nabadis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabadis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg nabadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naadis
-ka: (magac, lab, keli) yeedhmo lagu raadinayo wax maqan ama wax la helay lagu sheegayo. Dh: baafin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabadi
(fal) u teg oo nabadqabkooda ka warhel Kac reerka walaalkaa soo nabadi. Dh: bariidi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabadin
-ta: (magac, dhedig, keli) salaan iyo nabad ula tegid. Hooyo nabadin ayaan innii soo maray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nabdaadis
(Nabdaadis-ka)
Nabdaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabdaadis
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, nabadda ka qaadis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabaadis
-ka: (magac, lab, keli) eeg cabaadin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabadiis
n. phr., loc. after, behind (him)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabadiis
de: after, behind (him) with a masculine noun
lx: dabadiis
ps: np-loc
xe: dabo
xv: dabadeed
key: dabadiis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
idabadis
-ta: (magac, dhedig, keli) xasharaad fuqa ayaxa oo kale leh oo lugo dhaadheer iyo laba baal leh, dadkana aan dhibin oo inta badan midab cagaaran Jeh. Dh: mocooyolugdheer, ayeeyolugdheer, abooto'idabbadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabadsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Laba qof ama laba qolo oo dagaallamay heshiisiin; nabadayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nabadsii
v.caus: pacify, make peace, give peace to, make safe ~ secure
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabadsii
(fal) labo qof ama labo qolo oo dagaalamay heshiisii oo nabadee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nabadsii
de: pacify, make peace, give peace to, make safe ~ secure
lx: nabadsii
pd: (nabadsiiyey)
ps: v2a=caus
key: nabadsii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabadiis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qaabadsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaadis
-ka: (magac, lab, keli) neef dhedig oo xilliguu rimi lahaa dhaafay ama rimi waayey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aadis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg aadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badis
m.l la-mid: badiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg badin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naadi
(Naadi-ga)
1. Bulsho ama dad kale oo kooban oo dani ka dhexayso oo hadba kulma; urur.
2. Aqalka ama meesha ururradaasi isugu yimaadaan ama ku shiraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naadi
naadi¹: m.l (-iyo/-iyaal, m.l/dh) 1. Rug dad isku dan ahi ku kulmaan. 2. Dad isugu tegay arrimo siyaaso, jinsiyad, ama bulsho.
naadi²: f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax la rabo in dad badan la ogeysiiyo ku dhawaaqid. 2. Wax la rabo in la iibiyo qiimihiisa ku dhawaaqid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naadi
naadi¹: m.l (-iyo/-iyaal, m.l/dh) 1. Rug dad isku dan ahi ku kulmaan. 2. Dad isugu tegay arrimo siyaaso, jinsiyad, ama bulsho.
naadi²: f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax la rabo in dad badan la ogeysiiyo ku dhawaaqid. 2. Wax la rabo in la iibiyo qiimihiisa ku dhawaaqid. m.f.dh, naadin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naadi
m. n. club, league, association; club house
naadi: v. announ ~ cry out about one's wares
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naadi
-yey /say: (v) 1. announce (a nawnsi) by calling upon; give notice; notify (nooti faay). 2. sell by auction ~ xaraash
naadi: -ga: (n) private social or sport club (kalaabj, community club; party (paarti). Ex: Naadiga Wagad; Weged Club
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naadi
(fal) baadi aad heshay dadka ugu dhawaaq. Naadi inaad hayso xoolo baadiya.
naadi-ga: (magac, lab, keli) goob ama dhisme ay ku kulmaan dad leh dan iyo ujeeddo isku mida. Gurigayagu wuxuu u dhowyahay naadiga dhallinyarada. Dh: xarun.
naadi-ga: (magac, lab, keli) urur ka dhexeeya dad isku mihno ah. Naadiga saraakiisha iyo naadiga macallimiinta yaa wada ciyaaray.
naadi -ga: (magac, lab, keli) koox ku midawday ciyaar ka mid ah ciyaaraha caanka ah. Naadiga tenesku wuxu casuumay naadiga buulka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nabad
(Nabad-da)
1. Colaad iyo dagaal la'aan.
2. Xumaan iyo dhibaato iyo cabsi la'aan.
3. Degganaan; xasilloonaan.
4. Ladnaan; fiicnaan.
5. Salaan; Nabaaddiino; nabadgelyo; badbaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabad
nabad¹: m.dh 1. Waxyeello iyo colaad la'aan. 2. Caafimaad iyo ladnaan.
nabad²: f.mg1 (-bday, -badday; -bdi) La n.: Qof, qof kale oo ay colaadi dhex tiillay la heshiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nabad
nabad¹: m.dh 1. Waxyeello iyo colaad la'aan. 2. Caafimaad iyo ladnaan.
nabad²: f.mg1 (-bday, -badday; -bdi) La n.: Qof, qof kale oo ay colaadi dhex tiillay la heshiin. m.f.dh, nabdid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nabad
f. n. peace, tranquility, security, well being; hello! [greeting.]
