nabarkul
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nabarkul
m.l (-ro-kulul, m.dh) (daaw.) Awood darro iyo joog ka dhicid ay keeneen hoos udhac cadaadiska dhiigga iyo tirada dhiiggaba. Waxaana u sabab ah biyo badan iyo cusbooyin oo jirka ka baxa kul aad u badan oo dheeraada ama aan loo baran awgiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabarkul
-ka: (magac, lab, keli) awooddarro iyo joog ka dhicid ay keenaan hoos'udhac ku yimaadda cadaadiska dhiigga iyo tirada dhiiggaba. Waxaana u sabab ah biyo badan iyo cusbooyin oo jirka ka baxa kul aad u badan oo dheeraada ama aan loo baran awgiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabar-kul
m.l (-ro-kulul, m.dh) (daawo) Awood darro iyo joog ka dhicid ay keeneen hoos udhac cadaadiska dhiigga iyo tirada dhiiggaba. Waxaana u sabab ah biyo badan iyo cusbooyin oo jirka ka baxa kul aad u badan oo dheeraada ama aan loo baran awgiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabardul
-ka: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah doogga oo dhaadheer, aqal soomaaligana lagu sameeyo xooluhuna cunaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nabar
(Nabar-ka)
1. Haragga oogada oo dillaaca, sooha ama lafahana wax gaaraan; dhaawac; dhibbaan; daqar; qoon.
2. Wax wax xoog loo saaray ama loogu dhuftay, raadka ay ku reebaan; jug.
3. Kol; mar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabar
nabar¹: m.l (-bro, m.l/-rro, m.dh) 1. Dillaac haragga ama jidhka gaadha dhaawac ku dhacay awgeed; qoon. 2. Raad uu qofka ku reebo dhaawac bogsaday. 3. Kol; mar. 4. Ooddin; aydin; qabatin.
nabar²: f.g1 (-bray, -bartay; -bri) Cid jug, dhaawaq iyo wixi lamida gaarsiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nabar
nabar¹: m.l (-bro, m.l/-rro, m.dh) 1. Dillaac haragga ama jidhka gaadha dhaawac ku dhacay awgeed; qoon. 2. Raad uu qofka ku reebo dhaawac bogsaday. 3. Kol; mar. 4. Ooddin; aydin; qabatin.
nabar²: f.g1 (-bray, -bartay; -bri) Cid jug, dhaawaq iyo wixi lamida. gaarsiin. m.f.dh, nabrid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nabar
m. n. wound, injury; pain; infection, boil, abscess, sore
nabar v. wound, injure
nabar m. n. time, occasion
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nabar
-ka: (n) 1. injure (in jar); wound (wuundhi); bruise (buruuz); scar (iskaar) ~ dhaawac, haar. 2. pain (peeyn); physical pain ~ xannuun
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Nabar
Lesione
Injury
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabar
-ka: (magac, lab, keli) dhaawac oogo jih k yaal. Geel nabar uun ogayn buu ka gagaba Dh: nabur, dhibbaan, qoon, jug.
nabar-ka: (magac, lab, keli) xilli kooban, in cabbaar ah. In nabar ah ayaan ku sugayey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nabar
de: blow that makes a person regain his courage and confidence
lx: nabar
pd: (/da)
ps: n0-f-cmp
key: nabar
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
nabar
جُرْحٍ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabaal
m.l Isku dar kiimikaad oo laga sameeyo bombo wax gubta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nabaal
m.l Isku dar kiimikaad oo laga sameeyo bombo wax gubta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabaal
-ka: (magac, lab, keli) isku dar kiimikaad oo laga sameeyo bombo wax gubta. Dh: naabaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taakul
f.g1 (-ulay, -ushay) Cid kaalmo siin. la-mid: taakulee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
taakul
f.g1 (-ulay, -ushay) Cid kaalmo siin. m.f.dh, taakulid. la-mid: taakulee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaabul
abaabul¹: m.l la-mid: abaabulid.
abaabul²: f.g1 (-ulay, -ushay) Si hannaan ama qaab habeysan leh dad u hawlgelin, arrin isku duwid, qabanqaabin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abaabul
v. prepare, organize, arrange
abaabul vl. n. organization, coordination
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abaabul
-ka: (n) 1. organization (oorgenizeeyshin). 2 -abaabulka: (adj) organizational. Ex: guddiga abaabulka; organizational committee. 3. —abaabul -ay /
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Abaabul
Organizzazione
Organization
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaabul
(fal) qabanqaabi oo dad iyo duunyo ba u raadi ujeeddo iyo yool xaddidan. Abaabul xaafadda si bilicda nadaafadda loo ilaaliyo.
