eeg dabree.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabrayn
vl. n. state of being ambushed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) weerar aan tudhaad lahay ku qaadis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabrayn
de: state of being ambushed
lx: dabrayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: dabrayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haarayn
(Haarayn-ta)
Haar u yeelid, ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haarayn
m.f.dh eeg haaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) haar iyo nabar ku dhufasho; haar gaadhsiin. Edbi gabadha laakiin haaraynta ka ilaali. Dh: qoomid, dakhrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaarayn
-ta: (magac, dhedig, kali) si beelaha la isugu geeyo oo ay ku wada degaan. Dh: ollogeyn. Li: fogeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jarrayn
(Jarrayn-ta)
Wax ka filasho; cuquulayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarrayn
m.f.dh eeg jarree. la-mid: jarraysimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) marti subax hore in yar oo martisoor ah siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaarran
(qandho, caro, ...) wax gubayaan; cartamaya; kulul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaarran
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof cartamay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaarran
der. [adjective] hot; painful
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaarran
(tilmaame) qof xanaaqsan; qof cartamaaya oo kulul.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaarran
de: hot; painful
lx: kaarran
ps: adj-der
key: kaarran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maarayn
(Maarayn-ta)
1. Maaro u helid; arrin ama wax kale, wax ka qabasho, hagaajin.
2. Maar ka dhigid.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Maarayn
Direzione
Management
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) maamulid. Dh: idaarayn.
maarayn-ta: (magac, dhedig, keli) daxal u yeelid; wax midhidhsan ka dhigix. Maaraynta ka ilaali weelasha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naafayn
(Naafayn-ta)
Naafo ka dhigid; dhaawicid; curyaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naafayn
m.f.dh eeg naafee. la-mid: naafid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naafayn
-ta: (n) the act of disabling (dis eey baling); crippling or laming; mutilation (miyuu taley-shin); maiming (meeyming) curyaamin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naafayn
-ta: (magac, dhedig, keli) curyaamin iyo heerid. Naafayntu waa dil laga badbaaday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naagayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sida naagaha usheekayn oo naagnaag iska dhigid.
naagayn -ta: (magac, dhedig, keli) gabadh guursasho oo naag la qabo ka dhigid. Dh: reerayn.