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nabad
-da: (n) 1. peace (piiz); security (sikuuriti); safety (seeyfti); concord (kankoordh) ~ xasillooni. 2. (adj) fine (faayn); good (guudh). Ex: iska waran? nabad!; how are you? Fine!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabad
(fal) «la ~ cid kale, nabad la noqo oo la heshii.
nabad: (duco) eray salaan ah oo la is yiraaho marka lays bariidinayo oo ujeeddadiisu tahay 'nabad baan kuu rajaynayaa'. Awoowo nabad ku dheh.
nabad -da: (magac, dhedig, keli) colaad iyo cabsi la'aan. Waa in la ilaaliyaa nabadda. Dh: badbaado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nabad
de: peace, tranquility, security, well being; hello! [greeting]
lx: nabad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: nabad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nabas
(Nabas-ta)
Maryaha dumarka oo la garraarsado, laabkooda hore oo caloosha ku abbaaran; gol.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabas
m.dh 1. Meesha u dhexeysa jidhka iyo marada dumarku garraarsadaan ee ku abbaaran caloosha. 2. Timaha ka baxa gumaarka dadka; bisqan. la-mid: namas.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nabas
f. n. pocket part of traditional woman's body-cloth
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nabas
-ta: (n) woman's chest
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabas
-ta: (magac, dhedig, keli) marada haweenku xidhaan ee ah saddexqayda qaybteeda dhexda ay ka soo laabaan inta ka hoosaysa eo shushubka leh Saddexgayddan nabasteedu si habsan bay u soo baxdaa. Dh: xanjeer, xanjaad.
nabas -ta: (magac, dhedig, keli) timaha saaran kubinta taranka ee dumarka. Nabasku waxay dabooshaa xubinta taranka. Dh: bisqin, shicirad, bisqan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nabas
a: namas
de: pocket part of traditional woman's body-cloth (covering the belly and in which items are carried)
lx: nabas
pd: (-ta)
ps: n2a-f
key: nabas
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabdi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Dad colaadi dhextaal heshiisiin. 2. Cid salaamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nabdi
v. pacify, appease, soothe; greet ~ salute someone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabdi
(fal) dad colaadi dhextaal, heshiisii.
nabdi: (fal cid kale, salaamid.
nabdi: -ga: (magac, lab, keli) uurka iyo qalbiga.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nabdi
de: pacify, appease, soothe; greet ~ salute s.o.
lx: nabdi
pd: (nabdiyey)
ps: v2a=tr
key: nabdi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ababis
m.l la-mid: ababid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ababis
-ka: (magac, lab, keli) canug ama neef yar, sida wax loo cuno baris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadis
-ta: (magac, dhedig, keli) kala maqnaanshaha muddo dheer. Anna baadistaadaa, boholyow i gelisoo, naftaa kuu ba'aysee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daadis
m.l la-mid: daadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daadis
-ka: (magac, lab, keli) eeg daadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faadis
-ta: (magac, dhedig, keli) rogidda maro ama daah. Dh: faadid.
faadis-ta: (magac, dhedig, keli) hurdo daal keenay la gam'id; hurdo aan waxba lala dareemin gam'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaadis
(Gaadis-ta)
Gaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadis
m.l la-mid: gaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaadis
vl. n. ambushing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaadis
-ta: (n) the act of ambushing; ambush (aam buush); waylaying (weey leeying)', bushwhacking (bush waaking) ~ gaadmo, gaadniin, gaatin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadis
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, si kadis ah u qabasho ama wax u yeelid; u gabbasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaadis
de: ambushing
lx: gaadis
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: gaadis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haadis
haadis¹: m.l la-mid: haadin.
