nabaadiinaxir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabaadiinaxir
-ka: (magac, lab, keli) eeg nabaaddiinaxidh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nabaaddiinaxir
(Nabaaddiinaxir-ka)
1. Wax la akhriyo (Quraan, kd.) oo barakadooda, cidaha ama xoolaha iyo dadka maqan ama lumay, ku nabad galaan.
2.* Wax la kala qorto ama lagu heshiiyo, oo qofkii dhibaato ku timaaddo ama hawl uu hayo wax ku gaaraan, wax lagu siiyo ama xoolihii ka lumay qaar loo celiyo; caymis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabaaddiinaxir
nabaaddiinaxir¹: m.l (dii.) Duco ama quraan loo akhriyo si wax lumay Eebbe u badbaadiyo; xirsixir.
nabaaddiinaxir²: f.mg1 (-ray, -rtay) Wax lumay quraan ama duco u akhriyid si Eebbe u badbaadiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nabaaddiinaxir
m.l (dii.) Duco ama quraan loo akhriyo si wax lumay Eebbe u badbaadiyo; xirsixir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nabaaddiinaxir
m. n., [compound] prayer for safety (of travelers, lost animals, etc.); meeting to make peace
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nabaaddiinaxir
de: prayer for safety (of travelers, lost animals, etc.); meeting to make peace
lx: nabaaddiinaxir
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: nabaaddiinaxir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nabaaddiinaxirid
(Nabaaddiinaxirid-da)
Nabaaddiinaxir u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabaaddiinaxirid
m.f.dh eeg nabaaddiinaxir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabaaddiinaxidh
(fal) duco reerka iyo xoolahaba inta ka maqan nabad iyo barwaaqo Eebbe loogu weydiinayo oo Quraan la akhriyo.
nabaaddiinaxidh -ka: (magac, lab, keli) Quraan la akhriyo oo barakadiisa cidaha ama xoolaha iyo dadka maqan ama lumay ilaahay ku nabad galiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabaadiino
(duco) erey uu yidhaa qof qof kale macasalaamaynaya oo jawaab u ah nabadgelyo. Qofkii nadabgelyo ku yidhaa nabaadino dheh.
nabaadiino -da: (magac, dhedig, keli) xasilloni iyo dhibaato la'aan; xaalad colaadi jirin ku sugnaan. Dh. nabadgelyo, badbaado.
nabaadiino-da: (magac, dhedig, keli) salaamadin iyo duco micnaheed yahay alleh ha ku nabadgaliyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabaaddiir
(Gabaaddiir-ta)
Aan waxba ool; cidla'; gabaahiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabaaddiir
m.dh.kh 1. Meel dhibaato saameysay oo aan dad iyo duunyo ku noolayn. 2. Dhibaato weyn. la-mid: gabaahiir, gaabahiiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabaaddiir
-ta: (magac, dhedig, keli) meel aan waxba oollin oo cidla' ah. Dh: gabaahiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabadbixid
m.f.dh eeg nabadbax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabadbixin
m.f.dh eeg nabadbixi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nabaaddiino
(Nabaaddiina-da)
1. Colaad iyo dagaal la'aan.
2. Heshiis la kala dhigto oo nabadeed.
3. Xumaan iyo dhibaato la'aan; cabsi la'aan.
4. Degganaan; xasilloonaan.
5. Laabsami; caloolsami; ~ nabadgelyo; nabad; badbaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabaaddiino
m.dh 1. Ku sugnaan xaalad aan waxyeello iyo colaad lahayn; nabad. 2. Duco dad kala tegayaa isku sagootiyaan; nabadgelyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nabaaddiino
m.dh 1. Ku sugnaan xaalad aan waxyeello iyo colaad lahayn; nabad. 2. Duco dad kala tegayaa isku sagootiyaan; nabadgelyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nabaaddiino
f. n.; [intj.]: peace, security; goodbye!, so long!
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nabaaddiino
de: peace, security; [intj] goodbye!, so long! Answer to: nabadgelyo {N}
lx: nabaaddiino
pd: (/da)
ps: n6-f
key: nabaaddiino
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabaaddiinee
f.g2 (-neeyay, -neysay) 1. Nabaaddiino akhriyid. 2. Cid macasalaameyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabaaddiinee
(fal) cid socdaalaysa, nabadgelyee oo sabooti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabaaddiineyn
m.f.dh eeg nabaaddiinee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabaaddiineyn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale oo socdaalaysa, macaslaamayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabaaddiineysan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax nabad qaba ahaansho. 2. Wax la xirsi xiray ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabaaddiineysan
(tilmaame) mid nabad qaba oo loo xirsi xidhay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabaaddiineysni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg nabaaddiineysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baadicarar
m.l Neef baadi ah oo reerihii uu la joogay ka carara.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadicarar
-ka: (magac, lab, keli) baydadka iyo qaloodka neefka baadida ah oo cidda uu soo raacay la qabsan waaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baadiqaris
m.dh Dad baadida soo gasha haysta oo aan sheegin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadixafid
-ka: (magac, lab, keli) ilaalinta xoolo aanad lahayn oo baadi kugu soo galay; ammaano xajinteed. Nin baadixafid badan baadidii ma baylahdo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaashiir
-ta: (magac, dhedig, keli) walax budo cad ka samaysan oo baruhu ardayda sabuurada wax ugu dhigo. Dh: tamaashiir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabadbaxid
-da: (magac, dhedig, keli) xagga danbe oo saxaro badan laga keeno. Dh: shuban.