abaabul -ka: (magac, lab, keli) qabanqaabada iyo ururinta dad iyo duunyo lagu fulinayo qorshe ujeeddooyin leh. Abaabulkii doorashooyinka ayaa bilaabmay. Dh: qabanqaabo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nabar_1
cf: dhaawac, fajaas, qoon
de: wound, injury; pain; infection, boil, abscess, sore
hm: 1
lx: nabar
pd: (-ka Pl: nabro (/ha))
ps: n3-m, n2-m
key: nabar_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nabar_2
de: wound, injure
hm: 2
lx: nabar
pd: (nabray)
ps: v1=tr
key: nabar_2
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nabar_3
cf: kol, mar
de: time, occasion
hm: 3
lx: nabar
pd: (-ka)
ps: n2-m-time
key: nabar_3
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tabaruc
-a: (n) contribution (kon-tara-biyuu-shin); donation (doo-neey-shin); grant (garaant); pledge (pa-leej); bestowal (bis-toowal); alms-giving ~ deeq.
ku tabaruc -ay / day: (v) donate (doo-neeyt); contribute (kon-tarabiyuut); subscribe (sabis-kareeyb); pledge (pa-leej); give to charity
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labaclul
(Labaclul-ka)
Laballaabow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labaclul
m.l 1. Ruxashada xulusta iyo naasaha. 2. Neef xoolo ah oo sid dhaweeyey oo candho keenay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
labaclul
m. n. hesitation, indecision
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labaclul
-ka: (magac, lab, keli) ruxashada xaluska iyo naasaha.
labaclul -ka: (magac, lab, keli) neef xoolo ah oo sid dhaweeyey oo candho keenay.
labaclul -ka: (magac, lab, keli) walaac iyo werwer qofka gala oo go'aanka uu qaadanayo kolba shiki ka geliya. Dh: labaclulan, labalaabow, salkakac, laablakac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
labaclul
cf: laballaabow
de: hesitation, indecision
lx: labaclul
pd: (-ka)
ps: n-m
key: labaclul
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nabadgal
(Nabadgal-ka)
Nabadgelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabadgal
nabadgal¹: m.l Badbaado.
nabadgal²: f.mg1 (-alay, -ashay; -geli) Waxyeello ka badbaadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nabadgal
f.mg1 (-alay, -ashay; -geli) waxyeello ka badbaadid. m.f.dh, nabadgelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nabadgal
v., [compound] be safe ~ secure, attain peace, reach safety
nabadgal: vl. n., [compound] security, attainment of peace ~ safety
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabadgal
(fal) dhib iyo xumaan ka badbaad. Inankaan dhaloow nabadgal. Dh: badbaad.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Nabar-ka
blessure.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabaraan
m.l (-nno, m.l) Libaax badeed madow oo halis ah. la-mid: neberoon.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nabaraan
m. n., [collective] large black shark species, that is very dangerous
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabaraan
-ta: (magac, dhedig, keli) jaad libaaxbadeedka ka mid ah oo aad u weyn oo madaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nabaraan
a: neberoon
de: large black shark sp., that is very dangerous
lx: nabaraan
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: nabaraan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabarree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Wax nabarro gaarsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nabarree
v. wound, injure; cover someone with wounds
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabarree
(fal) cid kale, nabarro gaadhsil.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nabarree
de: wound, injure; cover s.o. with wounds (e.g., wound many times)
lx: nabarree
pd: (nabarreeyey)
ps: v2b=tr
key: nabarree
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
namaruug
-ga: (magac, lab, keli) jaad geedgaabla ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tabargal
(Tabargal-ka)
Tabaraysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabargal
tabargal¹: m.l la-mid: tabargelid.
tabargal²: f.mg1 (-alay, -ashay; -geli) Qof ciidamin kara noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tabargal
f.mg1 (-alay, -ashay; -geli) Qof ciidamin kara noqosho. m.f.dh, tabargelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tabargal
v., [compound] get strong; become self-sufficient ~ independent
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabargal
-ka: (magac, lab, keli) qof iyo wixii la mid ah oo gaadhay xilligii hawsha reerka la qaban lahaa ee baylahda badhkii xilku ka saarraa loo igman karo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tabargal
de: get strong; [fig.] become self-sufficient ~ independent (as when a man grows up and can support himself)
initial: t
lx: tabargal
nt: tabargal (ka) [vn-m]
pd: (tabargalay)
ps: v1=cmp
key: tabargal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabarruc
tabarruc¹: m.l Ururin lacag iyo wixi lamida oo cid lagu kaalmaynayo.
