nabadayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nabadayn
(Nabadayn-ta)
Nabad ka dhigid, ka dhexridid; nabadsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabadayn
nabadayn¹: e.d Nabadgeliyo.
nabadayn²: m.f.dh eeg nabadee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nabadayn
e.d Nabadgeliyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) heshiis ka dhex ridid; nabad ka dhigid. Nabadaynta colaaddu waa Diin iyo dadnimo. Dh: heshiisiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nabaday
Waa salaaman tihiin (ama tahay); nabadgelyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nabaday
inter. goodbye!
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nabaday
(interjection); goodbye (guudhbaay); bye-bye (baay-baay) ~ nabadgalyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabaday
(fal) laba dhinac oo colaadi dhextaal heshiisii; nabad ka dhig. Eebboow dhulka noo nabadee. Dh: nabadee.
nabaday: (fal) salaan ugu baydh oo bariidada ka qaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nabaday
a: nabadgelyo
de: goodbye!
lx: nabaday
ps: intj
key: nabaday
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabadsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Laba qof ama laba qolo oo dagaallamay heshiisiin; nabadayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nabadee
f.g2 (-deeyay, -daysay) Meel nabad ka dhalin. m.f.dh, nabadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gallaydhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale oo is khilaafsan, nabadayn ama heshiisiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gogoldhig
(fal) «u ~» dad is haya, nabadayntooda ka sii shaqee.
gogoldhig: (fal) «u ~» aasaas u diyaari; unug sii diyaari. u goggoldhig ciyaaraha la qaban doono.
gogoldhig-ga: (magac, lab, keli) hadal ama qoraal inta u horraysa ee lagu billaabo ee nuxurkiisa kooba. Dh: hordhac, arar.
gogoldhig-ga: (magac, lab, keli) (u ~) sii diyaarin; sii qabanqaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maslax
(fal) kala dhexdhexaadi oo heshiis samee Orod oo reerka soo kala maslax wey is haystaane. Dh: muslax, heshiisii, dhexdhexaadi. Li: iskudir.
maslax-a: (magac, lab, keli) heshiis iyo nabadayn dad is diiddan laga dhex sameeyo. Dh: muslax, heshiis. Li: iskudir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maslaxo
-da: (magac, dhedig, keli) dan cid faa'iido u ah. Colaad ninna maslaxo uguma jirto. Dh: dheef, faa'iido.
maslaxo -da: (magic,dhedig, keli) heshiis iyo nabadayn dad is diiddan laga dhex sameeyo. Dh: muslax, heshiis. Li: iskudir..
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabaddoonayn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg nabadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tolee
(fal) marka labo qof ama labo qolo la nabadaynayo oo isku reer ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ulhaye
-ha: (magac, lab, keli) ninka maamulka iyo nabadaynta beeshiisa u xilsaaran ee genduhu magacaabo. Beesha Ciise waxay leedahay ulhaye. Dh: beeldaaje
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waxgarad
-ka: (magac, lab, keli) qof caaqil ah; waxyaqaan; qof ama dad aqoon ahaan iyo garaad ahaanba ugu roon cidda halkaa joogta. Waxgaradka dalku waxay ku taliyeen in nabadaynta lagu fara adkaado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaajayaqaan
-ka: (magac, lab, keli) qof nabadaynta iyo dhexdhexaadinta yaqaan. Dh: xeeryaqaan, guurti, xeeryahan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
pacification
pacification, n.f. - nabad dhalinta; nabadayniya heshiinta; dagaal joojinta.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
pacifier
pacifier, v. - nabadayn; nabad dhalin; dajin qaboojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darbadayn
m.f.dh eeg darbadee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darbadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) biyaha lagu dabbaalanayo inta hoos loo galo, labada lugood la soo kor mariyo oo lagu dhufdhufto biyaha. Dh: shaambadayn.
darbadayn-ta: (magac, dhedig, keli) ciyaar ka badin.
darbadayn-ta: (magac, dhedig, keli) kubbad si fiican u laagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaabadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel godan, kaabad u samayn; buundo u samayn oo dhisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabarrayn
m.f.dh eeg nabarree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabarrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhawacyo badan gaadhsiin. Dh: qoonqoomid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nambarayn
m.dh la-mid: lambarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nambarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) mid walba nambar u gaar ah ku dhejin. Dh: lambarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabbadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sabbad ku dhisid, ka dhigid; sabbadays; shubid; sagbadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xabbadayn
(Xabbadayn-ta)
Xabbado la dhicid, ku ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabbadayn
m.f.dh eeg xabbadee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xabbadayn
vl. n. shooting, fusillade, strafing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabbadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xabbado la dhicid; rasaas ku ridid. Dh: rasaasayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xabbadayn
de: shooting, fusillade, strafing
initial: x
lx: xabbadayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: xabbadayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abadan
m.l.fk Eray lagu muujiyo diidmo adag. la-mid: abad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abadan
m.l.fk Erey lagu muujiyo diidmo adag. Tusaale: Abadan, yeeli maayo warkaas. la-mid: abad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abadan
: not at all, by no means
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abadan
(adv) never (ne ver); not ever; on no occasion; at no time
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abadan
(falkaabe) erey lagu cabbiro diidmada qayaxan iyo dafiraadda. Dh: abid, abad, abadan, abiido.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abadan
bw: Arabic
de: not at all, by no means
lx: abadan
pd: (-ka)
ps: neg-expr
key: abadan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) caad yeelashada cirka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabadan
-ta: (magac, dhedig, keli) dhaxanta dayrta ee aadka u qabaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) neef irmaan gaaxqab ku lisid. Ibadayn baan ku lisay qaalinta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) maad iyo maaweelo lagu qoslo samayn. Boon Xirsi waa xiddigga maadaynta Soomaalida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naafayn
(Naafayn-ta)
Naafo ka dhigid; dhaawicid; curyaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naafayn
m.f.dh eeg naafee. la-mid: naafid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naafayn
-ta: (n) the act of disabling (dis eey baling); crippling or laming; mutilation (miyuu taley-shin); maiming (meeyming) curyaamin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naafayn
-ta: (magac, dhedig, keli) curyaamin iyo heerid. Naafayntu waa dil laga badbaaday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naagayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sida naagaha usheekayn oo naagnaag iska dhigid.