dabadbaxid-da: (magac, dhedig, keli) dadka oo guryaha iyo xafiisyada ka soo baxa si ay u muujiyaan rabitaan ama diidmada wax ay ka midaysan yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nabaadguur
(Nabaadguur-ka)
Waxyeellada qorraxda iyo dabaysha iyo biyaha iyo qabowga darani ay gaarsiiyaan ciidda oo wax kala soo bixi waayaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabaadguur
nabaadguur¹: m.l (-ray, -rtay) Nafaqaddarro dhulka gaartay awgeed, geedo soo bixi waayaan.
nabaadguur²: f.mg1 (-ray, -rtay) Nafaqaddarro dhulka gaartay awgeed geed soo bixi waayid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nabaadguur
nabaadguur¹: m.l (-ray, -rtay) Nafaqaddarro dhulka gaartay awgeed, geedo soo bixi waayaan.
nabaadguur²: f.mg1 (-ray, -rtay) Nafaqaddarro dhulka gaartay awgeed geed soo bixi waayid. m.f.dh, nabaadguurid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nabaadguur
m. n., [compound] soil erosion, loss of fertility, desertification
nabaadguur: v., [compound] erode (of soil); become a desert
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nabaadguur
-ka: (n) erosion (irowshan); especially the erosion of soil; deforestation (difoores-teeyshari)
nabaadguur -ay/tay: (v) eroded land; overgrazee (ovargareeyz) land
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabaadguur
-ka: (magac, lab, keli) dhalanrog ku dhaca ciidda oo keena in waxba ka soo bixi waayaan. Jarista dhirtu dhulka nabaadguur ayay ku riddaa. Dh: xaaluf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabdaaddin
m.dh la-mid: nabdaaddiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabaashiir
tabaashiir¹: m.l Wax qalin ahaan lagu qoro sabburadaha.
tabaashiir²: m.l (jooloji) Dhagax nuuradeed saafi ah, jilicsan oo cad, oo sida caadiga ah ka samaysan kaalshiyam kaarboonayt.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tabaashiir
tabaashiir¹: m.l Wax qalin ahaan lagu qoro sabburadaha.
tabaashiir²: m.l (jool.) Dhagax nuuradeed saafi ah, jilicsan oo cad, oo sida caadiga ah ka samaysan kaalshiyam kaarboonayt.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tabaashiir
Chalk
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tabaashiir
f. n. chalk, piece of chalk (for a blackboard)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tabaashiir
-ta: (n) chalk (jook); blackboard chalk ~jeeso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaashiir
-ta: (magac, dhedig, keli) dhagax cad ama midabyo kale leh oo sabuuradaha lagu qorto. Dh: jeesto, tamaashiir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tabaashiir
bw: Arabic
de: chalk, piece of chalk (for a blackboard)
initial: t
lx: tabaashiir
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: tabaashiir
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
tabaashiir
طَبَاشِيرٍ، حُوَّارَى
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabaaditaan
-ka: (magac, lab, keli) cabaad soo saarid; qaylin.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cabdidaahir
name-m ritually purified servant
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Cabdinaasir
name: Abdi Nassir
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Cabdinaasir
bw: Arabic
de: Abdi Nassir
lx: Cabdinaasir
ps: name-m
key: Cabdinaasir
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadaadisyar
m.l (-yo , m.dh) (juqraafi) Gobol cadaadis gibilkiisu hooseeyo marka loo eego meelaha ku wareeraysan, mararka qaarkood waxaa loo yaqaan gufaaco.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Gaadiid cir
Trasporto aereo
Air transport
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Laba dhinac
Bilaterale
Bilateral
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laba-dhinac
m. n., [compound] two way street
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laba-dhinac
cf: haldhinac
de: two way street
lx: laba-dhinac
pd: (-a)
ps: n2a-m-cmp
key: laba-dhinac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabaadguuri
f.g2 (-iyay, -isay) Dhul nabaadguur ku ridid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nabaadguuri
f.g2 (-iyay, -isay) Dhul nabaadguur ku ridid. m.f.dh, nabaadguurin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabaadguuri
(fal) xaalufi oo wixii uu dhulku khayraad iyo daaq lahaa baabi'i. Ninna dhulkiisa nabaadguuri isma yidhaa
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabdaadiyid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale bariidin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naftiihawir
-ka: (magac, lab, keli) eeg naftihafar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaaljirjir
-ta: (magac, dhedig, keli) dabbaal bogga dusha la mariyo dhabarkana xagga hoose oo biyaha la dulseexdo. Dh: dabbaaljirjir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nabaadguurid
(Nabaadguurid-da)
Nabaadguur ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabaadguurid
m.f.dh eeg nabaadguur².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabaadguurid
-da: (magac, dhedig, keli) xaalufid oo wax abaaroobay noqosho. Sunta warshaduhu nabaadguurid ayay keentaa. Dh: xaalufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabaadguurin
m.f.dh eeg nabaadguuri. la-mid: nabaadguuris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabaadguurin
-ta: (magac, dhedig, keli) doog iyo daaq wixii jiray baabi'in oo meel waxba ka bixin ka dhigid. Nabaadguurinta dhulka ka ilaali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabaadguuris
m.l la-mid: nabaadguurin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabaadguuris
-ka: (magac, lab, keli) dhul xaalufin oo wax abaaroobay ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabaddoonayn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg nabadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabadkatalin
-ta: (magac, dhedig, keli) nadad iyo suguddeeda ka shaqayn. Ugaas waxa lagu yagaan nabadkatalin. Dh: samokatalin Li: xumo katalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nabdaaddiyid
(Nabdaaddiyid-da)
Cid ma nabad baa? ku dhihid; salaamid; gacanqaadid; gacansaarid; bariidin; nabdaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabdaaddiyid
m.f.dh eeg nabdaddi². la-mid: nabdaaddin, nabdaaddis.