tabarruc²: f.mg1 (-cay, -cday) Ku t: cid wax ku deeqid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tabarruc
tabarruc¹: m.l Ururin lacag iyo wixi lamida oo cid lagu kaalmaynayo.
tabarruc²: f.mg1 (-cay, -cday) Ku t: cid wax ku deeqid. m.f.dh, tabarrucid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tabarruc
m. n. contribution (of money, etc.)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabarruc
(fal) cid kale u kaalmee; deeq la bax. Dh: taakulee, kaalmee.
tabarruc -a: (magac, lab, keli) kaalmo loogu deeqo dad tabaalaysan. Dh: taakulo, deeq, kaalmo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tabarruc
bw: Arabic
de: contribution (of money, etc.)
initial: t
lx: tabarruc
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: tabarruc
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cambaruud
m.l Miro jilcan, midabkoodu cas yahay oo aad u macaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cambaruud
m.l Miro jilcan, midabkoodu cas yahay oo aad u macaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cambaruud
m. n. pear
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cambaruud
-da: (n) the fruit of the pear tree; pear (peer)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cambaruud
-ka: (magac, lab, keli) midho inta horena u buuran, gadaalna u yaryar oo dhadhan macaan oo jilicsan leh markii la cuno. Dh: canbaruud.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cambaruud
de: pear
lx: cambaruud
pd: (-ka ~ -da)
ps: n2a-m/f
key: cambaruud
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
cambaruud
كُمثرى، إنجاص، إجاص
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Canbaruud
(Canbaruud-ka)
Miro la cuno.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
canbaruud
m. n. pear
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
canbaruud
-da: (n) pear (peer)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canbaruud
-ka: (magac, lab, keli) jaad khudaarta ka mid ah oo cad jilicsan leh, lafna aan lahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
canbaruud
de: pear
lx: canbaruud
pd: (-ka)
ps: n2-m-enum
key: canbaruud
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabargaal
-ka: (magac, lab, keli) deymo halhaleel ah ku eegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabadgeli
f.g2 (-iyay, -isay) Waxyeello ka badbaadin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nabadgeli
f.g2 (-iyay, -isay) Waxyeello ka badbaadin. m.f.dh, nabadgelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nabadgeli
v., [compound] save, bring to safety, safeguard, preserve, leave in peace
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nabadgeli
-yey / say: (v) leave alone; don't disturb or interfer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabadgeli
(fal) dhibaato ha u gaysan oo ammaan sii. Dh: badbaadi, samatabixi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nabadgeli
de: save, bring to safety, safeguard, preserve, leave in peace
lx: nabadgeli
pd: (nabadgeliyey)
ps: v2a=cmp
key: nabadgeli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabarrayn
m.f.dh eeg nabarree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabarrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhawacyo badan gaadhsiin. Dh: qoonqoomid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nambarayn
m.dh la-mid: lambarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nambarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) mid walba nambar u gaar ah ku dhejin. Dh: lambarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nambarsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: lambarsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nambarsan
(tilmaame) mid lambar lagu garto lo yeelay ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qambaruur
m.l 1. Tiiraanyo ka muuqata qof ooyaaya. 2. la-mid: qambaruursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qambaruur
-ka: (magac, lab, keli) oohinta aanu qofku codkiisa kor u qaadin ama aanay qaylo wehelin oo hoos loo quuxo. Dh: yaayuul qambaruursan: (tilmaame) mid hoos u ooyaya ah. Dh: yaayuulsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabaabulo
m.dh la-mid: tabaabulayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaabulo
-da: (magac, dhedig, keli) tabaabusho; agaasin; tabaabulyo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tabarruce
m. n. contributor; volunteer
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tabarruce
bw: Arabic
de: contributor; volunteer
initial: t
lx: tabarruce
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: tabarruce
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wabaxguul
m.l W. ah: xoolo wabax ah oo baryey xeradoodii meel aan ahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wabaxguul
-ka: (magac, lab, keli) xoolo soo cabbay aanse reerkii gaadhine dhexda ku sii dhaxay.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
YABAREYLE
(Yabareil) C Dirachma somalensis Gillett Geraniaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaylkulul
-ta: (magac, dhedig, keli) dabayl diiran oo qallalan oo ka dhacda dhinaca buurta ee duggaalka ah, waxaana aad loogu yagaan waadiga buurta Albasta woqooyi, halkaas oo uu magacu ka soo askunmay.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HABAR-KUFIS
(Habrkufis) N Cynodon dactylon (L) Pers. Gramineae.
May Sporobolus helvolus (Trin) Th. Dur & Schinz. Gramineae.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Laba kulmis
Bifocal