naagayn -ta: (magac, dhedig, keli) gabadh guursasho oo naag la qabo ka dhigid. Dh: reerayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabadin
-ta: (magac, dhedig, keli) salaan iyo nabad ula tegid. Hooyo nabadin ayaan innii soo maray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaladayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qalab kala duwan oo waxtar leh dhigid. Meel berriba aad ka guuraysaayi aaladayn uma baahna. Dh: hubayn.
aaladayn-ta: (magac, dhedig, keli) qalab millateri iyo awood u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Irbadayn
(Irbadayn-ta)
1. Irbad ka dhigid.
2. Irbad gaar ah oo dhexda ka daloosha oo dhuun dhalo ah wadata, inta dawo socota lagu shubo, oogada ku mudid oo dawadii ku dhiijin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irbadayn
m.f.dh eeg irbadee. la-mid: cirbadayn, cirbadays, irbadays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
irbadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof buka, irbad ku durid.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Jabaqayn
Sounding
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabaraan
m.l (-nno, m.l) Libaax badeed madow oo halis ah. la-mid: neberoon.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nabaraan
m. n., [collective] large black shark species, that is very dangerous
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabaraan
-ta: (magac, dhedig, keli) jaad libaaxbadeedka ka mid ah oo aad u weyn oo madaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nabaraan
a: neberoon
de: large black shark sp., that is very dangerous
lx: nabaraan
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: nabaraan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacasayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si nacasnimo u socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nafaqayn
(Nafaqayn-ta)
Nafaqo siin, u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nafaqayn
m.f.dh eeg nafaqee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nafaqayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cunto tayo leh siin, dheefsiinta. Nafaqaynta ciyaalku waxay ka hortagtaa tabardarrida.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sababayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sabab u yeelid. Dh: sababays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabarayn
-ka: (magac, lab, keli) markab dagaal oo badda quusa. Dh: gujis, samarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yabarayn
m.f.dh eeg yabaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yabarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) (ka ~) wadaaddo qaba wax u qabasho; ka cuudin. Yabarayntu waa dhagane Diin ma aha. Dh: yabarays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badbaadayn
m.dh la-mid: badbaadin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nabadgalyo
(interjection); goodbye (guudhbaay); bye-bye (baay-baay) ~ nabadgelyo, nabadey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabadgalyo
(duco) eeg nabadgal.
nabadgalyo-da: (magac, dhedig, keli) ammaan iyo badbaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naqshadayn
(Naqshadayn-ta)
Naqshad ama naqshado u yeelid, ku qurxin; xardhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naqshadayn
m.f.dh eeg naqshadee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqshadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xaradh ama midabbo qurxoon u yeelid. Naqshadayntu qurux bay u siyaadisaa aqalada dhismahooda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rabshadayn
(Rabshadayn-ta)
Rabshad gaarsiin, ku kicin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rabshadayn
m.dh la-mid: rabshayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabshadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) rabshad iyo qas samayn; xiisad kicin. Dh: fidmayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabaradayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sabarad ku garaacid.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Shaabadayn
Timbrare
To stamp
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shabbadayn
(Shabbadayn-ta)
Shabbad ku dhufasho, la dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shabbadayn
m.dh la-mid: shaabbadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shabbadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shabbad ku dhufasho; tiimbarayn; shaabbadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacadlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) suuq bannaan ah wax ku iibin. Hooyaday bacadlayn bay shaqada ka soo billawday. Dh: wadhataysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balbalayn
m.f.dh eeg balbalee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balbalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel hadhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bambasayn
m.dh la-mid: dambasayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bardadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg bardad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirbadayn
m.dh la-mid: irbadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirbadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) irbad ka dhigid ama irbad ku mudid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daafadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof qof kale garbis xoog leh ku jiidha. Markuu i garbiyey ayaan daafadayntiisii la dhacay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaylayn
m.f.dh eeg dabaylee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaylayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xagga dabaysha u kaxayn. Xoolaha dabaylaynta ka daa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacsadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) baabuur iyo wixii la mid ah, dacsad u yeelid ama u samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacwadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dacwad ku oogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambasayn
m.f.dh eeg dambasee. la-mid: bambasayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambasayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dambas ku darid ama ku dul daadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
damradayn
m.f.dh eeg damradee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damradayn
-ta: (magac, dhedig, keli) libaaxbadeed ama wax kale, damrad ku ganid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darxadayn
m.f.dh eeg darxadee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faaradayn
(Faaradayn-ta)
Faarad marin, ku sinsimid; raandayn.