haadis²: m.dh la-mid: haadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haadis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg haadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laadis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg laadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maadis
m.l la-mid: maadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naadin
(Naadin-ta)
Naado cid war ku gaarsiin ama wax ku iibin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naadin
m.f.dh eeg naadi².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naadin
-ta: (magac, dhedig, keli) baadi la hayo meel madal ah ka sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naadir
(Naadir-ka)
Aan had iyo goor la heli karin ama aan meel walba laga heli karin; dhib lagu helo ama lagu arko; lagu diimo; dhif ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naadir
naadir¹: m.l.kh Aan had iyo goor la heli karin (wax); dhif ah.
naadir²: m.l (juqr) Bar ku dhisan aragtida aan sababaysnayn ee laga helo samada gudaheeda, taas oo lid ku ah fuqa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naadir
naadir¹: m.l.kh Aan had iyo goor la heli karin (wax); dhif ah.
naadir²: m.l (juqr) Bar ku dhisan aragtida aan sababaysnayn ee laga helo samada gudaheeda, taas oo lid ku ah fuqa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naadir
m. n. rare item
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Naadir
name-m rare, precious
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naadir
-ah: (adj) rare (reer); seldom (seel'dham); uncommon (an kam 'an); extraordinary ~ dhif, marmar, dhif ah
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naadir
(tilmaame) heliddiisu yartahay oon marwalba la helin ah.
naadir-ka: (magac, lab, keli) kolkol uun la helo oon marwalba la helin. Xayawaan naadirka ah waa la xanaaneeyaa oo waa la tarmiyaa. Dh: teelteel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naadir
bw: Arabic
cf: dhif
de: rare item
lx: naadir
pd: \pd(-ka)
ps: n2-m
key: naadir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naaqis
(Naaqis-ka)
Aan dhammaystirnayn; qabyo ah; aan dhammayn; wax ka maqan yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naaqis
naaqis¹: m.l la-mid: naaqus¹.
naaqis²: f.mg1 (-say, -stay) la-mid: naaqus².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naaqis
m. n. shortage, lack, deficiency
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naaqis
-ah: (adj) incomplete (in kom piliit); short (shoort); insufficient (in safi shant) ~ naaqus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naaqis
(fal) wax buuxay ama dhamaa, in ka reeb. Dh: naaqus.
naaqis -ka: (magac, lab, keli) wax ini ka dhiman tahay. Dh: naaqus.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naaqis
bw: Arabic
de: shortage, lack, deficiency
lx: naaqis
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: naaqis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naawis
m.l la-mid: naawin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naawis
-ka: (magac, lab, keli) eeg naawin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naaxis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg naaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabdid
m.f.dh eeg nabad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabdid
-da: (magac, dhedig, keli) dad colaadi dhextaal, heshiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabdin
m.f.dh eeg nabdi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabdin
-ta: (magac, dhedig, kelidad colaadi dhextaal, heshiisil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaadis
m.dh la-mid: qaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaadis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raadis
m.l la-mid: raadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raadis
-ka: (magac, lab, keli) wax lumay ama hallaabay raadintii
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
rabais
rabais, n.m. - sicirka ama qiimaha oo hoos loo dhigo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saadis
m.l la-mid: saadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saadis
-ka: (magac, lab, keli) wax dhiciddooda awaalis; hadal saad ah ku hadlid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaadis
-ta: (magac, dhedig, keli) dusha sare wixii ku hadhay ka qaadid; ka sifayn. Dh: xaadin.
xaadis -ta: (magac, dhedig, keli) wax la qoray ganka iyo xaadda ku hadha ka xiirid. Xaadistii mooyaha ayaan ku raagay: Dh: tafaftirid, xaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaadis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg abaadid. abaaditaan -ka: (magac, lab, keli) waaritaan ama raagid. Dh: abaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawadis
m.l Neef xoolo ah sabaalin. la-mid: hawadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mahadis
m.l la-mid: mahadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mahadis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg mahadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabaadi
(fal) eeg nabaadguuri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nabaday
Waa salaaman tihiin (ama tahay); nabadgelyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nabaday
inter. goodbye!
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nabaday
(interjection); goodbye (guudhbaay); bye-bye (baay-baay) ~ nabadgalyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabaday
(fal) laba dhinac oo colaadi dhextaal heshiisii; nabad ka dhig. Eebboow dhulka noo nabadee. Dh: nabadee.
nabaday: (fal) salaan ugu baydh oo bariidada ka qaad.